Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka yeesha Eebe ka sokow
awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho,
Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebana ma hanuuniyo Been
badane gaalnimobadan.
kuwa ka dhawrsaday Eebahoodse waxay mudan Qawlado (Janno) oo qawlada kale ka
korreeyaan sifiicanna (udhisan), waxaana dhexsocda Wabiyaalkii, waana yabooh
Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohissa.
Eebaa soo dejiyey kan ugu fiican hadal, kitaabuu soo dajiyey isu eg, oo soo
noqnoqda, ay lana qamandhacyooto Jidhka kuwa ka yaaba Eebahood, markaasay la
jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebe, arrintaasuna waa hanuunka Eebe uu
ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebe dhumiyana ma jiro cid hanuunin.
Hadaad warsato Gaalada yaa abuuray Cirka iyo Dhulka waxay odhan Eebe, waxaad
dhahdaa bal ka warrama waxaad caabudaysaan Eebe ka sokow hadduu ila doono Eebe
dhib miyey yihiin kuwa fayda dhibka ama hadduu ila doono naxariis ma joojin
karaan naxariistiisa, waxaad dhahdaa waxaa i kaafiya Eebe ee korkiisa ha tala
saarteen kuwa tala saaran.
Markuu dhibtaabto dadku wuu na baryayaa, markaanse siino Nicmo wuxuu dhahaa
waxaa la i siiyey waan mutaa, saas ma aha ee waannu imtixaami mase oga
badankood.
Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii
(Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu
kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.
Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga jannada iyagoo kooxa ah
markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda (marhore) waxay ku dhihi
adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee
gala janada idinkoo ku waari.
Waxaad arkaysaa malaa'igtoo ku wareegsan gaararka carshiga kuna tasbiixsan
mahadda Eebahood, waana la kala xukumi dadkii dhexdooda si xaqw ah, waxaana la
dhihi mahad Eebaa iska leh ee ah Eebaha caalamka.