First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الم
Somali
waxay ku tusin mugjisada Quraanka
|
Ayah 32:2 الأية
تَنزِيلُ الْكِتَابِ لَا رَيْبَ فِيهِ مِن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
Somali
soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka
xaggiisa.
|
Ayah 32:3 الأية
أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۚ بَلْ هُوَ الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوْمًا
مَّا أَتَاهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Somali
mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku
Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa
horeeya, si ay u hanuunaan,
|
Ayah 32:4 الأية
اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ
أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِ مِن وَلِيٍّ
وَلَا شَفِيعٍ ۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Somali
Eebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood
dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin
Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn.
|
Ayah 32:5 الأية
يُدَبِّرُ الْأَمْرَ مِنَ السَّمَاءِ إِلَى الْأَرْضِ ثُمَّ يَعْرُجُ إِلَيْهِ فِي
يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ أَلْفَ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
Somali
amarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u
koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana.
|
Ayah 32:6 الأية
ذَٰلِكَ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
Somali
kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista.
|
Ayah 32:7 الأية
الَّذِي أَحْسَنَ كُلَّ شَيْءٍ خَلَقَهُ ۖ وَبَدَأَ خَلْقَ الْإِنسَانِ مِن طِينٍ
Somali
Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka
Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa).
|
Ayah 32:8 الأية
ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُ مِن سُلَالَةٍ مِّن مَّاءٍ مَّهِينٍ
Somali
markaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar.
|
Ayah 32:9 الأية
ثُمَّ سَوَّاهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِ ۖ وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ
وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Somali
markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo
quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan.
|
Ayah 32:10 الأية
وَقَالُوا أَإِذَا ضَلَلْنَا فِي الْأَرْضِ أَإِنَّا لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ ۚ بَلْ
هُم بِلِقَاءِ رَبِّهِمْ كَافِرُونَ
Somali
waxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid
cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen.
|
Ayah 32:11 الأية
قُلْ يَتَوَفَّاكُم مَّلَكُ الْمَوْتِ الَّذِي وُكِّلَ بِكُمْ ثُمَّ إِلَىٰ
رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ
Somali
waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay
markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin.
|
Ayah 32:12 الأية
وَلَوْ تَرَىٰ إِذِ الْمُجْرِمُونَ نَاكِسُو رُءُوسِهِمْ عِندَ رَبِّهِمْ رَبَّنَا
أَبْصَرْنَا وَسَمِعْنَا فَارْجِعْنَا نَعْمَلْ صَالِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
Somali
haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada)
Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli
si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh).
|
Ayah 32:13 الأية
وَلَوْ شِئْنَا لَآتَيْنَا كُلَّ نَفْسٍ هُدَاهَا وَلَٰكِنْ حَقَّ الْقَوْلُ مِنِّي
لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ
Somali
haddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase
yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi
dhammaan.
|
Ayah 32:14 الأية
فَذُوقُوا بِمَا نَسِيتُمْ لِقَاءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا إِنَّا نَسِينَاكُمْ ۖ
وَذُوقُوا عَذَابَ الْخُلْدِ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Somali
ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan
idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis.
|
Ayah 32:15 الأية
إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا الَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا بِهَا خَرُّوا سُجَّدًا
وَسَبَّحُوا بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ ۩
Somali
waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca
kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn).
|
Ayah 32:16 الأية
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا
وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ
Somali
waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo
rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya.
|
Ayah 32:17 الأية
فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَّا أُخْفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَاءً بِمَا
كَانُوا يَعْمَلُونَ
Somali
ma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay
camalfalayeen dartiis.
|
Ayah 32:18 الأية
أَفَمَن كَانَ مُؤْمِنًا كَمَن كَانَ فَاسِقًا ۚ لَّا يَسْتَوُونَ
Somali
ruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka.
|
Ayah 32:19 الأية
أَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَلَهُمْ جَنَّاتُ الْمَأْوَىٰ
نُزُلًا بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Somali
kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa
martiqaad waxay xamal falayeen dartiis.
|
Ayah 32:20 الأية
وَأَمَّا الَّذِينَ فَسَقُوا فَمَأْوَاهُمُ النَّارُ ۖ كُلَّمَا أَرَادُوا أَن
يَخْرُجُوا مِنْهَا أُعِيدُوا فِيهَا وَقِيلَ لَهُمْ ذُوقُوا عَذَابَ النَّارِ
الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ
Somali
kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu
celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin
jirteen.
|
Ayah 32:21 الأية
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ الْعَذَابِ الْأَدْنَىٰ دُونَ الْعَذَابِ الْأَكْبَرِ
لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Somali
waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed.
|
Ayah 32:22 الأية
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِآيَاتِ رَبِّهِ ثُمَّ أَعْرَضَ عَنْهَا ۚ إِنَّا
مِنَ الْمُجْرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
Somali
yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday
xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa.
|
Ayah 32:23 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ فَلَا تَكُن فِي مِرْيَةٍ مِّن لِّقَائِهِ ۖ
وَجَعَلْنَاهُ هُدًى لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ
Somali
dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin
lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil.
|
Ayah 32:24 الأية
وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا ۖ وَكَانُوا
بِآيَاتِنَا يُوقِنُونَ
Somali
waxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen,
waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya.
|
Ayah 32:25 الأية
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ
يَخْتَلِفُونَ
Somali
Eebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku
diidan.
|
Ayah 32:26 الأية
أَوَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّنَ الْقُرُونِ يَمْشُونَ
فِي مَسَاكِنِهِمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ ۖ أَفَلَا يَسْمَعُونَ
Somali
myayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon
guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin.
|
Ayah 32:27 الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا نَسُوقُ الْمَاءَ إِلَى الْأَرْضِ الْجُرُزِ فَنُخْرِجُ
بِهِ زَرْعًا تَأْكُلُ مِنْهُ أَنْعَامُهُمْ وَأَنفُسُهُمْ ۖ أَفَلَا يُبْصِرُونَ
Somali
miyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino
Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin.
|
Ayah 32:28 الأية
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْفَتْحُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Somali
waxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan.
|
Ayah 32:29 الأية
قُلْ يَوْمَ الْفَتْحِ لَا يَنفَعُ الَّذِينَ كَفَرُوا إِيمَانُهُمْ وَلَا هُمْ
يُنظَرُونَ
Somali
waxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo.
|
Ayah 32:30 الأية
فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَانتَظِرْ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
Somali
Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|