First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
المص
Somali
(Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
|
Ayah 7:2 الأية
كِتَابٌ أُنزِلَ إِلَيْكَ فَلَا يَكُن فِي صَدْرِكَ حَرَجٌ مِّنْهُ لِتُنذِرَ بِهِ
وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
Somali
Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna Laabtaada Dhibi (Cidhiidh) ahaan
inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta.
|
Ayah 7:3 الأية
اتَّبِعُوا مَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِن دُونِهِ
أَوْلِيَاءَ ۗ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
Somali
Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo
Awliyo ah (Gargaara ah) yaraana intaad Waantoobaysaan.
|
Ayah 7:4 الأية
وَكَم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا فَجَاءَهَا بَأْسُنَا بَيَاتًا أَوْ هُمْ
قَائِلُونَ
Somali
Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen)
ama Qayluushan (Maalin).
|
Ayah 7:5 الأية
فَمَا كَانَ دَعْوَاهُمْ إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا إِلَّا أَن قَالُوا إِنَّا كُنَّا
ظَالِمِينَ
Somali
Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay
Dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
|
Ayah 7:6 الأية
فَلَنَسْأَلَنَّ الَّذِينَ أُرْسِلَ إِلَيْهِمْ وَلَنَسْأَلَنَّ الْمُرْسَلِينَ
Somali
Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana
warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
|
Ayah 7:7 الأية
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيْهِم بِعِلْمٍ ۖ وَمَا كُنَّا غَائِبِينَ
Somali
Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn.
|
Ayah 7:8 الأية
وَالْوَزْنُ يَوْمَئِذٍ الْحَقُّ ۚ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ
الْمُفْلِحُونَ
Somali
Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican)
Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
|
Ayah 7:9 الأية
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُم بِمَا
كَانُوا بِآيَاتِنَا يَظْلِمُونَ
Somali
Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda Dulmigay
ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis.
|
Ayah 7:10 الأية
وَلَقَدْ مَكَّنَّاكُمْ فِي الْأَرْضِ وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَايِشَ ۗ
قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Somali
Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase
yar Intaad Shukriyeysaan.
|
Ayah 7:11 الأية
وَلَقَدْ خَلَقْنَاكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَاكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ
اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ لَمْ يَكُن مِّنَ السَّاجِدِينَ
Somali
Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi
Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn
kuwa Sujuuda.
|
Ayah 7:12 الأية
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ
خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ
Somali
Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi
anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo.
|
Ayah 7:13 الأية
قَالَ فَاهْبِطْ مِنْهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَاخْرُجْ
إِنَّكَ مِنَ الصَّاغِرِينَ
Somali
Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex
Kibriside, Bax waxaad ka mid tahay kuwa Dullaysane.
|
Ayah 7:14 الأية
قَالَ أَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Somali
Wuxuu Yidhi ii sug tan iyo Maalinta la soo Bixin.
|
Ayah 7:15 الأية
قَالَ إِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ
Somali
Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
|
Ayah 7:16 الأية
قَالَ فَبِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَاطَكَ الْمُسْتَقِيمَ
Somali
Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan
Dhumin).
|
Ayah 7:17 الأية
ثُمَّ لَآتِيَنَّهُم مِّن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ وَعَنْ
أَيْمَانِهِمْ وَعَن شَمَائِلِهِمْ ۖ وَلَا تَجِدُ أَكْثَرَهُمْ شَاكِرِينَ
Somali
Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid
badankooda oo Shugriyi.
|
Ayah 7:18 الأية
قَالَ اخْرُجْ مِنْهَا مَذْءُومًا مَّدْحُورًا ۖ لَّمَن تَبِعَكَ مِنْهُمْ
لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمْ أَجْمَعِينَ
Somali
Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku
raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
|
Ayah 7:19 الأية
وَيَا آدَمُ اسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ فَكُلَا مِنْ حَيْثُ شِئْتُمَا
وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ
Somali
Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan,
hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin.
|
Ayah 7:20 الأية
فَوَسْوَسَ لَهُمَا الشَّيْطَانُ لِيُبْدِيَ لَهُمَا مَا وُورِيَ عَنْهُمَا مِن
سَوْآتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا
أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ
Somali
Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo
Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin
Malaa'ig, ama aydaan waarin.
|
Ayah 7:21 الأية
وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ
Somali
Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex.
|
Ayah 7:22 الأية
فَدَلَّاهُمَا بِغُرُورٍ ۚ فَلَمَّا ذَاقَا الشَّجَرَةَ بَدَتْ لَهُمَا
سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ ۖ
وَنَادَاهُمَا رَبُّهُمَا أَلَمْ أَنْهَكُمَا عَن تِلْكُمَا الشَّجَرَةِ وَأَقُل
لَّكُمَا إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمَا عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Somali
Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday
Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u
Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku
wuxuu idiin yahay Col Cad.
|
Ayah 7:23 الأية
قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا
لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ
Somali
Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin
oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.
|
Ayah 7:24 الأية
قَالَ اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ
وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ
Somali
Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu Col u yahaye, waxaan Dhulka idiinku
Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo.
|
Ayah 7:25 الأية
قَالَ فِيهَا تَحْيَوْنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنْهَا تُخْرَجُونَ
Somali
Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan
Xaggiisaana laydinka soo Bixin.
|
Ayah 7:26 الأية
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْآتِكُمْ
وَرِيشًا ۖ وَلِبَاسُ التَّقْوَىٰ ذَٰلِكَ خَيْرٌ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ
لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ
Somali
Banii Aadamow waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo
Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka Eebe
inay Dadku wax Xusuustaan.
|
Ayah 7:27 الأية
يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم
مِّنَ الْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ
إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا
جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ
Somali
Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii
Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu
idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay
Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.
|
Ayah 7:28 الأية
وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ
أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ
عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Somali
Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno Eebaana na
faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma waxaad ku Dhahaysaan Eebe
waxaydaan Ogayne.
|
Ayah 7:29 الأية
قُلْ أَمَرَ رَبِّي بِالْقِسْطِ ۖ وَأَقِيمُوا وُجُوهَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ
وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ۚ كَمَا بَدَأَكُمْ تَعُودُونَ
Somali
Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna
(Xagiisa) Masaajidkasta Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku
Billaabay Yaad ku soo Noqonaysaan.
|
Ayah 7:30 الأية
فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ ۗ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا
الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ
Somali
Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay
ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo, waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin.
|
Ayah 7:31 الأية
يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا
وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ
Somali
Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana
hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.
|
Ayah 7:32 الأية
قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ
مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا
خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ
يَعْلَمُونَ
Somali
Waxaadna Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo
Wanaagga Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha
Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay
Aayaadkanaga Ciddii wax Og.
|
Ayah 7:33 الأية
قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ
وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَن تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ
يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Somali
Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba,
iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo
u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».
|
Ayah 7:34 الأية
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً
ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ
Somali
Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama
dibmaraan Saacad kamana hor maraan.
|
Ayah 7:35 الأية
يَا بَنِي آدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ
آيَاتِي ۙ فَمَنِ اتَّقَىٰ وَأَصْلَحَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ
يَحْزَنُونَ
Somali
Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama
Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana
Walbahaaraan.
|
Ayah 7:36 الأية
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ
النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Somali
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda
wayna ku Waari.
|
Ayah 7:37 الأية
فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ
ۚ أُولَٰئِكَ يَنَالُهُمْ نَصِيبُهُم مِّنَ الْكِتَابِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءَتْهُمْ
رُسُلُنَا يَتَوَفَّوْنَهُمْ قَالُوا أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَدْعُونَ مِن دُونِ
اللَّهِ ۖ قَالُوا ضَلُّوا عَنَّا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا
كَافِرِينَ
Somali
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu
waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo
Dili waxay ku Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way
naga Dhumeen, waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo.
|
Ayah 7:38 الأية
قَالَ ادْخُلُوا فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِكُم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ
فِي النَّارِ ۖ كُلَّمَا دَخَلَتْ أُمَّةٌ لَّعَنَتْ أُخْتَهَا ۖ حَتَّىٰ إِذَا
ادَّارَكُوا فِيهَا جَمِيعًا قَالَتْ أُخْرَاهُمْ لِأُولَاهُمْ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ
أَضَلُّونَا فَآتِهِمْ عَذَابًا ضِعْفًا مِّنَ النَّارِ ۖ قَالَ لِكُلٍّ ضِعْفٌ
وَلَٰكِن لَّا تَعْلَمُونَ
Somali
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh,
markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku
haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan
hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan
mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
|
Ayah 7:39 الأية
وَقَالَتْ أُولَاهُمْ لِأُخْرَاهُمْ فَمَا كَانَ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍ
فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ
Somali
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya
Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
|
Ayah 7:40 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا لَا تُفَتَّحُ
لَهُمْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ وَلَا يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ
الْجَمَلُ فِي سَمِّ الْخِيَاطِ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُجْرِمِينَ
Somali
Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan
Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa
Dambiilayaasha,
|
Ayah 7:41 الأية
لَهُم مِّن جَهَنَّمَ مِهَادٌ وَمِن فَوْقِهِمْ غَوَاشٍ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي
الظَّالِمِينَ
Somali
Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal
marinnaa Daalimiinta.
|
Ayah 7:42 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا
وُسْعَهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Somali
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin,
Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.
|
Ayah 7:43 الأية
وَنَزَعْنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ ۖ
وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَٰذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ
لَوْلَا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ ۖ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ ۖ
وَنُودُوا أَن تِلْكُمُ الْجَنَّةُ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Somali
Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda
Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan
(Wanaagga) Maanaan hanuuneen haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii
Eebaheen Xaq, waxaana loogu Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey
Camalkiinna Dartiis.
|
Ayah 7:44 الأية
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ أَصْحَابَ النَّارِ أَن قَدْ وَجَدْنَا مَا
وَعَدَنَا رَبُّنَا حَقًّا فَهَلْ وَجَدتُّم مَّا وَعَدَ رَبُّكُمْ حَقًّا ۖ
قَالُوا نَعَمْ ۚ فَأَذَّنَ مُؤَذِّنٌ بَيْنَهُمْ أَن لَّعْنَةُ اللَّهِ عَلَى
الظَّالِمِينَ
Somali
Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan hellay wixii Eebe Noo
Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin yahoohay Eebe si Dhab ah,
waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid Dhawaaqa Laenadda Eebe ha
ku Dhaedo Daalimiinta.
|
Ayah 7:45 الأية
الَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم
بِالْآخِرَةِ كَافِرُونَ
Somali
Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka
Gaaloobay.
|
Ayah 7:46 الأية
وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ ۚ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا
بِسِيمَاهُمْ ۚ وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَن سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۚ لَمْ
يَدْخُلُوهَا وَهُمْ يَطْمَعُونَ
Somali
Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab Aeraafkana (Meel sare) waxaa ahaan Dad ku Garan
Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu Jannaha iyagoo ku leh
Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse damci.
|
Ayah 7:47 الأية
وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَارُهُمْ تِلْقَاءَ أَصْحَابِ النَّارِ قَالُوا رَبَّنَا لَا
تَجْعَلْنَا مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga Ehelu Naarka waxay Dhahaaan Eebow ha na
yeelin la Jirka Daalimiinta.
|
Ayah 7:48 الأية
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْأَعْرَافِ رِجَالًا يَعْرِفُونَهُم بِسِيمَاهُمْ قَالُوا
مَا أَغْنَىٰ عَنكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ
Somali
Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan Calaamaddooda, waxayna ku
Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku
Kibrinayseen.
|
Ayah 7:49 الأية
أَهَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَقْسَمْتُمْ لَا يَنَالُهُمُ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ ۚ
ادْخُلُوا الْجَنَّةَ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمْ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ
Somali
Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis
(Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn.
|
Ayah 7:50 الأية
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا عَلَيْنَا مِنَ
الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ ۚ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَهُمَا
عَلَى الْكَافِرِينَ
Somali
Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa
Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay
Labadaas Gaalada.
|
Ayah 7:51 الأية
الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَهْوًا وَلَعِبًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ
الدُّنْيَا ۚ فَالْيَوْمَ نَنسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَٰذَا وَمَا
كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ
Somali
Ee ah kuwa ka Yeeshay Diintooda Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha
Adduunyo, Maanta wuu ku Dayn Naarta siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo
Diidooda Aayaadkanaga Dartiis.
|
Ayah 7:52 الأية
وَلَقَدْ جِئْنَاهُم بِكِتَابٍ فَصَّلْنَاهُ عَلَىٰ عِلْمٍ هُدًى وَرَحْمَةً
لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Somali
Dhab ahaan baannu ugula Nimid Kitaab Aannu Caddaynay Annagoo ku Cilmi leh,
Isagoo Hanuun iyo Naxariis u ah Ciddi Rumayn.
|
Ayah 7:53 الأية
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا تَأْوِيلَهُ ۚ يَوْمَ يَأْتِي تَأْوِيلُهُ يَقُولُ
الَّذِينَ نَسُوهُ مِن قَبْلُ قَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ فَهَل
لَّنَا مِن شُفَعَاءَ فَيَشْفَعُوا لَنَا أَوْ نُرَدُّ فَنَعْمَلَ غَيْرَ الَّذِي
كُنَّا نَعْمَلُ ۚ قَدْ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا
يَفْتَرُونَ
Somali
Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku, Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi
Quraanku waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid
Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha noo Shafeeceene, ama ma nala Celin
inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay Khasaariyeen Naftooda waxaana
ka Dhumay waxay been abuuran jireen.
|
Ayah 7:54 الأية
إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ
أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ يُغْشِي اللَّيْلَ النَّهَارَ يَطْلُبُهُ
حَثِيثًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ وَالنُّجُومَ مُسَخَّرَاتٍ بِأَمْرِهِ ۗ أَلَا
لَهُ الْخَلْقُ وَالْأَمْرُ ۗ تَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ
Somali
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday
Carshiga, wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg
dega Qorraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana
Abuuridda iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday «oo Khayrbatay» Eebaha
barbaariya Caalamka.
|
Ayah 7:55 الأية
ادْعُوا رَبَّكُمْ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ
Somali
U Barya Eebihiin si Khashuue ah iyo Qarsoodi Ellen Eebe ma jeela kuwa Xad
gudbee.
|
Ayah 7:56 الأية
وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا
ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ
Somali
Hana fasaadinina Dhulka inta la Wanaajiyey ka dib, Baryana Eebe Cabsi iyo
Doonidba Naxariista Eebana waxay u Dhawdahay kuwa Samaha Fala.
|
Ayah 7:57 الأية
وَهُوَ الَّذِي يُرْسِلُ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۖ حَتَّىٰ
إِذَا أَقَلَّتْ سَحَابًا ثِقَالًا سُقْنَاهُ لِبَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَنزَلْنَا بِهِ
الْمَاءَ فَأَخْرَجْنَا بِهِ مِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ ۚ كَذَٰلِكَ نُخْرِجُ
الْمَوْتَىٰ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
Somali
Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay
Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku
Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad
Xussusataan.
|
Ayah 7:58 الأية
وَالْبَلَدُ الطَّيِّبُ يَخْرُجُ نَبَاتُهُ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَالَّذِي خَبُثَ
لَا يَخْرُجُ إِلَّا نَكِدًا ۚ كَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَشْكُرُونَ
Somali
Dhulka Fiican wuxuu ku soo baxaa Doogiisu idinka Eebe, midka Xunna waxaan Dhib
ahayn kuma soo baxo, saasaan ugu Caddaynaa Aayaadka Ciddii ku Shukrin Eebe.
|
Ayah 7:59 الأية
لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ
مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ
عَظِيمٍ
Somali
Waxaan u Dirray Nabi Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe
idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, anugu waxaan idiinka Cabsan Cadaab Maalin
Wayn.
|
Ayah 7:60 الأية
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Somali
Waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ka mid ahayd waxaan kugu Aragnaa Baadi Cad.
|
Ayah 7:61 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي ضَلَالَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ
الْعَالَمِينَ
Somali
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Baadi kuma Sugni waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
|
Ayah 7:62 الأية
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنصَحُ لَكُمْ وَأَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا
تَعْلَمُونَ
Somali
Waxaana idiin Gaadhsiin Farriinta Eebahay waana idiin Naseexayn, waxaana ka
Ogyahay Xagga Eebe waxaydaan Ogayn.
|
Ayah 7:63 الأية
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ
لِيُنذِرَكُمْ وَلِتَتَّقُوا وَلَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Somali
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Nin idinka mida Xuska Eebihiin si uu
idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna Naxariisto.
|
Ayah 7:64 الأية
فَكَذَّبُوهُ فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ فِي الْفُلْكِ وَأَغْرَقْنَا
الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا عَمِينَ
Somali
Wayse Beeniyeen waxaana ku korinay Nuux iyo intii la jirtay Doontii waxaana
Maanshaynay kuwii Beeniyey Aayaadkanaga, Illeen waxay ahaayeen Qoom indhala,
(Xaqa arkayn).
|
Ayah 7:65 الأية
وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم
مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
Waxaan u Dirray Caadna Walaalkood (Nabi) Huud wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda
Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhay, Miyeydaan Dhawrsanayn.
|
Ayah 7:66 الأية
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي سَفَاهَةٍ
وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ الْكَاذِبِينَ
Somali
Waxay Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ka mid a, Anagu waxaan kugu
aragnaa Safaaho (Xumaan) waxaana kuu malaynaynaa Beenaalayaasha.
|
Ayah 7:67 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي سَفَاهَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ
الْعَالَمِينَ
Somali
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha
Caalamka.
|
Ayah 7:68 الأية
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنَا لَكُمْ نَاصِحٌ أَمِينٌ
Somali
Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin ahay Nasteex Aamina.
|
Ayah 7:69 الأية
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ
لِيُنذِرَكُمْ ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ قَوْمِ نُوحٍ
وَزَادَكُمْ فِي الْخَلْقِ بَسْطَةً ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ لَعَلَّكُمْ
تُفْلِحُونَ
Somali
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu
iddin Digo, Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii
Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u
Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
|
Ayah 7:70 الأية
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ
آبَاؤُنَا ۖ فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
Somali
Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe Kaliya, oon ka Tagno
Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu Goodiyeysay Haddaad runle
tahay.
|
Ayah 7:71 الأية
قَالَ قَدْ وَقَعَ عَلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ رِجْسٌ وَغَضَبٌ ۖ أَتُجَادِلُونَنِي
فِي أَسْمَاءٍ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا نَزَّلَ اللَّهُ بِهَا مِن
سُلْطَانٍ ۚ فَانتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُم مِّنَ الْمُنتَظِرِينَ
Somali
wuxuu yidhi waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula
Murmaysaan Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo
Dejinin Xujo, Suga anna waan idinla Sugiye.
|
Ayah 7:72 الأية
فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَقَطَعْنَا دَابِرَ
الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۖ وَمَا كَانُوا مُؤْمِنِينَ
Somali
Markaasaan Korinay isaga iyo Intii la jirtay Naxariistanada Darteed, waxaana
Goynay Cidhibta kuwa Beeniyey Aayaadkanaga, mana ayan rumayn (Xaqa).
|
Ayah 7:73 الأية
وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا
لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ
هَٰذِهِ نَاقَةُ اللَّهِ لَكُمْ آيَةً ۖ فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِي أَرْضِ اللَّهِ ۖ
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Somali
Waxaan u Dirray Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow
Caabuda Eebe wax ka soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga
Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska
Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto
Cadaab Daran.
|
Ayah 7:74 الأية
وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ عَادٍ وَبَوَّأَكُمْ فِي
الْأَرْضِ تَتَّخِذُونَ مِن سُهُولِهَا قُصُورًا وَتَنْحِتُونَ الْجِبَالَ بُيُوتًا
ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
Somali
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna
Dhulka idinkoo ka Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda
Guryo Xusuusta Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka.
|
Ayah 7:75 الأية
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا
لِمَنْ آمَنَ مِنْهُمْ أَتَعْلَمُونَ أَنَّ صَالِحًا مُّرْسَلٌ مِّن رَّبِّهِ ۚ
قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلَ بِهِ مُؤْمِنُونَ
Somali
Waxayna ku dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa
oo Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna
dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.
|
Ayah 7:76 الأية
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا بِالَّذِي آمَنتُم بِهِ كَافِرُونَ
Somali
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay.
|
Ayah 7:77 الأية
فَعَقَرُوا النَّاقَةَ وَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ وَقَالُوا يَا صَالِحُ
ائْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ
Somali
Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii Eebahood, waxayna dheheen
Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad tahay mid la soo Diray.
|
Ayah 7:78 الأية
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
Somali
Waxaana qabtay Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay.
|
Ayah 7:79 الأية
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَةَ رَبِّي
وَنَصَحْتُ لَكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُحِبُّونَ النَّاصِحِينَ
Somali
Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey
Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa.
|
Ayah 7:80 الأية
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ
أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ
Somali
Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad la imaanaysaan Xumaanta
uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah.
|
Ayah 7:81 الأية
إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ النِّسَاءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ
قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ
Somali
Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed Haweenka ka sokow, waxaadse
tihiin qoom Xad Gudbay.
|
Ayah 7:82 الأية
وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ
إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
Somali
Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay
Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye.
|
Ayah 7:83 الأية
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
Somali
Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa
halaag ku hadhay.
|
Ayah 7:84 الأية
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ
الْمُجْرِمِينَ
Somali
Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday Noqotay Cidhibtii
Dambiilayaasha.
|
Ayah 7:85 الأية
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا
لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ
فَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا
تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن
كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Somali
Madyanna waxaan u Diray Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda
Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, waxaa idiinka Timid Xagga Eebe Xujee
Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda, hana
Fasaadinina Dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr roon haddaad Mu'miniin
tihiin.
|
Ayah 7:86 الأية
وَلَا تَقْعُدُوا بِكُلِّ صِرَاطٍ تُوعِدُونَ وَتَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ
مَنْ آمَنَ بِهِ وَتَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ كُنتُمْ قَلِيلًا
فَكَثَّرَكُمْ ۖ وَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
Somali
Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin Dadka Jidka Eebe Ciddii
Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebe idin
badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha.
|
Ayah 7:87 الأية
وَإِن كَانَ طَائِفَةٌ مِّنكُمْ آمَنُوا بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ وَطَائِفَةٌ
لَّمْ يُؤْمِنُوا فَاصْبِرُوا حَتَّىٰ يَحْكُمَ اللَّهُ بَيْنَنَا ۚ وَهُوَ خَيْرُ
الْحَاكِمِينَ
Somali
Haddayse Koox idinka mida Rumaysay waxa laygu soo Diray Kooxna ayna Rumeynin
Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr Roon ah.
|
Ayah 7:88 الأية
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لَنُخْرِجَنَّكَ يَا
شُعَيْبُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَكَ مِن قَرْيَتِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي
مِلَّتِنَا ۚ قَالَ أَوَلَوْ كُنَّا كَارِهِينَ
Somali
Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow
adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada,
wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna.
|
Ayah 7:89 الأية
قَدِ افْتَرَيْنَا عَلَى اللَّهِ كَذِبًا إِنْ عُدْنَا فِي مِلَّتِكُم بَعْدَ إِذْ
نَجَّانَا اللَّهُ مِنْهَا ۚ وَمَا يَكُونُ لَنَا أَن نَّعُودَ فِيهَا إِلَّا أَن
يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّنَا ۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا ۚ عَلَى اللَّهِ
تَوَكَّلْنَا ۚ رَبَّنَا افْتَحْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ قَوْمِنَا بِالْحَقِّ وَأَنتَ
خَيْرُ الْفَاتِحِينَ
Somali
Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga
Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen
Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala
Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe.
|
Ayah 7:90 الأية
وَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ لَئِنِ اتَّبَعْتُمْ شُعَيْبًا
إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ
Somali
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan
Shucayb waad Khasaarteen.
|
Ayah 7:91 الأية
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
Somali
Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo
lagdan).
|
Ayah 7:92 الأية
الَّذِينَ كَذَّبُوا شُعَيْبًا كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا فِيهَا ۚ الَّذِينَ كَذَّبُوا
شُعَيْبًا كَانُوا هُمُ الْخَاسِرِينَ
Somali
Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda,
kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
|
Ayah 7:93 الأية
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي
وَنَصَحْتُ لَكُمْ ۖ فَكَيْفَ آسَىٰ عَلَىٰ قَوْمٍ كَافِرِينَ
Somali
Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii
Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah.
|
Ayah 7:94 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا
بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ
Somali
Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato
inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe).
|
Ayah 7:95 الأية
ثُمَّ بَدَّلْنَا مَكَانَ السَّيِّئَةِ الْحَسَنَةَ حَتَّىٰ عَفَوا وَّقَالُوا قَدْ
مَسَّ آبَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ فَأَخَذْنَاهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا
يَشْعُرُونَ
Somali
Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy
Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa
kado Iyagoon Ogayn.
|
Ayah 7:96 الأية
وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَىٰ آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِم
بَرَكَاتٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَٰكِن كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُم بِمَا
كَانُوا يَكْسِبُونَ
Somali
Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn
korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii)
Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis.
|
Ayah 7:97 الأية
أَفَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا بَيَاتًا وَهُمْ نَائِمُونَ
Somali
Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga Habeenkii
iyagoo Hurda.
|
Ayah 7:98 الأية
أَوَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا ضُحًى وَهُمْ يَلْعَبُونَ
Somali
Miyeyse ka aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii
iyagoo Ciyaari.
|
Ayah 7:99 الأية
أَفَأَمِنُوا مَكْرَ اللَّهِ ۚ فَلَا يَأْمَنُ مَكْرَ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ
الْخَاسِرُونَ
Somali
Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota
Ciqaabta iyo Dhibka Eebe.
|
Ayah 7:100 الأية
أَوَلَمْ يَهْدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ الْأَرْضَ مِن بَعْدِ أَهْلِهَا أَن لَّوْ
نَشَاءُ أَصَبْنَاهُم بِذُنُوبِهِمْ ۚ وَنَطْبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا
يَسْمَعُونَ
Somali
Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan
doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna
wax Maqlin.
|
Ayah 7:101 الأية
تِلْكَ الْقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنبَائِهَا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ
رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا بِمَا كَذَّبُوا مِن قَبْلُ
ۚ كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ الْكَافِرِينَ
Somali
Taasi waa Magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid
Rasuuladii Xujooyin mana ayan Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u
Daabacaa Eebe quluubta Gaalada.
|
Ayah 7:102 الأية
وَمَا وَجَدْنَا لِأَكْثَرِهِم مِّنْ عَهْدٍ ۖ وَإِن وَجَدْنَا أَكْثَرَهُمْ
لَفَاسِقِينَ
Somali
Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo
Faasiqiina.
|
Ayah 7:103 الأية
ثُمَّ بَعَثْنَا مِن بَعْدِهِم مُّوسَىٰ بِآيَاتِنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ
فَظَلَمُوا بِهَا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
Somali
Markaasaan la Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna
Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta.
|
Ayah 7:104 الأية
وَقَالَ مُوسَىٰ يَا فِرْعَوْنُ إِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
Somali
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay.
|
Ayah 7:105 الأية
حَقِيقٌ عَلَىٰ أَن لَّا أَقُولَ عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ ۚ قَدْ جِئْتُكُم
بِبَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَرْسِلْ مَعِيَ بَنِي إِسْرَائِيلَ
Somali
Waxaana Dhab ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid
Xujo Eebihiin ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga.
|
Ayah 7:106 الأية
قَالَ إِن كُنتَ جِئْتَ بِآيَةٍ فَأْتِ بِهَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
Somali
Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid Aayad keen haddaad Run Sheegi.
|
Ayah 7:107 الأية
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ
Somali
Markaasuu Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah.
|
Ayah 7:108 الأية
وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاءُ لِلنَّاظِرِينَ
Somali
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi.
|
Ayah 7:109 الأية
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِ فِرْعَوْنَ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ
Somali
Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani waa sixirroow aad u
yaqaanna.
|
Ayah 7:110 الأية
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُمْ ۖ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ
Somali
wuxuuna Dooni inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan.
|
Ayah 7:111 الأية
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَأَرْسِلْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ
Somali
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo
soo kulmiya.
|
Ayah 7:112 الأية
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَاحِرٍ عَلِيمٍ
Somali
oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna.
|
Ayah 7:113 الأية
وَجَاءَ السَّحَرَةُ فِرْعَوْنَ قَالُوا إِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ
الْغَالِبِينَ
Somali
Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna Dheheen Ujuuro maleenahay
haddaan annagu Adkaanno.
|
Ayah 7:114 الأية
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ
Somali
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo.
|
Ayah 7:115 الأية
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِمَّا أَن تُلْقِيَ وَإِمَّا أَن نَّكُونَ نَحْنُ
الْمُلْقِينَ
Somali
Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro.
|
Ayah 7:116 الأية
قَالَ أَلْقُوا ۖ فَلَمَّا أَلْقَوْا سَحَرُوا أَعْيُنَ النَّاسِ
وَاسْتَرْهَبُوهُمْ وَجَاءُوا بِسِحْرٍ عَظِيمٍ
Somali
Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen Indhaha Dadka wayna Cabsi
galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn.
|
Ayah 7:117 الأية
وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا
يَأْفِكُونَ
Somali
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto
waxay Dhoobdhoobeen.
|
|