Prev  

13. Surah Ar-Ra'd سورة الرعد

  Next  




1st Ayah  1  الأية ١الأولي
بِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
المر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ ۗ وَالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ
Alif-lam-meem-ra tilka ayatualkitabi wallathee onzila ilayka minrabbika alhaqqu walakinna akthara annasila yu/minoon

Somali
 
Xarfaha hore oo kale waan soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka Badankiise ma Rumaynin.

Ayah  13:2  الأية
اللهُ الَّذِي رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ يُفَصِّلُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُم بِلِقَاءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ
Allahu allathee rafaAAa assamawatibighayri AAamadin tarawnaha thumma istawa AAalaalAAarshi wasakhkhara ashshamsa walqamara kullunyajree li-ajalin musamman yudabbiru al-amra yufassilu al-ayatilaAAallakum biliqa-i rabbikum tooqinoon

Somali
 
Eebe waa kan koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga, Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban, Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin yaqiinsataan.

Ayah  13:3  الأية
وَهُوَ الَّذِي مَدَّ الْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنْهَارًا ۖ وَمِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ ۖ يُغْشِي اللَّيْلَ النَّهَارَ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Wahuwa allathee madda al-ardawajaAAala feeha rawasiya waanharan waminkulli aththamarati jaAAala feeha zawjayniithnayni yughshee allayla annahara inna fee thalikalaayatin liqawmin yatafakkaroon

Somali
 
Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro, iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri.

Ayah  13:4  الأية
وَفِي الْأَرْضِ قِطَعٌ مُّتَجَاوِرَاتٌ وَجَنَّاتٌ مِّنْ أَعْنَابٍ وَزَرْعٌ وَنَخِيلٌ صِنْوَانٌ وَغَيْرُ صِنْوَانٍ يُسْقَىٰ بِمَاءٍ وَاحِدٍ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَىٰ بَعْضٍ فِي الْأُكُلِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Wafee al-ardi qitaAAun mutajawiratunwajannatun min aAAnabin wazarAAun wanakheelun sinwanunwaghayru sinwanin yusqa bima-in wahidinwanufaddilu baAAdaha AAala baAAdinfee alokuli inna fee thalika laayatinliqawmin yaAAqiloon

Somali
 
Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku dhaw) iyo Bustaan Cinaba iyo Beer iyo Timir oo Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo Biyo kaliya Waxaana ku kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi.

Ayah  13:5  الأية
وَإِن تَعْجَبْ فَعَجَبٌ قَوْلُهُمْ أَإِذَا كُنَّا تُرَابًا أَإِنَّا لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ ۗ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ الْأَغْلَالُ فِي أَعْنَاقِهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Wa-in taAAjab faAAajabun qawluhum a-ithakunna turaban a-inna lafee khalqin jadeedinola-ika allatheena kafaroo birabbihim waola-ikaal-aghlalu fee aAAnaqihim waola-ika as-habuannari hum feeha khalidoon

Somali
 
Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari.

Ayah  13:6  الأية
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالسَّيِّئَةِ قَبْلَ الْحَسَنَةِ وَقَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِمُ الْمَثُلَاتُ ۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلْمِهِمْ ۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ الْعِقَابِ
WayastaAAjiloonaka bissayyi-atiqabla alhasanati waqad khalat min qablihimu almathulatuwa-inna rabbaka lathoo maghfiratin linnasiAAala thulmihim wa-inna rabbaka lashadeedualAAiqab

Somali
 
Waxayna kaa Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane.

Ayah  13:7  الأية
وَيَقُولُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْلَا أُنزِلَ عَلَيْهِ آيَةٌ مِّن رَّبِّهِ ۗ إِنَّمَا أَنتَ مُنذِرٌ ۖ وَلِكُلِّ قَوْمٍ هَادٍ
Wayaqoolu allatheena kafaroo lawlaonzila AAalayhi ayatun min rabbihi innama anta munthirunwalikulli qawmin had

Somali
 
waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid kastana waxay leedahay Hanuuniye.

Ayah  13:8  الأية
اللهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ الْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ ۖ وَكُلُّ شَيْءٍ عِندَهُ بِمِقْدَارٍ
Allahu yaAAlamu ma tahmilukullu ontha wama tagheedu al-arhamuwama tazdadu wakullu shay-in AAindahu bimiqdar

Somali
 
Eebaa og waxay ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay kordhin (Dhicis iyo Shin) wax kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay.

Ayah  13:9  الأية
عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ الْكَبِيرُ الْمُتَعَالِ
AAalimu alghaybi washshahadatialkabeeru almutaAAal

Somali
 
wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax kasta).

Ayah  13:10  الأية
سَوَاءٌ مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ الْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍ بِاللَّيْلِ وَسَارِبٌ بِالنَّهَارِ
Sawaon minkum man asarra alqawlawaman jahara bihi waman huwa mustakhfin billayli wasaribunbinnahar

Somali
 
waana isku mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii Muujiya Maalintii.

Ayah  13:11  الأية
لَهُ مُعَقِّبَاتٌ مِّن بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِ يَحْفَظُونَهُ مِنْ أَمْرِ اللهِ ۗ إِنَّ اللهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ وَإِذَا أَرَادَ اللهُ بِقَوْمٍ سُوءًا فَلَا مَرَدَّ لَهُ ۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِ مِن وَالٍ
Lahu muAAaqqibatun min bayni yadayhiwamin khalfihi yahfathoonahu min amri Allahiinna Allaha la yughayyiru ma biqawmin hattayughayyiroo ma bi-anfusihim wa-itha aradaAllahu biqawmin soo-an fala maradda lahu wamalahum min doonihi min wal

Somali
 
wuxuuna leeyahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) oo hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare.

Ayah  13:12  الأية
هُوَ الَّذِي يُرِيكُمُ الْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنشِئُ السَّحَابَ الثِّقَالَ
Huwa allathee yureekumu albarqakhawfan watamaAAan wayunshi-o assahaba aththiqal

Somali
 
Eebe waa kan idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus.

Ayah  13:13  الأية
وَيُسَبِّحُ الرَّعْدُ بِحَمْدِهِ وَالْمَلَائِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِ وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ وَهُمْ يُجَادِلُونَ فِي اللهِ وَهُوَ شَدِيدُ الْمِحَالِ
Wayusabbihu arraAAdu bihamdihiwalmala-ikatu min kheefatihi wayursilu assawaAAiqafayuseebu biha man yashao wahum yujadiloonafee Allahi wahuwa shadeedu almihal

Somali
 
wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe, wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay.

Ayah  13:14  الأية
لَهُ دَعْوَةُ الْحَقِّ ۖ وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُم بِشَيْءٍ إِلَّا كَبَاسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى الْمَاءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَالِغِهِ ۚ وَمَا دُعَاءُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ
Lahu daAAwatu alhaqqi wallatheenayadAAoona min doonihi la yastajeeboona lahum bishay-in illakabasiti kaffayhi ila alma-iliyablugha fahu wama huwa bibalighihi wamaduAAao alkafireena illa fee dalal

Somali
 
Eebe waxaa u Sugnaaday Baryo (iyo Cibaado) Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma ajiibaan (kuwa baryi) sida mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, Baryada Gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha.

Ayah  13:15  الأية
وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَالُهُم بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ ۩
Walillahi yasjudu man fee assamawatiwal-ardi tawAAan wakarhan wathilaluhumbilghuduwwi wal-asal

Somali
 
waxaa Ilaahay u Sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka Ogolaansho iyo Qasab iyo Hooskooda aroor iyo Galbihiiba.

Ayah  13:16  الأية
قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ قُلِ اللهُ ۚ قُلْ أَفَاتَّخَذْتُم مِّن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا ۚ قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الْأَعْمَىٰ وَالْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِي الظُّلُمَاتُ وَالنُّورُ ۗ أَمْ جَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ خَلَقُوا كَخَلْقِهِ فَتَشَابَهَ الْخَلْقُ عَلَيْهِمْ ۚ قُلِ اللهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ
Qul man rabbu assamawatiwal-ardi quli Allahu qul afattakhathtummin doonihi awliyaa la yamlikoona li-anfusihimnafAAan wala darran qul hal yastawee al-aAAmawalbaseeru am hal tastawee aththulumatuwannooru am jaAAaloo lillahi shurakaakhalaqoo kakhalqihi fatashabaha alkhalqu AAalayhim quliAllahu khaliqu kulli shay-in wahuwa alwahidualqahhar

Somali
 
waxaad dhahdaa yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe, waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan.

Ayah  13:17  الأية
أَنزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَسَالَتْ أَوْدِيَةٌ بِقَدَرِهَا فَاحْتَمَلَ السَّيْلُ زَبَدًا رَّابِيًا ۚ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيْهِ فِي النَّارِ ابْتِغَاءَ حِلْيَةٍ أَوْ مَتَاعٍ زَبَدٌ مِّثْلُهُ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ اللهُ الْحَقَّ وَالْبَاطِلَ ۚ فَأَمَّا الزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَاءً ۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ النَّاسَ فَيَمْكُثُ فِي الْأَرْضِ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ اللهُ الْأَمْثَالَ
Anzala mina assama-i maanfasalat awdiyatun biqadariha fahtamalaassaylu zabadan rabiyan wamimma yooqidoonaAAalayhi fee annari ibtighaa hilyatinaw mataAAin zabadun mithluhu kathalika yadribuAllahu alhaqqa walbatila faammaazzabadu fayathhabu jufaan waamma mayanfaAAu annasa fayamkuthu fee al-ardi kathalikayadribu Allahu al-amthal

Somali
 
wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha.

Ayah  13:18  الأية
لِلَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَالَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا لَهُ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُ مَعَهُ لَافْتَدَوْا بِهِ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُمْ سُوءُ الْحِسَابِ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمِهَادُ
Lillatheena istajaboolirabbihimu alhusna wallatheena lamyastajeeboo lahu law anna lahum ma fee al-ardijameeAAan wamithlahu maAAahu laftadaw bihi ola-ikalahum soo-o alhisabi wama/wahum jahannamuwabi/sa almihad

Somali
 
kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.

Ayah  13:19  الأية
أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَىٰ ۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ
Afaman yaAAlamu annama onzila ilaykamin rabbika alhaqqu kaman huwa aAAma innamayatathakkaru oloo al-albab

Somali
 
cid og in waxa laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la', waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh.

Ayah  13:20  الأية
الَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ اللهِ وَلَا يَنقُضُونَ الْمِيثَاقَ
Allatheena yoofoona biAAahdi Allahiwala yanqudoona almeethaq

Somali
 
ee ah kuwa Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag.

Ayah  13:21  الأية
وَالَّذِينَ يَصِلُونَ مَا أَمَرَ اللهُ بِهِ أَن يُوصَلَ وَيَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ وَيَخَافُونَ سُوءَ الْحِسَابِ
Wallatheena yasiloonama amara Allahu bihi an yoosala wayakhshawnarabbahum wayakhafoona soo-a alhisab

Somali
 
ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood kana cabsada xisaab xun.

Ayah  13:22  الأية
وَالَّذِينَ صَبَرُوا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً وَيَدْرَءُونَ بِالْحَسَنَةِ السَّيِّئَةَ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عُقْبَى الدَّارِ
Wallatheena sabarooibtighaa wajhi rabbihim waaqamoo assalatawaanfaqoo mimma razaqnahum sirran waAAalaniyatanwayadraoona bilhasanati assayyi-ata ola-ikalahum AAuqba addar

Somali
 
ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay.

Ayah  13:23  الأية
جَنَّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنْ آبَائِهِمْ وَأَزْوَاجِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ ۖ وَالْمَلَائِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ
Jannatu AAadnin yadkhuloonahawaman salaha min aba-ihim waazwajihimwathurriyyatihim walmala-ikatuyadkhuloona AAalayhim min kulli bab

Somali
 
waxaana gali jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta.

Ayah  13:24  الأية
سَلَامٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ ۚ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ
Salamun AAalaykum bima sabartumfaniAAma AAuqba addar

Somali
 
iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta (Janno).

Ayah  13:25  الأية
وَالَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ اللهِ مِن بَعْدِ مِيثَاقِهِ وَيَقْطَعُونَ مَا أَمَرَ اللهُ بِهِ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ ۙ أُولَٰئِكَ لَهُمُ اللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوءُ الدَّارِ
Wallatheena yanqudoonaAAahda Allahi min baAAdi meethaqihi wayaqtaAAoonama amara Allahu bihi an yoosala wayufsidoonafee al-ardi ola-ika lahumu allaAAnatu walahum soo-oaddar

Somali
 
kuwa buriya Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun.

Ayah  13:26  الأية
اللهُ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ وَيَقْدِرُ ۚ وَفَرِحُوا بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا مَتَاعٌ
Allahu yabsutu arrizqaliman yashao wayaqdiru wafarihoo bilhayatiaddunya wama alhayatu addunyafee al-akhirati illa mataAA

Somali
 
Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn.

Ayah  13:27  الأية
وَيَقُولُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْلَا أُنزِلَ عَلَيْهِ آيَةٌ مِّن رَّبِّهِ ۗ قُلْ إِنَّ اللهَ يُضِلُّ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي إِلَيْهِ مَنْ أَنَابَ
Wayaqoolu allatheena kafaroo lawlaonzila AAalayhi ayatun min rabbihi qul inna Allahayudillu man yashao wayahdee ilayhi man anab

Somali
 
waxay dhihi kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u noqota.

Ayah  13:28  الأية
الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ
Allatheena amanoo watatma-innuquloobuhum bithikri Allahi ala bithikriAllahi tatma-innu alquloob

Somali
 
ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu.

Ayah  13:29  الأية
الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ طُوبَىٰ لَهُمْ وَحُسْنُ مَآبٍ
Allatheena amanoo waAAamiloo assalihatitooba lahum wahusnu maab

Somali
 
ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan.

Ayah  13:30  الأية
كَذَٰلِكَ أَرْسَلْنَاكَ فِي أُمَّةٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهَا أُمَمٌ لِّتَتْلُوَ عَلَيْهِمُ الَّذِي أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ وَهُمْ يَكْفُرُونَ بِالرَّحْمَٰنِ ۚ قُلْ هُوَ رَبِّي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ مَتَابِ
Kathalika arsalnaka feeommatin qad khalat min qabliha omamun litatluwa AAalayhimuallathee awhayna ilayka wahum yakfuroona birrahmaniqul huwa rabbee la ilaha illa huwa AAalayhitawakkaltu wa-ilayhi matab

Somali
 
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon.

Ayah  13:31  الأية
وَلَوْ أَنَّ قُرْآنًا سُيِّرَتْ بِهِ الْجِبَالُ أَوْ قُطِّعَتْ بِهِ الْأَرْضُ أَوْ كُلِّمَ بِهِ الْمَوْتَىٰ ۗ بَل لِّلَّهِ الْأَمْرُ جَمِيعًا ۗ أَفَلَمْ يَيْأَسِ الَّذِينَ آمَنُوا أَن لَّوْ يَشَاءُ اللهُ لَهَدَى النَّاسَ جَمِيعًا ۗ وَلَا يَزَالُ الَّذِينَ كَفَرُوا تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُوا قَارِعَةٌ أَوْ تَحُلُّ قَرِيبًا مِّن دَارِهِمْ حَتَّىٰ يَأْتِيَ وَعْدُ اللهِ ۚ إِنَّ اللهَ لَا يُخْلِفُ الْمِيعَادَ
Walaw anna qur-anan suyyirat bihialjibalu aw quttiAAat bihi al-ardu awkullima bihi almawta bal lillahi al-amru jameeAAanafalam yay-asi allatheena amanoo an law yashaoAllahu lahada annasa jameeAAan walayazalu allatheena kafaroo tuseebuhum bimasanaAAoo qariAAatun aw tahullu qareeban mindarihim hatta ya/tiya waAAdu Allahiinna Allaha la yukhlifu almeeAAad

Somali
 
haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh, miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo ballanka.

Ayah  13:32  الأية
وَلَقَدِ اسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَأَمْلَيْتُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ
Walaqadi istuhzi-a birusulin min qablikafaamlaytu lillatheena kafaroo thumma akhathtuhumfakayfa kana AAiqab

Somali
 
waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday noqotay ciqaabtaydii (Way darrayd).

Ayah  13:33  الأية
أَفَمَنْ هُوَ قَائِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ ۗ وَجَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ قُلْ سَمُّوهُمْ ۚ أَمْ تُنَبِّئُونَهُ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِي الْأَرْضِ أَم بِظَاهِرٍ مِّنَ الْقَوْلِ ۗ بَلْ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مَكْرُهُمْ وَصُدُّوا عَنِ السَّبِيلِ ۗ وَمَن يُضْلِلِ اللهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ
Afaman huwa qa-imun AAalakulli nafsin bima kasabat wajaAAaloo lillahi shurakaaqul sammoohum am tunabbi-oonahu bima la yaAAlamufee al-ardi am bithahirin minaalqawli bal zuyyina lillatheena kafaroo makruhum wasuddooAAani assabeeli waman yudlili Allahu famalahu min had

Somali
 
cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey Jidka, cid Eebe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin.

Ayah  13:34  الأية
لَّهُمْ عَذَابٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَشَقُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّنَ اللهِ مِن وَاقٍ
Lahum AAathabun fee alhayatiaddunya walaAAathabu al-akhiratiashaqqu wama lahum mina Allahi min waq

Somali
 
waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka Ilaalin.

Ayah  13:35  الأية
مَّثَلُ الْجَنَّةِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۖ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ أُكُلُهَا دَائِمٌ وَظِلُّهَا ۚ تِلْكَ عُقْبَى الَّذِينَ اتَّقَوا ۖ وَّعُقْبَى الْكَافِرِينَ النَّارُ
Mathalu aljannati allatee wuAAidaalmuttaqoona tajree min tahtiha al-anharuokuluha da-imun wathilluhatilka AAuqba allatheena ittaqaw waAAuqba alkafireenaannar

Somali
 
tusaalaha (Tilmaanta) jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar.

Ayah  13:36  الأية
وَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَفْرَحُونَ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ ۖ وَمِنَ الْأَحْزَابِ مَن يُنكِرُ بَعْضَهُ ۚ قُلْ إِنَّمَا أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللهَ وَلَا أُشْرِكَ بِهِ ۚ إِلَيْهِ أَدْعُو وَإِلَيْهِ مَآبِ
Wallatheena ataynahumualkitaba yafrahoona bima onzila ilaykawamina al-ahzabi man yunkiru baAAdahu qulinnama omirtu an aAAbuda Allaha wala oshrikabihi ilayhi adAAoo wa-ilayhi maab

Somali
 
kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebe una shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon.

Ayah  13:37  الأية
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَاهُ حُكْمًا عَرَبِيًّا ۚ وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُم بَعْدَمَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا وَاقٍ
Wakathalika anzalnahu hukmanAAarabiyyan wala-ini ittabaAAta ahwaahum baAAda majaaka mina alAAilmi ma laka mina Allahi minwaliyyin wala waq

Somali
 
saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid xagga Eebe gargaare iyo dhawre.

Ayah  13:38  الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ وَجَعَلْنَا لَهُمْ أَزْوَاجًا وَذُرِّيَّةً ۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِيَ بِآيَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللهِ ۗ لِكُلِّ أَجَلٍ كِتَابٌ
Walaqad arsalna rusulan min qablikawajaAAalna lahum azwajan wathurriyyatan wamakana lirasoolin an ya/tiya bi-ayatin illabi-ithni Allahi likulli ajalin kitab

Somali
 
waxaan dirray hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay.

Ayah  13:39  الأية
يَمْحُو اللهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ
Yamhoo Allahu ma yashaowayuthbitu waAAindahu ommu alkitab

Somali
 
eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana waxaa ah Looxul maxfuudka.

Ayah  13:40  الأية
وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ الَّذِي نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ الْبَلَاغُ وَعَلَيْنَا الْحِسَابُ
Wa-in ma nuriyannaka baAAdaallathee naAAiduhum aw natawaffayannaka fa-innamaAAalayka albalaghu waAAalayna alhisab

Somali
 
haddaan ku tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno.

Ayah  13:41  الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا نَأْتِي الْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ وَاللهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِ ۚ وَهُوَ سَرِيعُ الْحِسَابِ
Awa lam yaraw anna na/tee al-ardananqusuha min atrafiha wallahuyahkumu la muAAaqqiba lihukmihi wahuwasareeAAu alhisab

Somali
 
miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo nusqaamin furid (ama Abaar) Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay xisaabtiisu.

Ayah  13:42  الأية
وَقَدْ مَكَرَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلِلَّهِ الْمَكْرُ جَمِيعًا ۖ يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ ۗ وَسَيَعْلَمُ الْكُفَّارُ لِمَنْ عُقْبَى الدَّارِ
Waqad makara allatheena min qablihimfalillahi almakru jameeAAan yaAAlamu ma taksibukullu nafsin wasayaAAlamu alkuffaru liman AAuqba addar

Somali
 
waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto, waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican.

Ayah  13:43  الأية
وَيَقُولُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَسْتَ مُرْسَلًا ۚ قُلْ كَفَىٰ بِاللهِ شَهِيدًا بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ وَمَنْ عِندَهُ عِلْمُ الْكِتَابِ
Wayaqoolu allatheena kafaroo lastamursalan qul kafa billahi shaheedan bayneewabaynakum waman AAindahu AAilmu alkitab

Somali
 
waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.





© EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us