1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
ص ۚ وَالْقُرْآنِ ذِي الذِّكْرِ
Sad walqur-ani theeaththikr
Somali
Xarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan
kudhaaranay (waalaydin soo bixin).
|
Ayah 38:2 الأية
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ
Bali allatheena kafaroo fee AAizzatinwashiqaq
Somali
Kuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido).
|
Ayah 38:3 الأية
كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ
Kam ahlakna min qablihim min qarninfanadaw walata heena manas
Somali
Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba
tareynin.
|
Ayah 38:4 الأية
وَعَجِبُوا أَن جَاءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ ۖ وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا
سَاحِرٌ كَذَّابٌ
WaAAajiboo an jaahum munthirunminhum waqala alkafiroona hatha sahirunkaththab
Somali
Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii
kani waa sixirroow beenaale ah.
|
Ayah 38:5 الأية
أَجَعَلَ الْآلِهَةَ إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ عُجَابٌ
AjaAAala al-alihata ilahan wahidaninna hatha lashay-on AAujab
Somali
Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo.
|
Ayah 38:6 الأية
وَانطَلَقَ الْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ امْشُوا وَاصْبِرُوا عَلَىٰ آلِهَتِكُمْ ۖ
إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ يُرَادُ
Wantalaqa almalao minhum aniimshoo wasbiroo AAala alihatikuminna hatha lashay-on
yurad
Somali
Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo
ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni.
|
Ayah 38:7 الأية
مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي الْمِلَّةِ الْآخِرَةِ إِنْ هَٰذَا إِلَّا اخْتِلَاقٌ
Ma samiAAna bihatha feealmillati al-akhirati in hatha illa ikhtilaq
Somali
Manaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa
wax la been abuurtay.
|
Ayah 38:8 الأية
أَأُنزِلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ مِن بَيْنِنَا ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِّن ذِكْرِي ۖ
بَل لَّمَّا يَذُوقُوا عَذَابِ
Aonzila AAalayhi aththikru minbaynina bal hum fee shakkin min thikree bal
lammayathooqoo AAathab
Somali
Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga
sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga.
|
Ayah 38:9 الأية
أَمْ عِندَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ
Am AAindahum khaza-inu rahmatirabbika alAAazeezi alwahhab
Somali
Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka)
yahay.
|
Ayah 38:10 الأية
أَمْ لَهُم مُّلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ فَلْيَرْتَقُوا
فِي الْأَسْبَابِ
Am lahum mulku assamawatiwal-ardi wama baynahuma falyartaqoofee al-asbab
Somali
Mise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu
koreen sallaanno xagga (samada).
|
Ayah 38:11 الأية
جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ الْأَحْزَابِ
Jundun ma hunalika mahzoomunmina al-ahzab
Somali
Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan).
|
Ayah 38:12 الأية
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو الْأَوْتَادِ
Kaththabat qablahum qawmu noohinwaAAadun wafirAAawnu thoo al-awtad
Somali
Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo
Fircoonkii tiirarka lahaa.
|
Ayah 38:13 الأية
وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ ۚ أُولَٰئِكَ الْأَحْزَابُ
Wathamoodu waqawmu lootin waas-habual-aykati ola-ika al-ahzab
Somali
Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi
Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey).
|
Ayah 38:14 الأية
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
In kullun illa kaththaba arrusulafahaqqa AAiqab
Somali
Midaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
|
Ayah 38:15 الأية
وَمَا يَنظُرُ هَٰؤُلَاءِ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ
Wama yanthuru haola-iilla sayhatan wahidatan ma lahamin fawaq
Somali
Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi
iyo sugid midna.
|
Ayah 38:16 الأية
وَقَالُوا رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ الْحِسَابِ
Waqaloo rabbana AAajjil lanaqittana qabla yawmi alhisab
Somali
Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta
xisaabta ka hor, (Qiyaamada).
|
Ayah 38:17 الأية
اصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ ۖ
إِنَّهُ أَوَّابٌ
Isbir AAala mayaqooloona wathkur AAabdana dawooda thaal-aydi innahu awwab
Somali
Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga
lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane.
|
Ayah 38:18 الأية
إِنَّا سَخَّرْنَا الْجِبَالَ مَعَهُ يُسَبِّحْنَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِشْرَاقِ
Inna sakhkharna aljibalamaAAahu yusabbihna bilAAashiyyi wal-ishraq
Somali
Annagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo
Subaxba.
|
Ayah 38:19 الأية
وَالطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَّهُ أَوَّابٌ
Wattayra mahshooratankullun lahu awwab
Somali
Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe.
|
Ayah 38:20 الأية
وَشَدَدْنَا مُلْكَهُ وَآتَيْنَاهُ الْحِكْمَةَ وَفَصْلَ الْخِطَابِ
Washadadna mulkahu waataynahualhikmata wafasla alkhitab
Somali
Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo
iyo hadal cadday (iyo garsoorid).
|
Ayah 38:21 الأية
وَهَلْ أَتَاكَ نَبَأُ الْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا الْمِحْرَابَ
Wahal ataka nabao alkhasmi ithtasawwaroo almihrab
Somali
Ma ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen.
|
Ayah 38:22 الأية
إِذْ دَخَلُوا عَلَىٰ دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ خَصْمَانِ
بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَاحْكُم بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ
وَاهْدِنَا إِلَىٰ سَوَاءِ الصِّرَاطِ
Ith dakhaloo AAala dawoodafafaziAAa minhum qaloo la takhaf khasmanibagha
baAAduna AAala baAAdinfahkum baynana bilhaqqi walatushtit wahdina ila
sawa-iassirat
Somali
una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan,
waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si ah noo kala xukun,
hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa).
|
Ayah 38:23 الأية
إِنَّ هَٰذَا أَخِي لَهُ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِيَ نَعْجَةٌ وَاحِدَةٌ
فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِي فِي الْخِطَابِ
Inna hatha akhee lahu tisAAunwatisAAoona naAAjatan waliya naAAjatun wahidatun
faqalaakfilneeha waAAazzanee fee alkhitab
Somali
(Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido
ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu
igaga adkaaday.
|
Ayah 38:24 الأية
قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا
مِّنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا
وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا
فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ ۩
Qala laqad thalamakabisu-ali naAAjatika ila niAAajihi wa-innakatheeran mina
alkhulata-i layabghee baAAduhum AAalabaAAdin illa allatheena amanoowaAAamiloo
assalihati waqaleelun mahum wathanna dawoodu annama fatannahufastaghfara rabbahu
wakharra rakiAAan waanab
Somali
Wuxuuna yidhi «Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo)
Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku
xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee
camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey
inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la
dhacay wuuna noday.
|
Ayah 38:25 الأية
فَغَفَرْنَا لَهُ ذَٰلِكَ ۖ وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ
Faghafarna lahu thalikawa-inna lahu AAindana lazulfa wahusna maab
Somali
Markaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho
fiican (darajo sare).
|
Ayah 38:26 الأية
يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُم بَيْنَ النَّاسِ
بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ اللهِ ۚ إِنَّ
الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ اللهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا
يَوْمَ الْحِسَابِ
Ya dawoodu inna jaAAalnakakhaleefatan fee al-ardi fahkum bayna annasibilhaqqi
wala tattabiAAi alhawa fayudillakaAAan sabeeli Allahi inna allatheena
yadilloonaAAan sabeeli Allahi lahum AAathabun shadeedun bimanasoo yawma alhisab
Somali
(Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka
kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe
kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta
xisaabta (Qiyaamada) darteed.
|
Ayah 38:27 الأية
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَاطِلًا ۚ ذَٰلِكَ
ظَنُّ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِنَ النَّارِ
Wama khalaqna assamaawal-arda wama baynahuma batilanthalika thannu allatheena
kafaroofawaylun lillatheena kafaroo mina annar
Somali
Maanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar).
taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii
Gaaloobey Naar.
|
Ayah 38:28 الأية
أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي
الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ
Am najAAalu allatheena amanoowaAAamiloo assalihati kalmufsideenafee al-ardi am
najAAalu almuttaqeena kalfujjar
Somali
Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn
dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale
(Gaalada).
|
Ayah 38:29 الأية
كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ
أُولُو الْأَلْبَابِ
Kitabun anzalnahu ilayka mubarakunliyaddabbaroo ayatihi waliyatathakkara
olooal-albab
Somali
(Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan
dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh,
|
Ayah 38:30 الأية
وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ
Wawahabna lidawooda sulaymananiAAma alAAabdu innahu awwab
Somali
Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec
(Eebe) oo fiican toobad keen badan.
|
Ayah 38:31 الأية
إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِالْعَشِيِّ الصَّافِنَاتُ الْجِيَادُ
Ith AAurida AAalayhi bilAAashiyyiassafinatu aljiyad
Somali
Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican.
|
Ayah 38:32 الأية
فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ
بِالْحِجَابِ
Faqala innee ahbabtu hubbaalkhayri AAan thikri rabbee hatta tawaratbilhijab
Somali
Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka
dhacdo.
|
Ayah 38:33 الأية
رُدُّوهَا عَلَيَّ ۖ فَطَفِقَ مَسْحًا بِالسُّوقِ وَالْأَعْنَاقِ
Ruddooha AAalayya fatafiqa mashanbissooqi wal-aAAnaq
Somali
ii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco
sadaqo darteed).
|
Ayah 38:34 الأية
وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَانَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِ جَسَدًا ثُمَّ
أَنَابَ
Walaqad fatanna sulaymanawaalqayna AAala kursiyyihi jasadan thumma anab
Somali
Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray
kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney.
|
Ayah 38:35 الأية
قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَهَبْ لِي مُلْكًا لَّا يَنبَغِي لِأَحَدٍ مِّن بَعْدِي ۖ
إِنَّكَ أَنتَ الْوَهَّابُ
Qala rabbi ighfir lee wahab leemulkan la yanbaghee li-ahadin min baAAdee
innakaanta alwahhab
Somali
Wuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid
igadambeeysa adaa bixin badane ahe.
|
Ayah 38:36 الأية
فَسَخَّرْنَا لَهُ الرِّيحَ تَجْرِي بِأَمْرِهِ رُخَاءً حَيْثُ أَصَابَ
Fasakhkharna lahu arreehatajree bi-amrihi rukhaan haythu asab
Somali
Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu
doono.
|
Ayah 38:37 الأية
وَالشَّيَاطِينَ كُلَّ بَنَّاءٍ وَغَوَّاصٍ
Washshayateena kulla banna-inwaghawwas
Somali
Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba.
|
Ayah 38:38 الأية
وَآخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ
Waakhareena muqarraneena fee al-asfad
Somali
Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado.,
|
Ayah 38:39 الأية
هَٰذَا عَطَاؤُنَا فَامْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ
Hatha AAataona famnunaw amsik bighayri hisab
Somali
(Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan.
|
Ayah 38:40 الأية
وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ
Wa-inna lahu AAindana lazulfawahusna maab
Somali
Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican.
|
Ayah 38:41 الأية
وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ
بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ
Wathkur AAabdanaayyooba ith nada rabbahu annee massaniya ashshaytanubinusbin
waAAathab
Somali
Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo
dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab.
|
Ayah 38:42 الأية
ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ
Orkud birijlika hathamughtasalun baridun washarab
Somali
Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo
meydhi ah qabowna lana cabdo.
|
Ayah 38:43 الأية
وَوَهَبْنَا لَهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ
لِأُولِي الْأَلْبَابِ
Wawahabna lahu ahlahu wamithlahummaAAahum rahmatan minna wathikrali-olee
al-albab
Somali
Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka
ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch.
|
Ayah 38:44 الأية
وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَاضْرِب بِّهِ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَاهُ
صَابِرًا ۚ نِّعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ
Wakhuth biyadika dighthan fadribbihi wala tahnath inna wajadnahu sabiranniAAma
alAAabdu innahu awwab
Somali
Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku
ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan.
|
Ayah 38:45 الأية
وَاذْكُرْ عِبَادَنَا إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ أُولِي الْأَيْدِي
وَالْأَبْصَارِ
Wathkur AAibadanaibraheema wa-ishaqa wayaAAqooba olee al-aydee wal-absar
Somali
Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku
xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa).
|
Ayah 38:46 الأية
إِنَّا أَخْلَصْنَاهُم بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى الدَّارِ
Inna akhlasnahum bikhalisatinthikra addar
Somali
Anagaa u dooranay xusidda aakhiro.
|
Ayah 38:47 الأية
وَإِنَّهُمْ عِندَنَا لَمِنَ الْمُصْطَفَيْنَ الْأَخْيَارِ
Wa-innahum AAindana lamina almustafaynaal-akhyar
Somali
Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan.
|
Ayah 38:48 الأية
وَاذْكُرْ إِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ وَكُلٌّ مِّنَ الْأَخْيَارِ
Wathkur ismaAAeelawa-ilyasaAAa watha alkifli wakullun mina al-akhyar
Somali
48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen
kuwo wanaagsan.
|
Ayah 38:49 الأية
هَٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَآبٍ
Hatha thikrun wa-innalilmuttaqeena lahusna maab
Somali
Waxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho
fiican.
|
Ayah 38:50 الأية
جَنَّاتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ الْأَبْوَابُ
Jannati AAadnin mufattahatanlahumu al-abwab
Somali
Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan.
|
Ayah 38:51 الأية
مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ
Muttaki-eena feeha yadAAoona feehabifakihatin katheeratin washarab
Somali
Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo
Cabbid.
|
Ayah 38:52 الأية
وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ أَتْرَابٌ
WaAAindahum qasiratu attarfiatrab
Somali
Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo
Isla eg.
|
Ayah 38:53 الأية
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ الْحِسَابِ
Hatha ma tooAAadoona liyawmialhisab
Somali
Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada).
|
Ayah 38:54 الأية
إِنَّ هَٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُ مِن نَّفَادٍ
Inna hatha larizquna malahu min nafad
Somali
Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado.
|
Ayah 38:55 الأية
هَٰذَا ۚ وَإِنَّ لِلطَّاغِينَ لَشَرَّ مَآبٍ
Hatha wa-inna littagheenalasharra maab
Somali
Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun.
|
Ayah 38:56 الأية
جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ الْمِهَادُ
Jahannama yaslawnaha fabi/saalmihad
Somali
Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol.
|
Ayah 38:57 الأية
هَٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ
Hatha falyathooqoohu hameemunwaghassaq
Somali
Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu
Naarka.
|
Ayah 38:58 الأية
وَآخَرُ مِن شَكْلِهِ أَزْوَاجٌ
Waakharu min shaklihi azwaj
Somali
Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah.
|
Ayah 38:59 الأية
هَٰذَا فَوْجٌ مُّقْتَحِمٌ مَّعَكُمْ ۖ لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو
النَّارِ
Hatha fawjun muqtahimunmaAAakum la marhaban bihim innahum saloo annar
Somali
Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha
soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta.
|
Ayah 38:60 الأية
قَالُوا بَلْ أَنتُمْ لَا مَرْحَبًا بِكُمْ ۖ أَنتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا ۖ
فَبِئْسَ الْقَرَارُ
Qaloo bal antum la marhabanbikum antum qaddamtumoohu lana fabi/sa alqarar
Somali
Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla
kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado.
|
Ayah 38:61 الأية
قَالُوا رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِي النَّارِ
Qaloo rabbana man qaddama lanahatha fazidhu AAathaban diAAfan fee annar
Somali
Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi
laban laab Naarta.
|
Ayah 38:62 الأية
وَقَالُوا مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ الْأَشْرَارِ
Waqaloo ma lana lanara rijalan kunna naAAudduhum mina al-ashrar
Somali
Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo
xun xun,
|
Ayah 38:63 الأية
أَتَّخَذْنَاهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ الْأَبْصَارُ
Attakhathnahum sikhriyyan am zaghatAAanhumu al-absar
Somali
Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda
Araggii.
|
Ayah 38:64 الأية
إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ النَّارِ
Inna thalika lahaqqun takhasumuahli annar
Somali
Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka.
|
Ayah 38:65 الأية
قُلْ إِنَّمَا أَنَا مُنذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللهُ الْوَاحِدُ
الْقَهَّارُ
Qul innama ana munthirunwama min ilahin illa Allahu alwahidualqahhar
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee
kaliga ah awoodana badnaa.
|
Ayah 38:66 الأية
رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ
Rabbu assamawati wal-ardiwama baynahuma alAAazeezu alghaffar
Somali
Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf
badan.
|
Ayah 38:67 الأية
قُلْ هُوَ نَبَأٌ عَظِيمٌ
Qul huwa nabaon AAatheem
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn.
|
Ayah 38:68 الأية
أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ
Antum AAanhu muAAridoon
Somali
Ood idinku ka jeedsaneysaan.
|
Ayah 38:69 الأية
مَا كَانَ لِيَ مِنْ عِلْمٍ بِالْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ إِذْ يَخْتَصِمُونَ
Ma kana liya min AAilmin bilmala-ial-aAAla ith yakhtasimoon
Somali
mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin).
|
Ayah 38:70 الأية
إِن يُوحَىٰ إِلَيَّ إِلَّا أَنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
In yooha ilayya illa annamaana natheerun mubeen
Somali
waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda.
|
Ayah 38:71 الأية
إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن طِينٍ
Ith qala rabbuka lilmala-ikatiinnee khaliqun basharan min teen
Somali
Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam)
Dhoobo.
|
Ayah 38:72 الأية
فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ
Fa-itha sawwaytuhu wanafakhtu feehimin roohee faqaAAoo lahu sajideen
Somali
Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan).
|
Ayah 38:73 الأية
فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ
Fasajada almala-ikatu kulluhumajmaAAoon
Somali
Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil.
|
Ayah 38:74 الأية
إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ
Illa ibleesa istakbara wakanamina alkafireen
Somali
Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada.
|
Ayah 38:75 الأية
قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ
أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ
Qala ya ibleesu mamanaAAaka an tasjuda lima khalaqtu biyadayya astakbarta
amkunta mina alAAaleen
Somali
Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray
yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.
|
Ayah 38:76 الأية
قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ
Qala ana khayrun minhukhalaqtanee min narin wakhalaqtahu min teen
Somali
Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana
waxaad ka abuurtey dhoobo.
|
Ayah 38:77 الأية
قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ
Qala fakhruj minhafa-innaka rajeem
Somali
Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.
|
Ayah 38:78 الأية
وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ
Wa-inna AAalayka laAAnatee ila yawmiaddeen
Somali
Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.
|
Ayah 38:79 الأية
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Qala rabbi faanthirneeila yawmi yubAAathoon
Somali
Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.
|
Ayah 38:80 الأية
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ
Qala fa-innaka mina almunthareen
Somali
Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.
|
Ayah 38:81 الأية
إِلَىٰ يَوْمِ الْوَقْتِ الْمَعْلُومِ
Ila yawmi alwaqti almaAAloom
Somali
Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.
|
Ayah 38:82 الأية
قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
Qala fabiAAizzatika laoghwiyannahumajmaAAeen
Somali
Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.
|
Ayah 38:83 الأية
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ
Illa AAibadaka minhumualmukhlaseen
Somali
marka laga reebo addomadaada suuban.
|
Ayah 38:84 الأية
قَالَ فَالْحَقُّ وَالْحَقَّ أَقُولُ
Qala falhaqqu walhaqqaaqool
Somali
Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa.
|
Ayah 38:85 الأية
لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ
Laamlaanna jahannama minka wamimmantabiAAaka minhum ajmaAAeen
Somali
Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah
dadka dhamaan.
|
Ayah 38:86 الأية
قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ
Qul ma as-alukum AAalayhi min ajrinwama ana mina almutakallifeen
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ibi kuwa is dhiba
(isku dhibawaxaan la firin).
|
Ayah 38:87 الأية
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَالَمِينَ
In huwa illa thikrun lilAAalameen
Somali
Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha.
|
Ayah 38:88 الأية
وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُ بَعْدَ حِينٍ
WalataAAlamunna nabaahu baAAda heen
Somali
Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|