| بِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ | |
|
طسم
Ta-seen-meem
Somali
Wuxuu ku Tusin Mucjisada Quraanka.
|
Ayah 28:2 الأية
تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ
Tilka ayatu alkitabialmubeen
Somali
Taasina waa Aayaadka Kitaabka (Quraanka) ee Cad.
|
Ayah 28:3 الأية
نَتْلُو عَلَيْكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرْعَوْنَ بِالْحَقِّ لِقَوْمٍ
يُؤْمِنُونَ
Natloo AAalayka min naba-i moosawafirAAawna bilhaqqi liqawmin yu/minoon
Somali
Waxaannu kugu Akhrin Korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon si Xaq ah Qoomkii
Rumayn.
|
Ayah 28:4 الأية
إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ
طَائِفَةً مِّنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ ۚ إِنَّهُ
كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ
Inna firAAawna AAala fee al-ardiwajaAAala ahlaha shiyaAAan yastadAAifu
ta-ifatanminhum yuthabbihu abnaahum wayastahyeenisaahum innahu kana mina
almufsideen
Somali
Fircoon wuu Isku Kibriyey Dhulka (Masar) wuxuuna ka Yeelay Ehelkiisii Kooxo,
Isagoo Yaraysan (Dullayn) Koox ka Mid ah Gawricina Wiilashooda oo Dayn
Haweenkooda wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax Fasaadiya.
|
Ayah 28:5 الأية
وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ
وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً وَنَجْعَلَهُمُ الْوَارِثِينَ
Wanureedu an namunna AAala allatheenaistudAAifoo fee al-ardi wanajAAalahum
a-immatanwanajAAalahumu alwaritheen
Somali
Waxaanu Dooni inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu Dullaysanayay Dhulka
kana yeello Imaamyo, kana Yeello kuwa Dhaxli Dhulka.
|
Ayah 28:6 الأية
وَنُمَكِّنَ لَهُمْ فِي الْأَرْضِ وَنُرِيَ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا
مِنْهُم مَّا كَانُوا يَحْذَرُونَ
Wanumakkina lahum fee al-ardi wanuriyafirAAawna wahamana wajunoodahuma minhum
makanoo yahtharoon
Somali
Oon Makansiinno Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo Januuddooda waxay ka
Digtoonaayeen (Halaagooda).
|
Ayah 28:7 الأية
وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ أُمِّ مُوسَىٰ أَنْ أَرْضِعِيهِ ۖ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ
فَأَلْقِيهِ فِي الْيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحْزَنِي ۖ إِنَّا رَادُّوهُ
إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ الْمُرْسَلِينَ
Waawhayna ila ommi moosaan ardiAAeehi fa-itha khifti AAalayhi faalqeehi
feealyammi wala takhafee wala tahzaneeinna raddoohu ilayki wajaAAiloohu
minaalmursaleen
Somali
Waxaan u Waxyoonay ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis Nuuji, markaad u Cabsatana
ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon anagaa kugu soo Celine kana
Yeeli kuwa la Diro (Rasuul).
|
Ayah 28:8 الأية
فَالْتَقَطَهُ آلُ فِرْعَوْنَ لِيَكُونَ لَهُمْ عَدُوًّا وَحَزَنًا ۗ إِنَّ
فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا خَاطِئِينَ
Faltaqatahu alufirAAawna liyakoona lahum AAaduwwan wahazanan innafirAAawna
wahamana wajunoodahuma kanookhati-een
Somali
Waxaana Qaalay Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col iyo Walbahaar, Fircoon
iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay.
|
Ayah 28:9 الأية
وَقَالَتِ امْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّي وَلَكَ ۖ لَا تَقْتُلُوهُ
عَسَىٰ أَن يَنفَعَنَا أَوْ نَتَّخِذَهُ وَلَدًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Waqalati imraatu firAAawna qurratuAAaynin lee walaka la taqtuloohu AAasa an
yanfaAAanaaw nattakhithahu waladan wahum la yashAAuroon
Somali
Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda iyo taada ee ha Dilina,
waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno Wiile, mana Oga Iyagu
(Dhabta).
|
Ayah 28:10 الأية
وَأَصْبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَارِغًا ۖ إِن كَادَتْ لَتُبْدِي بِهِ لَوْلَا
أَن رَّبَطْنَا عَلَىٰ قَلْبِهَا لِتَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Waasbaha fu-adu ommimoosa farighan in kadat latubdee bihi lawlaan rabatna AAala
qalbiha litakoonamina almu/mineen
Somali
Wuxuu Ahaaday Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay
Muujiso Haddaanaan Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta.
|
Ayah 28:11 الأية
وَقَالَتْ لِأُخْتِهِ قُصِّيهِ ۖ فَبَصُرَتْ بِهِ عَن جُنُبٍ وَهُمْ لَا
يَشْعُرُونَ
Waqalat li-okhtihi qusseehifabasurat bihi AAan junubin wahum la yashAAuroon
Somali
Waxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon ogayn.
|
Ayah 28:12 الأية
وَحَرَّمْنَا عَلَيْهِ الْمَرَاضِعَ مِن قَبْلُ فَقَالَتْ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ
أَهْلِ بَيْتٍ يَكْفُلُونَهُ لَكُمْ وَهُمْ لَهُ نَاصِحُونَ
Waharramna AAalayhi almaradiAAamin qablu faqalat hal adullukum AAala ahli
baytinyakfuloonahu lakum wahum lahu nasihoon
Somali
Waxaana ka Reebnay Korkiisa Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin
Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una Samo Fali.
|
Ayah 28:13 الأية
فَرَدَدْنَاهُ إِلَىٰ أُمِّهِ كَيْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَلِتَعْلَمَ
أَنَّ وَعْدَ اللهِ حَقٌّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Faradadnahu ila ommihi kaytaqarra AAaynuha wala tahzana walitaAAlamaanna waAAda
Allahi haqqun walakinnaaktharahum la yaAAlamoon
Somali
Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin,
Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga.
|
Ayah 28:14 الأية
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَاسْتَوَىٰ آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَكَذَٰلِكَ
نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
Walamma balagha ashuddahu wastawaataynahu hukman waAAilman wakathalikanajzee
almuhsineen
Somali
Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi,
Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha.
|
Ayah 28:15 الأية
وَدَخَلَ الْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا
رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ ۖ
فَاسْتَغَاثَهُ الَّذِي مِن شِيعَتِهِ عَلَى الَّذِي مِنْ عَدُوِّهِ فَوَكَزَهُ
مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ ۖ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ ۖ إِنَّهُ
عَدُوٌّ مُّضِلٌّ مُّبِينٌ
Wadakhala almadeenata AAala heenighaflatin min ahliha fawajada feeha
rajulayniyaqtatilani hatha min sheeAAatihi wahathamin AAaduwwihi fastaghathahu
allathee minsheeAAatihi AAala allathee min AAaduwwihifawakazahu moosa faqada
AAalayhi qala hathamin AAamali ashshaytani innahu AAaduwwun mudillunmubeen
Somali
Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn, wuxuuna Helay Labo Nin oo
Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay Colkiisa, waxaana u Kaalmo
warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay Muuse wuuna
Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya oo Cad.
|
Ayah 28:16 الأية
قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي فَاغْفِرْ لِي فَغَفَرَ لَهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ
الْغَفُورُ الرَّحِيمُ
Qala rabbi innee thalamtunafsee faghfir lee faghafara lahu innahu huwa
alghafooruarraheem
Somali
Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi
Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee.
|
Ayah 28:17 الأية
قَالَ رَبِّ بِمَا أَنْعَمْتَ عَلَيَّ فَلَنْ أَكُونَ ظَهِيرًا لِّلْمُجْرِمِينَ
Qala rabbi bima anAAamtaAAalayya falan akoona thaheeran lilmujrimeen
Somali
Wuxuuna Yidhi Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u
Kaalmeeya Dambiilayaasha.
|
Ayah 28:18 الأية
فَأَصْبَحَ فِي الْمَدِينَةِ خَائِفًا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا الَّذِي اسْتَنصَرَهُ
بِالْأَمْسِ يَسْتَصْرِخُهُ ۚ قَالَ لَهُ مُوسَىٰ إِنَّكَ لَغَوِيٌّ مُّبِينٌ
Faasbaha fee almadeenati kha-ifanyataraqqabu fa-itha allathee istansarahu
bil-amsiyastasrikhuhu qala lahu moosa innakalaghawiyyun mubeen
Somali
Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo
Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu
waxaad tahay baadi cad.
|
Ayah 28:19 الأية
فَلَمَّا أَنْ أَرَادَ أَن يَبْطِشَ بِالَّذِي هُوَ عَدُوٌّ لَّهُمَا قَالَ يَا
مُوسَىٰ أَتُرِيدُ أَن تَقْتُلَنِي كَمَا قَتَلْتَ نَفْسًا بِالْأَمْسِ ۖ إِن
تُرِيدُ إِلَّا أَن تَكُونَ جَبَّارًا فِي الْأَرْضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ
مِنَ الْمُصْلِحِينَ
Falamma an arada an yabtishabillathee huwa AAaduwwun lahuma qalaya moosa
atureedu an taqtulanee kama qataltanafsan bil-amsi in tureedu illa an takoona
jabbaranfee al-ardi wama tureedu an takoona mina almusliheen
Somali
Markuu Doonay inuu Qabto (Wax yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo
gargaarayey) Muusow ma waxaad dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale)
Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana
Doonaysid inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya.
|
Ayah 28:20 الأية
وَجَاءَ رَجُلٌ مِّنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ يَسْعَىٰ قَالَ يَا مُوسَىٰ إِنَّ
الْمَلَأَ يَأْتَمِرُونَ بِكَ لِيَقْتُلُوكَ فَاخْرُجْ إِنِّي لَكَ مِنَ
النَّاصِحِينَ
Wajaa rajulun min aqsaalmadeenati yasAAa qala ya moosa innaalmalaa ya/tamiroona
bika liyaqtulooka fakhruj innee lakamina annasiheen
Somali
Waxaana ka Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku
Tashanayaan inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne.
|
Ayah 28:21 الأية
فَخَرَجَ مِنْهَا خَائِفًا يَتَرَقَّبُ ۖ قَالَ رَبِّ نَجِّنِي مِنَ الْقَوْمِ
الظَّالِمِينَ
Fakharaja minha kha-ifanyataraqqabu qala rabbi najjinee mina alqawmi
aththalimeen
Somali
Wuuna ka Baxay (Magaaladii) Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi
Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah.
|
Ayah 28:22 الأية
وَلَمَّا تَوَجَّهَ تِلْقَاءَ مَدْيَنَ قَالَ عَسَىٰ رَبِّي أَن يَهْدِيَنِي
سَوَاءَ السَّبِيلِ
Walamma tawajjaha tilqaamadyana qala AAasa rabbee an yahdiyanee sawaaassabeel
Somali
Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu u Dhawyahay Eebahay inuu
igu (Hanuuniyo) jidka Toosan.
|
Ayah 28:23 الأية
وَلَمَّا وَرَدَ مَاءَ مَدْيَنَ وَجَدَ عَلَيْهِ أُمَّةً مِّنَ النَّاسِ يَسْقُونَ
وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ امْرَأَتَيْنِ تَذُودَانِ ۖ قَالَ مَا خَطْبُكُمَا ۖ
قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّىٰ يُصْدِرَ الرِّعَاءُ ۖ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ
Walamma warada maa madyanawajada AAalayhi ommatan mina annasi yasqoonawawajada
min doonihimu imraatayni tathoodani qalama khatbukuma qalata lanasqee hatta
yusdira arriAAaowaaboona shaykhun kabeer
Somali
Markuu Gaadhay Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa
wuxuuna ka helay Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu
Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku,
Aabbahanana waa Oday Wayn.
|
Ayah 28:24 الأية
فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰ إِلَى الظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّي لِمَا
أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ
Fasaqa lahuma thumma tawallaila aththilli faqala rabbiinnee lima anzalta ilayya
min khayrin faqeer
Somali
Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska wuxuuna Yidhi Eebow
waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay.
|
Ayah 28:25 الأية
فَجَاءَتْهُ إِحْدَاهُمَا تَمْشِي عَلَى اسْتِحْيَاءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِي
يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا ۚ فَلَمَّا جَاءَهُ وَقَصَّ
عَلَيْهِ الْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ ۖ نَجَوْتَ مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Fajaat-hu ihdahumatamshee AAala istihya-in qalat innaabee yadAAooka liyajziyaka
ajra ma saqayta lanafalamma jaahu waqassa AAalayhi alqasasaqala la takhaf
najawta mina alqawmi aththalimeen
Somali
Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu
kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid
oos Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii
Daalimiinta ahaa.
|
Ayah 28:26 الأية
قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ ۖ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ
الْقَوِيُّ الْأَمِينُ
Qalat ihdahuma yaabati ista/jirhu inna khayra mani ista/jarta alqawiyyu al-ameen
Somali
Waxayna Tidhi Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto
Mid Xoog Badan oo Aamin ah.
|
Ayah 28:27 الأية
قَالَ إِنِّي أُرِيدُ أَنْ أُنكِحَكَ إِحْدَى ابْنَتَيَّ هَاتَيْنِ عَلَىٰ أَن
تَأْجُرَنِي ثَمَانِيَ حِجَجٍ ۖ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِندِكَ ۖ وَمَا
أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ ۚ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللهُ مِنَ الصَّالِحِينَ
Qala innee oreedu an onkihakaihda ibnatayya hatayni AAala anta/juranee thamaniya
hijajin fa-in atmamta AAashranfamin AAindika wama oreedu an ashuqqa AAalayka
satajiduneein shaa Allahu mina assaliheen
Somali
Wuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood
Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga
Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa
Wanaagsan.
|
Ayah 28:28 الأية
قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ ۖ أَيَّمَا الْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا
عُدْوَانَ عَلَيَّ ۖ وَاللهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ
Qala thalika baynee wabaynakaayyama al-ajalayni qadaytu fala AAudwanaAAalayya
wallahu AAala ma naqooluwakeel
Somali
Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana
dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil.
|
Ayah 28:29 الأية
فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى الْأَجَلَ وَسَارَ بِأَهْلِهِ آنَسَ مِن جَانِبِ الطُّورِ
نَارًا قَالَ لِأَهْلِهِ امْكُثُوا إِنِّي آنَسْتُ نَارًا لَّعَلِّي آتِيكُم
مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ جَذْوَةٍ مِّنَ النَّارِ لَعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
Falamma qada moosaal-ajala wasara bi-ahlihi anasa min janibi attoorinaran qala
li-ahlihi omkuthoo innee anastu naranlaAAallee ateekum minha bikhabarin aw
jathwatinmina annari laAAallakum tastaloon
Somali
Markuu Dhammeeyey (Nabi) Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay
Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u
Dhawahay inaan Idiinka Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
|
Ayah 28:30 الأية
فَلَمَّا أَتَاهَا نُودِيَ مِن شَاطِئِ الْوَادِ الْأَيْمَنِ فِي الْبُقْعَةِ
الْمُبَارَكَةِ مِنَ الشَّجَرَةِ أَن يَا مُوسَىٰ إِنِّي أَنَا اللهُ رَبُّ
الْعَالَمِينَ
Falamma ataha noodiyamin shati-i alwadi al-aymani fee albuqAAati
almubarakatimina ashshajarati an ya moosa innee anaAllahu rabbu alAAalameen
Somali
Markuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa Midig, Meejii
Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka
ah.
|
Ayah 28:31 الأية
وَأَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَلَمَّا رَآهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَانٌّ وَلَّىٰ
مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ ۚ يَا مُوسَىٰ أَقْبِلْ وَلَا تَخَفْ ۖ إِنَّكَ مِنَ
الْآمِنِينَ
Waan alqi AAasaka falamma raahatahtazzu kaannaha jannun walla mudbiranwalam
yuAAaqqib ya moosa aqbil wala takhafinnaka mina al-amineen
Somali
Ee Tuur Ushaada Markuu Arkay iyadoo Gilgilanna ood Mooddo Mas wuu Jeedsaday
Isagpp Carari, mana soo Jeedan, (waxaana lagu Yidhi) Muusow soo Qaabil (soo
Noqo), hana Cabsan Adugu Aaminbaad tahay (waad nabadgali).
|
Ayah 28:32 الأية
اسْلُكْ يَدَكَ فِي جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاءَ مِنْ غَيْرِ سُوءٍ وَاضْمُمْ
إِلَيْكَ جَنَاحَكَ مِنَ الرَّهْبِ ۖ فَذَانِكَ بُرْهَانَانِ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰ
فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
Osluk yadaka fee jaybika takhruj baydaamin ghayri soo-in wadmum ilayka
janahakamina arrahbi fathanika burhanani minrabbika ila firAAawna wamala-ihi
innahum kanooqawman fasiqeen
Somali
Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay so Bixi Iyadoo Cad Xumaan (cudur) La'aan, Iskuna
Dhaji Garabkaaga Argagaxa Dartiis taasina waa Xujooyin Eebe ka ahaatay oo
Fircoon iyo Qoomkiisa (Loo diray) waana Qoom Faasiqiina.
|
Ayah 28:33 الأية
قَالَ رَبِّ إِنِّي قَتَلْتُ مِنْهُمْ نَفْسًا فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ
Qala rabbi innee qataltu minhumnafsan faakhafu an yaqtuloon
Somali
Wuxuu Yidhi Eebow waxaan ka Dilay Naf waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
|
Ayah 28:34 الأية
وَأَخِي هَارُونُ هُوَ أَفْصَحُ مِنِّي لِسَانًا فَأَرْسِلْهُ مَعِيَ رِدْءًا
يُصَدِّقُنِي ۖ إِنِّي أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
Waakhee haroonu huwa afsahuminnee lisanan faarsilhu maAAiya rid-an
yusaddiquneeinnee akhafu an yukaththiboon
Somali
Walaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin ha ii
Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
|
Ayah 28:35 الأية
قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجْعَلُ لَكُمَا سُلْطَانًا فَلَا يَصِلُونَ
إِلَيْكُمَا ۚ بِآيَاتِنَا أَنتُمَا وَمَنِ اتَّبَعَكُمَا الْغَالِبُونَ
Qala sanashuddu AAadudakabi-akheeka wanajAAalu lakuma sultanan falayasiloona
ilaykuma bi-ayatinaantuma wamani ittabaAAakuma alghaliboon
Somali
Wuxuu yidhi (Eebe) waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli
Xujo Idimana Gaadhayaan (Dhibkiinna) aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin
Raacday yaana Adkaan.
|
Ayah 28:36 الأية
فَلَمَّا جَاءَهُم مُّوسَىٰ بِآيَاتِنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا
سِحْرٌ مُّفْتَرًى وَمَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ
Falamma jaahum moosabi-ayatina bayyinatin qaloo mahatha illa sihrun muftaran
wamasamiAAna bihatha fee aba-inaal-awwaleen
Somali
Markuu Ula Yimid muuse Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dheheen kani waa Sixir la
Abuurtay mana Aanaan ku maqal kan (oo kale) Aabbayaalkannagii horreeyey.
|
Ayah 28:37 الأية
وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَن جَاءَ بِالْهُدَىٰ مِنْ عِندِهِ وَمَن
تَكُونُ لَهُ عَاقِبَةُ الدَّارِ ۖ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ
Waqala moosa rabbee aAAlamubiman jaa bilhuda min AAindihi wamantakoonu lahu
AAaqibatu addari innahu layuflihu aththalimoon
Somali
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebahaybaa og Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidda
kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidday u ahaan Cidhibta dambe illeen ma Liibaano
daalime.
|
Ayah 28:38 الأية
وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ
غَيْرِي فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ فَاجْعَل لِّي صَرْحًا
لَّعَلِّي أَطَّلِعُ إِلَىٰ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ مِنَ
الْكَاذِبِينَ
Waqala firAAawnu ya ayyuhaalmalao ma AAalimtu lakum min ilahin ghayreefaawqid
lee ya hamanu AAala atteenifajAAal lee sarhan laAAallee attaliAAuila ilahi moosa
wa-innee laathunnuhumina alkathibeen
Somali
Wuxuu Yidhi Fircoon Maxaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri
Haamaanow Dhoobada iina Yeel Daar (dheer) inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u
Malayn inuu Beenaale yahaye.
|
Ayah 28:39 الأية
وَاسْتَكْبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَظَنُّوا
أَنَّهُمْ إِلَيْنَا لَا يُرْجَعُونَ
Wastakbara huwa wajunooduhu feeal-ardi bighayri alhaqqi wathannooannahum ilayna
la yurjaAAoon
Somali
Waxay Isku Kibriyeen isaga iyo Colkiisiiba Dhulka Xaq Darro waxayna u Maleeyeen
inaan Xagganaga loo soo Celinayn.
|
Ayah 28:40 الأية
فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ
عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ
Faakhathnahu wajunoodahufanabathnahum fee alyammi fanthurkayfa kana AAaqibatu
aththalimeen
Somali
Waana Qabanay Isaga iyo Colkiisii waxaana ku Turray Badda ee Day Siday Noqotay
Cidhibtii Daalimiinta.
|
Ayah 28:41 الأية
وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا
يُنصَرُونَ
WajaAAalnahum a-immatan yadAAoona ilaannari wayawma alqiyamati la yunsaroon
Somali
waxaana ka Yeellay Madax ugu Yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaaro.
|
Ayah 28:42 الأية
وَأَتْبَعْنَاهُمْ فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةً ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ هُم
مِّنَ الْمَقْبُوحِينَ
WaatbaAAnahum fee hathihi addunyalaAAnatan wayawma alqiyamati hum mina
almaqbooheen
Somali
Waxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta Qiyaamana waxay noqon kuwa la
dheereeyey (La halaagay).
|
Ayah 28:43 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ مِن بَعْدِ مَا أَهْلَكْنَا الْقُرُونَ
الْأُولَىٰ بَصَائِرَ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
Walaqad atayna moosaalkitaba min baAAdi ma ahlakna alquroonaal-oola basa-ira
linnasi wahudanwarahmatan laAAallahum yatathakkaroon
Somali
Waxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore,
Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo Naxariis inay Xusuustaan Darteed.
|
Ayah 28:44 الأية
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ الْغَرْبِيِّ إِذْ قَضَيْنَا إِلَىٰ مُوسَى الْأَمْرَ وَمَا
كُنتَ مِنَ الشَّاهِدِينَ
Wama kunta bijanibialgharbiyyi ith qadayna ila moosaal-amra wama kunta mina
ashshahideen
Somali
Maadan ahayn Dhinaca Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka
«Nabinimada» mana aadan ahay Kuwii Joogay.
|
Ayah 28:45 الأية
وَلَٰكِنَّا أَنشَأْنَا قُرُونًا فَتَطَاوَلَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۚ وَمَا كُنتَ
ثَاوِيًا فِي أَهْلِ مَدْيَنَ تَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا
مُرْسِلِينَ
Walakinna ansha-naquroonan fatatawala AAalayhimu alAAumuru wama kuntathawiyan
fee ahli madyana tatloo AAalayhim ayatinawalakinna kunna mursileen
Somali
Laakiin waxaan ahaysiinay Quruumo waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan
ahayn mid ku nagaa Ehelkii Madyan Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin
anagaa ku Dirray.
|
Ayah 28:46 الأية
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ الطُّورِ إِذْ نَادَيْنَا وَلَٰكِن رَّحْمَةً مِّن رَّبِّكَ
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّا أَتَاهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ
يَتَذَكَّرُونَ
Wama kunta bijanibi attooriith nadayna walakin rahmatanmin rabbika litunthira
qawman ma atahum minnatheerin min qablika laAAallahum yatathakkaroon
Somali
Mana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa
naxariista Eebahaa Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay
Waantoobaan.
|
Ayah 28:47 الأية
وَلَوْلَا أَن تُصِيبَهُم مُّصِيبَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَيَقُولُوا
رَبَّنَا لَوْلَا أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ آيَاتِكَ وَنَكُونَ
مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Walawla an tuseebahum museebatunbima qaddamat aydeehim fayaqooloo rabbana
lawlaarsalta ilayna rasoolan fanattabiAAa ayatikawanakoona mina almu/mineen
Somali
Hadday markay ku Dhacdo Musiibo (Dhib) waxay hormarsadeen Gacmahoodu Darteed oo
Markaas ay Dhahaan Eebow Maxaad noogu soo Diri wayday Rasuul oo Raacno
Aayaadkaaga Noqonnana Mu'miniinta «waa la Ciqaabi lahaa».
|
Ayah 28:48 الأية
فَلَمَّا جَاءَهُمُ الْحَقُّ مِنْ عِندِنَا قَالُوا لَوْلَا أُوتِيَ مِثْلَ مَا
أُوتِيَ مُوسَىٰ ۚ أَوَلَمْ يَكْفُرُوا بِمَا أُوتِيَ مُوسَىٰ مِن قَبْلُ ۖ قَالُوا
سِحْرَانِ تَظَاهَرَا وَقَالُوا إِنَّا بِكُلٍّ كَافِرُونَ
Falamma jaahumu alhaqqumin AAindina qaloo lawla ootiya mithla maootiya moosa awa
lam yakfuroo bima ootiya moosamin qablu qaloo sihrani tathaharawaqaloo inna
bikullin kafiroon
Somali
Markuu uga yimid Xaqii Xagganaga yey Dheheen maa la Siiyo wixii la Siiyey (Nabi)
Muuse oo kale, miyeyna ka Gaaloobin wixii la Siyyey Muuse Horay, oyna Dhihin waa
Labo Sixir oo Iskaalmaystay waxayna dheheen Annagu Dhammaan waan ka Gaalownay.
|
Ayah 28:49 الأية
قُلْ فَأْتُوا بِكِتَابٍ مِّنْ عِندِ اللهِ هُوَ أَهْدَىٰ مِنْهُمَا أَتَّبِعْهُ
إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Qul fa/too bikitabin min AAindi Allahihuwa ahda minhuma attabiAAhu in kuntum
sadiqeen
Somali
Waxaad Dhahdaa ka Keena Kitaab Xagga Eebe ka Hanuun badan Labadooda aan raacnee
haddaad Run Sheegaysaan.
|
Ayah 28:50 الأية
فَإِن لَّمْ يَسْتَجِيبُوا لَكَ فَاعْلَمْ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهْوَاءَهُمْ ۚ
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنِ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدًى مِّنَ اللهِ ۚ إِنَّ
اللهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ
Fa-in lam yastajeeboo laka faAAlamannama yattabiAAoona ahwaahum waman
adallumimmani ittabaAAa hawahu bighayri hudan mina Allahiinna Allaha la yahdee
alqawma aththalimeen
Somali
Haddayna ku Ajiibin (Maqlin) Ogow inay uun Raacayaan Hawadooda, wax ka Dhumid
badanna ma jirto cid Raacday Hawadeeda Hanuun Eebe La'aantiis, Eebana ma
Hanuuniyo Qoom Daalimiin ah.
|
Ayah 28:51 الأية
وَلَقَدْ وَصَّلْنَا لَهُمُ الْقَوْلَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
Walaqad wassalna lahumualqawla laAAallahum yatathakkaroon
Somali
Dhah ahaanbaan ugu Xidhiidhinay (ugu Caddayn) Hadalka inay Waantoobaan.
|
Ayah 28:52 الأية
الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ مِن قَبْلِهِ هُم بِهِ يُؤْمِنُونَ
Allatheena ataynahumualkitaba min qablihi hum bihi yu/minoon
Somali
Kuwaannu Siinay Kitaabka Hortiis way Rumayn isaga.
|
Ayah 28:53 الأية
وَإِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ قَالُوا آمَنَّا بِهِ إِنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّنَا
إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلِهِ مُسْلِمِينَ
Wa-itha yutla AAalayhim qalooamanna bihi innahu alhaqqu min rabbinainna kunna
min qablihi muslimeen
Somali
Marka lagu Akhriyo Korkoodana waxay Dhahaan waan Rumaynay Quraanka inuu Xaq
Eebaheen ka Yimid yahay Annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin.
|
Ayah 28:54 الأية
أُولَٰئِكَ يُؤْتَوْنَ أَجْرَهُم مَّرَّتَيْنِ بِمَا صَبَرُوا وَيَدْرَءُونَ
بِالْحَسَنَةِ السَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ
Ola-ika yu/tawna ajrahum marrataynibima sabaroo wayadraoona
bilhasanatiassayyi-ata wamimma razaqnahum yunfiqoon
Somali
Kuwaas waxaa la Siiyey Ajrigooda Labo mar Samirkoodii Dartiis, waxayna Raaciyaan
Xumaanta Wanaag waxaan ku Arzugnayna waxbay ka Bixiyaan.
|
Ayah 28:55 الأية
وَإِذَا سَمِعُوا اللَّغْوَ أَعْرَضُوا عَنْهُ وَقَالُوا لَنَا أَعْمَالُنَا
وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ لَا نَبْتَغِي الْجَاهِلِينَ
Wa-itha samiAAoo allaghwa aAAradooAAanhu waqaloo lana aAAmaluna
walakumaAAmalukum salamun AAalaykum la nabtagheealjahileen
Somali
Markay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan waxayna Dhahaan Annagu
Camalkanaga yaan leenahay idinna Camalkiinna Waad Salaamantihiin ma Rabno
Jaahiliin (Waddadooda).
|
Ayah 28:56 الأية
إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَٰكِنَّ اللهَ يَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ
وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ
Innaka la tahdee man ahbabtawalakinna Allaha yahdee man yashao wahuwaaAAlamu
bilmuhtadeen
Somali
Adugu ma Hanuunisid Ciddaad Jeceshahay laakiin Eebaa Hanuuniya Cidduu Doono
Isagaana Og kuwa Hanuunsan.
|
Ayah 28:57 الأية
وَقَالُوا إِن نَّتَّبِعِ الْهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَا ۚ أَوَلَمْ
نُمَكِّن لَّهُمْ حَرَمًا آمِنًا يُجْبَىٰ إِلَيْهِ ثَمَرَاتُ كُلِّ شَيْءٍ
رِّزْقًا مِّن لَّدُنَّا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Waqaloo in nattabiAAi alhudamaAAaka nutakhattaf min ardina awa lamnumakkin lahum
haraman aminan yujba ilayhithamaratu kulli shay-in rizqan min ladunna
walakinnaaktharahum la yaAAlamoon
Somali
Waxay Dheheen Gaaladii (Maxaad) Haddaan Raacno Hanuunka waxaa Nalaga Dafi
Dhulkannaga, Miyaanaan Siinin Xaram Aamina oo la Keeno Midhaha wax Kasta quudin
Darteed oo Xagganaga ah, Laakiin Badankood ma Oga.
|
Ayah 28:58 الأية
وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ بَطِرَتْ مَعِيشَتَهَا ۖ فَتِلْكَ مَسَاكِنُهُمْ
لَمْ تُسْكَن مِّن بَعْدِهِمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ وَكُنَّا نَحْنُ الْوَارِثِينَ
Wakam ahlakna min qaryatin batiratmaAAeeshataha fatilka masakinuhum lam tuskan
minbaAAdihim illa qaleelan wakunna nahnu alwaritheen
Somali
Badanaa intaan Halaagnay Magaalo ku Kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahoodii
lamana Degin Gadaashood wax yar mooyee, Anagaana ah kuwo Dhaxla (Hadha).
|
Ayah 28:59 الأية
وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهْلِكَ الْقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبْعَثَ فِي أُمِّهَا رَسُولًا
يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا ۚ وَمَا كُنَّا مُهْلِكِي الْقُرَىٰ إِلَّا
وَأَهْلُهَا ظَالِمُونَ
Wama kana rabbuka muhlikaalqura hatta yabAAatha fee ommiharasoolan yatloo
AAalayhim ayatina wamakunna muhlikee alqura illa waahluha thalimoon
Somali
Mana aha Eebahaa mid Halaaga Magaalo intuu uga Bixiyo Tan Hooyada u ah
«Caasimaadda» Rasuul ku Akhriya Korkooda Aayaadkanaga mana nihin kuwo Halaaga
Magaalo aan Ehelkeedu Daalimiin ahayn.
|
Ayah 28:60 الأية
وَمَا أُوتِيتُم مِّن شَيْءٍ فَمَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَزِينَتُهَا ۚ وَمَا
عِندَ اللهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Wama ooteetum min shay-in famataAAualhayati addunya wazeenatuhawama AAinda
Allahi khayrun waabqa afalataAAqiloon
Somali
Wixii Laydin Siiyey oo Wax ah waa uun Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeed waxase
Eebe Agtiisa ah yaa Khayr Roon oo Hadhid badan ee Miyeydaan wax Kasayn.
|
Ayah 28:61 الأية
أَفَمَن وَعَدْنَاهُ وَعْدًا حَسَنًا فَهُوَ لَاقِيهِ كَمَن مَّتَّعْنَاهُ مَتَاعَ
الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ثُمَّ هُوَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنَ الْمُحْضَرِينَ
Afaman waAAadnahu waAAdan hasananfahuwa laqeehi kaman mattaAAnahu mataAAa
alhayatiaddunya thumma huwa yawma alqiyamati minaalmuhdareen
Somali
Ruuxan u Yaboohnay Yabooh Fiican oo La Kulmi ma la Midbaa Ruuxaan ugu Raaxaynay
Nolosha Dhaw markaas noqon Maalinta Qiyaame kuwa la Soo Joojin (La Cadaabi).
|
Ayah 28:62 الأية
وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَائِيَ الَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ
Wayawma yunadeehim fayaqoolu aynashuraka-iya allatheena kuntum tazAAumoon
Somali
Xusuuso Maalinta Eebe u Yeedhi Gaalada oo ku Dhihi Aaway kuwaad ila Wadaajiseen
ah kuwaad Sheeganayseen (Caabudayseen).
|
Ayah 28:63 الأية
قَالَ الَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ
أَغْوَيْنَا أَغْوَيْنَاهُمْ كَمَا غَوَيْنَا ۖ تَبَرَّأْنَا إِلَيْكَ ۖ مَا
كَانُوا إِيَّانَا يَعْبُدُونَ
Qala allatheena haqqaAAalayhimu alqawlu rabbana haola-i allatheenaaghwayna
aghwaynahum kama ghawaynatabarra/na ilayka ma kanoo iyyanayaAAbudoon
Somali
Kuwii waxay Dheheen uu ku Sugnaaday Hadalkii Eebe (Ciqaabtii) Eebow kuwaasu waa
kuwaan Baadinyeynay, waana Baadiyeynay sidaan u Baadiyoownay waana isagakaa
Baryeelay mana ahayn kuwo Anaga Nacaabuda.
|
Ayah 28:64 الأية
وَقِيلَ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا لَهُمْ وَرَأَوُا
الْعَذَابَ ۚ لَوْ أَنَّهُمْ كَانُوا يَهْتَدُونَ
Waqeela odAAoo shurakaakumfadaAAawhum falam yastajeeboo lahum waraawoo
alAAathabalaw annahum kanoo yahtadoon
Somali
Waxaana loo Odhan Uyeedha Shurukadiinna markaasay u Yeedhaan mase Ajiibaan
(Maqlaan) waxayna arkaan Cadaabka Markaasay Qoomamoodaan Hadday
Hanuunilahaayeen.
|
Ayah 28:65 الأية
وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ مَاذَا أَجَبْتُمُ الْمُرْسَلِينَ
Wayawma yunadeehim fayaqoolu mathaajabtumu almursaleen
Somali
Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oos ku Odhan Eebe Maxaad ugu Jawaabteen
Rasuulladii.
|
Ayah 28:66 الأية
فَعَمِيَتْ عَلَيْهِمُ الْأَنبَاءُ يَوْمَئِذٍ فَهُمْ لَا يَتَسَاءَلُونَ
FaAAamiyat AAalayhimu al-anbaoyawma-ithin fahum la yatasaaloon
Somali
Markaasay ku Indho Beeshay korkooda Xujadii (Waayeen Xujo) Maalintaas, waxna
Isma Warsadaan.
|
Ayah 28:67 الأية
فَأَمَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَعَسَىٰ أَن يَكُونَ مِنَ
الْمُفْلِحِينَ
Faamma man taba waamanawaAAamila salihan faAAasa an yakoona minaalmufliheen
Somali
Ruuxiise Toobadkeena oo Rumeeya oo Fala Camal Fiican wuxuu u Dhawyahay inuu
Noqdo kuwa Liibaanay.
|
Ayah 28:68 الأية
وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ وَيَخْتَارُ ۗ مَا كَانَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ ۚ
سُبْحَانَ اللهِ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Warabbuka yakhluqu ma yashaowayakhtaru ma kana lahumu alkhiyaratu subhanaAllahi
wataAAala AAamma yushrikoon
Somali
Eebahaa wuxuu Abuuraa wuxuu Doono oo Doorto, Doorasho ma Leh Iyagu (Dadku) waa
ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay la Wadaajin.
|
Ayah 28:69 الأية
وَرَبُّكَ يَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ
Warabbuka yaAAlamu ma tukinnu sudooruhumwama yuAAlinoon
Somali
Eebahaana waa Ogyahay waxay qarin Laabtoodu iyo waxay Muujinba.
|
Ayah 28:70 الأية
وَهُوَ اللهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ الْحَمْدُ فِي الْأُولَىٰ
وَالْآخِرَةِ ۖ وَلَهُ الْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Wahuwa Allahu la ilahailla huwa lahu alhamdu fee al-oola wal-akhiratiwalahu
alhukmu wa-ilayhi turjaAAoon
Somali
Eebana waa Ilaaha isaga mooyee aan Ilaah kale Jirin, Mahad buu mutaa Adduun iyo
Aakhiraba, Xukunkana isagaa iska leh Xaggiisaana loo Noqon.
|
Ayah 28:71 الأية
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِن جَعَلَ اللهُ عَلَيْكُمُ اللَّيْلَ سَرْمَدًا إِلَىٰ
يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللهِ يَأْتِيكُم بِضِيَاءٍ ۖ أَفَلَا
تَسْمَعُونَ
Qul araaytum in jaAAala AllahuAAalaykumu allayla sarmadan ila yawmi
alqiyamatiman ilahun ghayru Allahi ya/teekum bidiya-inafala tasmaAAoon
Somali
Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan
iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan
wax Maqlayn.
|
Ayah 28:72 الأية
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِن جَعَلَ اللهُ عَلَيْكُمُ النَّهَارَ سَرْمَدًا إِلَىٰ
يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللهِ يَأْتِيكُم بِلَيْلٍ تَسْكُنُونَ
فِيهِ ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
Qul araaytum in jaAAala AllahuAAalaykumu annahara sarmadan ila yawmialqiyamati
man ilahun ghayru Allahiya/teekum bilaylin taskunoona feehi afala tubsiroon
Somali
Waxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan
iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku
Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn.
|
Ayah 28:73 الأية
وَمِن رَّحْمَتِهِ جَعَلَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ لِتَسْكُنُوا فِيهِ
وَلِتَبْتَغُوا مِن فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Wamin rahmatihi jaAAala lakumuallayla wannahara litaskunoo feehi
walitabtaghoomin fadlihi walaAAallakum tashkuroon
Somali
Naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad
Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan.
|
Ayah 28:74 الأية
وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَائِيَ الَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ
Wayawma yunadeehim fayaqoolu aynashuraka-iya allatheena kuntum tazAAumoon
Somali
Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah
kuwaad Sheeganayseen.
|
Ayah 28:75 الأية
وَنَزَعْنَا مِن كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا فَقُلْنَا هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ
فَعَلِمُوا أَنَّ الْحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ
WanazaAAna min kulli ommatinshaheedan faqulna hatoo burhanakumfaAAalimoo anna
alhaqqa lillahi wadallaAAanhum ma kanoo yaftaroon
Somali
Waxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna
waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been
Abuuran Jireen.
|
Ayah 28:76 الأية
إِنَّ قَارُونَ كَانَ مِن قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَآتَيْنَاهُ مِنَ
الْكُنُوزِ مَا إِنَّ مَفَاتِحَهُ لَتَنُوءُ بِالْعُصْبَةِ أُولِي الْقُوَّةِ إِذْ
قَالَ لَهُ قَوْمُهُ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ الْفَرِحِينَ
Inna qaroona kana min qawmimoosa fabagha AAalayhim waataynahumina alkunoozi ma
inna mafatihahu latanoo-obilAAusbati olee alquwwati ith qalalahu qawmuhu la
tafrah inna Allaha layuhibbu alfariheen
Somali
Qaaruunna wuxuu ka mid ahaa qoomkii (Nabi) muuse, wuuna ku Kibray Korkooda,
waxaana Siinay wax Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog badan, markay ku
Dheheen qoomkiisii ha Farxin (Kibrin) Eebe ma Jeela kuwa Farxa «Kibree».
|
Ayah 28:77 الأية
وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ ۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ
الدُّنْيَا ۖ وَأَحْسِن كَمَا أَحْسَنَ اللهُ إِلَيْكَ ۖ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ
فِي الْأَرْضِ ۖ إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ
Wabtaghi feema atakaAllahu addara al-akhirata walatansa naseebaka mina addunya
waahsinkama ahsana Allahu ilayka wala tabghialfasada fee al-ardi inna Allaha
layuhibbu almufsideen
Somali
Kuna doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka
Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma
Jeela Fasaadiyaashee.
|
Ayah 28:78 الأية
قَالَ إِنَّمَا أُوتِيتُهُ عَلَىٰ عِلْمٍ عِندِي ۚ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ اللهَ
قَدْ أَهْلَكَ مِن قَبْلِهِ مِنَ الْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً
وَأَكْثَرُ جَمْعًا ۚ وَلَا يُسْأَلُ عَن ذُنُوبِهِمُ الْمُجْرِمُونَ
Qala innama ooteetuhu AAalaAAilmin AAindee awa lam yaAAlam anna Allaha qad
ahlaka minqablihi mina alqurooni man huwa ashaddu minhu quwwatan
waaktharujamAAan wala yus-alu AAan thunoobihimu almujrimoon
Somali
Wuxuuna Yidhi waxaa uun La ii siiyey Xoolaha Ogaanshahayga, Miyuusan ogayn in
Eebe Halaagay Hortiis Quruumihii kuwo ka daran Xagiisa Xoogga kana Badan Kulan,
lamana Warsado Dambigooda Dambiilayaasha.
|
Ayah 28:79 الأية
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ فِي زِينَتِهِ ۖ قَالَ الَّذِينَ يُرِيدُونَ الْحَيَاةَ
الدُّنْيَا يَا لَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَا أُوتِيَ قَارُونُ إِنَّهُ لَذُو حَظٍّ
عَظِيمٍ
Fakharaja AAala qawmihi fee zeenatihiqala allatheena yureedoona alhayata
addunyaya layta lana mithla ma ootiya qaroonuinnahu lathoo haththin AAatheem
Somali
Markaasuu u soo Baxay Qoomkiisii isagoo Xarragoon waxayna Dheheen kuwa Dooni
Nolosha Dhaw Shallaytee Hadaan leenahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale waa
Nasiib wayn.
|
Ayah 28:80 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَيْلَكُمْ ثَوَابُ اللهِ خَيْرٌ لِّمَنْ
آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا وَلَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الصَّابِرُونَ
Waqala allatheena ootooalAAilma waylakum thawabu Allahi khayrun liman
amanawaAAamila salihan wala yulaqqahailla assabiroon
Somali
Waxayna Dheheen kuwii la Siiyey Cilmiga Magaciinba'ee Abaal marinta Eebaa u
Khayr roon Ciddii Rumaysa oo Fasha Camal fiican lamana Waafajiyo hadalkaas
Saabiriinta Mooyee.
|
Ayah 28:81 الأية
فَخَسَفْنَا بِهِ وَبِدَارِهِ الْأَرْضَ فَمَا كَانَ لَهُ مِن فِئَةٍ يَنصُرُونَهُ
مِن دُونِ اللهِ وَمَا كَانَ مِنَ الْمُنتَصِرِينَ
Fakhasafna bihi wabidarihial-arda fama kana lahu min fi-atin yansuroonahumin
dooni Allahi wama kana mina almuntasireen
Somali
Markaasaan la Goynay Isagii iyo Xoolihiisiiba Dhulka mana Helin Koox uga
Gargaarta Eebe ka Sokow, mana Noqonin mid Gargaarta.
|
Ayah 28:82 الأية
وَأَصْبَحَ الَّذِينَ تَمَنَّوْا مَكَانَهُ بِالْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ
اللهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ ۖ لَوْلَا أَن
مَّنَّ اللهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا ۖ وَيْكَأَنَّهُ لَا يُفْلِحُ
الْكَافِرُونَ
Waasbaha allatheenatamannaw makanahu bil-amsi yaqooloona waykaannaAllaha yabsutu
arrizqa liman yashaomin AAibadihi wayaqdiru lawla an manna AllahuAAalayna
lakhasafa bina waykaannahu la yuflihualkafiroon
Somali
Waxayna ahaadeen kuwii Doonayey Meejiisa Shalay inay Dhahaan. waa Yaabe Illeen
Eebaa u Waasiciyey Rizqiga Cidduu Doono oo Addoomadiisa ah kuna Cidhiidhya,
Hadduusan Eebe Nagu Galladaysan wuxuu nala Goynlahaa (Dhulka) waa Yaab ma
Liibaanto Gaalo.
|
Ayah 28:83 الأية
تِلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي
الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ
Tilka addaru al-akhiratunajAAaluha lillatheena la yureedoonaAAuluwwan fee
al-ardi wala fasadan walAAaqibatulilmuttaqeen
Somali
Taasi waa Daartii Aakhiro waxaana u Yeelay kuwaan Doonayn isla Sarraynta
(Kibirka) Dhulka iyo Fasaad, cidhibta (Fiicanna) waxaa leh kuwa Dhawrsada.
|
Ayah 28:84 الأية
مَن جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ خَيْرٌ مِّنْهَا ۖ وَمَن جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ
فَلَا يُجْزَى الَّذِينَ عَمِلُوا السَّيِّئَاتِ إِلَّا مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Man jaa bilhasanatifalahu khayrun minha waman jaa bissayyi-atifala yujza
allatheena AAamiloo assayyi-atiilla ma kanoo yaAAmaloon
Somali
Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka khayr roon Ciddiise la Timaadda
Xumaan lagama Abaal mariyo kuwa Xumaanta Sameeya, waxaan waxay faleen ahayn.
|
Ayah 28:85 الأية
إِنَّ الَّذِي فَرَضَ عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لَرَادُّكَ إِلَىٰ مَعَادٍ ۚ قُل رَّبِّي
أَعْلَمُ مَن جَاءَ بِالْهُدَىٰ وَمَنْ هُوَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Inna allathee farada AAalaykaalqur-ana laradduka ila maAAadin qulrabbee aAAlamu
man jaa bilhuda waman huwafee dalalin mubeen
Somali
Eebaha kugu Faral yeelay Quraanka wuxuu kuu soo Celin Meejii Ballanka (Qiyaamada
ama Maka), waxaad Dhahdaa Eebahaybaa og ruuxii la Yimid Hanuun iyo kan ku Sugan
Baadi Cad.
|
Ayah 28:86 الأية
وَمَا كُنتَ تَرْجُو أَن يُلْقَىٰ إِلَيْكَ الْكِتَابُ إِلَّا رَحْمَةً مِّن
رَّبِّكَ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرًا لِّلْكَافِرِينَ
Wama kunta tarjoo an yulqailayka alkitabu illa rahmatan min rabbikafala
takoonanna thaheeran lilkafireen
Somali
Mana Aadan ahayn mid Rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, Hasayeeshee waa
Naxariista Eebahaa ee ha Noqonin mid u Kaalmeeya Gaalada.
|
Ayah 28:87 الأية
وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنْ آيَاتِ اللهِ بَعْدَ إِذْ أُنزِلَتْ إِلَيْكَ ۖ وَادْعُ
إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ
Wala yasuddunnaka AAan ayatiAllahi baAAda ith onzilat ilayka wadAAu ilarabbika
wala takoonanna mina almushrikeen
Somali
Yeyna kaa leexin Aayaadka Eebe intii lagugu soo Dejiyey ka Dib uguna Yeedh Xagga
Eebahaa, hana ka mid noqonin Mushrikiinta.
|
Ayah 28:88 الأية
وَلَا تَدْعُ مَعَ اللهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۘ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ كُلُّ
شَيْءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجْهَهُ ۚ لَهُ الْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Wala tadAAu maAAa Allahi ilahanakhara la ilaha illa huwa kullushay-in halikun
illa wajhahu lahu alhukmuwa-ilayhi turjaAAoon
Somali
Hana Caabudin Eebe la Jirkiisa Ilaah kale Eebbe mooyee Ilaah (kalana) ma Jiro,
wax kasta wuu Halaagsami (Tagi) Eebe mooyee Xukunkana Isagaa iska leh,
Xaggiisaana laydiin Celin.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|
|