1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ ۚ إِنَّ زَلْزَلَةَ السَّاعَةِ شَيْءٌ
عَظِيمٌ
Ya ayyuha annasuittaqoo rabbakum inna zalzalata assaAAati shay-onAAatheem
Somali
Dadaw ka Dhawrsada Eebihiin Maxaayeelay Gilgilashada Saacadda (Qiyaame) waa wax
wayn (Daran).
|
Ayah 22:2 الأية
يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّا أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ
ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى النَّاسَ سُكَارَىٰ وَمَا هُم بِسُكَارَىٰ
وَلَٰكِنَّ عَذَابَ اللهِ شَدِيدٌ
Yawma tarawnaha tathhalu kullumurdiAAatin AAamma ardaAAat watadaAAukullu thati
hamlin hamlaha wataraannasa sukara wama hum bisukarawalakinna AAathaba Allahi
shadeed
Somali
Waana Maalintaad Arkaysaan Iyadooy Halmaami Mid wax Nuujisa Dhammaanteed waxay
Nuujinaysay, ooy Dejin (Tuuri) mid Kastoo Uur leh Uurkeeda, waxaadna Arkaysaa
Dadkoo Waalan, mana aha kuwo (dhab) u Waalan ee Cadaabka Eebaa Daran.
|
Ayah 22:3 الأية
وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّبِعُ كُلَّ
شَيْطَانٍ مَّرِيدٍ
Wamina annasi man yujadilufee Allahi bighayri AAilmin wayattabiAAu kulla
shaytaninmareed
Somali
Dadka waxaa ka mid ah Ruux ku Murmi Eebe Cilmi la'aan oo raaci Shaydaan kastoo
Madax Adag.
|
Ayah 22:4 الأية
كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُ يُضِلُّهُ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ
عَذَابِ السَّعِيرِ
Kutiba AAalayhi annahu man tawallahufaannahu yudilluhu wayahdeehi ila AAathabi
assaAAeer
Somali
Waxa loo Qoray (Shaydaan) Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna
Toosiyo Cadaabka
|
Ayah 22:5 الأية
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّنَ الْبَعْثِ فَإِنَّا
خَلَقْنَاكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِن
مُّضْغَةٍ مُّخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِّنُبَيِّنَ لَكُمْ ۚ وَنُقِرُّ فِي
الْأَرْحَامِ مَا نَشَاءُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا
ثُمَّ لِتَبْلُغُوا أَشُدَّكُمْ ۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ
إِلَىٰ أَرْذَلِ الْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِن بَعْدِ عِلْمٍ شَيْئًا ۚ وَتَرَى
الْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَا أَنزَلْنَا عَلَيْهَا الْمَاءَ اهْتَزَّتْ وَرَبَتْ
وَأَنبَتَتْ مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ
Ya ayyuha annasuin kuntum fee raybin mina albaAAthi fa-inna khalaqnakummin
turabin thumma min nutfatin thumma minAAalaqatin thumma min mudghatin
mukhallaqatin waghayrimukhallaqatin linubayyina lakum wanuqirru fee al-arhami
manashao ila ajalin musamman thumma nukhrijukum tiflanthumma litablughoo
ashuddakum waminkum man yutawaffawaminkum man yuraddu ila arthali alAAumuri
likaylayaAAlama min baAAdi AAilmin shay-an watara al-ardahamidatan fa-itha
anzalna AAalayhaalmaa ihtazzat warabat waanbatat min kulli zawjin baheej
Somali
Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro,
Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin
si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono
Tan iyo Muddo Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas
inaad Gaadhaan Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana
idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin intay wax
Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo
Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc
kastoo Quruxsan.
|
Ayah 22:6 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّهُ يُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُ
عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Thalika bi-anna Allaha huwa alhaqquwaannahu yuhyee almawta waannahu AAala
kullishay-in qadeer
Somali
Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu
wax walba Karo.
|
Ayah 22:7 الأية
وَأَنَّ السَّاعَةَ آتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ اللهَ يَبْعَثُ مَن فِي
الْقُبُورِ
Waanna assaAAata atiyatunla rayba feeha waanna Allaha yabAAathu manfee alquboor
Somali
Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu soo Bixin waxa Qubuuraha
ku Sugan.
|
Ayah 22:8 الأية
وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا
كِتَابٍ مُّنِيرٍ
Wamina annasi man yujadilufee Allahi bighayri AAilmin wala hudan walakitabin
muneer
Somali
Dadka waxaa ka mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo
Kitaab wax Nuurin la'aantiis.
|
Ayah 22:9 الأية
ثَانِيَ عِطْفِهِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ اللهِ ۖ لَهُ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ ۖ
وَنُذِيقُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَذَابَ الْحَرِيقِ
Thaniya AAitfihi liyudillaAAan sabeeli Allahi lahu fee addunyakhizyun
wanutheequhu yawma alqiyamati AAathabaalhareeq
Somali
oo Dadbi Luqunta (Iskibrin) inuu ka Dhumiyo Jidka Eebe, wuxuu Mudan Adduunyada
Dulli waxaana Dhadhansiin Maalinta Qiyaame Cadaab wax Guba.
|
Ayah 22:10 الأية
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ اللهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ
Thalika bima qaddamat yadakawaanna Allaha laysa bithallaminlilAAabeed
Somali
Taasna waa waxay Ilor marsatay Gacmahaagu, Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada.
|
Ayah 22:11 الأية
وَمِنَ النَّاسِ مَن يَعْبُدُ اللهَ عَلَىٰ حَرْفٍ ۖ فَإِنْ أَصَابَهُ خَيْرٌ
اطْمَأَنَّ بِهِ ۖ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ انقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِ خَسِرَ
الدُّنْيَا وَالْآخِرَةَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْخُسْرَانُ الْمُبِينُ
Wamina annasi man yaAAbuduAllaha AAala harfin fa-in asabahukhayrun itmaanna bihi
wa-in asabat-hu fitnatuninqalaba AAala wajhihi khasira addunya
wal-akhiratathalika huwa alkhusranu almubeen
Somali
Waxaa ka mid ah Dadka mid u Caabudi (Eebe) Dhinac (Shaki) Hadduu soo Gaadho
Khayra Xasili, Hadduu soo Gaadho Imtixaan (Dhibna) u Gabdooma Wajigiisa
(Gaalooba) wuxuu Khasaariyey Adduun iyo Aakhiraba Kaasina waa Khasaaraha Cad
uun.
|
Ayah 22:12 الأية
يَدْعُو مِن دُونِ اللهِ مَا لَا يَضُرُّهُ وَمَا لَا يَنفَعُهُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ
الضَّلَالُ الْبَعِيدُ
YadAAoo min dooni Allahi ma layadurruhu wama la yanfaAAuhu thalikahuwa addalalu
albaAAeed
Somali
Wuxuu Caabudi (Baryina) Eebe ka Sokow waxaan Dhibayn Anfacaynna Kaasina waa uun
Baadida Fog.
|
Ayah 22:13 الأية
يَدْعُو لَمَن ضَرُّهُ أَقْرَبُ مِن نَّفْعِهِ ۚ لَبِئْسَ الْمَوْلَىٰ وَلَبِئْسَ
الْعَشِيرُ
YadAAoo laman darruhu aqrabu minnafAAihi labi/sa almawla walabi/sa alAAasheer
Somali
Wuxuu Caabudi wax Dhibkiisu ka Dhawyahay Naefigiisu, isagaa u Xun Sokeeye una
Xun la noolaadi.
|
Ayah 22:14 الأية
إِنَّ اللهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ
تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ إِنَّ اللهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ
Inna Allaha yudkhilu allatheenaamanoo waAAamiloo assalihati jannatintajree min
tahtiha al-anharu inna AllahayafAAalu ma yureed
Somali
Ilaahay wuxuu Galiyaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Falay Camal Fiican Jannooyin ay
Socoto Dhexdeeda Wabiyaal, Eebana wuxuu Falaa wuxuu Doono.
|
Ayah 22:15 الأية
مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ اللهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ
فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى السَّمَاءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنظُرْ هَلْ
يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُ مَا يَغِيظُ
Man kana yathunnu anlan yansurahu Allahu fee addunya wal-akhiratifalyamdud
bisababin ila assama-i thummaliyaqtaAA falyanthur hal yuthhibannakayduhu ma
yagheeth
Somali
Ciddii u Malayn Inuusan u Gargaarayn Eebe Nabigiisa Adduun iyo Aakhiraba ha u
Fidiyo Xadhig Xagga Samada hana isku Gooyo (Marjiyo) hana dayo inay Dhagartiisu
Tegiiso waxa Cadho Galin.
|
Ayah 22:16 الأية
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَاهُ آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ وَأَنَّ اللهَ يَهْدِي مَن يُرِيدُ
Wakathalika anzalnahu ayatinbayyinatin waanna Allaha yahdee man yureed
Somali
Saasaana kuugu soo Dejinay Aayaad Cad Eebana wuxuu Hanuuniyaa Cidduu Doono.
|
Ayah 22:17 الأية
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالصَّابِئِينَ وَالنَّصَارَىٰ
وَالْمَجُوسَ وَالَّذِينَ أَشْرَكُوا إِنَّ اللهَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ
الْقِيَامَةِ ۚ إِنَّ اللهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
Inna allatheena amanoo wallatheenahadoo wassabi-eena wannasarawalmajoosa
wallatheena ashrakoo inna Allahayafsilu baynahum yawma alqiyamati inna
AllahaAAala kulli shay-in shaheed
Somali
Kuwa Rumeeyey (Xaqa) iyo Kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'inta (Xiddigaha Caabuda) iyo
Nasaarada iyo Majuusiga iyo Mushrikiinta Eebaa kala bixin Dhexdooda Maalinta
Qiyaame, Eebana wax kasta wuu Arkaa.
|
Ayah 22:18 الأية
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللهَ يَسْجُدُ لَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي
الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ
وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِّنَ النَّاسِ ۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ ۗ
وَمَن يُهِنِ اللهُ فَمَا لَهُ مِن مُّكْرِمٍ ۚ إِنَّ اللهَ يَفْعَلُ مَا
يَشَاءُ ۩
Alam tara anna Allaha yasjudu lahuman fee assamawati waman fee al-ardiwashshamsu
walqamaru wannujoomu waljibaluwashshajaru waddawabbu wakatheerun minaannasi
wakatheerun haqqa AAalayhi alAAathabuwaman yuhini Allahu fama lahu min mukrimin
inna AllahayafAAalu ma yasha/
Somali
Miyaadan Arkayn inay Eebe u Sujuudi waxa Samooyinka iyo Dhulka iyo Qorraxda iyo
Dayaxa iyo Xidigaha iyo Buuraha iyo Geedaha iyo Xayawaanka iyo Waxbadan oo Dadka
ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday Korkooda Cadaab, Ruuxuu Ihaaneeyo Eebana ma
laha wax Sharrifi, Eebana wuxuu Falaa wuxuu Doono.
|
Ayah 22:19 الأية
هَٰذَانِ خَصْمَانِ اخْتَصَمُوا فِي رَبِّهِمْ ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا قُطِّعَتْ
لَهُمْ ثِيَابٌ مِّن نَّارٍ يُصَبُّ مِن فَوْقِ رُءُوسِهِمُ الْحَمِيمُ
Hathani khasmani ikhtasamoofee rabbihim fallatheena kafaroo quttiAAatlahum
thiyabun min narin yusabbu min fawqiruoosihimu alhameem
Somali
Labadani waa Doodayaal, waxayna ku Doodeen Eebahood, kuwa Gaaloobay waxaa loo
Goyn Maryo Naar ah waxaana Lagu Shubi Korkooda Biyo Kulul.
|
Ayah 22:20 الأية
يُصْهَرُ بِهِ مَا فِي بُطُونِهِمْ وَالْجُلُودُ
Yusharu bihi ma fee butoonihimwaljulood
Somali
Waxaana lagu Gubaa (Lagu Dhalaaliyaa) waxa Caloosha ku Jira iyo Jidhka (Haraga).
|
Ayah 22:21 الأية
وَلَهُم مَّقَامِعُ مِنْ حَدِيدٍ
Walahum maqamiAAu min hadeed
Somali
waxay Mudan Budhadh Bir ah.
|
Ayah 22:22 الأية
كُلَّمَا أَرَادُوا أَن يَخْرُجُوا مِنْهَا مِنْ غَمٍّ أُعِيدُوا فِيهَا وَذُوقُوا
عَذَابَ الْحَرِيقِ
Kullama aradoo an yakhrujoominha min ghammin oAAeedoo feeha wathooqooAAathaba
alhareeq
Somali
Markastooy Doonaan inay ka Baxaan Xaggeeda Walbahaar Dartiis waa lagu Celiyaa
Dhexdeeda (waxaana la Dhahaa) Dhadhamiya Cadaabka Gubidda.
|
Ayah 22:23 الأية
إِنَّ اللهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ
تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ
وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ
Inna Allaha yudkhilu allatheenaamanoo waAAamiloo assalihati jannatintajree min
tahtiha al-anharu yuhallawnafeeha min asawira min thahabin walu/lu-anwalibasuhum
feeha hareer
Somali
Eebana wuxuu Galiya kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Fala Camal Fiican Jannooyin ay
Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, waxaana, Loogu Xidhaa Dhexdeeda Jinjimo Dahab ah iyo
Jawhar, Dharkooduna Dhexdeeda waa Xariir.
|
Ayah 22:24 الأية
وَهُدُوا إِلَى الطَّيِّبِ مِنَ الْقَوْلِ وَهُدُوا إِلَىٰ صِرَاطِ الْحَمِيدِ
Wahudoo ila attayyibimina alqawli wahudoo ila sirati alhameed
Somali
Waxaana lagu Hanuuniyey Wanaagga Hadalka waxaana lagu Hanuuniyey Jidka la
Mahdiyo/
|
Ayah 22:25 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللهِ وَالْمَسْجِدِ
الْحَرَامِ الَّذِي جَعَلْنَاهُ لِلنَّاسِ سَوَاءً الْعَاكِفُ فِيهِ وَالْبَادِ ۚ
وَمَن يُرِدْ فِيهِ بِإِلْحَادٍ بِظُلْمٍ نُّذِقْهُ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ
Inna allatheena kafaroo wayasuddoonaAAan sabeeli Allahi walmasjidi
alharamiallathee jaAAalnahu linnasi sawaanalAAakifu feehi walbadi waman yurid
feehibi-ilhadin bithulmin nuthiqhu min AAathabinaleem
Somali
kuwa Gaaloobay oo ka Celiya Jidka Eebe iyo Masaajidka Xurmaysan ee looga Yeelay
Dadka Sinnaan mid ku Nagi iyo mid Meel ka yimidba cidii la Doonta Dhexdiisa
Leexin Dulmi ah (Xumaan) waxaanni Dhadhansiin Cadaab Daran.
|
Ayah 22:26 الأية
وَإِذْ بَوَّأْنَا لِإِبْرَاهِيمَ مَكَانَ الْبَيْتِ أَن لَّا تُشْرِكْ بِي شَيْئًا
وَطَهِّرْ بَيْتِيَ لِلطَّائِفِينَ وَالْقَائِمِينَ وَالرُّكَّعِ السُّجُودِ
Wa-ith bawwa/na li-ibraheemamakana albayti an la tushrik bee shay-an
watahhirbaytiya litta-ifeena walqa-imeenawarrukkaAAi assujood
Somali
(Xusuuso) markaan u Muujinay Nabi Ibraahim Meeja Baytja (Kacbada) Annagoo ku
Dhihi Ha la Wadaajin Eebe (Cibaadada) waxba, u Daahirina Gurigayga kuwa Dhawaafi
iyo kuwa Taagan iyo kuwa ku Rukuucsan ee Sujuudsan.
|
Ayah 22:27 الأية
وَأَذِّن فِي النَّاسِ بِالْحَجِّ يَأْتُوكَ رِجَالًا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٍ
يَأْتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٍ
Waaththin fee annasibilhajji ya/tooka rijalan waAAalakulli damirin ya/teena min
kulli fajjin AAameeq
Somali
Ogaysiina Dadka Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer
Dhammaanteed oo ka iman Jaha kasta oo Dheer.
|
Ayah 22:28 الأية
لِّيَشْهَدُوا مَنَافِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللهِ فِي أَيَّامٍ
مَّعْلُومَاتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّن بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۖ فَكُلُوا
مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ
Liyashhadoo manafiAAa lahum wayathkurooisma Allahi fee ayyamin maAAloomatin
AAalama razaqahum min baheemati al-anAAami fakuloo minhawaatAAimoo alba-isa
alfaqeer
Somali
inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la
Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah Xayawaanka nicmoolayda, ca Cuna Xaggeeda
Quudiyana kan Dhibaataysan ee Faqiirka ah.
|
Ayah 22:29 الأية
ثُمَّ لْيَقْضُوا تَفَثَهُمْ وَلْيُوفُوا نُذُورَهُمْ وَلْيَطَّوَّفُوا بِالْبَيْتِ
الْعَتِيقِ
Thumma lyaqdoo tafathahum walyoofoonuthoorahum walyattawwafoo bilbaytialAAateeq
Somali
markaas ha Dhammeeyeen hasaastooda, hana Oofiyeen nadorkooda, hana Dhawaafeen
Baydka Horeeyey.
|
Ayah 22:30 الأية
ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ عِندَ رَبِّهِ ۗ
وَأُحِلَّتْ لَكُمُ الْأَنْعَامُ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ۖ فَاجْتَنِبُوا
الرِّجْسَ مِنَ الْأَوْثَانِ وَاجْتَنِبُوا قَوْلَ الزُّورِ
Thalika waman yuAAaththimhurumati Allahi fahuwa khayrun lahu AAindarabbihi
waohillat lakumu al-anAAamu illa mayutla AAalaykum fajtaniboo arrijsa
minaal-awthani wajtaniboo qawla azzoor
Somali
Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu Reebay Eebe Saasaa u Khayrroon Eebihiis Agtiisa,
waxaana laydiin banneeyey Nicmoolayda waxa Laydinku akhriyo Mooyee, ee ka
Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada kana Dheeraada Hadalka Beenta ah.
|
Ayah 22:31 الأية
حُنَفَاءَ لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِاللهِ
فَكَأَنَّمَا خَرَّ مِنَ السَّمَاءِ فَتَخْطَفُهُ الطَّيْرُ أَوْ تَهْوِي بِهِ
الرِّيحُ فِي مَكَانٍ سَحِيقٍ
Hunafaa lillahi ghayramushrikeena bihi waman yushrik billahi fakaannamakharra
mina assama-i fatakhtafuhu attayruaw tahwee bihi arreehu fee makanin saheeq
Somali
Idinkoo u Toosan Eebe oon Mushrikiin ahayn, Ruuxii u Shariig yeela Eebe wuxuu la
mid yahay mid ka Soo Dhacay Samada oy Dafi Shimbirtu ama ay ku Tuuri Dabaysho
Meel Dheer oo halaag ah.
|
Ayah 22:32 الأية
ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللهِ فَإِنَّهَا مِن تَقْوَى الْقُلُوبِ
Thalika waman yuAAaththimshaAAa-ira Allahi fa-innaha min taqwaalquloob
Somali
waa Saas Ruuxii wayneeya Amarada Eebe (Sharcigiisa) taasi waa dhawrsashada
Quluubta.
|
Ayah 22:33 الأية
لَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ مَحِلُّهَا إِلَى الْبَيْتِ
الْعَتِيقِ
Lakum feeha manafiAAu ilaajalin musamman thumma mahilluha ila albaytialAAateeq
Somali
waxaa idiinku Sugnaaday (hadiyada) Nacfi Tan iyo Muddo Markaas. waxay ku
Dhammaan Baydka Horeeyey.
|
Ayah 22:34 الأية
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنسَكًا لِّيَذْكُرُوا اسْمَ اللهِ عَلَىٰ مَا
رَزَقَهُم مِّن بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۗ فَإِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ فَلَهُ
أَسْلِمُوا ۗ وَبَشِّرِ الْمُخْبِتِينَ
Walikulli ommatin jaAAalna mansakanliyathkuroo isma Allahi AAala marazaqahum min
baheemati al-anAAami fa-ilahukum ilahunwahidun falahu aslimoo wabashshiri
almukhbiteen
Somali
Ummad kasta waxaan u yeellay Cibaado (Ciid) inay ku Xusaan Eebe wuxuu ku
Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u
Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee Cabsada) ee ah.
|
Ayah 22:35 الأية
الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَالصَّابِرِينَ عَلَىٰ مَا
أَصَابَهُمْ وَالْمُقِيمِي الصَّلَاةِ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ
Allatheena itha thukiraAllahu wajilat quloobuhum wassabireenaAAala ma asabahum
walmuqeemee assalatiwamimma razaqnahum yunfiqoon
Somali
Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee Ooga
Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.
|
Ayah 22:36 الأية
وَالْبُدْنَ جَعَلْنَاهَا لَكُم مِّن شَعَائِرِ اللهِ لَكُمْ فِيهَا خَيْرٌ ۖ
فَاذْكُرُوا اسْمَ اللهِ عَلَيْهَا صَوَافَّ ۖ فَإِذَا وَجَبَتْ جُنُوبُهَا
فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ ۚ كَذَٰلِكَ
سَخَّرْنَاهَا لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Walbudna jaAAalnahalakum min shaAAa-iri Allahi lakum feehakhayrun fathkuroo isma
Allahi AAalayhasawaffa fa-itha wajabat junoobuhafakuloo minha waatAAimoo
alqaniAAa walmuAAtarrakathalika sakhkharnaha lakum laAAallakumtashkuroon
Somali
Loogga (Hadyada) waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana
idiinku Sugan Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib
Xidhan, markay U dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan
Warsanba, Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan.
|
Ayah 22:37 الأية
لَن يَنَالَ اللهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَاؤُهَا وَلَٰكِن يَنَالُهُ التَّقْوَىٰ
مِنكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرَهَا لَكُمْ لِتُكَبِّرُوا اللهَ عَلَىٰ مَا هَدَاكُمْ
ۗ وَبَشِّرِ الْمُحْسِنِينَ
Lan yanala Allaha luhoomuhawala dimaoha walakin yanaluhuattaqwa minkum kathalika
sakhkharahalakum litukabbiroo Allaha AAala ma hadakumwabashshiri almuhsineen
Somali
Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna,
Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey una
Bishaaree kuwa Wanaagga Fala.
|
Ayah 22:38 الأية
إِنَّ اللهَ يُدَافِعُ عَنِ الَّذِينَ آمَنُوا ۗ إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ
خَوَّانٍ كَفُورٍ
Inna Allaha yudafiAAu AAaniallatheena amanoo inna Allaha la yuhibbukulla
khawwanin kafoor
Somali
Eebana wuu Daafacaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) Eebana ma Jecla mid kastoo Khayaamo
Badan oo Gaalimo Badan.
|
Ayah 22:39 الأية
أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللهَ عَلَىٰ
نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ
Othina lillatheena yuqataloonabi-annahum thulimoo wa-inna Allaha AAalanasrihim
laqadeer
Somali
waxaa loo Idmay kuwa lala Dagaallami (inay Dagaalamaan) maxaayeelay waa la
Dulmiyey Eebena Gargaarkooda wuu Karaa.
|
Ayah 22:40 الأية
الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِم بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّا أَن يَقُولُوا رَبُّنَا
اللهُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ اللهِ النَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّهُدِّمَتْ
صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللهِ
كَثِيرًا ۗ وَلَيَنصُرَنَّ اللهُ مَن يَنصُرُهُ ۗ إِنَّ اللهَ لَقَوِيٌّ
عَزِيزٌ
Allatheena okhrijoo min diyarihimbighayri haqqin illa an yaqooloo rabbuna
Allahuwalawla dafAAu Allahi annasa baAAdahumbibaAAdin lahuddimat sawamiAAu
wabiyaAAun wasalawatunwamasajidu yuthkaru feeha ismu Allahikatheeran
walayansuranna Allahu man yansuruhuinna Allaha laqawiyyun AAazeez
Somali
waana kuwa laga Bixiyey Guryahoodii xaq Darro iyo Inay Dheheen Eebahanno waa
Ilaahay, haddayna Jirin ku Daficidda Eebe Dadka Qaarkood Qaar waxaa la Dumin
lahaa Macaabidda Yuhuud, iyo Biyac Kaniisadaha, iyo Kaniisadda Dad kale, iyo
Masaajidda lagu Xuso Dhexdeeda magaca Eebe wax badan, wuuna u Gargaari Eebe
Cidii u Gargaarta (Diintiisa) Eebana waa Xoog Badane Adkaada.
|
Ayah 22:41 الأية
الَّذِينَ إِن مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا
الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنكَرِ ۗ وَلِلَّهِ
عَاقِبَةُ الْأُمُورِ
Allatheena in makkannahum feeal-ardi aqamoo assalata waatawooazzakata waamaroo
bilmaAAroofi wanahawAAani almunkari walillahi AAaqibatu al-omoor
Somali
waana kuwa Haddaan Makanino Dhulka Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Fara
Wanaagga oo ka Reeba Xumaanta, Eebaana iskale Cidhibta Arrimaha.
|
Ayah 22:42 الأية
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَثَمُودُ
Wa-in yukaththibooka faqad kaththabatqablahum qawmu noohin waAAadun wathamood
Somali
Hadday ku Beeniyaan waxaa Beeniyey Ilortood Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Caad iyo
Thamuud.
|
Ayah 22:43 الأية
وَقَوْمُ إِبْرَاهِيمَ وَقَوْمُ لُوطٍ
Waqawmu ibraheema waqawmu loot
Somali
iyo Qoomkii (Nabi) Ibraahim iyo Qoomkii (Nabi) Luudh.
|
Ayah 22:44 الأية
وَأَصْحَابُ مَدْيَنَ ۖ وَكُذِّبَ مُوسَىٰ فَأَمْلَيْتُ لِلْكَافِرِينَ ثُمَّ
أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
Waas-habu madyana wakuththibamoosa faamlaytu lilkafireena thumma
akhathtuhumfakayfa kana nakeer
Somali
iyo Ehelkii Madyan, waana la Beeniyey (Nabi) Muuse, waana Sugay Gaalada
markaasaan Qabtay ee see noqday Ciqaabkii.
|
Ayah 22:45 الأية
فَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا وَهِيَ ظَالِمَةٌ فَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ
عُرُوشِهَا وَبِئْرٍ مُّعَطَّلَةٍ وَقَصْرٍ مَّشِيدٍ
Fakaayyin min qaryatin ahlaknahawahiya thalimatun fahiya khawiyatunAAala
AAurooshiha wabi/rin muAAattalatinwaqasrin masheed
Somali
maxay Badantahay Magaalo aan Halaagnay iyadoo Gardaran iyaduna u Dhacday
Darbiyadeedii iyo Ceel la Halleeyey iyo Daar wayn (markii la Halaagay Dadkii).
|
Ayah 22:46 الأية
أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ
آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَٰكِن تَعْمَى
الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ
Afalam yaseeroo fee al-ardi fatakoonalahum quloobun yaAAqiloona biha aw
athanunyasmaAAoona biha fa-innaha la taAAmaal-absaru walakin taAAma alquloobu
allateefee assudoor
Somali
Miyeyna ku Soconin Dhulka oy u Ahaato Quluub ay wax ku Kasaan ama Dhago oy wax
ku Maqlaan, Indha Beelka Dhabta ahna waa Indho Beelka Quluubta ku Sugan Laabta.
|
Ayah 22:47 الأية
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ وَلَن يُخْلِفَ اللهُ وَعْدَهُ ۚ وَإِنَّ
يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
WayastaAAjiloonaka bilAAathabiwalan yukhlifa Allahu waAAdahu wa-inna yawman
AAindarabbika kaalfi sanatin mimma taAAuddoon
Somali
waxay Dedejisan Cadaab mana Baajinaayo Eebe Yaboohiisa, Maalin Eebe Agtiisana
waxay la mid tahay kun Sano oo waxaad Tirinaysaan.
|
Ayah 22:48 الأية
وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ أَمْلَيْتُ لَهَا وَهِيَ ظَالِمَةٌ ثُمَّ أَخَذْتُهَا
وَإِلَيَّ الْمَصِيرُ
Wakaayyin min qaryatin amlaytu lahawahiya thalimatun thumma akhathtuhawa-ilayya
almaseer
Somali
Badanaa Magaalo aan u Sugnay iyadoo Daalimad ah, Markaas aan Qabtay Xaggayga
Umbaana loo Ahaan.
|
Ayah 22:49 الأية
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّمَا أَنَا لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Qul ya ayyuha annasuinnama ana lakum natheerun mubeen
Somali
waxaad Dhahdaa Dadow waxaan uun Anigu idiin ahay Dige Cad.
|
Ayah 22:50 الأية
فَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Fallatheena amanoowaAAamiloo assalihati lahum maghfiratunwarizqun kareem
Somali
kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi
Sharaf leh (Janno).
|
Ayah 22:51 الأية
وَالَّذِينَ سَعَوْا فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ
Wallatheena saAAaw fee ayatinamuAAajizeena ola-ika as-habu aljaheem
Somali
kuwa u Socda (Xumaanta) Aayaadkanaga iyo (isku dayi) inay na daaliyaan kuwaasu
waa Ehelka Jaxiimo.
|
Ayah 22:52 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ وَلَا نَبِيٍّ إِلَّا إِذَا تَمَنَّىٰ
أَلْقَى الشَّيْطَانُ فِي أُمْنِيَّتِهِ فَيَنسَخُ اللهُ مَا يُلْقِي
الشَّيْطَانُ ثُمَّ يُحْكِمُ اللهُ آيَاتِهِ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Wama arsalna min qablika minrasoolin wala nabiyyin illa itha tamannaalqa
ashshaytanu fee omniyyatihi fayansakhuAllahu ma yulqee ashshaytanu thummayuhkimu
Allahu ayatihi wallahuAAaleemun hakeem
Somali
Rasuulkastoon Dirray ama Nabi Hortaa, markuu wax Akhrin waxbuu ku Tuuraa
Shaydaanku Akhriskiisa, markaasuu Baabi'yaa Eebe wuxuu Tuuri Shaydaanku wuxuuna
Sugaa Aayaadkiisa, Eebana waa Ogaade Falsan.
|
Ayah 22:53 الأية
لِّيَجْعَلَ مَا يُلْقِي الشَّيْطَانُ فِتْنَةً لِّلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ
وَالْقَاسِيَةِ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ الظَّالِمِينَ لَفِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ
LiyajAAala ma yulqee ashshaytanufitnatan lillatheena fee quloobihim maradun
walqasiyatiquloobuhum wa-inna aththalimeenalafee shiqaqin baAAeed
Somali
si uu uga yeelo waxa Shaydaanku Tuuri Fidmo kuwa Quluubtoodu Bugto ee ka Ingagan
Quluubta Daalimiintuna waxay ku Suganyihiin Khilaaf (Baadi) Fog.
|
Ayah 22:54 الأية
وَلِيَعْلَمَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ
فَيُؤْمِنُوا بِهِ فَتُخْبِتَ لَهُ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ اللهَ لَهَادِ
الَّذِينَ آمَنُوا إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
WaliyaAAlama allatheena ootooalAAilma annahu alhaqqu min rabbika fayu/minoo
bihifatukhbita lahu quloobuhum wa-inna Allaha lahadiallatheena amanoo ila
siratinmustaqeem
Somali
inay Ogaadaan kuwa Cilmiga la siiyey «Mu'miniintu» innu yahay Xaq Eebe ka yimid
(Quraanka) oy Rumeeyaan, oy u Khushuucdo Dartiis Quluubtoodu Eebana wuu ku
hanuunin kuwa Rumeeyey (xaqa) Jid Toosan.
|
Ayah 22:55 الأية
وَلَا يَزَالُ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي مِرْيَةٍ مِّنْهُ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ
السَّاعَةُ بَغْتَةً أَوْ يَأْتِيَهُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَقِيمٍ
Wala yazalu allatheenakafaroo fee miryatin minhu hatta ta/tiyahumu
assaAAatubaghtatan aw ya/tiyahum AAathabu yawmin AAaqeem
Somali
kana tagaan kuwa gaaloobay Shaki intay ugu Timaaddo Saacaddu Kado ama u yimaaddo
cadaab Maalin daran.
|
Ayah 22:56 الأية
الْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ ۚ فَالَّذِينَ آمَنُوا
وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ
Almulku yawma-ithin lillahi yahkumubaynahum fallatheena amanoo waAAamiloo
assalihatifee jannati annaAAeem
Somali
Xukunka Maalintaas Eebaa iska leh, wuuna kala Xukmin Dhexdooda, kuwa Rumeeyey
(Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay Gali Janada Naciimo.
|
Ayah 22:57 الأية
وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ
مُّهِينٌ
Wallatheena kafaroo wakaththaboobi-ayatina faola-ika lahum AAathabunmuheen
Somali
kuwa Gaaloobay oo beeniyey Aayaadkanagana kuwaas waxaa u Sugnaaday Cadaab wax
Dulleeya.
|
Ayah 22:58 الأية
وَالَّذِينَ هَاجَرُوا فِي سَبِيلِ اللهِ ثُمَّ قُتِلُوا أَوْ مَاتُوا
لَيَرْزُقَنَّهُمُ اللهُ رِزْقًا حَسَنًا ۚ وَإِنَّ اللهَ لَهُوَ خَيْرُ
الرَّازِقِينَ
Wallatheena hajaroofee sabeeli Allahi thumma qutiloo aw matoolayarzuqannahumu
Allahu rizqan hasanan wa-inna Allahalahuwa khayru arraziqeen
Somali
kuwa ku Hijrooday Jidka Eebe Haddana la Dilo ama dhinta wuxuu ku Arzaaqi kuwaas
Eebe Rizqi Wanaagsan, Eebana waa ku Khayrroon yahay Rizqigiisu.
|
Ayah 22:59 الأية
لَيُدْخِلَنَّهُم مُّدْخَلًا يَرْضَوْنَهُ ۗ وَإِنَّ اللهَ لَعَلِيمٌ حَلِيمٌ
Layudkhilannahum mudkhalan yardawnahuwa-inna Allaha laAAaleemun haleem
Somali
wuxuuna Galin Meel ay ka Raalli Noqon (Janno) Eebana waa Oge Dhulbadan.
|
Ayah 22:60 الأية
ذَٰلِكَ وَمَنْ عَاقَبَ بِمِثْلِ مَا عُوقِبَ بِهِ ثُمَّ بُغِيَ عَلَيْهِ
لَيَنصُرَنَّهُ اللهُ ۗ إِنَّ اللهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ
Thalika waman AAaqaba bimithlima AAooqiba bihi thumma bughiya AAalayhi
layansurannahuAllahu inna Allaha laAAafuwwun ghafoor
Somali
waa saas, Ruuxii Ciqaaba inta la Ciqaabay oo kale Markaas la gardaraysto wuu u
Gargaari Eebe, Eebana waa Cafiye Dhaafa.
|
Ayah 22:61 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللهَ يُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَيُولِجُ النَّهَارَ
فِي اللَّيْلِ وَأَنَّ اللهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ
Thalika bi-anna Allaha yoolijuallayla fee annahari wayooliju annaharafee allayli
waanna Allaha sameeAAun baseer
Somali
waxaana ugu wacan in Eebe Galiyo Habeenka Maalinta Galiyana Maalinta Habeenka,
Eebana waa Maqle Arka.
|
Ayah 22:62 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ هُوَ
الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ
Thalika bi-anna Allaha huwa alhaqquwaanna ma yadAAoona min doonihi huwa
albatiluwaanna Allaha huwa alAAaliyyu alkabeer
Somali
waxana ugu Wacan Taas in Eebe Xaq (Sugan) yahay, waxay Caabudi oo ka soo
Hadhayna Baadil yahay, Eebana yahay Sarreeye Weyn.
|
Ayah 22:63 الأية
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللهَ أَنزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَتُصْبِحُ الْأَرْضُ
مُخْضَرَّةً ۗ إِنَّ اللهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ
Alam tara anna Allaha anzala mina assama-imaan fatusbihu al-ardu
mukhdarrataninna Allaha lateefun khabeer
Somali
Miyeydaan Ogayn in Eebe ka soo Dejiyo Samada Biyo oo ahaado Dhulku Cagaar,
Eebana waa Oge Xeel Dheer.
|
Ayah 22:64 الأية
لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَإِنَّ اللهَ لَهُوَ
الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ
Lahu ma fee assamawatiwama fee al-ardi wa-inna Allaha lahuwaalghaniyyu alhameed
Somali
Waxaa u Sugnaaday Eebe waxa Samaawaadka ku Sugan iyo waxa Dhulku ku Suga, Eebana
waa Hodan Mahadsan.
|
Ayah 22:65 الأية
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِي الْأَرْضِ وَالْفُلْكَ تَجْرِي
فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَن تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا
بِإِذْنِهِ ۗ إِنَّ اللهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Alam tara anna Allaha sakhkhara lakumma fee al-ardi walfulka tajree fee
albahribi-amrihi wayumsiku assamaa an taqaAAa AAalaal-ardi illa bi-ithnihi inna
Allahabinnasi laraoofun raheem
Somali
Miyeydaan ogayn in Eebe idiin Sakhiray waxa ku sugan Dhulka iyo Markabka Socda
Badda Dhexdeeda Amarka Eebe, wuxuuna ka Hayaa Samada inay ku dhacdo Dhulka
Idinka Eebe mooyee, Eebana Dadka waa u Naxariis badane.
|
Ayah 22:66 الأية
وَهُوَ الَّذِي أَحْيَاكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ۗ إِنَّ
الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ
Wahuwa allathee ahyakumthumma yumeetukum thumma yuhyeekum inna al-insanalakafoor
Somali
Eebana waa kan idin Nooleeya, Haddana idin Dila haddana idin Nooleeya Dadkuna
waa Diidmo badane (Nicmada Eebe).
|
Ayah 22:67 الأية
لِّكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنسَكًا هُمْ نَاسِكُوهُ ۖ فَلَا يُنَازِعُنَّكَ فِي
الْأَمْرِ ۚ وَادْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ إِنَّكَ لَعَلَىٰ هُدًى مُّسْتَقِيمٍ
Likulli ommatin jaAAalna mansakan humnasikoohu fala yunaziAAunnaka fee al-amri
wadAAuila rabbika innaka laAAala hudan mustaqeem
Somali
Umaad kasta waxaan u yeellay Hab Cibaado oy ku Cibaadaysan ee yeyna kugula
Doodin Amarka (Xaqa) uguna yeedh Xagga Eebahaa Adigu waxaad ku Sugantahay Hanuun
Toosane.
|
Ayah 22:68 الأية
وَإِن جَادَلُوكَ فَقُلِ اللهُ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ
Wa-in jadalooka faquli AllahuaAAlamu bima taAAmaloon
Somali
Hadday kula Doodaan waxaad dhahdaa Eebaa Og waxaad Falaysaan.
|
Ayah 22:69 الأية
اللهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ
تَخْتَلِفُونَ
Allahu yahkumu baynakum yawmaalqiyamati feema kuntum feehi takhtalifoon
Somali
Eebana wuu kala Xugmin Dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafsanaayeen.
|
Ayah 22:70 الأية
أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۗ إِنَّ
ذَٰلِكَ فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللهِ يَسِيرٌ
Alam taAAlam anna Allaha yaAAlamu mafee assama-i wal-ardi inna thalikafee
kitabin inna thalika AAala Allahiyaseer
Somali
Miyaadan Ogayn in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samada iyo Dhulka, Arrintaasna
waxay ku Sugantahay Kitaab, Arrintaasuna Eebe waa u Fududahay.
|
Ayah 22:71 الأية
وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَمَا لَيْسَ
لَهُم بِهِ عِلْمٌ ۗ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِن نَّصِيرٍ
WayaAAbudoona min dooni Allahi malam yunazzil bihi sultanan wama laysa lahum
bihiAAilmun wama liththalimeenamin naseer
Somali
Waxay Caabudi Eebe ka sokow Wuxuusan u soo Dejini Xujo oyna u Lahayn cilmi,
umana Sugna Daalimiinta Gargaare.
|
Ayah 22:72 الأية
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ تَعْرِفُ فِي وُجُوهِ الَّذِينَ
كَفَرُوا الْمُنكَرَ ۖ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِالَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ
آيَاتِنَا ۗ قُلْ أَفَأُنَبِّئُكُم بِشَرٍّ مِّن ذَٰلِكُمُ ۗ النَّارُ وَعَدَهَا
اللهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Wa-itha tutla AAalayhim ayatunabayyinatin taAArifu fee wujoohi allatheena
kafarooalmunkara yakadoona yastoona billatheenayatloona AAalayhim ayatina
qulafaonabbi-okum bisharrin min thalikum annaruwaAAadaha Allahu allatheena
kafaroo wabi/saalmaseer
Somali
Marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadkanaga oo Cad cad waxaad ka Garataa Wajiyada
kuwa Gaaloobay Diido, waxayna u Dhawyihiin inay ku Boodaan (Dhibaan) kuwa ku
Akhrin Aayaadkanaga, waxaad Dhahdaa Maydiinka Warramaa wax ka Shar badan Taas,
waa Naar u Darbay Eebe kuwa Gaaloobay, Iyadaana u Xun Meel Loo Ahaado.
|
Ayah 22:73 الأية
يَا أَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ ۚ إِنَّ الَّذِينَ
تَدْعُونَ مِن دُونِ اللهِ لَن يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ ۖ
وَإِن يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَّا يَسْتَنقِذُوهُ مِنْهُ ۚ ضَعُفَ
الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ
Ya ayyuha annasuduriba mathalun fastamiAAoo lahu inna allatheenatadAAoona min
dooni Allahi lan yakhluqoo thubabanwalawi ijtamaAAoo lahu wa-in yaslubuhumu
aththubabushay-an la yastanqithoohu minhu daAAufa attalibuwalmatloob
Somali
Dadow waxaa layeelay Tusaale ee Dhagaysta, kuwaad Baryeysaan (Caabudaysaan) Eebe
ka Sokow ma Abuuraan Daqsi haba u Kulmeene, Hadduu ka Qaato Daqsi waxna kama
Ceshadaan waxaa Tabar yar kan wax Dooni iyo kan la Dooni.
|
Ayah 22:74 الأية
مَا قَدَرُوا اللهَ حَقَّ قَدْرِهِ ۗ إِنَّ اللهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ
Ma qadaroo Allaha haqqaqadrihi inna Allaha laqawiyyun AAazeez
Somali
Mayna Waynayn Eebe Mudnida Weynidiisa, Eebana waa Xoog Badane Adkaada.
|
Ayah 22:75 الأية
اللهُ يَصْطَفِي مِنَ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا وَمِنَ النَّاسِ ۚ إِنَّ اللهَ
سَمِيعٌ بَصِيرٌ
Allahu yastafee mina almala-ikatirusulan wamina annasi inna Allaha
sameeAAunbaseer
Somali
Eebe wuxuu ka Doortaa Malaa'igta Rasuullo Dadkana (Rasuullo) Eebana waa Maqle
Arka.
|
Ayah 22:76 الأية
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۗ وَإِلَى اللهِ تُرْجَعُ
الْأُمُورُ
YaAAlamu ma bayna aydeehim wamakhalfahum wa-ila Allahi turjaAAu al-omoor
Somali
Wuxuuna Ogyahay waxa Hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah Zagga Eebaana loo Celin
Umuuraha.
|
Ayah 22:77 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا ارْكَعُوا وَاسْجُدُوا وَاعْبُدُوا رَبَّكُمْ
وَافْعَلُوا الْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ۩
Ya ayyuha allatheena amanooirkaAAoo wasjudoo waAAbudoo rabbakum
wafAAalooalkhayra laAAallakum tuflihoon
Somali
kuwa (Xaqa) Rumeeyow Rukuuca oo Sujuuda oo Caabuda Eebihiin Falana Khayrja
waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
|
Ayah 22:78 الأية
وَجَاهِدُوا فِي اللهِ حَقَّ جِهَادِهِ ۚ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ
عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ
سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا
عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا
الزَّكَاةَ وَاعْتَصِمُوا بِاللهِ هُوَ مَوْلَاكُمْ ۖ فَنِعْمَ الْمَوْلَىٰ
وَنِعْمَ النَّصِيرُ
Wajahidoo fee Allahi haqqajihadihi huwa ijtabakum wama jaAAalaAAalaykum fee
addeeni min harajin millata abeekumibraheema huwa sammakumu almuslimeena min
qabluwafee hatha liyakoona arrasoolu shaheedanAAalaykum watakoonoo shuhadaa
AAala annasifaaqeemoo assalata waatoo azzakatawaAAtasimoo billahi huwa
mawlakumfaniAAma almawla waniAAma annaseer
Somali
kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta
Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay
Muslimiin horay iyo Quraankan si Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad
Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga Salaadda oo Bixiya Xakada oo Qabsada Eebe isagaa
Gargaarihiina ah isagaana u Fii can Sayid isagaana u Fiican Gargaare.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|