First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا
Somali
Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow.
|
Ayah 48:2 الأية
لِّيَغْفِرَ لَكَ اللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ
نِعْمَتَهُ عَلَيْكَ وَيَهْدِيَكَ صِرَاطًا مُّسْتَقِيمًا
Somali
Si Eebe kuugu dhaafo waxaad hormarsatay iyo wixii dib maray oo gaf ah,
Nicmadiisana kuugu taam yeelo, Jidka toosanna kuugu hanuuniyo,
|
Ayah 48:3 الأية
وَيَنصُرَكَ اللَّهُ نَصْرًا عَزِيزًا
Somali
Kuuna gargaaro Eebe Gargaar wayn.
|
Ayah 48:4 الأية
هُوَ الَّذِي أَنزَلَ السَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ الْمُؤْمِنِينَ لِيَزْدَادُوا
إِيمَانًا مَّعَ إِيمَانِهِمْ ۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ
وَكَانَ اللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
Somali
Eebe waa kan ku dajiyay xasilloonida Quluubta mu'miniinta si ay Iimaan ugu
siyaadsadaan Iimaankoodii, Eebaana iska leh Samaawaadka iyo dhulka Junuudda ku
sugan, Eebana waa wax walba oge falsan.
|
Ayah 48:5 الأية
لِّيُدْخِلَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا
الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ ۚ وَكَانَ
ذَٰلِكَ عِندَ اللَّهِ فَوْزًا عَظِيمًا
Somali
si uu u galiyo mu'miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay dureereyso dhexdeeda
Wabiyaal iyagoo ku waari, Dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Eebe agtiisa
waxay ku tahay Liibaan wayn.
|
Ayah 48:6 الأية
وَيُعَذِّبَ الْمُنَافِقِينَ وَالْمُنَافِقَاتِ وَالْمُشْرِكِينَ وَالْمُشْرِكَاتِ
الظَّانِّينَ بِاللَّهِ ظَنَّ السَّوْءِ ۚ عَلَيْهِمْ دَائِرَةُ السَّوْءِ ۖ
وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ وَلَعَنَهُمْ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَهَنَّمَ ۖ وَسَاءَتْ
مَصِيرًا
Somali
iyo inuu caddibo munaafiqiinta Rag iyo Haweeenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag
iyo haweenba, Eebana u maleeyey mala xun, xumaantu korkooda ha ku wareegto,
Eebana Ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo Naarta Jahannamo, meel loo
ahaadana iyadaa u xun.
|
Ayah 48:7 الأية
وَلِلَّهِ جُنُودُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Somali
Eebaa iska leh Junuudda ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade
falsan.
|
Ayah 48:8 الأية
إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا
Somali
Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo marag ah, Bishaareeye Digena ah.
|
Ayah 48:9 الأية
لِّتُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُ وَتُسَبِّحُوهُ
بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Somali
Si aad dadow Eebe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan,
Eebana ugu tasbiixsataan Aroor iyo Galabba.
|
Ayah 48:10 الأية
إِنَّ الَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ اللَّهَ يَدُ اللَّهِ فَوْقَ
أَيْدِيهِمْ ۚ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفْسِهِ ۖ وَمَنْ أَوْفَىٰ
بِمَا عَاهَدَ عَلَيْهُ اللَّهَ فَسَيُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا
Somali
Kuwa Nabiyow kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebe, ballanna ka qaadeen,
Ruuxiise burriya Naftiisa umbuu ku buriyay, Ruuxii oofiyana wuxuu Eebe kula
ballamay wuxuu siin Ajri wayn.
|
Ayah 48:11 الأية
سَيَقُولُ لَكَ الْمُخَلَّفُونَ مِنَ الْأَعْرَابِ شَغَلَتْنَا أَمْوَالُنَا
وَأَهْلُونَا فَاسْتَغْفِرْ لَنَا ۚ يَقُولُونَ بِأَلْسِنَتِهِم مَّا لَيْسَ فِي
قُلُوبِهِمْ ۚ قُلْ فَمَن يَمْلِكُ لَكُم مِّنَ اللَّهِ شَيْئًا إِنْ أَرَادَ
بِكُمْ ضَرًّا أَوْ أَرَادَ بِكُمْ نَفْعًا ۚ بَلْ كَانَ اللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ
خَبِيرًا
Somali
Waxay kugu dhihi kuwii kaddib maray (Jahaadka) ee Ree-Baadiyaha (carbeed ahaa),
waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee Eebe noo dambi dhaaf
waydii, Carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin, waxaad ku dhahdaa yaa
Eebe wasx idiinka hanankara hadduu dhib idinla doono, ama gargaar idinla doono
Saas ma aha, ee Eebe waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
|
Ayah 48:12 الأية
بَلْ ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَنقَلِبَ الرَّسُولُ وَالْمُؤْمِنُونَ إِلَىٰ أَهْلِيهِمْ
أَبَدًا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِي قُلُوبِكُمْ وَظَنَنتُمْ ظَنَّ السَّوْءِ وَكُنتُمْ
قَوْمًا بُورًا
Somali
Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo Mu'miniinta u soo noqonnaynin ehelkooda
waligood, saasaana loogu qurxiyay qalbigiinna, waxaadna ahaateen kuwo
halaagsamay.
|
Ayah 48:13 الأية
وَمَن لَّمْ يُؤْمِن بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ فَإِنَّا أَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ
سَعِيرًا
Somali
Ruuxaan Eebe rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan Gaalo u darabnay Naarta Saciiro.
|
Ayah 48:14 الأية
وَلِلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ يَغْفِرُ لِمَن يَشَاءُ وَيُعَذِّبُ
مَن يَشَاءُ ۚ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
Somali
Eebaa iska leh xukunka waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan, wuxuuna u dambi
dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana dambi dhaafe naxariiste
ah.
|
Ayah 48:15 الأية
سَيَقُولُ الْمُخَلَّفُونَ إِذَا انطَلَقْتُمْ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأْخُذُوهَا
ذَرُونَا نَتَّبِعْكُمْ ۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُوا كَلَامَ اللَّهِ ۚ قُل لَّن
تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمْ قَالَ اللَّهُ مِن قَبْلُ ۖ فَسَيَقُولُونَ بَلْ
تَحْسُدُونَنَا ۚ بَلْ كَانُوا لَا يَفْقَهُونَ إِلَّا قَلِيلًا
Somali
Waxay idinku odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aadaan si aad u soo qaadataan
nadaaya aan idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebe, waxaad
dhahdaa naraaci maysaan Eebaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na
xasdaysaan, waase kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen.
|
Ayah 48:16 الأية
قُل لِّلْمُخَلَّفِينَ مِنَ الْأَعْرَابِ سَتُدْعَوْنَ إِلَىٰ قَوْمٍ أُولِي بَأْسٍ
شَدِيدٍ تُقَاتِلُونَهُمْ أَوْ يُسْلِمُونَ ۖ فَإِن تُطِيعُوا يُؤْتِكُمُ اللَّهُ
أَجْرًا حَسَنًا ۖ وَإِن تَتَوَلَّوْا كَمَا تَوَلَّيْتُم مِّن قَبْلُ
يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Somali
Waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee Ree baadiyaha ah waxaa laydinku
yeedhi kuwa xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan,
haddaadse addeecdaan wuxuu Eebe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad
horayba ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran.
|
Ayah 48:17 الأية
لَّيْسَ عَلَى الْأَعْمَىٰ حَرَجٌ وَلَا عَلَى الْأَعْرَجِ حَرَجٌ وَلَا عَلَى
الْمَرِيضِ حَرَجٌ ۗ وَمَن يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ يُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي
مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا
Somali
Ruux Indha la' korkiisa dhib (Jahaad) ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka,
Ruuxiise Eebe addeeca iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhexdureeri
Wabiyaal, Ruuxiise jeedsada wuu caddibi caddibaad daran.
|
Ayah 48:18 الأية
لَّقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ
الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ
وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا
Somali
Eebe wuu ka raalli noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow
Geedka hoostiisa, Eebana waa ogaaday waxa Quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku
dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw.
|
Ayah 48:19 الأية
وَمَغَانِمَ كَثِيرَةً يَأْخُذُونَهَا ۗ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Somali
Iyo Qaniimooyin badan oy qaadandoonaan, Eebana waa adkaade falsan.
|
Ayah 48:20 الأية
وَعَدَكُمُ اللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةً تَأْخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمْ هَٰذِهِ
وَكَفَّ أَيْدِيَ النَّاسِ عَنكُمْ وَلِتَكُونَ آيَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ
وَيَهْدِيَكُمْ صِرَاطًا مُّسْتَقِيمًا
Somali
Eebena wuxuu idiin yaboohay Qaniimooyin badan ood Qaadanaysaan, Tanna wuu idiin
hormariyay, (qaa Qaniimadii khaybar), wuuna idinka reebay Gacmaha dadka
(gaalada) si ay ugu noqoto mu'miniinta calaamo (Runta Nabiga) idiinkuna
hanuuniyo jidka toosan.
|
Ayah 48:21 الأية
وَأُخْرَىٰ لَمْ تَقْدِرُوا عَلَيْهَا قَدْ أَحَاطَ اللَّهُ بِهَا ۚ وَكَانَ
اللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرًا
Somali
Waxaa kale oo uu idiin dadajiyay Qaniimo kale oydaan awooddeen, Eebana wax walba
waa karaa.
|
Ayah 48:22 الأية
وَلَوْ قَاتَلَكُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوَلَّوُا الْأَدْبَارَ ثُمَّ لَا
يَجِدُونَ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا
Somali
Hadday idinla diriraan kuwa gaaloobay way carari (oy jabi) sokeeye iyo gargaarna
heli maayaan.
|
Ayah 48:23 الأية
سُنَّةَ اللَّهِ الَّتِي قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلُ ۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ اللَّهِ
تَبْدِيلًا
Somali
Saasna waa waddadii Eebe ee u horreysay ummadihii tagay, wax baddali karana ma
jiro.
|
Ayah 48:24 الأية
وَهُوَ الَّذِي كَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ عَنْهُم بِبَطْنِ
مَكَّةَ مِن بَعْدِ أَنْ أَظْفَرَكُمْ عَلَيْهِمْ ۚ وَكَانَ اللَّهُ بِمَا
تَعْمَلُونَ بَصِيرًا
Somali
Eebe waa kan idin kala reebay «idinna kala ilaaliyay» gaaladii markaad maka
gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib, Eebana waa arkaa waxaad
camal falaysaan.
|
Ayah 48:25 الأية
هُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا وَصَدُّوكُمْ عَنِ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ وَالْهَدْيَ
مَعْكُوفًا أَن يَبْلُغَ مَحِلَّهُ ۚ وَلَوْلَا رِجَالٌ مُّؤْمِنُونَ وَنِسَاءٌ
مُّؤْمِنَاتٌ لَّمْ تَعْلَمُوهُمْ أَن تَطَئُوهُمْ فَتُصِيبَكُم مِّنْهُم
مَّعَرَّةٌ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۖ لِّيُدْخِلَ اللَّهُ فِي رَحْمَتِهِ مَن يَشَاءُ ۚ
لَوْ تَزَيَّلُوا لَعَذَّبْنَا الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Somali
Gaaladii makaad waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii
darbantahay inaygaadho halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo
Haween mu'miniin ah (oo la nool) idinna aydaan ogayn marka aad baabi'neeysaan
ayna mashaqo idin haleesho (Eebe waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo
naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu'miniintu ka soocmi
lahaayeen gaalada wuxuu Eebe caddibi lahaa gaalada caddibaad daran.
|
Ayah 48:26 الأية
إِذْ جَعَلَ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي قُلُوبِهِمُ الْحَمِيَّةَ حَمِيَّةَ
الْجَاهِلِيَّةِ فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ وَعَلَى
الْمُؤْمِنِينَ وَأَلْزَمَهُمْ كَلِمَةَ التَّقْوَىٰ وَكَانُوا أَحَقَّ بِهَا
وَأَهْلَهَا ۚ وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا
Somali
Xusuusta marka Eebe yeelay kuwii gaaloobay Quluubtooda islawayni iyo cadho,
sidii isla waynidii iyocadhadii jaahiliinta oo Eebe ku dajiyay xasilloonidiisii
Rasuulkiisa korkiisa iyo mu'miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada
(Ashahaadada iyo ballan ku sugnaanshaha), iyagaana ugu mudan kalimadaas chelna u
ah, Eebana wax walba waa ogyahay.
|
Ayah 48:27 الأية
لَّقَدْ صَدَقَ اللَّهُ رَسُولَهُ الرُّؤْيَا بِالْحَقِّ ۖ لَتَدْخُلُنَّ
الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ إِن شَاءَ اللَّهُ آمِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمْ
وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَ ۖ فَعَلِمَ مَا لَمْ تَعْلَمُوا فَجَعَلَ مِن دُونِ
ذَٰلِكَ فَتْحًا قَرِيبًا
Somali
Eebe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah, abaydna in mu'miniintu gali
MAsjidka xurmaysan hadduu Eebe doono, iyagoo aamin ah oo Timaha xiiri ama gaabin
(Xajka iyo Cumrada ka dib) iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna Eebe ogyahay
waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Maka ka soke Fatxi (Xudaybiya).
|
Ayah 48:28 الأية
هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى
الدِّينِ كُلِّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِاللَّهِ شَهِيدًا
Somali
Eebe waa kan la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo
Diimaha oo dhan, Eebaana marag ku filan.
|
Ayah 48:29 الأية
مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ ۚ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاءُ عَلَى الْكُفَّارِ
رُحَمَاءُ بَيْنَهُمْ ۖ تَرَاهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ
اللَّهِ وَرِضْوَانًا ۖ سِيمَاهُمْ فِي وُجُوهِهِم مِّنْ أَثَرِ السُّجُودِ ۚ
ذَٰلِكَ مَثَلُهُمْ فِي التَّوْرَاةِ ۚ وَمَثَلُهُمْ فِي الْإِنجِيلِ كَزَرْعٍ
أَخْرَجَ شَطْأَهُ فَآزَرَهُ فَاسْتَغْلَظَ فَاسْتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِ يُعْجِبُ
الزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ الْكُفَّارَ ۗ وَعَدَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا
وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ مِنْهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا
Somali
Muxammad waa Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada,
dhexdoodana way isu naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan
oo dalbi Deeqda Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka
muuqataa, Sujuudda raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed,
Tilmaantooda injiilna waxay lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay
oo si fiican u istaagtay layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo
gaalada, Eebe wuxuu u yaboohay kuwa xaqa rumeeyay
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|