1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ الْكِتَابَ وَلَمْ يَجْعَل
لَّهُ عِوَجًا ۜ
Alhamdu lillahi allatheeanzala AAala AAabdihi alkitaba walam yajAAal lahuAAiwaja
Somali
Mahad Eebaa iska leh Eebaha ku soo Dejiyey Addoonkiisa (Nabi Muxamad ah)
Kitaabka (Quraanka) oon yeelinna Dhexdiisa Qallooc.
|
Ayah 18:2 الأية
قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ الْمُؤْمِنِينَ
الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا
Qayyiman liyunthira ba/san shadeedanmin ladunhu wayubashshira almu/mineena
allatheenayaAAmaloona assalihati anna lahum ajran hasana
Somali
Waana Toosanyahay si uu ugaga Digo Ciqaab daran oo Eebe Xaggiisa ka ahaatay,
uguna Bishaareeyo Mu'miniinta fala Wanaagga inay Muteen Ajir Fiican.
|
Ayah 18:3 الأية
مَّاكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا
Makitheena feehi abada
Somali
Kuna Nagaanayaan (janada) Waligood.
|
Ayah 18:4 الأية
وَيُنذِرَ الَّذِينَ قَالُوا اتَّخَذَ اللهُ وَلَدًا
Wayunthira allatheena qalooittakhatha Allahu walada
Somali
Ugana Digo kuwa Yidhi wuxuu yeeshey Eebe Ilmo.
|
Ayah 18:5 الأية
مَّا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِآبَائِهِمْ ۚ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ
أَفْوَاهِهِمْ ۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا
Ma lahum bihi min AAilmin walali-aba-ihim kaburat kalimatan takhruju min
afwahihimin yaqooloona illa kathiba
Somali
Uma laha wax Cilmi ah iyaga iyo Aabayaalkood midna, waxaana waynaatay Kalimad ka
soo Baxday Afafkooda, mana dhahayaan waxaan Been ahayn.
|
Ayah 18:6 الأية
فَلَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰ آثَارِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا بِهَٰذَا
الْحَدِيثِ أَسَفًا
FalaAAallaka bakhiAAun nafsaka AAalaatharihim in lam yu/minoo bihatha
alhadeethiasafa
Somali
Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda)
haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis.
|
Ayah 18:7 الأية
إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى الْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ
أَحْسَنُ عَمَلًا
Inna jaAAalna ma AAalaal-ardi zeenatan laha linabluwahum ayyuhum ahsanuAAamala
Somali
Waxaan ka yeellay waxa Dhulka Korkiisa ah Quruxdiisa, si aan u Imtixaanno
Midkooda Fiican-Camal.
|
Ayah 18:8 الأية
وَإِنَّا لَجَاعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا
Wa-inna lajaAAiloona maAAalayha saAAeedan juruza
Somali
Waxaana ka yeelaynaa waxa korkeeda ah Bannaan aan wax ka soo Bixin.
|
Ayah 18:9 الأية
أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَابَ الْكَهْفِ وَالرَّقِيمِ كَانُوا مِنْ آيَاتِنَا
عَجَبًا
Am hasibta anna as-habaalkahfi warraqeemi kanoo min ayatinaAAajaba
Somali
Ma waxaad u malaysay Nabiyow Godkii Asaxaabtiisii (Dadkiisii) iyo Kitaabkii (iyo
Looxii) inay ugu yaab badantahay Aayaadkanaga.
|
Ayah 18:10 الأية
إِذْ أَوَى الْفِتْيَةُ إِلَى الْكَهْفِ فَقَالُوا رَبَّنَا آتِنَا مِن لَّدُنكَ
رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا
Ith awa alfityatu ilaalkahfi faqaloo rabbana atina minladunka rahmatan wahayyi/
lana min amrinarashada
Somali
Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen Eebow naga sii Agtaada
Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun.
|
Ayah 18:11 الأية
فَضَرَبْنَا عَلَىٰ آذَانِهِمْ فِي الْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا
Fadarabna AAala athanihimfee alkahfi sineena AAadada
Somali
Markaasaan ku Siidaynay Hurdo Godka dhexdiisa Sanooyin Badan.
|
Ayah 18:12 الأية
ثُمَّ بَعَثْنَاهُمْ لِنَعْلَمَ أَيُّ الْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوا
أَمَدًا
Thumma baAAathnahum linaAAlama ayyualhizbayni ahsa lima labithoo amada
Somali
Markaasaan soo Bixinnay si aan u Muujinno Labada Xizbi midkooda Kobid Badan
intay Nagaadeen Muddo.
|
Ayah 18:13 الأية
نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِالْحَقِّ ۚ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا
بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى
Nahnu naqussu AAalaykanabaahum bilhaqqi innahum fityatun amanoobirabbihim
wazidnahum huda
Somali
Anagaa kaaga Qisoon warkooda si Xaq ah, waxay ahaayeen Dhallinyaro rumeeyey
Eebehood, waxaana u siyaadinay hanuun.
|
Ayah 18:14 الأية
وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا فَقَالُوا رَبُّنَا رَبُّ
السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَ مِن دُونِهِ إِلَٰهًا ۖ لَّقَدْ قُلْنَا
إِذًا شَطَطًا
Warabatna AAalaquloobihim ith qamoo faqaloo rabbunarabbu assamawati wal-ardilan
nadAAuwa min doonihi ilahan laqad qulna ithanshatata
Somali
waxaan xoojinay (oon adkayna) quluubtooda, oyna dhaheen Eebehanno waa Eebeha
Samaawaadka iyo Dhulka, baryinamayno (Caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan
ku hadalay markaas hadal Xun (oo baadil ah).
|
Ayah 18:15 الأية
هَٰؤُلَاءِ قَوْمُنَا اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ آلِهَةً ۖ لَّوْلَا يَأْتُونَ
عَلَيْهِم بِسُلْطَانٍ بَيِّنٍ ۖ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللهِ
كَذِبًا
Haola-i qawmuna ittakhathoomin doonihi alihatan lawla ya/toona AAalayhim
bisultaninbayyinin faman athlamu mimmani iftara AAalaAllahi kathiba
Somali
Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo, mey u keenaan
korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe dushiisa
been.
|
Ayah 18:16 الأية
وَإِذِ اعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا اللهَ فَأْوُوا إِلَى
الْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ
أَمْرِكُم مِّرْفَقًا
Wa-ithi iAAtazaltumoohum wamayaAAbudoona illa Allaha fa/woo ila alkahfiyanshur
lakum rabbukum min rahmatihi wayuhayyi/ lakum minamrikum mirfaqa
Somali
markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma
godka wuxuu idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku
istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga.
|
Ayah 18:17 الأية
وَتَرَى الشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَاوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ الْيَمِينِ
وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ وَهُمْ فِي فَجْوَةٍ مِّنْهُ ۚ
ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللهِ ۗ مَن يَهْدِ اللهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِ ۖ وَمَن
يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُ وَلِيًّا مُّرْشِدًا
Watara ashshamsa itha talaAAattazawaru AAan kahfihim thata alyameeni
wa-ithagharabat taqriduhum thata ashshimaliwahum fee fajwatin minhu thalika min
ayatiAllahi man yahdi Allahu fahuwa almuhtadi waman yudlilfalan tajida lahu
waliyyan murshida
Somali
waxaad arkaysaa Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig,
markay dhicina ka Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka,
taasina waxay ka mid tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan,
Ruuxuu Dhumiyana u helimaysid Gargaare hanuuniya.
|
Ayah 18:18 الأية
وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ ۚ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ الْيَمِينِ
وَذَاتَ الشِّمَالِ ۖ وَكَلْبُهُم بَاسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِالْوَصِيدِ ۚ لَوِ
اطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ
رُعْبًا
Watahsabuhum ayqathanwahum ruqoodun wanuqallibuhum thata alyameeni
wathataashshimali wakalbuhum basitun thiraAAayhibilwaseedi lawi ittalaAAta
AAalayhimlawallayta minhum firaran walamuli/ta minhum ruAAba
Somali
Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo
Bidix, Eygoodiina wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka
jeedsanlahayd, adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax.
|
Ayah 18:19 الأية
وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَاهُمْ لِيَتَسَاءَلُوا بَيْنَهُمْ ۚ قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ
كَمْ لَبِثْتُمْ ۖ قَالُوا لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۚ قَالُوا
رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَابْعَثُوا أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِ
إِلَى الْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَا أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ
مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا
Wakathalika baAAathnahumliyatasaaloo baynahum qala qa-ilun minhumkam labithtum
qaloo labithna yawman aw baAAdayawmin qaloo rabbukum aAAlamu bima labithtum
fabAAathooahadakum biwariqikum hathihi ila almadeenatifalyanthur ayyuha azka
taAAamanfalya/tikum birizqin minhu walyatalattaf walayushAAiranna bikum ahada
Somali
Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah
imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed,
waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga
Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi
hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna.
|
Ayah 18:20 الأية
إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِي
مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوا إِذًا أَبَدًا
Innahum in yathharoo AAalaykumyarjumookum aw yuAAeedookum fee millatihim walan
tuflihooithan abada
Somali
iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana
Liibaanaysaan markaas waligiin.
|
Ayah 18:21 الأية
وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوا أَنَّ وَعْدَ اللهِ حَقٌّ
وَأَنَّ السَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَا إِذْ يَتَنَازَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ ۖ
فَقَالُوا ابْنُوا عَلَيْهِم بُنْيَانًا ۖ رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ ۚ قَالَ
الَّذِينَ غَلَبُوا عَلَىٰ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًا
Wakathalika aAAtharnaAAalayhim liyaAAlamoo anna waAAda Allahi haqqunwaanna
asaAAata la rayba feeha ithyatanazaAAoona baynahum amrahum faqaloo
ibnooAAalayhim bunyanan rabbuhum aAAlamu bihim qala allatheenaghalaboo AAala
amrihim lanattakhithanna AAalayhimmasjida
Somali
Saasaan u daalacsiinay (u tusinay) Dadka si ay u ogaadaan in yabooha Eebe Xaq
yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku
murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa korkooda dhismo,
Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey amarkooda aan ka yeelano
korkooda Masaajid.
|
Ayah 18:22 الأية
سَيَقُولُونَ ثَلَاثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ
كَلْبُهُمْ رَجْمًا بِالْغَيْبِ ۖ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ
ۚ قُل رَّبِّي أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌ ۗ فَلَا
تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَاءً ظَاهِرًا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ
أَحَدًا
Sayaqooloona thalathatun rabiAAuhumkalbuhum wayaqooloona khamsatun sadisuhum
kalbuhum rajmanbilghaybi wayaqooloona sabAAatun wathaminuhumkalbuhum qul rabbee
aAAlamu biAAiddatihim ma yaAAlamuhumilla qaleelun fala tumari feehim illamiraan
thahiran wala tastaftifeehim minhum ahada
Somali
waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay
ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi
cilmi la'aan) waxay dhihi waxay ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii,
waxaad dhahdaa Eebahay baa og tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula
murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna.
|
Ayah 18:23 الأية
وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا
Wala taqoolanna lishay-in innee faAAilunthalika ghada
Somali
ha ku dhihin shaygaasaan fali barii.
|
Ayah 18:24 الأية
إِلَّا أَن يَشَاءَ اللهُ ۚ وَاذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰ أَن
يَهْدِيَنِ رَبِّي لِأَقْرَبَ مِنْ هَٰذَا رَشَدًا
Illa an yashaa Allahuwathkur rabbaka itha naseeta waqul AAasaan yahdiyani rabbee
li-aqraba min hatha rashada
Somali
(adoon dhihin) hadduu doono Eebe, xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna
dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni
ah.
|
Ayah 18:25 الأية
وَلَبِثُوا فِي كَهْفِهِمْ ثَلَاثَ مِائَةٍ سِنِينَ وَازْدَادُوا تِسْعًا
Walabithoo fee kahfihim thalathami-atin sineena wazdadoo tisAAa
Somali
waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal.
|
Ayah 18:26 الأية
قُلِ اللهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا ۖ لَهُ غَيْبُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ
أَبْصِرْ بِهِ وَأَسْمِعْ ۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا يُشْرِكُ فِي
حُكْمِهِ أَحَدًا
Quli Allahu aAAlamu bimalabithoo lahu ghaybu assamawati wal-ardiabsir bihi
waasmiAA ma lahum min doonihi minwaliyyin wala yushriku fee hukmihi ahada
Somali
waxaad dhahdaa Eebaa og waxay nagaadeen waxaa u sugnaaday waxa ku maqan
samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebe, umana sugnaanin Dadka isaga
ka sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa Cidna.
|
Ayah 18:27 الأية
وَاتْلُ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ ۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِهِ
وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِ مُلْتَحَدًا
Watlu ma oohiya ilaykamin kitabi rabbika la mubaddila likalimatihiwalan tajida
min doonihi multahada
Somali
akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali
kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid.
|
Ayah 18:28 الأية
وَاصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ
يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ الْحَيَاةِ
الدُّنْيَا ۖ وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُ عَن ذِكْرِنَا وَاتَّبَعَ
هَوَاهُ وَكَانَ أَمْرُهُ فُرُطًا
Wasbir nafsaka maAAa allatheenayadAAoona rabbahum bilghadati
walAAashiyyiyureedoona wajhahu wala taAAdu AAaynaka AAanhumtureedu zeenata
alhayati addunya walatutiAA man aghfalna qalbahu AAan thikrinawattabaAAa hawahu
wakana amruhu furuta
Somali
ee ku samirsii naftaada la jirka kuwa baryaya Eebahood aroor iyo galabba, iyagoo
dooni wajigiisa, yeyna ka iilanin Indhahaagu xagooda adoo dooni quruxda nolosah
dhaw (ee aduun) hana adeeein ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa Xusiddanada oo
raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo Xumaan).
|
Ayah 18:29 الأية
وَقُلِ الْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاءَ
فَلْيَكْفُرْ ۚ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ
سُرَادِقُهَا ۚ وَإِن يَسْتَغِيثُوا يُغَاثُوا بِمَاءٍ كَالْمُهْلِ يَشْوِي
الْوُجُوهَ ۚ بِئْسَ الشَّرَابُ وَسَاءَتْ مُرْتَفَقًا
Waquli alhaqqu min rabbikum faman shaafalyu/min waman shaa falyakfur inna
aAAtadnaliththalimeena naran ahatabihim suradiquha wa-in yastagheethoo
yughathoobima-in kalmuhli yashwee alwujooha bi/sa ashsharabuwasaat murtafaqa
Somali
waxaad dhahdaa xaqu Eebihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo, anagu
waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxadeedu) iyo darbigeedu,
hadday kaalmo warsadaanna waxaa, loogu kaalmeeya biyo daamuur oo kale ah oo duba
wajiyada iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi.
|
Ayah 18:30 الأية
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ
أَحْسَنَ عَمَلًا
Inna allatheena amanoowaAAamiloo assalihati inna lanudeeAAu ajra man ahsana
AAamala
Somali
Kuwa rumeeyey (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa
Camalka.
|
Ayah 18:31 الأية
أُولَٰئِكَ لَهُمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ
يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن
سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِئِينَ فِيهَا عَلَى الْأَرَائِكِ ۚ نِعْمَ
الثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا
Ola-ika lahum jannatu AAadnintajree min tahtihimu al-anharu yuhallawnafeeha min
asawira min thahabin waylbasoonathiyaban khudran min sundusin
wa-istabraqinmuttaki-eena feeha AAala al-ara-iki niAAma aththawabuwahasunat
murtafaqa
Somali
Kuwaas waxay mudan janada Cadnin oo dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, looguna Labisi
Dhexdeeda Jijimo Dahab ah, una xidhay Maryo Caggaaran oo Xariir Jilicsan iyo mid
adagba, waxayna ku Dangiigsan dhexdeeda Sariiro korkood, waa abaal marin Fiican
una Wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto.
|
Ayah 18:32 الأية
وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ
أَعْنَابٍ وَحَفَفْنَاهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا
Wadrib lahum mathalanrajulayni jaAAalna li-ahadihima jannataynimin aAAnabin
wahafafnahuma binakhlinwajaAAalna baynahuma zarAAa
Somali
Uga yeel tusaalc Labo Nin oon u yeellay Midkood Laba Beerood oo Cinab ah, kuna
koobnay Timir yeellayna Dhexdeeda Tallaal (beer).
|
Ayah 18:33 الأية
كِلْتَا الْجَنَّتَيْنِ آتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْئًا ۚ
وَفَجَّرْنَا خِلَالَهُمَا نَهَرًا
Kilta aljannatayni atat okulahawalam tathlim minhu shay-an wafajjarna
khilalahumanahara
Somali
Labada Beeroodba oy keentay Cunnadeedii, oyna waxba Nusqaamina, oon kana
Dhambalay dhexdeeda Wabiyo.
|
Ayah 18:34 الأية
وَكَانَ لَهُ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَاحِبِهِ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَنَا أَكْثَرُ مِنكَ
مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا
Wakana lahu thamarun faqala lisahibihiwahuwa yuhawiruhu ana aktharu minka
malanwaaAAazzu nafara
Somali
Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi Saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin
anaa kaa Xoolo badan Kaana Tol badan.
|
Ayah 18:35 الأية
وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَن تَبِيدَ
هَٰذِهِ أَبَدًا
Wadakhala jannatahu wahuwa thalimunlinafsihi qala ma athunnu an tabeedahathihi
abada
Somali
Wuxuu galay Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay
Halaagsami Waligeed.
|
Ayah 18:36 الأية
وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ
خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا
Wama athunnu assaAAataqa-imatan wala-in rudidtu ila rabbee laajidannakhayran
minha munqalaba
Somali
Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay celiyo Xagga Eebahayna
waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada.
|
Ayah 18:37 الأية
قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن
تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا
Qala lahu sahibuhu wahuwa yuhawiruhuakafarta billathee khalaqaka min
turabinthumma min nutfatin thumma sawwaka rajula
Somali
Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday Eebaha kaa
Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah.
|
Ayah 18:38 الأية
لَّٰكِنَّا هُوَ اللهُ رَبِّي وَلَا أُشْرِكُ بِرَبِّي أَحَدًا
Lakinna huwa Allahu rabbee walaoshriku birabbee ahada
Somali
hasa yeeshee ilaahay waa Eebahay lana wadaajiin maayo Eebahay (cibaadada) cidna.
|
Ayah 18:39 الأية
وَلَوْلَا إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَاءَ اللهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا
بِاللهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا
Walawla ith dakhalta jannatakaqulta ma shaa Allahu la quwwata illabillahi in
tarani ana aqalla minka malanwawalada
Somali
maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe
mooyee, haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo Caruurba.
|
Ayah 18:40 الأية
فَعَسَىٰ رَبِّي أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا
حُسْبَانًا مِّنَ السَّمَاءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا
FaAAasa rabbee an yu/tiyani khayranmin jannatika wayursila AAalayha husbananmina
assama-i fatusbiha saAAeedanzalaqa
Somali
wuxuu u dhawyahay Eebehay inuu i siiyo wax ka khayr badan Beertaada, kuna diro
korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo.
|
Ayah 18:41 الأية
أَوْ يُصْبِحَ مَاؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُ طَلَبًا
Aw yusbiha maohaghawran falan tastateeAAa lahu talaba
Somali
ama ahadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo celin).
|
Ayah 18:42 الأية
وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَا أَنفَقَ فِيهَا
وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ
بِرَبِّي أَحَدًا
Waoheeta bithamarihi faasbahayuqallibu kaffayhi AAala ma anfaqa feehawahiya
khawiyatun AAala AAurooshihawayaqoolu ya laytanee lam oshrik birabbee ahada
Somali
waa la koobay midhihiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gaemihiisa wuxuu
ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la
wadaajin Eebahay Cidna.
|
Ayah 18:43 الأية
وَلَمْ تَكُن لَّهُ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُ مِن دُونِ اللهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا
Walam takun lahu fi-atun yansuroonahumin dooni Allahi wama kana muntasira
Somali
uma ahaanin koox u gargaarta oo ka soo hadhay Eebe mana aha mid gargaarta.
|
Ayah 18:44 الأية
هُنَالِكَ الْوَلَايَةُ لِلَّهِ الْحَقِّ ۚ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا
Hunalika alwalayatu lillahialhaqqi huwa khayrun thawaban wakhayrun AAuqba
Somali
halkaas (qiyaamada) yey awoodu u ahaan Eebaha xaqa ah, isagaana khayrroon abaal
marin khayrroonna cidhib.
|
Ayah 18:45 الأية
وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ
السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ
الرِّيَاحُ ۗ وَكَانَ اللهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ مُّقْتَدِرًا
Wadrib lahum mathala alhayatiaddunya kama-in anzalnahu mina assama-ifakhtalata
bihi nabatu al-ardi faasbahahasheeman tathroohu arriyahu wakanaAllahu AAala
kulli shay-in muqtadira
Somali
uga yeel Nabiyow tusaale nolosha Adduunyo Biyo oo kale oon ka soo dejinay samada
oo isku darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso
dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebe kii wax kasta kara.
|
Ayah 18:46 الأية
الْمَالُ وَالْبَنُونَ زِينَةُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَالْبَاقِيَاتُ
الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا
Almalu walbanoona zeenatu alhayatiaddunya walbaqiyatu assalihatukhayrun AAinda
rabbika thawaban wakhayrun amala
Somali
xoolaha iyo wiilashu (caruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee
wanaagsan yaa ku khayrroon Eebahaa agtiisa abaalmarin una khayrroon yididiilo
(camalka fiican).
|
Ayah 18:47 الأية
وَيَوْمَ نُسَيِّرُ الْجِبَالَ وَتَرَى الْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَاهُمْ فَلَمْ
نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا
Wayawma nusayyiru aljibala wataraal-arda barizatan wahasharnahum falamnughadir
minhum ahada
Somali
xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminay
dadkii oonan ka tagin cidna.
|
Ayah 18:48 الأية
وَعُرِضُوا عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَاكُمْ
أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًا
WaAAuridoo AAala rabbika saffanlaqad ji/tumoona kama khalaqnakum awwalamarratin
bal zaAAamtum allan najAAala lakum mawAAida
Somali
waxaana loo banbhigi dadkii Eebahaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu
timaadaan saan idiin abuuray markii horaba (yaa lagu dhihi) waxaadse sheegateen
inaanaan idiin yeelayn ballan «kulama».
|
Ayah 18:49 الأية
وَوُضِعَ الْكِتَابُ فَتَرَى الْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ
يَا وَيْلَتَنَا مَالِ هَٰذَا الْكِتَابِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً
إِلَّا أَحْصَاهَا ۚ وَوَجَدُوا مَا عَمِلُوا حَاضِرًا ۗ وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ
أَحَدًا
WawudiAAa alkitabu fataraalmujrimeena mushfiqeena mimma feehi wayaqooloona
yawaylatana ma lihatha alkitabi layughadiru sagheeratan wala kabeeratan
illaahsaha wawajadoo ma AAamiloo hadiranwala yathlimu rabbuka ahada
Somali
waxaana la dejin (keeni) Kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa dambiilayaashii
oo ka cabsan waxaa ku sugan oo dhihi halaaganee muxuu leeyahay kitaabkan oosan
uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay camal faleen oo
jooga, manadulmiyo Eebahaa cidna.
|
Ayah 18:50 الأية
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ
كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ ۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُ
وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ ۚ بِئْسَ
لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا
Wa-ith qulna lilmala-ikatiosjudoo li-adama fasajadoo illa ibleesa kanamina
aljinni fafasaqa AAan amri rabbihi afatattakhithoonahuwathurriyyatahu awliyaa
min doonee wahum lakumAAaduwwun bi/sa liththalimeena badala
Somali
(xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis
mooyee, wuxuu ka mid yahay Jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Eebe,
miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaare ani ka sokow iyagoo col
idiin ah, waxaa u xun daalimiinta badelkooda (ibliis).
|
Ayah 18:51 الأية
مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ
وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ الْمُضِلِّينَ عَضُدًا
Ma ashhadtuhum khalqa assamawatiwal-ardi wala khalqa anfusihim wamakuntu
muttakhitha almudilleena AAaduda
Somali
maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo dhulka iyo abuurka Naftooda,
mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo.
|
Ayah 18:52 الأية
وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا شُرَكَائِيَ الَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ
يَسْتَجِيبُوا لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًا
Wayawma yaqoolu nadoo shuraka-iyaallatheena zaAAamtum fadaAAawhum falam
yastajeeboo lahumwajaAAalna baynahum mawbiqa
Somali
(xusuuso) maalinta Eebe dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (Cibaadada) ood
sheegteen (adduunka) markaasay u yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaana
yeellay dhexdooda Meel halaag.
|
Ayah 18:53 الأية
وَرَأَى الْمُجْرِمُونَ النَّارَ فَظَنُّوا أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ
يَجِدُوا عَنْهَا مَصْرِفًا
Waraa almujrimoona annarafathannoo annahum muwaqiAAooha walamyajidoo AAanha
masrifa
Somali
waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana
helayaan xageeda meelay uga iishaan.
|
Ayah 18:54 الأية
وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍ ۚ وَكَانَ
الْإِنسَانُ أَكْثَرَ شَيْءٍ جَدَلًا
Walaqad sarrafna fee hathaalqur-ani linnasi min kulli mathalin wakanaal-insanu
akthara shay-in jadala
Somali
dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen
dadkii kuwo muran badan.
|
Ayah 18:55 الأية
وَمَا مَنَعَ النَّاسَ أَن يُؤْمِنُوا إِذْ جَاءَهُمُ الْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا
رَبَّهُمْ إِلَّا أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ الْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ
الْعَذَابُ قُبُلًا
Wama manaAAa annasa anyu/minoo ith jaahumu alhuda wayastaghfiroorabbahum illa an
ta/tiyahum sunnatu al-awwaleena awya/tiyahumu alAAathabu qubula
Somali
wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf
warsadaan Eebahood ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii
hore, ama ugu yimaaddo cadaab caddaan.
|
Ayah 18:56 الأية
وَمَا نُرْسِلُ الْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ ۚ وَيُجَادِلُ
الَّذِينَ كَفَرُوا بِالْبَاطِلِ لِيُدْحِضُوا بِهِ الْحَقَّ ۖ وَاتَّخَذُوا
آيَاتِي وَمَا أُنذِرُوا هُزُوًا
Wama nursilu almursaleena illamubashshireena wamunthireena wayujadilu
allatheenakafaroo bilbatili liyudhidoo bihi alhaqqawattakhathoo ayatee wama
onthiroohuzuwa
Somali
mana dirro rasuullada iyagoon bishaaraynneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii
gaaloobay xumaan inay ku buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo
wixii loogu digay jeesjees.
|
Ayah 18:57 الأية
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِآيَاتِ رَبِّهِ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِيَ مَا
قَدَّمَتْ يَدَاهُ ۚ إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن
يَفْقَهُوهُ وَفِي آذَانِهِمْ وَقْرًا ۖ وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ فَلَن
يَهْتَدُوا إِذًا أَبَدًا
Waman athlamu mimman thukkirabi-ayati rabbihi faaAArada AAanhawanasiya ma
qaddamat yadahu inna jaAAalnaAAala quloobihim akinnatan an yafqahoohu wafee
athanihimwaqran wa-in tadAAuhum ila alhuda falan yahtadoo ithanabada
Somali
ruuxna kama dulmin badana cid lagu waaniyey aayaadka Eebihiis markaas ka
jeedsaday xageeda oo halmaamay waxay hormarsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay
quluubtooda dabool inayan fahmin quraanka dhagahooda culays haddaad ugu yeedho
hanuunkana ma hanuunayaan waligood.
|
Ayah 18:58 الأية
وَرَبُّكَ الْغَفُورُ ذُو الرَّحْمَةِ ۖ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا
لَعَجَّلَ لَهُمُ الْعَذَابَ ۚ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌ لَّن يَجِدُوا مِن دُونِهِ
مَوْئِلًا
Warabbuka alghafooru thoo arrahmatilaw yu-akhithuhum bima kasaboo
laAAajjalalahumu alAAathaba bal lahum mawAAidun lan yajidoo mindoonihi maw-ila
Somali
Eebahaa waa dambi dhaafe naxariisleh hadduu u qaban dadka waxay kasbadeen (oo
xumaan) wuxuu u dadajin cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay
uga iishaan.
|
Ayah 18:59 الأية
وَتِلْكَ الْقُرَىٰ أَهْلَكْنَاهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم
مَّوْعِدًا
Watilka alqura ahlaknahum lammathalamoo wajaAAalna limahlikihim mawAAida
Somali
taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaana u yeellay
halaagoodii ballan (waqti).
|
Ayah 18:60 الأية
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَاهُ لَا أَبْرَحُ حَتَّىٰ أَبْلُغَ مَجْمَعَ
الْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِيَ حُقُبًا
Wa-ith qala moosa lifatahula abrahu hatta ablugha majmaAAa albahrayniaw amdiya
huquba
Somali
(xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse yarkiisii (ardaygiisii) ma joogayo intaan
ka gaadho kulanka labada Badood, amaan socdo muddo.
|
Ayah 18:61 الأية
فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَاتَّخَذَ سَبِيلَهُ
فِي الْبَحْرِ سَرَبًا
Falamma balagha majmaAAabaynihima nasiya hootahuma fattakhathasabeelahu fee
albahri saraba
Somali
markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay
waddadiisa badda dhexdeeda Godoo kale.
|
Ayah 18:62 الأية
فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَاهُ آتِنَا غَدَاءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن
سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبًا
Falamma jawaza qalalifatahu atina ghadaana laqadlaqeena min safarina hatha
nasaba
Somali
markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii ina sii qadadeenna waxaan kala
kulannay safarkeenna daale.
|
Ayah 18:63 الأية
قَالَ أَرَأَيْتَ إِذْ أَوَيْنَا إِلَى الصَّخْرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ الْحُوتَ
وَمَا أَنسَانِيهُ إِلَّا الشَّيْطَانُ أَنْ أَذْكُرَهُ ۚ وَاتَّخَذَ سَبِيلَهُ فِي
الْبَحْرِ عَجَبًا
Qala araayta ith awaynaila assakhrati fa-innee naseetu alhootawama ansaneehu
illa ashshaytanuan athkurahu wattakhatha sabeelahu fee albahriAAajaba
Somali
wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan u dumannay dhagixii inaan halmaamay
kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro,
wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.
|
Ayah 18:64 الأية
قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ ۚ فَارْتَدَّا عَلَىٰ آثَارِهِمَا قَصَصًا
Qala thalika ma kunnanabghi fartadda AAala atharihimaqasasa
Somali
wuxuu yidhi (Nabi Muuse) kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii
iyagoo raaci.
|
Ayah 18:65 الأية
فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَا آتَيْنَاهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا
وَعَلَّمْنَاهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا
Fawajada AAabdan min AAibadinaataynahu rahmatan min AAindinawaAAallamnahu min
ladunna AAilma
Somali
waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah
ka barneyna agtanada cilmi.
|
Ayah 18:66 الأية
قَالَ لَهُ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ
رُشْدًا
Qala lahu moosa halattabiAAuka AAala an tuAAallimani mimma AAullimtarushda
Somali
wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun
ah.
|
Ayah 18:67 الأية
قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا
Qala innaka lan tastateeAAamaAAiya sabra
Somali
wuxuuna ku yidhi (Khadir) adigu ma karaysid la jirkayga samir.
|
Ayah 18:68 الأية
وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا
Wakayfa tasbiru AAala malam tuhit bihi khubra
Somali
seed ugu samri waxaadan koobin cilmi (aqoon).
|
Ayah 18:69 الأية
قَالَ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللهُ صَابِرًا وَلَا أَعْصِي لَكَ أَمْرًا
Qala satajidunee in shaa Allahusabiran wala aAAsee laka amra
Somali
wuxuu yidhi (muuse) waad i heli hadduu Eebe doono mid ku samra oon kuguna
caasiyin arrin.
|
Ayah 18:70 الأية
قَالَ فَإِنِ اتَّبَعْتَنِي فَلَا تَسْأَلْنِي عَن شَيْءٍ حَتَّىٰ أُحْدِثَ لَكَ
مِنْهُ ذِكْرًا
Qala fa-ini ittabaAAtanee falatas-alnee AAan shay-in hatta ohditha lakaminhu
thikra
Somali
wuxuu yidhi haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego (warramo).
|
Ayah 18:71 الأية
فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا رَكِبَا فِي السَّفِينَةِ خَرَقَهَا ۖ قَالَ
أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْئًا إِمْرًا
Fantalaqa hattaitha rakiba fee assafeenati kharaqahaqala akharaqtaha litughriqa
ahlaha laqadji/ta shay-an imra
Somali
way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey (loox) markaas uu yidhi ma
waxaad u rujisay inaad dadkeeda maansheyso waxaad la timid arrin la kahdo.
|
Ayah 18:72 الأية
قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا
Qala alam aqul innaka lan tastateeAAamaAAiya sabra
Somali
wuxuu ku yidhi miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.
|
Ayah 18:73 الأية
قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِي بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِي مِنْ أَمْرِي عُسْرًا
Qala la tu-akhithneebima naseetu wala turhiqnee min amree AAusra
Somali
wuxuu yidhi (muuse) ha iiqabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga
si dhib ah.
|
Ayah 18:74 الأية
فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا لَقِيَا غُلَامًا فَقَتَلَهُ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًا
زَكِيَّةً بِغَيْرِ نَفْسٍ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْئًا نُّكْرًا
Fantalaqa hattaitha laqiya ghulaman faqatalahu qalaaqatalta nafsan zakiyyatan
bighayri nafsin laqad ji/ta shay-annukra
Somali
way tageen intay kala kulmaan wiil (yar) markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse
ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.
|
Ayah 18:75 الأية
قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا
Qala alam aqul laka innaka lan tastateeAAamaAAiya sabra
Somali
wuxuu yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.
|
Ayah 18:76 الأية
قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَيْءٍ بَعْدَهَا فَلَا تُصَاحِبْنِي ۖ قَدْ بَلَغْتَ مِن
لَّدُنِّي عُذْرًا
Qala in saaltuka AAan shay-in baAAdahafala tusahibnee qad balaghta min ladunnee
AAuthra
Somali
wuxuu yidhi haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay
garowsho xaggayga ahe.
|
Ayah 18:77 الأية
فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا أَتَيَا أَهْلَ قَرْيَةٍ اسْتَطْعَمَا أَهْلَهَا
فَأَبَوْا أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ
فَأَقَامَهُ ۖ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَاتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا
Fantalaqa hattaitha ataya ahla qaryatin istatAAamaahlaha faabaw an
yudayyifoohuma fawajadafeeha jidaran yureedu an yanqadda faaqamahuqala law
shi/ta lattakhathta AAalayhi ajra
Somali
way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen
inay martigaliyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey
wuxuuna yidhi haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro.
|
Ayah 18:78 الأية
قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيْنِي وَبَيْنِكَ ۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ
تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا
Qala hatha firaqubaynee wabaynika saonabbi-oka bita/weeli ma lam
tastatiAAAAalayhi sabra
Somali
wuxuu yidhi kan waa kala tagii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda
waxaadan karin inaad ku samirto.
|
Ayah 18:79 الأية
أَمَّا السَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَاكِينَ يَعْمَلُونَ فِي الْبَحْرِ فَأَرَدتُّ
أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَاءَهُم مَّلِكٌ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًا
Amma assafeenatu fakanatlimasakeena yaAAmaloona fee albahri faaradtu anaAAeebaha
wakana waraahum malikun ya/khuthukulla safeenatin ghasba
Somali
markabka waxaa lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan Ceebeeyo
waxaana ahaa hortooda xaakim ka qaata doon kasta (oo fayow) dhaca.
|
Ayah 18:80 الأية
وَأَمَّا الْغُلَامُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَا أَن يُرْهِقَهُمَا
طُغْيَانًا وَكُفْرًا
Waamma alghulamu fakanaabawahu mu/minayni fakhasheena an yurhiqahumatughyanan
wakufra
Somali
Wiilkana waxay ahaayeen labadiisii waalid mu'miniin waxaana ka cabsannay inuu ku
mashaqeeyo xadgudub iyo (gaalimo).
|
Ayah 18:81 الأية
فَأَرَدْنَا أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَاةً وَأَقْرَبَ
رُحْمًا
Faaradna an yubdilahumarabbuhuma khayran minhu zakatan waaqraba ruhma
Somali
waxaana doonnay inuu ugu badalo Eebahood mid ka khayroon daahirnimo iyo u dhawi
naxariis.
|
Ayah 18:82 الأية
وَأَمَّا الْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَامَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِي الْمَدِينَةِ وَكَانَ
تَحْتَهُ كَنزٌ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَالِحًا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن
يَبْلُغَا أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ وَمَا
فَعَلْتُهُ عَنْ أَمْرِي ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا
Waamma aljidaru fakanalighulamayni yateemayni fee almadeenati wakana
tahtahukanzun lahuma wakana aboohuma salihanfaarada rabbuka an yablugha
ashuddahumawayastakhrija kanzahuma rahmatan min rabbikawama faAAaltuhu AAan
amree thalika ta/weelu malam tastiAA AAalayhi sabra
Somali
darbigana waxaa leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah
kansi ay leeyihiin wuxuuna ahaa aabahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebahaa
inay gaadhaan xooggooda lana baxaan kansigooda naxariista Eebahaa dartiis, uma
falin rayigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa*.
|
Ayah 18:83 الأية
وَيَسْأَلُونَكَ عَن ذِي الْقَرْنَيْنِ ۖ قُلْ سَأَتْلُو عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا
Wayas-aloonaka AAan thee alqarnayniqul saatloo AAalaykum minhu thikra
Somali
waxay ku warsan Dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin
xaggiisa war (waxyi).
|
Ayah 18:84 الأية
إِنَّا مَكَّنَّا لَهُ فِي الْأَرْضِ وَآتَيْنَاهُ مِن كُلِّ شَيْءٍ سَبَبًا
Inna makkanna lahu fee al-ardiwaataynahu min kulli shay-in sababa
Somali
a nagaa makaninay (siinnay) xukun dhulka waxaana u sinnay wax kasta sabab
(cilmi).
|
Ayah 18:85 الأية
فَأَتْبَعَ سَبَبًا
FaatbaAAa sababa
Somali
wuxuuna raacay waddo.
|
Ayah 18:86 الأية
حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ
وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ قُلْنَا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِمَّا أَن تُعَذِّبَ
وَإِمَّا أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا
Hatta itha balaghamaghriba ashshamsi wajadaha taghrubu fee AAaynin
hami-atinwawajada AAindaha qawman qulna ya thaalqarnayni imma an tuAAaththiba
wa-imma antattakhitha feehim husna
Somali
markuu gaadhay qorrax u dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah
(muuqaalka) wuxuuna ka helay agteeda qoom, waxaana nidhi Dul qarnaynow waa inaad
cadaabto ama ka yeelato wanaag.
|
Ayah 18:87 الأية
قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِ
فَيُعَذِّبُهُ عَذَابًا نُّكْرًا
Qala amma man thalamafasawfa nuAAaththibuhu thumma yuraddu ila
rabbihifayuAAaththibuhu AAathaban nukra
Somali
wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala waannu cadaabi (ciqaabi) markaasaa loo celin
Eebihiis wuuna cadaabi cadaab daran.
|
Ayah 18:88 الأية
وَأَمَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُ جَزَاءً الْحُسْنَىٰ ۖ وَسَنَقُولُ
لَهُ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا
Waamma man amana waAAamila salihanfalahu jazaan alhusna wasanaqoolu lahu
minamrina yusra
Somali
ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi
amarkannaga fudayd.
|
Ayah 18:89 الأية
ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا
Thumma atbaAAa sababa
Somali
markaasuu raacay waddo.
|
Ayah 18:90 الأية
حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍ لَّمْ
نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًا
Hatta itha balagha matliAAaashshamsi wajadaha tatluAAu AAalaqawmin lam najAAal
lahum min dooniha sitra
Somali
markuu gaadhay qorrax ka soo baxna wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aanaan
yeelin sokeydeeda asturaad.
|
Ayah 18:91 الأية
كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا
Kathalika waqad ahatnabima ladayhi khubra
Somali
waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah ogaansho.
|
Ayah 18:92 الأية
ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا
Thumma atbaAAa sababa
Somali
markaasuu raacay waddo,
|
Ayah 18:93 الأية
حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ السَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًا لَّا
يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا
Hatta itha balaghabayna assaddayni wajada min doonihima qawman layakadoona
yafqahoona qawla
Somali
markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay hortooda qoom aan garanayn
hadal (af gaar ah k u hadla).
|
Ayah 18:94 الأية
قَالُوا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِي
الْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا
وَبَيْنَهُمْ سَدًّا
Qaloo ya tha alqarnayniinna ya/jooja wama/jooja mufsidoona fee al-ardi
fahalnajAAalu laka kharjan AAala an tajAAala baynanawabaynahum sadda
Somali
waxayna dheheen dul qarnaynow yaajuuj iyo maajuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu
yeellaa ujuuro inaad yeesho dehxdanada xidheen jidaar.
|
Ayah 18:95 الأية
قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيْرٌ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ
بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا
Qala ma makkannee feehi rabbeekhayrun faaAAeenoonee biquwwatin ajAAal baynakum
wabaynahum radma
Somali
wuxuu yidhi wuxuu imakaniyey (isiiyey) Eebahay yaa ka kjayrroon ee iigu caawiya
xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene.
|
Ayah 18:96 الأية
آتُونِي زُبَرَ الْحَدِيدِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ الصَّدَفَيْنِ قَالَ
انفُخُوا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَعَلَهُ نَارًا قَالَ آتُونِي أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا
Atoonee zubara alhadeedi hattaitha sawa bayna asadafayni qalaonfukhoo hatta itha
jaAAalahu naran qalaatoonee ofrigh AAalayhi qitra
Somali
i siiya goosimo bir ah, markuu ekeeyey labada dhinac dhexdooda wuxuu yidhi
afuufa markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi i siiya aan ku shubee maar la
dhalaaliyey.
|
Ayah 18:97 الأية
فَمَا اسْطَاعُوا أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا اسْتَطَاعُوا لَهُ نَقْبًا
Fama istaAAoo an yathharoohuwama istataAAoo lahu naqba
Somali
mana karayaan inay ka soo kor baxaan (ka soo dhacaan) mana karayaan inay
duleeliyaan.
|
Ayah 18:98 الأية
قَالَ هَٰذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّي ۖ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ رَبِّي جَعَلَهُ
دَكَّاءَ ۖ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّي حَقًّا
Qala hatha rahmatun minrabbee fa-itha jaa waAAdu rabbee jaAAalahu dakkaawakana
waAAdu rabbee haqqa
Somali
wuxuuna yidhi kan waa naxariis Eebahay, Markuu yimaaddo yabooha Eebahayna wuxuu
ka yeela burbur, yabooha Eebahayna waa zaq (sugan).
|
Ayah 18:99 الأية
وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِي بَعْضٍ ۖ وَنُفِخَ فِي الصُّورِ
فَجَمَعْنَاهُمْ جَمْعًا
Watarakna baAAdahum yawma-ithinyamooju fee baAAdin wanufikha fee
assoorifajamaAAnahum jamAAa
Somali
waxaana ka yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka (kale) dhexgali waxaana la
afuufaa suurka waana soo kulminnaa kulmin.
|
Ayah 18:100 الأية
وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ لِّلْكَافِرِينَ عَرْضًا
WaAAaradna jahannama yawma-ithinlilkafireena AAarda
Somali
waxaana u bandhigaynaa jahannamo maalintaa gaalada bandhig.
|
Ayah 18:101 الأية
الَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِي غِطَاءٍ عَن ذِكْرِي وَكَانُوا لَا
يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا
Allatheena kanat aAAyunuhumfee ghita-in AAan thikree wakanoo layastateeAAoona
samAAa
Somali
waana kuway indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara
(maqalka) xaqa.
|
Ayah 18:102 الأية
أَفَحَسِبَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَن يَتَّخِذُوا عِبَادِي مِن دُونِي أَوْلِيَاءَ ۚ
إِنَّا أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ نُزُلًا
Afahasiba allatheena kafarooan yattakhithoo AAibadee min doonee awliyaainna
aAAtadna jahannama lilkafireena nuzula
Somali
ma waxay u maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen addoomadayda iga sokow
awliyo (oy caabudaan) waana u darabnay jahannamo gaalada dagid.
|
Ayah 18:103 الأية
قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِالْأَخْسَرِينَ أَعْمَالًا
Qul hal nunabbi-okum bil-akhsareenaaAAmala
Somali
waxaad dhahdaa ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan camallo.
|
Ayah 18:104 الأية
الَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ
أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا
Allatheena dalla saAAyuhumfee alhayati addunya wahum yahsaboonaannahum
yuhsinoona sunAAa
Somali
waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin
camalka.
|
Ayah 18:105 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ وَلِقَائِهِ فَحَبِطَتْ
أَعْمَالُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَزْنًا
Ola-ika allatheena kafaroobi-ayati rabbihim waliqa-ihi fahabitataAAmaluhum fala
nuqeemu lahum yawma alqiyamatiwazna
Somali
kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebahood iyo la kulankiisa oo buray
camalkoodu umana joojinno maalinta qiyaame miisan «qiimana ma leh».
|
Ayah 18:106 الأية
ذَٰلِكَ جَزَاؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا وَاتَّخَذُوا آيَاتِي وَرُسُلِي
هُزُوًا
Thalika jazaohum jahannamubima kafaroo wattakhathoo ayateewarusulee huzuwa
Somali
kaasina waa abaalkoodii jahannamo gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen
aayaad kayga iyo rasuulladayda jeesjees.
|
Ayah 18:107 الأية
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ
الْفِرْدَوْسِ نُزُلًا
Inna allatheena amanoowaAAamiloo assalihati kanat lahumjannatu alfirdawsi nuzula
Somali
kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso
degid, (martiqaad).
|
Ayah 18:108 الأية
خَالِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا
Khalideena feeha layabghoona AAanha hiwala
Somali
wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).
|
Ayah 18:109 الأية
قُل لَّوْ كَانَ الْبَحْرُ مِدَادًا لِّكَلِمَاتِ رَبِّي لَنَفِدَ الْبَحْرُ قَبْلَ
أَن تَنفَدَ كَلِمَاتُ رَبِّي وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِ مَدَدًا
Qul law kana albahru midadanlikalimati rabbee lanafida albahru qabla an
tanfadakalimatu rabbee walaw ji/na bimithlihi madada
Somali
waxaad dhahdaa hadday u noqoto badda khad kalimooyinka Eebahay waxaa dhammaan
lahaa badda ka hor dhammaanshaha kalimaadka Eebahay aaban keenno isagoo kale (oo
siyaadin ah).
|
Ayah 18:110 الأية
قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ
إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا
صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا
Qul innama ana basharunmithlukum yooha ilayya annama ilahukum ilahunwahidun
faman kana yarjoo liqaa rabbihifalyaAAmal AAamalan salihan wala
yushrikbiAAibadati rabbihi ahada
Somali
waxaad dhadha waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa
laywaxyooday in uun yahay ilaahiin ilaah kaliya, ruuxiise dooni la kulanka
Eebihiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Eebihiis cidna.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|