Kuwa (xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u Darban) dar Eebe oo ku marag kaca
Caddaalad yeyna idinku Xambaarin Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin,
Caddaalad fala iyadaa u dhaw Dhawrsashada (Eebe) kana Dhawrsada ILaahay, Eebe
waa Ogyahay waxaad falaysaane.
waxay Dheheen Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe
uga gala albaabka Markaad gashaan idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad
Mu'miniin tihiin.
Ku akhri Korkooda warka Labadii Wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayd si dhab ah, markay
Dhaweeyeen (Sadaqaysteen) Sadaqo oo laga Aqbalay Midkood lagana aqbalin kii
kale, oo uu Yidhi waan ku Dili uu Yidhi (Kii kale) wuxuu uun Eebe ka aqbalaa
kuwa Dhawrsada.
Haddaad u soo Fidiso Xaggayga Gaeantaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo
gaeanta inaan ku dilo Anugu waxaan ka Cabsan ilaahay ee ah Eebaha Caalamka.
Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo Rasuulkiisa oo la Socda Dhulka Fasaad waa in
la Dilo ama la Wadho, ama loo gooyo Gacmahooda iyo Lugabooda Isdhaaf, ama laga
Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna waa inay Mudanyihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo
Cadaab Wayna.
Anagaa soo Dejinay Tawreed oo Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku
xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamay Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray
madaxdii iyo Culimadii wixii laga Doonay inay ILaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm
waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana ku
Gadanina Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe
kuwaasi waa Gaalo uun.
Ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe, hana Raacin Hawadooda, kana
Digtoonow inay kaa Fidmeeyaan waxa Eebe kugu soo Dejiyey qaarkiis, hadday
Jeedsadaanna Ogow in Eebe la Doonayo inuu ku Aassi ibo (Ciqaabo) Dambigooda
Qarkiis, wax badan oo Dadka ka mid ahna waa Faasiqiin.
Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Munaafiqiinta) oo u Degdagi Dhexdooda,
iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u
Dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo
waxay u Qarsanayeen Naftooda (oo Gaal jacayl ah) Qoomameeya.
Kuwa xaqa Reemeyow ha ka Yeelanina kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar
oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah Idinkana Horeeyey iyo Gaalada sokeeye, kana
Dhawrasada Eebe haddaad Tihiin Mu'miniin.
Waxay Tidhi Yuhuuddu Gacanta Eebe waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana
La naclado hadalkay Dheheen Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin
Khayrka (Deeq badane) wuxuuna u Nafaqeeyaa Siduu Doono, wuxuuna u Kordhin wax
badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa Xad Gudub iyo
Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col iyo Cadho tan iyo Qiyaame, mar kastooy
huriyaan dab Dagaalna waxaa bakhtiiya Eebe, waxayna la Soedaan Dhulka Fasaad,
ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya.
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow ha ku Xadgudbina Diintiinna si aan Xaq ahayn, hana
Raacina hawada qoom Dhumay mar hore Dhumiyeynna wax badan kana Dhumay Jidka
Toosan.
Waxaad Arkaysaan wax badan oo ka mid ah oo ka Sokeeye Dhigan kuwo Gaaloobay
waxaa Xun waxay u Hortmarsatay Naftoodu oo ah in Eebe u cadhooday, Cadaabkana ay
ku Waari.
Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen
hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta
ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana
wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha.
Marka loo Yidhaahdo u Kaalaya waxa Eebe soo Dejiyey iyo Xagga Rasuulkana waxay
dhahaan waxaa nagu Filan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno, oo Hadday Aabbayaalkood
ayna wax Ogayn Hanuunsanaynna (Ma raacayaan).
Haddii la Ogaado inay Muteen Dambi waxaa Meejooda Joogsan (oo la Dhaarin) Labo
kale oo ah kuwa ugu Mudnaan Badan Dhaxalkiisa, wayna ku Dhaaran Eebe inuu
Maragoodu ka Xaqsanyahay Maragooda, mana xadgudbaynno markaas aan Noqonno
Daalimiin.
Saasaana u Dhaw inay Maragga ula Yimaadaan Sidiisa Fiican ama ay ka Cabsadaan in
la Diido Dhaartooda intay Dhaartaan ka dib, ee ka Dhawrsada Eebe Maqlana Eebana
ma hanuuniyo qoom Fasiqiina.
Wuxuuna Yidhi Eebe waan ku soo Dejiin Korkiinna ee Ciddii ka Gaalowda ka dib oo
idin ka mid ah waxaan Cadaabi Cadaab Aanan Cadaabayn Ruux Caalamka ka mid ah.
Kuma Dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah Caabuda Eeba hay iyo Eebihiin
waxaana ku ahay marag intaan ku Noolahay Dhexdooda markaad i oofsatana adaa
ILaaliye u ah adi Umbaana wax walba Marag u ah.
Wuxuu Yidhi Eebe Kani (Maanta) waa Maalinta ay Anfici kuwa Runta Sheega
Runtoodu, waxaana u Sugnaaday Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku
Waari Dhexdeeda Waligood waxaana ka Raalli Noqday Eebe Iyana way ka Raalli
Noqdeen, Taasina waa Liibaanta wayn.