Prev  

9. Surah At-Taubah سورة التوبة

  Next  




Ayah  9:1  الأية
    +/- -/+  
   
بَرَاءَةٌ مِّنَ اللهِ وَرَسُولِهِ إِلَى الَّذِينَ عَاهَدتُّم مِّنَ الْمُشْرِكِينَ
Somali
 
Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah.

Ayah  9:2  الأية
    +/- -/+  
فَسِيحُوا فِي الْأَرْضِ أَرْبَعَةَ أَشْهُرٍ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِي اللهِ ۙ وَأَنَّ اللهَ مُخْزِي الْكَافِرِينَ
Somali
 
ee socda Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada.

Ayah  9:3  الأية
    +/- -/+  
وَأَذَانٌ مِّنَ اللهِ وَرَسُولِهِ إِلَى النَّاسِ يَوْمَ الْحَجِّ الْأَكْبَرِ أَنَّ اللهَ بَرِيءٌ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ ۙ وَرَسُولُهُ ۚ فَإِن تُبْتُمْ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِي اللهِ ۗ وَبَشِّرِ الَّذِينَ كَفَرُوا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Somali
 
waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay Cadaab daran.

Ayah  9:4  الأية
    +/- -/+  
إِلَّا الَّذِينَ عَاهَدتُّم مِّنَ الْمُشْرِكِينَ ثُمَّ لَمْ يَنقُصُوكُمْ شَيْئًا وَلَمْ يُظَاهِرُوا عَلَيْكُمْ أَحَدًا فَأَتِمُّوا إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَىٰ مُدَّتِهِمْ ۚ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ
Somali
 
4 Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada.

Ayah  9:5  الأية
    +/- -/+  
فَإِذَا انسَلَخَ الْأَشْهُرُ الْحُرُمُ فَاقْتُلُوا الْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَاحْصُرُوهُمْ وَاقْعُدُوا لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ ۚ فَإِن تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَخَلُّوا سَبِيلَهُمْ ۚ إِنَّ اللهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Somali
 
markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee.

Ayah  9:6  الأية
    +/- -/+  
وَإِنْ أَحَدٌ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَامَ اللهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْلَمُونَ
Somali
 
mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne.

Ayah  9:7  الأية
    +/- -/+  
كَيْفَ يَكُونُ لِلْمُشْرِكِينَ عَهْدٌ عِندَ اللهِ وَعِندَ رَسُولِهِ إِلَّا الَّذِينَ عَاهَدتُّمْ عِندَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۖ فَمَا اسْتَقَامُوا لَكُمْ فَاسْتَقِيمُوا لَهُمْ ۚ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ
Somali
 
siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay kuwa Dhawrsadee.

Ayah  9:8  الأية
    +/- -/+  
كَيْفَ وَإِن يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ يُرْضُونَكُم بِأَفْوَاهِهِمْ وَتَأْبَىٰ قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَاسِقُونَ
Somali
 
waa sidee hadday idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin.

Ayah  9:9  الأية
    +/- -/+  
اشْتَرَوْا بِآيَاتِ اللهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَصَدُّوا عَن سَبِيلِهِ ۚ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Somali
 
waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen.

Ayah  9:10  الأية
    +/- -/+  
لَا يَرْقُبُونَ فِي مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُعْتَدُونَ
Somali
 
umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal.

Ayah  9:11  الأية
    +/- -/+  
فَإِن تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ ۗ وَنُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Somali
 
haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina diinta waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan.

Ayah  9:12  الأية
    +/- -/+  
وَإِن نَّكَثُوا أَيْمَانَهُم مِّن بَعْدِ عَهْدِهِمْ وَطَعَنُوا فِي دِينِكُمْ فَقَاتِلُوا أَئِمَّةَ الْكُفْرِ ۙ إِنَّهُمْ لَا أَيْمَانَ لَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَنتَهُونَ
Somali
 
haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta).

Ayah  9:13  الأية
    +/- -/+  
أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Somali
 
miyeydaan la dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad Mu'miniin tihiin.

Ayah  9:14  الأية
    +/- -/+  
قَاتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمُ اللهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍ مُّؤْمِنِينَ
Somali
 
la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina.

Ayah  9:15  الأية
    +/- -/+  
وَيُذْهِبْ غَيْظَ قُلُوبِهِمْ ۗ وَيَتُوبُ اللهُ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali
 
tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan.

Ayah  9:16  الأية
    +/- -/+  
أَمْ حَسِبْتُمْ أَن تُتْرَكُوا وَلَمَّا يَعْلَمِ اللهُ الَّذِينَ جَاهَدُوا مِنكُمْ وَلَمْ يَتَّخِذُوا مِن دُونِ اللهِ وَلَا رَسُولِهِ وَلَا الْمُؤْمِنِينَ وَلِيجَةً ۚ وَاللهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Somali
 
ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan.

Ayah  9:17  الأية
    +/- -/+  
مَا كَانَ لِلْمُشْرِكِينَ أَن يَعْمُرُوا مَسَاجِدَ اللهِ شَاهِدِينَ عَلَىٰ أَنفُسِهِم بِالْكُفْرِ ۚ أُولَٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ وَفِي النَّارِ هُمْ خَالِدُونَ
Somali
 
uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari.

Ayah  9:18  الأية
    +/- -/+  
إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللهِ مَنْ آمَنَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَأَقَامَ الصَّلَاةَ وَآتَى الزَّكَاةَ وَلَمْ يَخْشَ إِلَّا اللهَ ۖ فَعَسَىٰ أُولَٰئِكَ أَن يَكُونُوا مِنَ الْمُهْتَدِينَ
Somali
 
waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.

Ayah  9:19  الأية
    +/- -/+  
أَجَعَلْتُمْ سِقَايَةَ الْحَاجِّ وَعِمَارَةَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ كَمَنْ آمَنَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَجَاهَدَ فِي سَبِيلِ اللهِ ۚ لَا يَسْتَوُونَ عِندَ اللهِ ۗ وَاللهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ
Somali
 
ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah.

Ayah  9:20  الأية
    +/- -/+  
الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللهِ بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ أَعْظَمُ دَرَجَةً عِندَ اللهِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَائِزُونَ
Somali
 
kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay.

Ayah  9:21  الأية
    +/- -/+  
يُبَشِّرُهُمْ رَبُّهُم بِرَحْمَةٍ مِّنْهُ وَرِضْوَانٍ وَجَنَّاتٍ لَّهُمْ فِيهَا نَعِيمٌ مُّقِيمٌ
Somali
 
wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto».

Ayah  9:22  الأية
    +/- -/+  
خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۚ إِنَّ اللهَ عِندَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ
Somali
 
iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay.

Ayah  9:23  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا آبَاءَكُمْ وَإِخْوَانَكُمْ أَوْلِيَاءَ إِنِ اسْتَحَبُّوا الْكُفْرَ عَلَى الْإِيمَانِ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ
Somali
 
kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina.

Ayah  9:24  الأية
    +/- -/+  
قُلْ إِن كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُم مِّنَ اللهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّىٰ يَأْتِيَ اللهُ بِأَمْرِهِ ۗ وَاللهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ
Somali
 
waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah.

Ayah  9:25  الأية
    +/- -/+  
لَقَدْ نَصَرَكُمُ اللهُ فِي مَوَاطِنَ كَثِيرَةٍ ۙ وَيَوْمَ حُنَيْنٍ ۙ إِذْ أَعْجَبَتْكُمْ كَثْرَتُكُمْ فَلَمْ تُغْنِ عَنكُمْ شَيْئًا وَضَاقَتْ عَلَيْكُمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ ثُمَّ وَلَّيْتُم مُّدْبِرِينَ
Somali
 
wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo carari.

Ayah  9:26  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ أَنزَلَ اللهُ سَكِينَتَهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ وَعَلَى الْمُؤْمِنِينَ وَأَنزَلَ جُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا وَعَذَّبَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الْكَافِرِينَ
Somali
 
markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada.

Ayah  9:27  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ يَتُوبُ اللهُ مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ ۗ وَاللهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Somali
 
markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista.

Ayah  9:28  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ فَلَا يَقْرَبُوا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةً فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ اللهُ مِن فَضْلِهِ إِن شَاءَ ۚ إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali
 
kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane.

Ayah  9:29  الأية
    +/- -/+  
قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّىٰ يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ
Somali
 
la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin.

Ayah  9:30  الأية
    +/- -/+  
وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُم بِأَفْوَاهِهِمْ ۖ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَبْلُ ۚ قَاتَلَهُمُ اللهُ ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
Somali
 
waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe hallaayo ee xaggee loo leexin.

Ayah  9:31  الأية
    +/- -/+  
اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ لَّا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Somali
 
waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin.

Ayah  9:32  الأية
    +/- -/+  
يُرِيدُونَ أَن يُطْفِئُوا نُورَ اللهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَيَأْبَى اللهُ إِلَّا أَن يُتِمَّ نُورَهُ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ
Somali
 
waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye.

Ayah  9:33  الأية
    +/- -/+  
هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ
Somali
 
Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.

Ayah  9:34  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْأَحْبَارِ وَالرُّهْبَانِ لَيَأْكُلُونَ أَمْوَالَ النَّاسِ بِالْبَاطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللهِ ۗ وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Somali
 
kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran.

Ayah  9:35  الأية
    +/- -/+  
يَوْمَ يُحْمَىٰ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ ۖ هَٰذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنفُسِكُمْ فَذُوقُوا مَا كُنتُمْ تَكْنِزُونَ
Somali
 
maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa.

Ayah  9:36  الأية
    +/- -/+  
إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِندَ اللهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنفُسَكُمْ ۚ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ
Somali
 
tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada.

Ayah  9:37  الأية
    +/- -/+  
إِنَّمَا النَّسِيءُ زِيَادَةٌ فِي الْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُحِلُّونَهُ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُ عَامًا لِّيُوَاطِئُوا عِدَّةَ مَا حَرَّمَ اللهُ فَيُحِلُّوا مَا حَرَّمَ اللهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوءُ أَعْمَالِهِمْ ۗ وَاللهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ
Somali
 
dib u dhigidda (bilo) waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka gaalada ah.

Ayah  9:38  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا مَا لَكُمْ إِذَا قِيلَ لَكُمُ انفِرُوا فِي سَبِيلِ اللهِ اثَّاقَلْتُمْ إِلَى الْأَرْضِ ۚ أَرَضِيتُم بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا مِنَ الْآخِرَةِ ۚ فَمَا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ
Somali
 
kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar.

Ayah  9:39  الأية
    +/- -/+  
إِلَّا تَنفِرُوا يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا وَيَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيْئًا ۗ وَاللهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Somali
 
haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa.

Ayah  9:40  الأية
    +/- -/+  
إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Somali
 
haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan.

Ayah  9:41  الأية
    +/- -/+  
انفِرُوا خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
 
baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Eebe, saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin.

Ayah  9:42  الأية
    +/- -/+  
لَوْ كَانَ عَرَضًا قَرِيبًا وَسَفَرًا قَاصِدًا لَّاتَّبَعُوكَ وَلَٰكِن بَعُدَتْ عَلَيْهِمُ الشُّقَّةُ ۚ وَسَيَحْلِفُونَ بِاللهِ لَوِ اسْتَطَعْنَا لَخَرَجْنَا مَعَكُمْ يُهْلِكُونَ أَنفُسَهُمْ وَاللهُ يَعْلَمُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Somali
 
hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan idinia bixi lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been sheegi.

Ayah  9:43  الأية
    +/- -/+  
عَفَا اللهُ عَنكَ لِمَ أَذِنتَ لَهُمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكَ الَّذِينَ صَدَقُوا وَتَعْلَمَ الْكَاذِبِينَ
Somali
 
Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha.

Ayah  9:44  الأية
    +/- -/+  
لَا يَسْتَأْذِنُكَ الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ أَن يُجَاهِدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ بِالْمُتَّقِينَ
Somali
 
kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada.

Ayah  9:45  الأية
    +/- -/+  
إِنَّمَا يَسْتَأْذِنُكَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَارْتَابَتْ قُلُوبُهُمْ فَهُمْ فِي رَيْبِهِمْ يَتَرَدَّدُونَ
Somali
 
waxaase ku idin waydiin kuwaan rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon (ku wareersanyihiin) shakigooda.

Ayah  9:46  الأية
    +/- -/+  
وَلَوْ أَرَادُوا الْخُرُوجَ لَأَعَدُّوا لَهُ عُدَّةً وَلَٰكِن كَرِهَ اللهُ انبِعَاثَهُمْ فَثَبَّطَهُمْ وَقِيلَ اقْعُدُوا مَعَ الْقَاعِدِينَ
Somali
 
hadday doonaan bixid waxay u darban lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu yidhi «gaaladii» la fadhiista kuwa fadhiya.

Ayah  9:47  الأية
    +/- -/+  
لَوْ خَرَجُوا فِيكُم مَّا زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا وَلَأَوْضَعُوا خِلَالَكُمْ يَبْغُونَكُمُ الْفِتْنَةَ وَفِيكُمْ سَمَّاعُونَ لَهُمْ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ
Somali
 
hadday baxaan dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta.

Ayah  9:48  الأية
    +/- -/+  
لَقَدِ ابْتَغَوُا الْفِتْنَةَ مِن قَبْلُ وَقَلَّبُوا لَكَ الْأُمُورَ حَتَّىٰ جَاءَ الْحَقُّ وَظَهَرَ أَمْرُ اللهِ وَهُمْ كَارِهُونَ
Somali
 
waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka yimaado xaqu oo ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici.

Ayah  9:49  الأية
    +/- -/+  
وَمِنْهُم مَّن يَقُولُ ائْذَن لِّي وَلَا تَفْتِنِّي ۚ أَلَا فِي الْفِتْنَةِ سَقَطُوا ۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةٌ بِالْكَافِرِينَ
Somali
 
waxaa ka mid ah kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way koobtay gaalada.

Ayah  9:50  الأية
    +/- -/+  
إِن تُصِبْكَ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ ۖ وَإِن تُصِبْكَ مُصِيبَةٌ يَقُولُوا قَدْ أَخَذْنَا أَمْرَنَا مِن قَبْلُ وَيَتَوَلَّوا وَّهُمْ فَرِحُونَ
Somali
 
hadduu wanaag ku soo gaadho wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana waxay dhahayaan waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan.

Ayah  9:51  الأية
    +/- -/+  
قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا ۚ وَعَلَى اللهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ
Somali
 
waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen Mu'miniintu.

Ayah  9:52  الأية
    +/- -/+  
قُلْ هَلْ تَرَبَّصُونَ بِنَا إِلَّا إِحْدَى الْحُسْنَيَيْنِ ۖ وَنَحْنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمْ أَن يُصِيبَكُمُ اللهُ بِعَذَابٍ مِّنْ عِندِهِ أَوْ بِأَيْدِينَا ۖ فَتَرَبَّصُوا إِنَّا مَعَكُم مُّتَرَبِّصُونَ
Somali
 
waxaad dhahdaa ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah ama gaemahanaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye.

Ayah  9:53  الأية
    +/- -/+  
قُلْ أَنفِقُوا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا لَّن يُتَقَبَّلَ مِنكُمْ ۖ إِنَّكُمْ كُنتُمْ قَوْمًا فَاسِقِينَ
Somali
 
waxaad dhahdaa Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee, illeen waxaad tihiin qoom faasiqiina.

Ayah  9:54  الأية
    +/- -/+  
وَمَا مَنَعَهُمْ أَن تُقْبَلَ مِنْهُمْ نَفَقَاتُهُمْ إِلَّا أَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللهِ وَبِرَسُولِهِ وَلَا يَأْتُونَ الصَّلَاةَ إِلَّا وَهُمْ كُسَالَىٰ وَلَا يُنفِقُونَ إِلَّا وَهُمْ كَارِهُونَ
Somali
 
wax u diiday in la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro, mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb mooyee.

Ayah  9:55  الأية
    +/- -/+  
فَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللهُ لِيُعَذِّبَهُم بِهَا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنفُسُهُمْ وَهُمْ كَافِرُونَ
Somali
 
yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah.

Ayah  9:56  الأية
    +/- -/+  
وَيَحْلِفُونَ بِاللهِ إِنَّهُمْ لَمِنكُمْ وَمَا هُم مِّنكُمْ وَلَٰكِنَّهُمْ قَوْمٌ يَفْرَقُونَ
Somali
 
waxay ku dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan.

Ayah  9:57  الأية
    +/- -/+  
لَوْ يَجِدُونَ مَلْجَأً أَوْ مَغَارَاتٍ أَوْ مُدَّخَلًا لَّوَلَّوْا إِلَيْهِ وَهُمْ يَجْمَحُونَ
Somali
 
hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi.

Ayah  9:58  الأية
    +/- -/+  
وَمِنْهُم مَّن يَلْمِزُكَ فِي الصَّدَقَاتِ فَإِنْ أُعْطُوا مِنْهَا رَضُوا وَإِن لَّمْ يُعْطَوْا مِنْهَا إِذَا هُمْ يَسْخَطُونَ
Somali
 
waxaa ka mid ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon.

Ayah  9:59  الأية
    +/- -/+  
وَلَوْ أَنَّهُمْ رَضُوا مَا آتَاهُمُ اللهُ وَرَسُولُهُ وَقَالُوا حَسْبُنَا اللهُ سَيُؤْتِينَا اللهُ مِن فَضْلِهِ وَرَسُولُهُ إِنَّا إِلَى اللهِ رَاغِبُونَ
Somali
 
hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon).

Ayah  9:60  الأية
    +/- -/+  
إِنَّمَا الصَّدَقَاتُ لِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللهِ وَابْنِ السَّبِيلِ ۖ فَرِيضَةً مِّنَ اللهِ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali
 
sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan.

Ayah  9:61  الأية
    +/- -/+  
وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَّكُمْ يُؤْمِنُ بِاللهِ وَيُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِينَ وَرَحْمَةٌ لِّلَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ ۚ وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ رَسُولَ اللهِ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Somali
 
waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran.

Ayah  9:62  الأية
    +/- -/+  
يَحْلِفُونَ بِاللهِ لَكُمْ لِيُرْضُوكُمْ وَاللهُ وَرَسُولُهُ أَحَقُّ أَن يُرْضُوهُ إِن كَانُوا مُؤْمِنِينَ
Somali
 
waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday Mu'miniinyihiin.

Ayah  9:63  الأية
    +/- -/+  
أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّهُ مَن يُحَادِدِ اللهَ وَرَسُولَهُ فَأَنَّ لَهُ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدًا فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ الْخِزْيُ الْعَظِيمُ
Somali
 
miyeyna ogayn ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn.

Ayah  9:64  الأية
    +/- -/+  
يَحْذَرُ الْمُنَافِقُونَ أَن تُنَزَّلَ عَلَيْهِمْ سُورَةٌ تُنَبِّئُهُم بِمَا فِي قُلُوبِهِمْ ۚ قُلِ اسْتَهْزِئُوا إِنَّ اللهَ مُخْرِجٌ مَّا تَحْذَرُونَ
Somali
 
waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan).

Ayah  9:65  الأية
    +/- -/+  
وَلَئِن سَأَلْتَهُمْ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلْعَبُ ۚ قُلْ أَبِاللهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِئُونَ
Somali
 
haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku jees jeesayseen.

Ayah  9:66  الأية
    +/- -/+  
لَا تَعْتَذِرُوا قَدْ كَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ ۚ إِن نَّعْفُ عَن طَائِفَةٍ مِّنكُمْ نُعَذِّبْ طَائِفَةً بِأَنَّهُمْ كَانُوا مُجْرِمِينَ
Somali
 
ha cudur daaranina waad gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale.

Ayah  9:67  الأية
    +/- -/+  
الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُم مِّن بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ ۚ نَسُوا اللهَ فَنَسِيَهُمْ ۗ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Somali
 
munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah.

Ayah  9:68  الأية
    +/- -/+  
وَعَدَ اللهُ الْمُنَافِقِينَ وَالْمُنَافِقَاتِ وَالْكُفَّارَ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ هِيَ حَسْبُهُمْ ۚ وَلَعَنَهُمُ اللهُ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُّقِيمٌ
Somali
 
wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna mudan cadaab joogta ah.

Ayah  9:69  الأية
    +/- -/+  
كَالَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ كَانُوا أَشَدَّ مِنكُمْ قُوَّةً وَأَكْثَرَ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا فَاسْتَمْتَعُوا بِخَلَاقِهِمْ فَاسْتَمْتَعْتُم بِخَلَاقِكُمْ كَمَا اسْتَمْتَعَ الَّذِينَ مِن قَبْلِكُم بِخَلَاقِهِمْ وَخُضْتُمْ كَالَّذِي خَاضُوا ۚ أُولَٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ
Somali
 
waxaad la midtihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo caruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu raaxaysleen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray.

Ayah  9:70  الأية
    +/- -/+  
أَلَمْ يَأْتِهِمْ نَبَأُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَقَوْمِ إِبْرَاهِيمَ وَأَصْحَابِ مَدْيَنَ وَالْمُؤْتَفِكَاتِ ۚ أَتَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ ۖ فَمَا كَانَ اللهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِن كَانُوا أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
Somali
 
miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya.

Ayah  9:71  الأية
    +/- -/+  
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللهُ ۗ إِنَّ اللهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Somali
 
Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane.

Ayah  9:72  الأية
    +/- -/+  
وَعَدَ اللهُ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَانٌ مِّنَ اللهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
Somali
 
wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn.

Ayah  9:73  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ جَاهِدِ الْكُفَّارَ وَالْمُنَافِقِينَ وَاغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Somali
 
Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.

Ayah  9:74  الأية
    +/- -/+  
يَحْلِفُونَ بِاللهِ مَا قَالُوا وَلَقَدْ قَالُوا كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُوا بَعْدَ إِسْلَامِهِمْ وَهَمُّوا بِمَا لَمْ يَنَالُوا ۚ وَمَا نَقَمُوا إِلَّا أَنْ أَغْنَاهُمُ اللهُ وَرَسُولُهُ مِن فَضْلِهِ ۚ فَإِن يَتُوبُوا يَكُ خَيْرًا لَّهُمْ ۖ وَإِن يَتَوَلَّوْا يُعَذِّبْهُمُ اللهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِي الْأَرْضِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ
Somali
 
waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna.

Ayah  9:75  الأية
    +/- -/+  
وَمِنْهُم مَّنْ عَاهَدَ اللهَ لَئِنْ آتَانَا مِن فَضْلِهِ لَنَصَّدَّقَنَّ وَلَنَكُونَنَّ مِنَ الصَّالِحِينَ
Somali
 
waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban.

Ayah  9:76  الأية
    +/- -/+  
فَلَمَّا آتَاهُم مِّن فَضْلِهِ بَخِلُوا بِهِ وَتَوَلَّوا وَّهُم مُّعْرِضُونَ
Somali
 
markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi.

Ayah  9:77  الأية
    +/- -/+  
فَأَعْقَبَهُمْ نِفَاقًا فِي قُلُوبِهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ يَلْقَوْنَهُ بِمَا أَخْلَفُوا اللهَ مَا وَعَدُوهُ وَبِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ
Somali
 
wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed.

Ayah  9:78  الأية
    +/- -/+  
أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّ اللهَ يَعْلَمُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُمْ وَأَنَّ اللهَ عَلَّامُ الْغُيُوبِ
Somali
 
miyeyna ogayn in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan.