1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الر ۚ كِتَابٌ أُحْكِمَتْ آيَاتُهُ ثُمَّ فُصِّلَتْ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ خَبِيرٍ
Alif-lam-ra kitabun ohkimatayatuhu thumma fussilat min ladun hakeeminkhabeer
Somali
Erayga hore wuxuu ku Tusin Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la
sugay Aayadihiisa, markaas lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og
Xaggiisa.
|
Ayah 11:2 الأية
أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا اللهَ ۚ إِنَّنِي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ وَبَشِيرٌ
Alla taAAbudoo illa Allahainnanee lakum minhu natheerun wabasheer
Somali
inaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebe
Dige Bishaareeya.
|
Ayah 11:3 الأية
وَأَنِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُمَتِّعْكُم مَّتَاعًا
حَسَنًا إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَيُؤْتِ كُلَّ ذِي فَضْلٍ فَضْلَهُ ۖ وَإِن
تَوَلَّوْا فَإِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ كَبِيرٍ
Waani istaghfiroo rabbakum thumma toobooilayhi yumattiAAkum mataAAan hasanan
ilaajalin musamman wayu/ti kulla thee fadlin fadlahuwa-in tawallaw fa-inee
akhafu AAalaykum AAathabayawmin kabeer
Somali
dambi dhaafna warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol
wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli)
dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan
Cadaab Maalin wayn.
|
Ayah 11:4 الأية
إِلَى اللهِ مَرْجِعُكُمْ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Ila Allahi marjiAAukum wahuwaAAala kulli shay-in qadeer
Somali
xagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa.
|
Ayah 11:5 الأية
أَلَا إِنَّهُمْ يَثْنُونَ صُدُورَهُمْ لِيَسْتَخْفُوا مِنْهُ ۚ أَلَا حِينَ
يَسْتَغْشُونَ ثِيَابَهُمْ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ ۚ إِنَّهُ
عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Ala innahum yathnoona sudoorahumliyastakhfoo minhu ala heena yastaghshoona
thiyabahumyaAAlamu ma yusirroona wama yuAAlinoona innahuAAaleemun bithati
assudoor
Somali
waxay iilayaan Laabtooda inay iska qariyaan Eebe, markay isku dadi maryahooda
waa ogyahay Eebe waxay qarsan iyo waxay Muujin, illeen Eebe waa igyahay waxa
laabta ku sugane.
|
Ayah 11:6 الأية
وَمَا مِن دَابَّةٍ فِي الْأَرْضِ إِلَّا عَلَى اللهِ رِزْقُهَا وَيَعْلَمُ
مُسْتَقَرَّهَا وَمُسْتَوْدَعَهَا ۚ كُلٌّ فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ
Wama min dabbatin fee al-ardiilla AAala Allahi rizquha wayaAAlamumustaqarraha
wamustawdaAAaha kullun fee kitabinmubeen
Somali
Dhul socod kasta Risqigeedu wuxuu saaranyahay Eebe wuxuuna ogyahay meejey ku
Hoyan ooy u dheelman dhammaanna Kitaab Cad yey ku suganyihiin.
|
Ayah 11:7 الأية
وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَكَانَ
عَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۗ وَلَئِن
قُلْتَ إِنَّكُم مَّبْعُوثُونَ مِن بَعْدِ الْمَوْتِ لَيَقُولَنَّ الَّذِينَ
كَفَرُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Wahuwa allathee khalaqa assamawatiwal-arda fee sittati ayyamin wakanaAAarshuhu
AAala alma-i liyabluwakum ayyukum ahsanuAAamalan wala-in qulta innakum
mabAAoothoona min baAAdi almawtilayaqoolanna allatheena kafaroo in hatha
illasihrun mubeen
Somali
Eebe waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood, wuxuuna ahaa
Carshihiisu Biyo korkood inuu idin Imtixaamo kiinna Camalka Wanaagsan, haddaad
dhahdo waa laydin soo bixin Geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay kani waxaan
sixir Cad ahayn ma aha.
|
Ayah 11:8 الأية
وَلَئِنْ أَخَّرْنَا عَنْهُمُ الْعَذَابَ إِلَىٰ أُمَّةٍ مَّعْدُودَةٍ
لَّيَقُولُنَّ مَا يَحْبِسُهُ ۗ أَلَا يَوْمَ يَأْتِيهِمْ لَيْسَ مَصْرُوفًا
عَنْهُمْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ
Wala-in akhkharna AAanhumu alAAathabaila ommatin maAAdoodatin layaqoolunna ma
yahbisuhuala yawma ya/teehim laysa masroofan AAanhum wahaqabihim ma kanoo bihi
yastahzi-oon
Somali
haddaan dib uga dhigno Cadaabka Xaggooda tan iyo muddo tirsa waxay odhan maxaa
celinaya, maalintuuse u yimaaddo mid Iaga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku
,jeesjeesi (Ciqaabtiisii).
|
Ayah 11:9 الأية
وَلَئِنْ أَذَقْنَا الْإِنسَانَ مِنَّا رَحْمَةً ثُمَّ نَزَعْنَاهَا مِنْهُ إِنَّهُ
لَيَئُوسٌ كَفُورٌ
Wala-in athaqna al-insanaminna rahmatan thumma nazaAAnahaminhu innahu layaoosun
kafoor
Somali
haddaan dhadhansiinno Dadka naxariis xaggannaga ah markaas aan ka qaadno wuxuu
noqdaa mid quusasho badan oo dafir hadan.
|
Ayah 11:10 الأية
وَلَئِنْ أَذَقْنَاهُ نَعْمَاءَ بَعْدَ ضَرَّاءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ ذَهَبَ
السَّيِّئَاتُ عَنِّي ۚ إِنَّهُ لَفَرِحٌ فَخُورٌ
Wala-in athaqnahu naAAmaabaAAda darraa massat-hu layaqoolanna thahabaassayyi-atu
AAannee innahu lafarihunfakhoor
Somali
haddaan dhadhansiinno Dadka Niemo dhib taabtay ka dib wuxuu dhihi wwaxaa iga
tagay sumaanti isagoo Farax iyo faan ku sugan.
|
Ayah 11:11 الأية
إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أُولَٰئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ
وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Illa allatheena sabaroowaAAamiloo assalihati ola-ika lahummaghfiratun waajrun
kabeer
Somali
kuwa Samra ee canal fiica fala mooyee, kuwaasna waxaa u sugnaaday dambi dhaaf
iyo ajir wayn.
|
Ayah 11:12 الأية
فَلَعَلَّكَ تَارِكٌ بَعْضَ مَا يُوحَىٰ إِلَيْكَ وَضَائِقٌ بِهِ صَدْرُكَ أَن
يَقُولُوا لَوْلَا أُنزِلَ عَلَيْهِ كَنزٌ أَوْ جَاءَ مَعَهُ مَلَكٌ ۚ إِنَّمَا
أَنتَ نَذِيرٌ ۚ وَاللهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ
FalaAAallaka tarikun baAAda mayooha ilayka wada-iqun bihi sadruka anyaqooloo
lawla onzila AAalayhi kanzun aw jaamaAAahu malakun innama anta natheerun
wallahuAAala kulli shay-in wakeel
Somali
waxaad u dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy Ia
cidhiidhyanto Laabtaadu inay dhahaan maa lagu soo Dejiyo korkiisa Kansi ama Ia
yimaaddo malag, adugu waxaad uun tahay Dige, Eebana wax kasta wuxuu u yahay
(Ilaaliye) Wakiil.
|
Ayah 11:13 الأية
أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ فَأْتُوا بِعَشْرِ سُوَرٍ مِّثْلِهِ
مُفْتَرَيَاتٍ وَادْعُوا مَنِ اسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ اللهِ إِن كُنتُمْ
صَادِقِينَ
Am yaqooloona iftarahu qul fa/toobiAAashri suwarin mithlihi muftarayatin
wadAAoomani istataAAtum min dooni Allahi in kuntum sadiqeen
Somali
mise waxay odhan wuu been abuurtay, waxaad dhahdaa karaa Toban Suuradood oo la
mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay
haddaad run sheegaysaan.
|
Ayah 11:14 الأية
فَإِلَّمْ يَسْتَجِيبُوا لَكُمْ فَاعْلَمُوا أَنَّمَا أُنزِلَ بِعِلْمِ اللهِ
وَأَن لَّا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ
Fa-illam yastajeeboo lakum faAAlamooannama onzila biAAilmi Allahi waan la
ilahailla huwa fahal antum muslimoon
Somali
14, haddayna idin Ajiibin «yeelin» ogaada in lagu soo dejiyey Quraanka ogaansho
Eebe iyo inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, a ma islaamaysaan.
|
Ayah 11:15 الأية
مَن كَانَ يُرِيدُ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا وَزِينَتَهَا نُوَفِّ إِلَيْهِمْ
أَعْمَالَهُمْ فِيهَا وَهُمْ فِيهَا لَا يُبْخَسُونَ
Man kana yureedu alhayataaddunya wazeenataha nuwaffi ilayhim aAAmalahumfeeha
wahum feeha la yubkhasoon
Somali
ciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhamaynaynaa camalkooda
dhexdeeda lagamana nusqaamiyo.
|
Ayah 11:16 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَيْسَ لَهُمْ فِي الْآخِرَةِ إِلَّا النَّارُ ۖ وَحَبِطَ مَا
صَنَعُوا فِيهَا وَبَاطِلٌ مَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Ola-ika allatheena laysa lahumfee al-akhirati illa annaru wahabitama sanaAAoo
feeha wabatilun makanoo yaAAmaloon
Somali
Kuwaasuna waa kuwaan kulahayn Aakhiro waxaan Naar ahayn, waxaana buray waxay ku
sameeyeen dhexdeeda waxaana baadhila (wax kama jire ah) waxay falayeen.
|
Ayah 11:17 الأية
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّهِ وَيَتْلُوهُ شَاهِدٌ مِّنْهُ وَمِن
قَبْلِهِ كِتَابُ مُوسَىٰ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ أُولَٰئِكَ يُؤْمِنُونَ بِهِ ۚ
وَمَن يَكْفُرْ بِهِ مِنَ الْأَحْزَابِ فَالنَّارُ مَوْعِدُهُ ۚ فَلَا تَكُ فِي
مِرْيَةٍ مِّنْهُ ۚ إِنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ
لَا يُؤْمِنُونَ
Afaman kana AAala bayyinatinmin rabbihi wayatloohu shahidun minhu wamin qablihi
kitabumoosa imaman warahmatan ola-ikayu/minoona bihi waman yakfur bihi mina
al-ahzabi fannarumawAAiduhu fala taku fee miryatin minhu innahu alhaqqumin
rabbika walakinna akthara annasi layu/minoon
Somali
Ruux ku sugan (Xujo) cad oo Eebihiis, uu raacina marag Eebe, hortiisna ahaayeen
Kitaabkii Muuse isagoo Imaam iyo Naxariis ah ma la midbaa mid adduunyo uun
doonay, kuwaas fiican way rumeyn Quraanka, ciddii ka gaalowda Quraanka iyo
Nabiga oo Xisbiyada ka mida Naarbaa ballan u ah, ee ha noqon mid Shakiya
Xaggiisa isagu waa Xaq Eebe ka ahaadaye, laakiin Dadka Radankiis ma Rumeeyaan.
|
Ayah 11:18 الأية
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللهِ كَذِبًا ۚ أُولَٰئِكَ يُعْرَضُونَ
عَلَىٰ رَبِّهِمْ وَيَقُولُ الْأَشْهَادُ هَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ كَذَبُوا عَلَىٰ
رَبِّهِمْ ۚ أَلَا لَعْنَةُ اللهِ عَلَى الظَّالِمِينَ
Waman athlamu mimmani iftaraAAala Allahi kathiban ola-ika yuAAradoonaAAala
rabbihim wayaqoolu al-ashhadu haola-iallatheena kathaboo AAala rabbihim
alalaAAnatu Allahi AAala aththalimeen
Somali
yaa ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe Been, kuwaas waxaa loo bandhigi
Eebahood waxayna odhan maraggu kuwaasu waa kuwa ku been abuurtay Eebahood
Lacnadi ha ahaato Daalimiinta korkooda.
|
Ayah 11:19 الأية
الَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم
بِالْآخِرَةِ هُمْ كَافِرُونَ
Allatheena yasuddoona AAansabeeli Allahi wayabghoonaha AAiwajan wahum
bil-akhiratihum kafiroon
Somali
19, ee ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebe lana dooni Qallooc Aakharana ka gaaloobay.
|
Ayah 11:20 الأية
أُولَٰئِكَ لَمْ يَكُونُوا مُعْجِزِينَ فِي الْأَرْضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ
اللهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ۘ يُضَاعَفُ لَهُمُ الْعَذَابُ ۚ مَا كَانُوا
يَسْتَطِيعُونَ السَّمْعَ وَمَا كَانُوا يُبْصِرُونَ
Ola-ika lam yakoonoo muAAjizeena feeal-ardi wama kana lahum min dooni Allahimin
awliyaa yudaAAafu lahumu alAAathabu makanoo yastateeAAoona assamAAa wama
kanooyubsiroon
Somali
kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebe Dhulka dhexdiisa umana sugna wax Eebe ka soo
hadhay oo u gargaari waxaana loo Iaablaabi cadaabka, mana karaan inay (Xaqa)
maqlaan ama arkaan.
|
Ayah 11:21 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا
يَفْتَرُونَ
Ola-ika allatheena khasirooanfusahum wadalla AAanhum ma kanoo yaftaroon
Somali
kuwaasu waa kuwa Khasaariyey Naftooda waxaana ka dhumay waxay been abuurteen.
|
Ayah 11:22 الأية
لَا جَرَمَ أَنَّهُمْ فِي الْآخِرَةِ هُمُ الْأَخْسَرُونَ
La jarama annahum fee al-akhiratihumu al-akhsaroon
Somali
waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyaga uun khasaaro badnaadeen.
|
Ayah 11:23 الأية
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَأَخْبَتُوا إِلَىٰ رَبِّهِمْ
أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Inna allatheena amanoowaAAamiloo asalihati waakhbatoo ilarabbihim ola-ika
as-habu aljannati hum feehakhalidoon
Somali
kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay oo u noqday Eebahood kuwaasu waa
Jannada Ehelkeeda wayn, ku dhex waari.
|
Ayah 11:24 الأية
مَثَلُ الْفَرِيقَيْنِ كَالْأَعْمَىٰ وَالْأَصَمِّ وَالْبَصِيرِ وَالسَّمِيعِ ۚ
هَلْ يَسْتَوِيَانِ مَثَلًا ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Mathalu alfareeqayni kalaAAmawal-asammi walbaseeri wassameeAAihal yastawiyani
mathalan afala tathakkaroon
Somali
waxay La midyihiin Labada kooxood mid indhala' iyo mid dhaaa la' mid wax arka
iyo mid wax maqli ma simanyihiin tusaale ahaan miyeydaan wax xusuusaneyn.
|
Ayah 11:25 الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ إِنِّي لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Walaqad arsalna noohan ilaqawmihi innee lakum natheerun mubeen
Somali
waxaan u diray (Nabi) Nuux qoomkiisii (Isagoo leh) waxaan idiin ahay dige Cad.
|
Ayah 11:26 الأية
أَن لَّا تَعْبُدُوا إِلَّا اللهَ ۖ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ
أَلِيمٍ
An la taAAbudoo illa Allahainnee akhafu AAalaykum AAathaba yawmin aleem
Somali
inaydaan Caabudin wax Eebe ka soo hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab
Maalin daran.
|
Ayah 11:27 الأية
فَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ مَا نَرَاكَ إِلَّا بَشَرًا
مِّثْلَنَا وَمَا نَرَاكَ اتَّبَعَكَ إِلَّا الَّذِينَ هُمْ أَرَاذِلُنَا بَادِيَ
الرَّأْيِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍ بَلْ نَظُنُّكُمْ كَاذِبِينَ
Faqala almalao allatheenakafaroo min qawmihi ma naraka illa basharanmithlana
wama naraka ittabaAAaka illaallatheena hum arathiluna badiya arra/yiwama nara
lakum AAalayna min fadlinbal nathunnukum kathibeen
Somali
waxayna dheheen madaxdii Gaalowday oo qoomkiisa ka mida waxaan bashar nala mida
ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwannaga xun
xun ee ku deg dega ra'yiga, Kuugumana ara- gno korkannaga wax dheeraada waxaanse
idiin malaynaynaa Beenaalayaal.
|
Ayah 11:28 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي
رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا
كَارِهُونَ
Qala ya qawmi araaytum inkuntu AAala bayyinatin min rabbee waataneerahmatan min
AAindihi faAAummiyat AAalaykum anulzimukumoohawaantum laha karihoon
Somali
wuxuuna yidhi Qoomkayow ka warrama haddaan Xujo (cad) oo Eebahay ku sugnahay uu
ina siiyey naxariis Xaggiisa oo Laydinka indho tiray miyaao idinkii laasimin
karraa idinkoo nici.
|
Ayah 11:29 الأية
وَيَا قَوْمِ لَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مَالًا ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى
اللهِ ۚ وَمَا أَنَا بِطَارِدِ الَّذِينَ آمَنُوا ۚ إِنَّهُم مُّلَاقُو رَبِّهِمْ
وَلَٰكِنِّي أَرَاكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ
Waya qawmi la as-alukumAAalayhi malan in ajriya illa AAala Allahiwama ana
bitaridi allatheena amanooinnahum mulaqoo rabbihim walakinnee arakumqawman
tajhaloon
Somali
Qoomkayow idin warsan maayo Xoolo, Ajirkayga Eebaa haya, mana eryayo kuwa xaqa
rumeeyey illeen iyagu waxayla kulmi Eebahoode, waxaanse idinku arkaa Qoom
Jaahiliina.
|
Ayah 11:30 الأية
وَيَا قَوْمِ مَن يَنصُرُنِي مِنَ اللهِ إِن طَرَدتُّهُمْ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Waya qawmi man yansurunee minaAllahi in taradtuhum afala tathakkaroon
Somali
Qoomkayow yaa iiga gargaari Eebe haddaan eryo kuwaas (Xaqa rumeeyey) miyeydaao
wax Xusuusanayn.
|
Ayah 11:31 الأية
وَلَا أَقُولُ لَكُمْ عِندِي خَزَائِنُ اللهِ وَلَا أَعْلَمُ الْغَيْبَ وَلَا
أَقُولُ إِنِّي مَلَكٌ وَلَا أَقُولُ لِلَّذِينَ تَزْدَرِي أَعْيُنُكُمْ لَن
يُؤْتِيَهُمُ اللهُ خَيْرًا ۖ اللهُ أَعْلَمُ بِمَا فِي أَنفُسِهِمْ ۖ إِنِّي
إِذًا لَّمِنَ الظَّالِمِينَ
Wala aqoolu lakum AAindee khaza-inuAllahi wala aAAlamu alghayba wala aqooluinnee
malakun wala aqoolu lillatheena tazdareeaAAyunukum lan yu/tiyahumu Allahu
khayran AllahuaAAlamu bima fee anfusihim innee ithan lamina aththalimeen
Somali
idima dhahayo waxaa agtayda ah Khasaa'intii Eebe mana ogi waxa maqan, idinmana
odhanaayo waxaan ahay Malaa'ig, idinmana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma
siinayo Eebc khayr, Eebaa og waxa Naftooda ku sugan, markaas waxaan ka mid noqon
Daalimiinta.
|
Ayah 11:32 الأية
قَالُوا يَا نُوحُ قَدْ جَادَلْتَنَا فَأَكْثَرْتَ جِدَالَنَا فَأْتِنَا بِمَا
تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
Qaloo ya noohu qad jadaltanafaaktharta jidalana fa/tina bimataAAiduna in kunta
mina assadiqeen
Somali
waxay dheheen Nuuxow waad nala dooday ood badisay la doodkannaga, ee noo keen
waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi.
|
Ayah 11:33 الأية
قَالَ إِنَّمَا يَأْتِيكُم بِهِ اللهُ إِن شَاءَ وَمَا أَنتُم بِمُعْجِزِينَ
Qala innama ya/teekum bihi Allahuin shaa wama antum bimuAAjizeen
Somali
wuxuuna yidhi waxaa uun idiin keeni (kara) Eebe hadduu doono, mana tihiin kuwo
daalin Eebe.
|
Ayah 11:34 الأية
وَلَا يَنفَعُكُمْ نُصْحِي إِنْ أَرَدتُّ أَنْ أَنصَحَ لَكُمْ إِن كَانَ اللهُ
يُرِيدُ أَن يُغْوِيَكُمْ ۚ هُوَ رَبُّكُمْ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Wala yanfaAAukum nushee inaradtu an ansaha lakum in kana Allahuyureedu an
yughwiyakum huwa rabbukum wa-ilayhi turjaAAoon
Somali
waxna idiinma tarto Naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeeyo hadduu
Eebe doono inuu iddin baadiyeeyo illeen waa Eebihiine. xagiisaana laydiin celin.
|
Ayah 11:35 الأية
أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ إِنِ افْتَرَيْتُهُ فَعَلَيَّ إِجْرَامِي
وَأَنَا بَرِيءٌ مِّمَّا تُجْرِمُونَ
Am yaqooloona iftarahu qul iniiftaraytuhu faAAalayya ijramee waana baree-on
mimmatujrimoon
Somali
mise waxay dhihi isagaa been ahuurtay, waxaad dhahdaa haddaan been abuurto
dambigaygu anuu isaaranyahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan.
|
Ayah 11:36 الأية
وَأُوحِيَ إِلَىٰ نُوحٍ أَنَّهُ لَن يُؤْمِنَ مِن قَوْمِكَ إِلَّا مَن قَدْ آمَنَ
فَلَا تَبْتَئِسْ بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ
Waoohiya ila noohinannahu lan yu/mina min qawmika illa man qad amanafala
tabta-is bima kanoo yafAAaloon
Somali
waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn Qoomkaaga inta ku rumaysay
waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali.
|
Ayah 11:37 الأية
وَاصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا وَلَا تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ
ظَلَمُوا ۚ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ
WasnaAAi alfulka bi-aAAyuninawawahyina wala tukhatibnee fee allatheenathalamoo
innahum mughraqoon
Somali
samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana igula hadlin (xaalka) kuwii
dulmi falay waa Ia maansheyne.
|
Ayah 11:38 الأية
وَيَصْنَعُ الْفُلْكَ وَكُلَّمَا مَرَّ عَلَيْهِ مَلَأٌ مِّن قَوْمِهِ سَخِرُوا
مِنْهُ ۚ قَالَ إِن تَسْخَرُوا مِنَّا فَإِنَّا نَسْخَرُ مِنكُمْ كَمَا تَسْخَرُونَ
WayasnaAAu alfulka wakullamamarra AAalayhi malaon min qawmihi sakhiroo minhu
qala intaskharoo minna fa-inna naskharu minkum kamataskharoon
Somali
wuxuu samaynayye Doon mar kasta oo Qoomkiisa koox ka mida martana way ku jees
jeesayeen wuxuuna ku dhahayey haddaad nagu jees jeestaan anaguna waan idinku
jees jeesi saad u jees jeesaysaan.
|
Ayah 11:39 الأية
فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيْهِ عَذَابٌ
مُّقِيمٌ
Fasawfa taAAlamoona man ya/teehi AAathabunyukhzeehi wayahillu AAalayhi AAathabun
muqeem
Somali
waadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta
ah.
|
Ayah 11:40 الأية
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ قُلْنَا احْمِلْ فِيهَا مِن
كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ الْقَوْلُ
وَمَنْ آمَنَ ۚ وَمَا آمَنَ مَعَهُ إِلَّا قَلِيلٌ
Hatta itha jaaamruna wafara attannooru qulna ihmilfeeha min kullin zawjayni
ithnayni waahlaka illaman sabaqa AAalayhi alqawlu waman amana wama amanamaAAahu
illa qaleel
Somali
markuu yimid amarkannagii oo Tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi ku xambaar
Doonida nooc kasta Labo iyo Xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo
cidii rumaysa xaqa (iyana ku xambaar) mana rumeynin wax yar mooyee.
|
Ayah 11:41 الأية
وَقَالَ ارْكَبُوا فِيهَا بِسْمِ اللهِ مَجْرَاهَا وَمُرْسَاهَا ۚ إِنَّ رَبِّي
لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ
Waqala irkaboo feeha bismi Allahimajraha wamursaha inna rabbeelaghafoorun raheem
Somali
wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi
dhaafe naxariista.
|
Ayah 11:42 الأية
وَهِيَ تَجْرِي بِهِمْ فِي مَوْجٍ كَالْجِبَالِ وَنَادَىٰ نُوحٌ ابْنَهُ وَكَانَ
فِي مَعْزِلٍ يَا بُنَيَّ ارْكَب مَّعَنَا وَلَا تَكُن مَّعَ الْكَافِرِينَ
Wahiya tajree bihim fee mawjin kaljibaliwanada noohunu ibnahu wakana
feemaAAzilin ya bunayya irkab maAAana walatakun maAAa alkafireen
Somali
wayna la socotay hir dhexdiis oo buuro la mida wuxuuna u dhawaaqay Nabi Nuux
Wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah (Isagoo leh) Wiilkaygow nala soo kor
hana la jirin gaalada.
|
Ayah 11:43 الأية
قَالَ سَآوِي إِلَىٰ جَبَلٍ يَعْصِمُنِي مِنَ الْمَاءِ ۚ قَالَ لَا عَاصِمَ
الْيَوْمَ مِنْ أَمْرِ اللهِ إِلَّا مَن رَّحِمَ ۚ وَحَالَ بَيْنَهُمَا الْمَوْجُ
فَكَانَ مِنَ الْمُغْرَقِينَ
Qala saawee ila jabalinyaAAsimunee mina alma-i qala la AAasimaalyawma min amri
Allahi illa man rahima wahalabaynahuma almawju fakana mina almughraqeen
Somali
wuxuuna ku yidhi waxaan u dunmi buur iga dhawrta Biyaha wuxuu yidhi (Nabi Nuux)
wax ilaalin kara maanta amarka Eebe ma jiro cid Eebe u naxariistay mooyee,
waxaana kala dhex maray hirkii wuxuuna noqday Wiilkii kuwa la maansheeyey.
|
Ayah 11:44 الأية
وَقِيلَ يَا أَرْضُ ابْلَعِي مَاءَكِ وَيَا سَمَاءُ أَقْلِعِي وَغِيضَ الْمَاءُ
وَقُضِيَ الْأَمْرُ وَاسْتَوَتْ عَلَى الْجُودِيِّ ۖ وَقِيلَ بُعْدًا لِّلْقَوْمِ
الظَّالِمِينَ
Waqeela ya ardu iblaAAee maakiwaya samao aqliAAee wagheeda almaowaqudiya al-amru
wastawat AAala aljoodiyyiwaqeela buAAdan lilqawmi aththalimeen
Somali
waxaana la yidhi dhulow Liq Biyahaaga Samooyna qaad (Jooji) waxaana la yareeyey
«la gudhiyey» Biyihii waxaana la xukumay Amarkii waxayna Ku dul ekaatay Doontii
Juudi waxaana la yidhi fogaansho haw sugnaato Qoomka Daalimiinta ah.
|
Ayah 11:45 الأية
وَنَادَىٰ نُوحٌ رَّبَّهُ فَقَالَ رَبِّ إِنَّ ابْنِي مِنْ أَهْلِي وَإِنَّ
وَعْدَكَ الْحَقُّ وَأَنتَ أَحْكَمُ الْحَاكِمِينَ
Wanada noohun rabbahufaqala rabbi inna ibnee min ahlee wa-inna waAAdaka
alhaqquwaanta ahkamu alhakimeen
Somali
wuxuu u dhawaaqay (Baryey) Nabi Nuux Eebihiis wuxunna yidhi Eebow Wiilkaygu
wuxuu ka mid yahay Ehelkeyga Yaboohaaguna waa xaq (sugan)adaana xuk unkaagu
falsanyahay.
|
Ayah 11:46 الأية
قَالَ يَا نُوحُ إِنَّهُ لَيْسَ مِنْ أَهْلِكَ ۖ إِنَّهُ عَمَلٌ غَيْرُ صَالِحٍ ۖ
فَلَا تَسْأَلْنِ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۖ إِنِّي أَعِظُكَ أَن تَكُونَ مِنَ
الْجَاهِلِينَ
Qala ya noohu innahulaysa min ahlika innahu AAamalun ghayru salihin falatas-alni
ma laysa laka bihi AAilmun innee aAAithukaan takoona mina aljahileen
Somali
Eebe wuxuu yidhi Nuuxow Wiilku Ehelkaaga kama mid ma aha waana camal aan
suubanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn waxaan kaa waanin inaad
jaahiliinta ka mid noqoto.
|
Ayah 11:47 الأية
قَالَ رَبِّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ أَنْ أَسْأَلَكَ مَا لَيْسَ لِي بِهِ عِلْمٌ ۖ
وَإِلَّا تَغْفِرْ لِي وَتَرْحَمْنِي أَكُن مِّنَ الْخَاسِرِينَ
Qala rabbi innee aAAoothu bikaan as-alaka ma laysa lee bihi AAilmun
wa-illataghfir lee watarhamnee akun mina alkhasireen
Somali
wuxuuna yidhi Nabi Nuux Eebow waxaan kaa magan galay inaan ku warsado waxaanan u
cilmi lahayn haddaadan ii dambi dhaafin oodan ii naxariisan waxaan ka mid noqon
kuwa khasaaray.
|
Ayah 11:48 الأية
قِيلَ يَا نُوحُ اهْبِطْ بِسَلَامٍ مِّنَّا وَبَرَكَاتٍ عَلَيْكَ وَعَلَىٰ أُمَمٍ
مِّمَّن مَّعَكَ ۚ وَأُمَمٌ سَنُمَتِّعُهُمْ ثُمَّ يَمَسُّهُم مِّنَّا عَذَابٌ
أَلِيمٌ
Qeela ya noohu ihbitbisalamin minna wabarakatin AAalayka waAAalaomamin mimman
maAAaka waomamun sanumattiAAuhum thumma yamassuhumminna AAathabun aleem
Somali
waxaa lagu yidhi Nuuxow ku deg Nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira,
ummadana waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka
ahaada.
|
Ayah 11:49 الأية
تِلْكَ مِنْ أَنبَاءِ الْغَيْبِ نُوحِيهَا إِلَيْكَ ۖ مَا كُنتَ تَعْلَمُهَا أَنتَ
وَلَا قَوْمُكَ مِن قَبْلِ هَٰذَا ۖ فَاصْبِرْ ۖ إِنَّ الْعَاقِبَةَ لِلْمُتَّقِينَ
Tilka min anba-i alghaybi nooheehailayka ma kunta taAAlamuha anta wala
qawmukamin qabli hatha fasbir inna alAAaqibatalilmuttaqeen
Somali
kaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan ahayn mid og adi iyo
Qoomkaagu midna kan hortiis ee samir cidhibta (Fiican) waxaa leh kuwa dhawrsada.
|
Ayah 11:50 الأية
وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ مَا لَكُم
مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُفْتَرُونَ
Wa-ila AAadin akhahumhoodan qala ya qawmi oAAbudoo Allaha malakum min ilahin
ghayruhu in antum illa muftaroon
Somali
Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud, wuxuuna yidhi Qoomkayow caabuda
Eebe Ilaah kale idiinma sugnee waxaan been abuurasho ahayna kuma sugnidin.
|
Ayah 11:51 الأية
يَا قَوْمِ لَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى
الَّذِي فَطَرَنِي ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Ya qawmi la as-alukum AAalayhiajran in ajriya illa AAala allathee fataraneeafala
taAAqiloon
Somali
Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Eebaha
i Abuuray ee miyeydaan wax kasayn.
|
Ayah 11:52 الأية
وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ
عَلَيْكُم مِّدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا
مُجْرِمِينَ
Waya qawmi istaghfiroo rabbakumthumma tooboo ilayhi yursili assamaa
AAalaykummidraran wayazidkum quwwatan ila quwwatikum walatatawallaw mujrimeen
Somali
Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna ha soo (Daayo) diro
Samada (Roobka) korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana
jeedsanina idinkoo Dambiilayaal ah.
|
Ayah 11:53 الأية
قَالُوا يَا هُودُ مَا جِئْتَنَا بِبَيِّنَةٍ وَمَا نَحْنُ بِتَارِكِي آلِهَتِنَا
عَن قَوْلِكَ وَمَا نَحْنُ لَكَ بِمُؤْمِنِينَ
Qaloo ya hoodu maji/tana bibayyinatin wama nahnu bitarikeealihatina AAan qawlika
wama nahnulaka bimu/mineen
Somali
waxay dheheen Huudow noolama aadan imaanin Xujo cad kagamana tageeyono
llaalryahannaga hadalkaaga kumana rumeynayno.
|
Ayah 11:54 الأية
إِن نَّقُولُ إِلَّا اعْتَرَاكَ بَعْضُ آلِهَتِنَا بِسُوءٍ ۗ قَالَ إِنِّي أُشْهِدُ
اللهَ وَاشْهَدُوا أَنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تُشْرِكُونَ
In naqoolu illa iAAtaraka baAAdualihatina bisoo-in qala innee oshhidu
Allahawashhadoo annee baree-on mimma tushrikoon
Somali
wax kale kuguma dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen
xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan
bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada).
|
Ayah 11:55 الأية
مِن دُونِهِ ۖ فَكِيدُونِي جَمِيعًا ثُمَّ لَا تُنظِرُونِ
Min doonihi fakeedoonee jameeAAan thumma latunthiroon
Somali
oo Eebe ka soo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i sugina.
|
Ayah 11:56 الأية
إِنِّي تَوَكَّلْتُ عَلَى اللهِ رَبِّي وَرَبِّكُم ۚ مَّا مِن دَابَّةٍ إِلَّا
هُوَ آخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا ۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Innee tawakkaltu AAala Allahirabbee warabbikum ma min dabbatin illa huwa
akhithunbinasiyatiha inna rabbee AAala siratinmustaqeem
Somali
anugu waxaan tala saartay llaahay ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan
foodda qabanayn ma jiro (Awoodayn) Eebahayna wuxuu ku sugan yahay jid toosan.
|
Ayah 11:57 الأية
فَإِن تَوَلَّوْا فَقَدْ أَبْلَغْتُكُم مَّا أُرْسِلْتُ بِهِ إِلَيْكُمْ ۚ
وَيَسْتَخْلِفُ رَبِّي قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّونَهُ شَيْئًا ۚ إِنَّ
رَبِّي عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ حَفِيظٌ
Fa-in tawallaw faqad ablaghtukum maorsiltu bihi ilaykum wayastakhlifu rabbee
qawman ghayrakum walatadurroonahu shay-an inna rabbee AAala kullishay-in hafeeth
Somali
haddaad Jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna,
wuuna idinka gadaal marin Eebahay qoom kale waana kama dhibaysaan, Eebahayna wax
kasta wuu ilaaliyaa.
|
Ayah 11:58 الأية
وَلَمَّا جَاءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا هُودًا وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ بِرَحْمَةٍ
مِّنَّا وَنَجَّيْنَاهُم مِّنْ عَذَابٍ غَلِيظٍ
Walamma jaa amrunanajjayna hoodan wallatheena amanoomaAAahu birahmatin minna
wanajjaynahum minAAathabin ghaleeth
Somali
markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay
Naxariistanada wexaana ka korinay Cadaab Adag.
|
Ayah 11:59 الأية
وَتِلْكَ عَادٌ ۖ جَحَدُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ وَعَصَوْا رُسُلَهُ وَاتَّبَعُوا
أَمْرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ
Watilka AAadun jahadoo bi-ayatirabbihim waAAasaw rusulahu wattabaAAoo amra
kullijabbarin AAaneed
Somali
taasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii
waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis.
|
Ayah 11:60 الأية
وَأُتْبِعُوا فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةً وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ أَلَا إِنَّ
عَادًا كَفَرُوا رَبَّهُمْ ۗ أَلَا بُعْدًا لِّعَادٍ قَوْمِ هُودٍ
WaotbiAAoo fee hathihi addunyalaAAnatan wayawma alqiyamati ala inna
AAadankafaroo rabbahum ala buAAdan liAAadin qawmi hood
Somali
waxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka
gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud
ahaa.
|
Ayah 11:61 الأية
وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ مَا
لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ
فِيهَا فَاسْتَغْفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٌ مُّجِيبٌ
Wa-ila thamooda akhahum salihanqala ya qawmi oAAbudoo Allaha malakum min ilahin
ghayruhu huwa anshaakum mina al-ardiwastaAAmarakum feeha fastaghfiroohu
thummatooboo ilayhi inna rabbee qareebun mujeeb
Somali
Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow
Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka
ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una toobad
keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade)
|
Ayah 11:62 الأية
قَالُوا يَا صَالِحُ قَدْ كُنتَ فِينَا مَرْجُوًّا قَبْلَ هَٰذَا ۖ أَتَنْهَانَا
أَن نَّعْبُدَ مَا يَعْبُدُ آبَاؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَا
إِلَيْهِ مُرِيبٍ
Qaloo ya salihuqad kunta feena marjuwwan qabla hatha atanhanaan naAAbuda ma
yaAAbudu abaonawa-innana lafee shakkin mimma tadAAoonailayhi mureeb
Somali
waxay dheheen Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka
hor ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu
shaki daran baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi.
|
Ayah 11:63 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي
مِنْهُ رَحْمَةً فَمَن يَنصُرُنِي مِنَ اللهِ إِنْ عَصَيْتُهُ ۖ فَمَا
تَزِيدُونَنِي غَيْرَ تَخْسِيرٍ
Qala ya qawmi araaytum inkuntu AAala bayyinatin min rabbee waataneeminhu
rahmatan faman yansurunee mina Allahiin AAasaytuhu fama tazeedoonanee ghayra
takhseer
Somali
wuxuu yidhi bal ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey
Naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan
waxaan khasaarc ahayn.
|
Ayah 11:64 الأية
وَيَا قَوْمِ هَٰذِهِ نَاقَةُ اللهِ لَكُمْ آيَةً فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِي أَرْضِ
اللهِ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ قَرِيبٌ
Waya qawmi hathihi naqatuAllahi lakum ayatan fatharooha ta/kulfee ardi Allahi
wala tamassoohabisoo-in faya/khuthakum AAathabun qareeb
Somali
Qoomkayow tan waa Hashii Eebe Calaamad bayna idiintahay ee iska Daaya ha cunto
Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab dhaw.
|
Ayah 11:65 الأية
فَعَقَرُوهَا فَقَالَ تَمَتَّعُوا فِي دَارِكُمْ ثَلَاثَةَ أَيَّامٍ ۖ ذَٰلِكَ
وَعْدٌ غَيْرُ مَكْذُوبٍ
FaAAaqarooha faqalatamattaAAoo fee darikum thalathata ayyamin thalikawaAAdun
ghayru makthoob
Somali
wayse dileen Hashii, wuxuuna ku yidhi ku raaxaysta guryihiina Saddex maalmood
kaasina waa yabooh aan la beeninayn.
|
Ayah 11:66 الأية
فَلَمَّا جَاءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا صَالِحًا وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ
بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَمِنْ خِزْيِ يَوْمِئِذٍ ۗ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ الْقَوِيُّ
الْعَزِيزُ
Falamma jaa amrunanajjayna salihan wallatheena amanoomaAAahu birahmatin minna
wamin khizyi yawmi-ithininna rabbaka huwa alqawiyyu alAAazeez
Somali
markuu u yimdi amarkii Eebe waxaan ku korinay Nabi Saalax iyo intii rumaysay
Naxariistanada iyo inaan (ka korinay) dulliga Maalintaas Eebana waa xoog badane
Adkaada.
|
Ayah 11:67 الأية
وَأَخَذَ الَّذِينَ ظَلَمُوا الصَّيْحَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دِيَارِهِمْ جَاثِمِينَ
Waakhatha allatheena thalamooassayhatu faasbahoo fee diyarihimjathimeen
Somali
waxaana wabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku
dhexdhinta.
|
Ayah 11:68 الأية
كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا فِيهَا ۗ أَلَا إِنَّ ثَمُودَ كَفَرُوا رَبَّهُمْ ۗ أَلَا
بُعْدًا لِّثَمُودَ
Kaan lam yaghnaw feeha alainna thamooda kafaroo rabbahum ala buAAdan lithamood
Somali
sidii iyagoon ku dhex nagaanin, Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebahood waxayna
muteen fogaansho (Halaag).
|
Ayah 11:69 الأية
وَلَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ
سَلَامٌ ۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَاءَ بِعِجْلٍ حَنِيذٍ
Walaqad jaat rusuluna ibraheemabilbushra qaloo salaman qalasalamun fama labitha
an jaa biAAijlin haneeth
Somali
waxay ula yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi Ibraahim Bishaaro,
waxayna dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi Salaam, kamana
nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi la dubay (Hilibkiis).
|
Ayah 11:70 الأية
فَلَمَّا رَأَىٰ أَيْدِيَهُمْ لَا تَصِلُ إِلَيْهِ نَكِرَهُمْ وَأَوْجَسَ مِنْهُمْ
خِيفَةً ۚ قَالُوا لَا تَخَفْ إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَىٰ قَوْمِ لُوطٍ
Falamma raa aydiyahum latasilu ilayhi nakirahum waawjasa minhum kheefatan
qaloola takhaf inna orsilna ila qawmi loot
Somali
markuu arkay in ayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi
xaggooda ah, waxayna dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray Qoomka (Nabi)
Luudhe.
|
Ayah 11:71 الأية
وَامْرَأَتُهُ قَائِمَةٌ فَضَحِكَتْ فَبَشَّرْنَاهَا بِإِسْحَاقَ وَمِن وَرَاءِ
إِسْحَاقَ يَعْقُوبَ
Wamraatuhu qa-imatun fadahikatfabashsharnaha bi-ishaqa wamin wara-iishaqa
yaAAqoob
Somali
haweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay (Nabi)
Isxaaq gadaashiisna Yacquub (Wiilkiisii).
|
Ayah 11:72 الأية
قَالَتْ يَا وَيْلَتَىٰ أَأَلِدُ وَأَنَا عَجُوزٌ وَهَٰذَا بَعْلِي شَيْخًا ۖ إِنَّ
هَٰذَا لَشَيْءٌ عَجِيبٌ
Qalat ya waylata aaliduwaana AAajoozun wahatha baAAlee shaykhan inna
hathalashay-on AAajeeb
Somali
waxayna tidhi waa la yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay
arrintaasu waa wax la yaab leh.
|
Ayah 11:73 الأية
قَالُوا أَتَعْجَبِينَ مِنْ أَمْرِ اللهِ ۖ رَحْمَتُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ
عَلَيْكُمْ أَهْلَ الْبَيْتِ ۚ إِنَّهُ حَمِيدٌ مَّجِيدٌ
Qaloo ataAAjabeena min amri Allahirahmatu Allahi wabarakatuhu AAalaykum
ahlaalbayti innahu hameedun majeed
Somali
waxay dheheen ma waxaad la yaabi amarka Eebe naxariistiisa iyo barakadiisa
korkiinna, qoyskanow, Eebana waa la mahdiye la Sharrifo.
|
Ayah 11:74 الأية
فَلَمَّا ذَهَبَ عَنْ إِبْرَاهِيمَ الرَّوْعُ وَجَاءَتْهُ الْبُشْرَىٰ يُجَادِلُنَا
فِي قَوْمِ لُوطٍ
Falamma thahaba AAan ibraheemaarrawAAu wajaat-hu albushra yujadilunafee qawmi
loot
Somali
markay Nabi Ibraahim ka tegtay Cabsidii (argagaxii) una timid Bishaaradii yuu
noqday mid nagula dooda xaalka Qoomka (Nabi Luudh).
|
Ayah 11:75 الأية
إِنَّ إِبْرَاهِيمَ لَحَلِيمٌ أَوَّاهٌ مُّنِيبٌ
Inna ibraheema lahaleemun awwahunmuneeb
Somali
Nabi Ibraahimna waa dulsame noqosho iyo toobadkeen badan.
|
Ayah 11:76 الأية
يَا إِبْرَاهِيمُ أَعْرِضْ عَنْ هَٰذَا ۖ إِنَّهُ قَدْ جَاءَ أَمْرُ رَبِّكَ ۖ
وَإِنَّهُمْ آتِيهِمْ عَذَابٌ غَيْرُ مَرْدُودٍ
Ya ibraheemu aAAridAAan hatha innahu qad jaa amru rabbika wa-innahum
ateehimAAathabun ghayru mardood
Somali
Ibraahimow iskaga jeedso xaalkan, waxaa dhab u yimid Amarkii Eebahaaye iyagana
waxaa u imaan cadaab aan laga celinayne.
|
Ayah 11:77 الأية
وَلَمَّا جَاءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِيءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا وَقَالَ
هَٰذَا يَوْمٌ عَصِيبٌ
Walamma jaat rusulunalootan see-a bihim wadaqa bihim tharAAan waqalahatha yawmun
AAaseeb
Somali
markay Malaa'igtaan soo diray u timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la
cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani waa Maalin daran.
|
Ayah 11:78 الأية
وَجَاءَهُ قَوْمُهُ يُهْرَعُونَ إِلَيْهِ وَمِن قَبْلُ كَانُوا يَعْمَلُونَ
السَّيِّئَاتِ ۚ قَالَ يَا قَوْمِ هَٰؤُلَاءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطْهَرُ لَكُمْ ۖ
فَاتَّقُوا اللهَ وَلَا تُخْزُونِ فِي ضَيْفِي ۖ أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ
رَّشِيدٌ
Wajaahu qawmuhu yuhraAAoona ilayhiwamin qablu kanoo yaAAmaloona assayyi-ati
qalaya qawmi haola-i banatee hunna atharulakum fattaqoo Allaha wala tukhzooni
fee dayfeealaysa minkum rajulun rasheed
Somali
waxaana yimid Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo
fala Xumaan, wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin
dhahiran ee ka dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin
rashiida «fiican» idinku jirin.
|
Ayah 11:79 الأية
قَالُوا لَقَدْ عَلِمْتَ مَا لَنَا فِي بَنَاتِكَ مِنْ حَقٍّ وَإِنَّكَ لَتَعْلَمُ
مَا نُرِيدُ
Qaloo laqad AAalimta ma lanafee banatika min haqqin wa-innaka lataAAlamu
manureed
Somali
waxay dheheen waaad ogtahay inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay
waxaannu dooni.
|
Ayah 11:80 الأية
قَالَ لَوْ أَنَّ لِي بِكُمْ قُوَّةً أَوْ آوِي إِلَىٰ رُكْنٍ شَدِيدٍ
Qala law anna lee bikum quwwatan aw aweeila ruknin shadeed
Somali
wuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama u dumi tiir adag (waan
idin ciqaabi lahaa).
|
Ayah 11:81 الأية
قَالُوا يَا لُوطُ إِنَّا رُسُلُ رَبِّكَ لَن يَصِلُوا إِلَيْكَ ۖ فَأَسْرِ
بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ اللَّيْلِ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ إِلَّا
امْرَأَتَكَ ۖ إِنَّهُ مُصِيبُهَا مَا أَصَابَهُمْ ۚ إِنَّ مَوْعِدَهُمُ الصُّبْحُ
ۚ أَلَيْسَ الصُّبْحُ بِقَرِيبٍ
Qaloo ya lootu innarusulu rabbika lan yasiloo ilayka faasri bi-ahlika
biqitAAinmina allayli wala yaltafit minkum ahadun illaimraataka innahu museebuha
ma asabahuminna mawAAidahumu assubhu alaysa assubhubiqareeb
Somali
waxay dheheen (Malaa'igtii) Luudhow waxaan nahay farriintii Eebahaa dhibna kuma
gaadhsiinayaan ee Guuri Ehelkaaga qayb habeenka ka mida dibna hasoo dayina
haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa ku dhacaya ballankooduna waa subaxa
miyuusan subuxu dhawayn.
|
Ayah 11:82 الأية
فَلَمَّا جَاءَ أَمْرُنَا جَعَلْنَا عَالِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهَا
حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ مَّنضُودٍ
Falamma jaa amrunajaAAalna AAaliyaha safilahawaamtarna AAalayha hijaratanmin
sijjeelin mandood
Somali
markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku
daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan.
|
Ayah 11:83 الأية
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ ۖ وَمَا هِيَ مِنَ الظَّالِمِينَ بِبَعِيدٍ
Musawwamatan AAinda rabbika wama hiyamina aththalimeena bibaAAeed
Somali
lagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka fogna ma aha.
|
Ayah 11:84 الأية
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ مَا
لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ وَلَا تَنقُصُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ ۚ
إِنِّي أَرَاكُم بِخَيْرٍ وَإِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ مُّحِيطٍ
Wa-ila madyana akhahumshuAAayban qala ya qawmi oAAbudoo Allaha malakum min
ilahin ghayruhu wala tanqusooalmikyala walmeezana innee arakumbikhayrin wa-innee
akhafu AAalaykum AAathaba yawminmuheet
Somali
Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb, wuxuuna yidhi Qoomkayow
Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah kalee, hana nusqaaminina Beegidda (Miisiidda)
iyo miisaanka waxaan idinku arkaa khayre (xoolo) waxaana idiinka cabsan Cadaab
Maalin koobi.
|
Ayah 11:85 الأية
وَيَا قَوْمِ أَوْفُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا تَبْخَسُوا
النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
Waya qawmi awfoo almikyala walmeezanabilqisti wala tabkhasoo annasaashyaahum
wala taAAthaw fee al-ardimufsideen
Somali
Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada hana ka nusqaaminina Dadka
waxooda Dhulkana ha fasaadinina.
|
Ayah 11:86 الأية
بَقِيَّتُ اللهِ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ ۚ وَمَا أَنَا عَلَيْكُم
بِحَفِيظٍ
Baqiyyatu Allahi khayrun lakum inkuntum mu/mineena wama ana AAalaykum bihafeeth
Somali
Baaqiga Eebe yaa idiin khayrroone ma ihi mid idin ilaalin (karee).
|
Ayah 11:87 الأية
قَالُوا يَا شُعَيْبُ أَصَلَاتُكَ تَأْمُرُكَ أَن نَّتْرُكَ مَا يَعْبُدُ آبَاؤُنَا
أَوْ أَن نَّفْعَلَ فِي أَمْوَالِنَا مَا نَشَاءُ ۖ إِنَّكَ لَأَنتَ الْحَلِيمُ
الرَّشِيدُ
Qaloo ya shuAAaybu asalatukata/muruka an natruka ma yaAAbudu abaonaaw an
nafAAala fee amwalina ma nashaoinnaka laanta alhaleemu arrasheed
Somali
waxay dheheen shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay
caabudayeen Aabayaalkaanno ama ku fallo xoolahanaga waxaan doonno adugu waxaad
uun tahay dulbadane toosan (Jees jees dartiis).
|
Ayah 11:88 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي
وَرَزَقَنِي مِنْهُ رِزْقًا حَسَنًا ۚ وَمَا أُرِيدُ أَنْ أُخَالِفَكُمْ إِلَىٰ مَا
أَنْهَاكُمْ عَنْهُ ۚ إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا
تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ
Qala ya qawmi araaytum inkuntu AAala bayyinatin min rabbee warazaqanee minhu
rizqanhasanan wama oreedu an okhalifakum ilama anhakum AAanhu in oreedu illa
al-islahama istataAAtu wama tawfeeqee illa billahiAAalayhi tawakkaltu wa-ilayhi
oneeb
Somali
wuxuu yidhi Qoomkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna
arsuqay risqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka
reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan
Eebe ahayn ma karo isagaana talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad).
|
Ayah 11:89 الأية
وَيَا قَوْمِ لَا يَجْرِمَنَّكُمْ شِقَاقِي أَن يُصِيبَكُم مِّثْلُ مَا أَصَابَ
قَوْمَ نُوحٍ أَوْ قَوْمَ هُودٍ أَوْ قَوْمَ صَالِحٍ ۚ وَمَا قَوْمُ لُوطٍ مِّنكُم
بِبَعِيدٍ
Waya qawmi la yajrimannakumshiqaqee an yuseebakum mithlu ma asabaqawma noohin aw
qawma hoodin aw qawma salihinwama qawmu lootin minkum bibaAAeed
Somali
Qoomkayow yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay
Qoomkii (Nabi) Nuux ama qoomkii Nabi Huud ama (Nabi) Saalax idinkamana foga
waqtigii Qoomkii (Nabi) Luudh.
|
Ayah 11:90 الأية
وَاسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٌ وَدُودٌ
Wastaghfiroo rabbakum thumma toobooilayhi inna rabbee raheemun wadood
Somali
ee dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobadkeena ileen Eebahay waa Naxariiste
Jeeel (Ciddii toobad keentee).
|
Ayah 11:91 الأية
قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ
فِينَا ضَعِيفًا ۖ وَلَوْلَا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْنَا
بِعَزِيزٍ
Qaloo ya shuAAaybu manafqahu katheeran mimma taqoolu wa-inna lanarakafeena
daAAeefan walawla rahtukalarajamnaka wama anta AAalayna biAAazeez
Somali
waxay dheheen Schucaybow ma kasaynno wax badan ood sheegi waxaana kugu aragnaa
inaad dhexdannada ku tabar yartahay, hadduusan Qoomkaagu jirin waan ku
dhegexyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cisi naguleh.
|
Ayah 11:92 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ أَرَهْطِي أَعَزُّ عَلَيْكُم مِّنَ اللهِ وَاتَّخَذْتُمُوهُ
وَرَاءَكُمْ ظِهْرِيًّا ۖ إِنَّ رَبِّي بِمَا تَعْمَلُونَ مُحِيطٌ
Qala ya qawmi arahteeaAAazzu AAalaykum mina Allahi wattakhathtumoohuwaraakum
thihriyyan inna rabbee bimataAAmaloona muheet
Somali
wuxuu yidhi Qoomkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn Eebe ood ka yeelateen
waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan (Xaqa) Eebahayna waxaad falaysaan wuu koobay.
|
Ayah 11:93 الأية
وَيَا قَوْمِ اعْمَلُوا عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّي عَامِلٌ ۖ سَوْفَ تَعْلَمُونَ
مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَمَنْ هُوَ كَاذِبٌ ۖ وَارْتَقِبُوا إِنِّي
مَعَكُمْ رَقِيبٌ
Waya qawmi iAAmaloo AAala makanatikuminnee AAamilun sawfa taAAlamoona man
ya/teehi AAathabunyukhzeehi waman huwa kathibun wartaqiboo innemaAAakum raqeeb
Somali
wuxuu yidhi Qoomkayow ku camal fala dariiqadiinna anna waan camal fali waxaadna
ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya iyo cidda beenaalaha ah ee suga
anna waan idinla sugiye.
|
Ayah 11:94 الأية
وَلَمَّا جَاءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا شُعَيْبًا وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ
بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَأَخَذَتِ الَّذِينَ ظَلَمُوا الصَّيْحَةُ فَأَصْبَحُوا فِي
دِيَارِهِمْ جَاثِمِينَ
Walamma jaa amrunanajjayna shuAAayban wallatheena amanoomaAAahu birahmatin minna
waakhathati allatheenathalamoo assayhatu faasbahoofee diyarihim jathimeen
Somali
markuu yimid amarkanagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey
naxariistanada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo
guryahoodii ku dhintay.
|
Ayah 11:95 الأية
كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا فِيهَا ۗ أَلَا بُعْدًا لِّمَدْيَنَ كَمَا بَعِدَتْ ثَمُودُ
Kaan lam yaghnaw feeha alabuAAdan limadyana kama baAAidat thamood
Somali
sidii iyagoon ku nagaanin fogaansho (halaag) baa u sugnaaday Madyan siday u
fogaatay Thamuud (u halaagsantay).
|
Ayah 11:96 الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
Walaqad arsalna moosa bi-ayatinawasultanin mubeen
Somali
waxaannu dhab ula dirray Nabi Muuse Aayaadkanagii iyo xujo cad.
|
Ayah 11:97 الأية
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَاتَّبَعُوا أَمْرَ فِرْعَوْنَ ۖ وَمَا أَمْرُ
فِرْعَوْنَ بِرَشِيدٍ
Ila firAAawna wamala-ihi fattabaAAooamra firAAawna wama amru firAAawna birasheed
Somali
xagga Fircoon yaana u dirray iyo Qoomkiisii, waxayna raaceen amarkii Ficoon,
amarka Fircoonna ma ahayn mid toosan (Hanuunsan).
|
Ayah 11:98 الأية
يَقْدُمُ قَوْمَهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَأَوْرَدَهُمُ النَّارَ ۖ وَبِئْسَ
الْوِرْدُ الْمَوْرُودُ
Yaqdumu qawmahu yawma alqiyamatifaawradahumu annara wabi/sa alwirdu almawrood
Somali
wuxuu hor qaadi Qoomkiisa Maalinta qiyaame, wuxuuna ku aroorin Naarta, meel lagu
aroorana naarbaa u xun.
|
Ayah 11:99 الأية
وَأُتْبِعُوا فِي هَٰذِهِ لَعْنَةً وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ بِئْسَ الرِّفْدُ
الْمَرْفُودُ
WaotbiAAoo fee hathihi laAAnatanwayawma alqiyamati bi/sa arrifdu almarfood
Somali
waxaana la raacsiiyey Adduunyada Lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu
kordhiyana waxaa u xun (Arrintaa).
|
Ayah 11:100 الأية
ذَٰلِكَ مِنْ أَنبَاءِ الْقُرَىٰ نَقُصُّهُ عَلَيْكَ ۖ مِنْهَا قَائِمٌ وَحَصِيدٌ
Thalika min anba-i alquranaqussuhu AAalayka minha qa-imun wahaseed
Somali
arrintaasu waa warkii Magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana ka mida
kuwo taagan iyo kuwo la halaagay.
|
Ayah 11:101 الأية
وَمَا ظَلَمْنَاهُمْ وَلَٰكِن ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ ۖ فَمَا أَغْنَتْ عَنْهُمْ
آلِهَتُهُمُ الَّتِي يَدْعُونَ مِن دُونِ اللهِ مِن شَيْءٍ لَّمَّا جَاءَ أَمْرُ
رَبِّكَ ۖ وَمَا زَادُوهُمْ غَيْرَ تَتْبِيبٍ
Wama thalamnahumwalakin thalamoo anfusahum famaaghnat AAanhum alihatuhumu
allatee yadAAoona min dooni Allahimin shay-in lamma jaa amru rabbika wama
zadoohumghayra tatbeeb
Somali
maanaan dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin Ilaahyahoodii ay
caabudayeen Eebe ka sokow markuu u yimid amarkii Eeba-
|
Ayah 11:102 الأية
وَكَذَٰلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَىٰ وَهِيَ ظَالِمَةٌ ۚ إِنَّ
أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ
Wakathalika akhthu rabbika ithaakhatha alqura wahiya thalimatuninna akhthahu
aleemun shadeed
Somali
waana sidaas qabashada Eebahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo
(Dadkeed) oo dulmi fashay, qabashadiisuna way xanuun leedahay oy darantahay.
|
Ayah 11:103 الأية
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّمَنْ خَافَ عَذَابَ الْآخِرَةِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمٌ
مَّجْمُوعٌ لَّهُ النَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوْمٌ مَّشْهُودٌ
Inna fee thalika laayatanliman khafa AAathaba al-akhirati thalikayawmun
majmooAAun lahu annasu wathalikayawmun mashhoodun
Somali
arrintaasna calaamadbaa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka aakhiro waana maalin
loo kulmin dadka Dartiis, waana maalin la soo Joogsan.
|
Ayah 11:104 الأية
وَمَا نُؤَخِّرُهُ إِلَّا لِأَجَلٍ مَّعْدُودٍ
Wama nu-akhkhiruhu illali-ajalin maAAdood
Somali
dibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee.
|
Ayah 11:105 الأية
يَوْمَ يَأْتِ لَا تَكَلَّمُ نَفْسٌ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ فَمِنْهُمْ شَقِيٌّ
وَسَعِيدٌ
Yawma ya/ti la takallamu nafsun illabi-ithnihi faminhum shaqiyyun wasaAAeed
Somali
maalintuu Qiyaamuhu yimaaddo ma hadasho nafi idinka Eebe mooyee, waxaana ka mida
dadka kuwo xun (Khasaaray) iyo kuwo liibaanay.
|
Ayah 11:106 الأية
فَأَمَّا الَّذِينَ شَقُوا فَفِي النَّارِ لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَشَهِيقٌ
Faamma allatheena shaqoofafee annari lahum feeha zafeerun washaheeq
Somali
kuwa xumaadayna naarbay gali dhexdeedayna ku hiinraagi kuna qaylyi.
|
Ayah 11:107 الأية
خَالِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ إِلَّا مَا شَاءَ رَبُّكَ
ۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ
Khalideena feeha ma damatiassamawatu wal-ardu illama shaa rabbuka inna rabbaka
faAAAAalun limayureed
Somali
iyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku wuxuu Eebe doono mooyee,
Eebahaana wuxuu doonuu falaa.
|
Ayah 11:108 الأية
وَأَمَّا الَّذِينَ سُعِدُوا فَفِي الْجَنَّةِ خَالِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ
السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ إِلَّا مَا شَاءَ رَبُّكَ ۖ عَطَاءً غَيْرَ مَجْذُوذٍ
Waamma allatheena suAAidoofafee aljannati khalideena feeha ma damatiassamawatu
wal-ardu illama shaa rabbuka AAataan ghayra majthooth
Somali
kuwa la liibaanayna jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo Dhulku wuxuu Eebe
doono mooyee, waana siismo aan go'ayn.
|
Ayah 11:109 الأية
فَلَا تَكُ فِي مِرْيَةٍ مِّمَّا يَعْبُدُ هَٰؤُلَاءِ ۚ مَا يَعْبُدُونَ إِلَّا
كَمَا يَعْبُدُ آبَاؤُهُم مِّن قَبْلُ ۚ وَإِنَّا لَمُوَفُّوهُمْ نَصِيبَهُمْ
غَيْرَ مَنقُوصٍ
Fala taku fee miryatin mimmayaAAbudu haola-i ma yaAAbudoona illakama yaAAbudu
abaohum min qablu wa-innalamuwaffoohum naseebahum ghayra manqoos
Somali
ha shakin (xumaanta) waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay Aabayaalkood
caabudayeen mar hore mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda (Ciqaabta) oon laga
Nusqaaminayn.
|
Ayah 11:110 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ فَاخْتُلِفَ فِيهِ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ
سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ
مُرِيبٍ
Walaqad atayna moosaalkitaba fakhtulifa feehi walawla kalimatunsabaqat min
rabbika laqudiya baynahum wa-innahum lafeeshakkin minhu mureeb
Somali
waxaan siinnay (Nabi) Muuse Kitaabka (Tawreed) waana laysku khilaafay, hadduunan
jirin hadal Eebahaa oo horreeyey waa lakala xugmin lahaa dhexdooda, waxayna
iyagu kaga suganyihiin shaki daran.
|
Ayah 11:111 الأية
وَإِنَّ كُلًّا لَّمَّا لَيُوَفِّيَنَّهُمْ رَبُّكَ أَعْمَالَهُمْ ۚ إِنَّهُ بِمَا
يَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Wa-inna kullan lammalayuwaffiyannahum rabbuka aAAmalahum innahu bimayaAAmaloona
khabeer
Somali
dhammaan wuu u oofin Eebahaa Camalkooda illeen Eebe waxay camal fali wuu
ogyahay.
|
Ayah 11:112 الأية
فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلَا تَطْغَوْا ۚ إِنَّهُ بِمَا
تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Fastaqim kama omirta waman tabamaAAaka wala tatghaw innahu bima
taAAmaloonabaseer
Somali
ee u toosnow sida lagu faray adiga iyo inta kula toobadkeentay hana xadgudbina
illeen Eebe waxaad camal falaysaan wuu arkaaye.
|
Ayah 11:113 الأية
وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم
مِّن دُونِ اللهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ
Wala tarkanoo ila allatheenathalamoo fatamassakumu annaru wamalakum min dooni
Allahi min awliyaa thumma latunsaroon
Somali
ha u iilanina kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebe ka
sokow Awliyo markaas laydiinna gargaari Maayo.
|
Ayah 11:114 الأية
وَأَقِمِ الصَّلَاةَ طَرَفَيِ النَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ اللَّيْلِ ۚ إِنَّ
الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ۚ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّاكِرِينَ
Waaqimi assalata tarafayiannahari wazulafan mina allayli inna
alhasanatiyuthhibna assayyi-ati thalika thikraliththakireen
Somali
oog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen
wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah
xuska badan.
|
Ayah 11:115 الأية
وَاصْبِرْ فَإِنَّ اللهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ
Wasbir fa-inna Allahala yudeeAAu ajra almuhsineen
Somali
samir (adkayso) ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama falee.
|
Ayah 11:116 الأية
فَلَوْلَا كَانَ مِنَ الْقُرُونِ مِن قَبْلِكُمْ أُولُو بَقِيَّةٍ يَنْهَوْنَ عَنِ
الْفَسَادِ فِي الْأَرْضِ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّنْ أَنجَيْنَا مِنْهُمْ ۗ
وَاتَّبَعَ الَّذِينَ ظَلَمُوا مَا أُتْرِفُوا فِيهِ وَكَانُوا مُجْرِمِينَ
Falawla kana mina alquroonimin qablikum oloo baqiyyatin yanhawna AAani alfasadi
feeal-ardi illa qaleelan mimman anjayna minhumwattabaAAa allatheena thalamoo
maotrifoo feehi wakanoo mujrimeen
Somali
maxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba fasaadka
dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen
kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.
|
Ayah 11:117 الأية
وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ الْقُرَىٰ بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ
Wama kana rabbuka liyuhlikaalqura bithulmin waahluha muslihoon
Somali
Eebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax wanaajin.
|
|