First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَنفَالِ ۖ قُلِ الْأَنفَالُ لِلَّهِ وَالرَّسُولِ ۖ
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَصْلِحُوا ذَاتَ بَيْنِكُمْ ۖ وَأَطِيعُوا اللَّهَ
وَرَسُولَهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Somali
Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad dhahdaa Qanimada waxaa iska
leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah
Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo Rumeeyey tihiin.
|
Ayah 8:2 الأية
إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ
وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ
يَتَوَكَّلُونَ
Somali
Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu,
marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun
tala saarta,
|
Ayah 8:3 الأية
الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ
Somali
Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.
|
Ayah 8:4 الأية
أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُمْ دَرَجَاتٌ عِندَ رَبِّهِمْ
وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Somali
Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah,
iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh.
|
Ayah 8:5 الأية
كَمَا أَخْرَجَكَ رَبُّكَ مِن بَيْتِكَ بِالْحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنَ
الْمُؤْمِنِينَ لَكَارِهُونَ
Somali
Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta ka mida
way Nacayeen.
|
Ayah 8:6 الأية
يُجَادِلُونَكَ فِي الْحَقِّ بَعْدَمَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى
الْمَوْتِ وَهُمْ يَنظُرُونَ
Somali
Waxayna kugula Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo
Eegi.
|
Ayah 8:7 الأية
وَإِذْ يَعِدُكُمُ اللَّهُ إِحْدَى الطَّائِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ
أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ الشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ اللَّهُ أَن يُحِقَّ
الْحَقَّ بِكَلِمَاتِهِ وَيَقْطَعَ دَابِرَ الْكَافِرِينَ
Somali
Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii)
idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu
dooni inuu Xaqa ky sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada.
|
Ayah 8:8 الأية
لِيُحِقَّ الْحَقَّ وَيُبْطِلَ الْبَاطِلَ وَلَوْ كَرِهَ الْمُجْرِمُونَ
Somali
Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen
Dambiilayaashuye.
|
Ayah 8:9 الأية
إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَاسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلْفٍ
مِّنَ الْمَلَائِكَةِ مُرْدِفِينَ
Somali
Xusuusta markaad ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku
Xoojin Kun Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan.
|
Ayah 8:10 الأية
وَمَا جَعَلَهُ اللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ وَلِتَطْمَئِنَّ بِهِ قُلُوبُكُمْ ۚ وَمَا
النَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Somali
Wuxuu Eebe u Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe
Agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San.
|
Ayah 8:11 الأية
إِذْ يُغَشِّيكُمُ النُّعَاسَ أَمَنَةً مِّنْهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيْكُم مِّنَ
السَّمَاءِ مَاءً لِّيُطَهِّرَكُم بِهِ وَيُذْهِبَ عَنكُمْ رِجْزَ الشَّيْطَانِ
وَلِيَرْبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ الْأَقْدَامَ
Somali
Xusuustana markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey
Samada Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo
innu ku Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna.
|
Ayah 8:12 الأية
إِذْ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى الْمَلَائِكَةِ أَنِّي مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا الَّذِينَ
آمَنُوا ۚ سَأُلْقِي فِي قُلُوبِ الَّذِينَ كَفَرُوا الرُّعْبَ فَاضْرِبُوا فَوْقَ
الْأَعْنَاقِ وَاضْرِبُوا مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ
Somali
Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey
(Xoojiya) waxaan ku Tuuri Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta
korkeeda kana Garaaca Xubnaha faraha.
|
Ayah 8:13 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَاقُّوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ وَمَن يُشَاقِقِ اللَّهَ
وَرَسُولَهُ فَإِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Somali
Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo
Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab daranyahay.
|
Ayah 8:14 الأية
ذَٰلِكُمْ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلْكَافِرِينَ عَذَابَ النَّارِ
Somali
ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta.
|
Ayah 8:15 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا لَقِيتُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا زَحْفًا فَلَا
تُوَلُّوهُمُ الْأَدْبَارَ
Somali
Kuwa Xaqa Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha
u jeedinina dabada (ha cararina).
|
Ayah 8:16 الأية
وَمَن يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِّقِتَالٍ أَوْ
مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدْ بَاءَ بِغَضَبٍ مِّنَ اللَّهِ وَمَأْوَاهُ
جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Somali
Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u Xeelaysanayn Dagaal ama u
Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna waa Jahannamo iyadaana u Xun
meel loo ahaado.
|
Ayah 8:17 الأية
فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ قَتَلَهُمْ ۚ وَمَا رَمَيْتَ إِذْ
رَمَيْتَ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ رَمَىٰ ۚ وَلِيُبْلِيَ الْمُؤْمِنِينَ مِنْهُ بَلَاءً
حَسَنًا ۚ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Somali
Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn
markaad ganaysay Eebaase Ganay (ku Hagaajiyey) inuu u Niemeeyo Mu'miniita Niemo
Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og.
|
Ayah 8:18 الأية
ذَٰلِكُمْ وَأَنَّ اللَّهَ مُوهِنُ كَيْدِ الْكَافِرِينَ
Somali
Arrintaasna waxaa ugu waean in Eebe uu Tabaryarayn Dhagrate Gaalada.
|
Ayah 8:19 الأية
إِن تَسْتَفْتِحُوا فَقَدْ جَاءَكُمُ الْفَتْحُ ۖ وَإِن تَنتَهُوا فَهُوَ خَيْرٌ
لَّكُمْ ۖ وَإِن تَعُودُوا نَعُدْ وَلَن تُغْنِيَ عَنكُمْ فِئَتُكُمْ شَيْئًا
وَلَوْ كَثُرَتْ وَأَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ
Somali
Haddaad kala Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga)
inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku noqotaan Xumaantana
waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba
badnadeene Eebana wuxuu la Jiraa Mu'miniinta.
|
Ayah 8:20 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَوَلَّوْا
عَنْهُ وَأَنتُمْ تَسْمَعُونَ
Somali
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo
Maqli.
|
Ayah 8:21 الأية
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ قَالُوا سَمِعْنَا وَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ
Somali
Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn.
|
Ayah 8:22 الأية
إِنَّ شَرَّ الدَّوَابِّ عِندَ اللَّهِ الصُّمُّ الْبُكْمُ الَّذِينَ لَا
يَعْقِلُونَ
Somali
Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon
kasayn (Wanaagga).
|
Ayah 8:23 الأية
وَلَوْ عَلِمَ اللَّهُ فِيهِمْ خَيْرًا لَّأَسْمَعَهُمْ ۖ وَلَوْ أَسْمَعَهُمْ
لَتَوَلَّوا وَّهُم مُّعْرِضُونَ
Somali
hadduu ku Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse
Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi.
|
Ayah 8:24 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا
دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ ۖ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ الْمَرْءِ
وَقَلْبِهِ وَأَنَّهُ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Somali
Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin
nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa,
oo Xaggiisa laydin soo Kulmin.
|
Ayah 8:25 الأية
وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنكُمْ خَاصَّةً ۖ
وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Somali
Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka
mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay.
|
Ayah 8:26 الأية
وَاذْكُرُوا إِذْ أَنتُمْ قَلِيلٌ مُّسْتَضْعَفُونَ فِي الْأَرْضِ تَخَافُونَ أَن
يَتَخَطَّفَكُمُ النَّاسُ فَآوَاكُمْ وَأَيَّدَكُم بِنَصْرِهِ وَرَزَقَكُم مِّنَ
الطَّيِّبَاتِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Somali
Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad)
idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin Dhaweeyey (Dumay)
idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky
Mahdisaan.
|
Ayah 8:27 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا
أَمَانَاتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo
Og.
|
Ayah 8:28 الأية
وَاعْلَمُوا أَنَّمَا أَمْوَالُكُمْ وَأَوْلَادُكُمْ فِتْنَةٌ وَأَنَّ اللَّهَ
عِندَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ
Somali
Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir
wayn yahay.
|
Ayah 8:29 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن تَتَّقُوا اللَّهَ يَجْعَل لَّكُمْ فُرْقَانًا
وَيُكَفِّرْ عَنكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ
الْعَظِيمِ
Somali
Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo
Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana
waa Fadli Wayne.
|
Ayah 8:30 الأية
وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ
يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ ۖ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ
Somali
Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku
Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal
mariye Khayr roona ah.
|
Ayah 8:31 الأية
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا قَالُوا قَدْ سَمِعْنَا لَوْ نَشَاءُ
لَقُلْنَا مِثْلَ هَٰذَا ۙ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Somali
Marka lagu Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan
Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha.
|
Ayah 8:32 الأية
وَإِذْ قَالُوا اللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ الْحَقَّ مِنْ عِندِكَ فَأَمْطِرْ
عَلَيْنَا حِجَارَةً مِّنَ السَّمَاءِ أَوِ ائْتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Somali
Xusuuso markay Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi
Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo keen Cadaab daran.
|
Ayah 8:33 الأية
وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ اللَّهُ
مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
Somali
Eebase ma aha kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi
dhaaf warsan.
|
Ayah 8:34 الأية
وَمَا لَهُمْ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ اللَّهُ وَهُمْ يَصُدُّونَ عَنِ الْمَسْجِدِ
الْحَرَامِ وَمَا كَانُوا أَوْلِيَاءَهُ ۚ إِنْ أَوْلِيَاؤُهُ إِلَّا الْمُتَّقُونَ
وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Somali
Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha
Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, Badan koodse ma Oga.
|
Ayah 8:35 الأية
وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمْ عِندَ الْبَيْتِ إِلَّا مُكَاءً وَتَصْدِيَةً ۚ فَذُوقُوا
الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Somali
Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn,
ee Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed.
|
Ayah 8:36 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ لِيَصُدُّوا عَن سَبِيلِ
اللَّهِ ۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ
ۗ وَالَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ
Somali
Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way
Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna
Xaga Jahannamaa Loo kulmin.
|
Ayah 8:37 الأية
لِيَمِيزَ اللَّهُ الْخَبِيثَ مِنَ الطَّيِّبِ وَيَجْعَلَ الْخَبِيثَ بَعْضَهُ
عَلَىٰ بَعْضٍ فَيَرْكُمَهُ جَمِيعًا فَيَجْعَلَهُ فِي جَهَنَّمَ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ
الْخَاسِرُونَ
Somali
in Eebe kala Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale
Korkeeda uuna Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa
Khasaaray.
|
Ayah 8:38 الأية
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا إِن يَنتَهُوا يُغْفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفَ وَإِن
يَعُودُوا فَقَدْ مَضَتْ سُنَّتُ الْأَوَّلِينَ
Somali
Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi
wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii
kuwii hore.
|
Ayah 8:39 الأية
وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلَّهِ ۚ
فَإِنِ انتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Somali
la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin una ahaato Diintu
Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu Arkayaa.
|
Ayah 8:40 الأية
وَإِن تَوَلَّوْا فَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَوْلَاكُمْ ۚ نِعْمَ الْمَوْلَىٰ
وَنِعْمَ النَّصِيرُ
Somali
Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican
Gargaare.
|
Ayah 8:41 الأية
وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُم مِّن شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُ
وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ
السَّبِيلِ إِن كُنتُمْ آمَنتُم بِاللَّهِ وَمَا أَنزَلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا
يَوْمَ الْفُرْقَانِ يَوْمَ الْتَقَى الْجَمْعَانِ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ
قَدِيرٌ
Somali
Ogaadana waxaad Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku,
iyo Qaraabada, iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo
Rumeeyey Eebe iyo waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta,
Maalintay kulmeen Labadii Col (Badar) Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa.
|
Ayah 8:42 الأية
إِذْ أَنتُم بِالْعُدْوَةِ الدُّنْيَا وَهُم بِالْعُدْوَةِ الْقُصْوَىٰ وَالرَّكْبُ
أَسْفَلَ مِنكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدتُّمْ لَاخْتَلَفْتُمْ فِي الْمِيعَادِ ۙ
وَلَٰكِن لِّيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ
عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَسَمِيعٌ
عَلِيمٌ
Somali
Xusuusta markaad ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka
Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad
isku Khilaafi lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in
Cidto, Ciddii Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og.
|
Ayah 8:43 الأية
إِذْ يُرِيكَهُمُ اللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَاكَهُمْ كَثِيرًا
لَّفَشِلْتُمْ وَلَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ سَلَّمَ ۗ
إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Somali
Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo
Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase
Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.
|
Ayah 8:44 الأية
وَإِذْ يُرِيكُمُوهُمْ إِذِ الْتَقَيْتُمْ فِي أَعْيُنِكُمْ قَلِيلًا
وَيُقَلِّلُكُمْ فِي أَعْيُنِهِمْ لِيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا ۗ
وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
Somali
Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna
yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin
Unuuraha.
|
Ayah 8:45 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا لَقِيتُمْ فِئَةً فَاثْبُتُوا وَاذْكُرُوا
اللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Somali
Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la Kulantaan Koox (Cadow ah) Sugnaada Xusana Eebe wax
Badan inaad Liibaantaan.
|
Ayah 8:46 الأية
وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ
رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ
Somali
Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu
Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta).
|
Ayah 8:47 الأية
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ خَرَجُوا مِن دِيَارِهِم بَطَرًا وَرِئَاءَ النَّاسِ
وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ وَاللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ
Somali
Hana ka mid Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis
kana Celinaya (Dadka) Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali.
|
Ayah 8:48 الأية
وَإِذْ زَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ
الْيَوْمَ مِنَ النَّاسِ وَإِنِّي جَارٌ لَّكُمْ ۖ فَلَمَّا تَرَاءَتِ الْفِئَتَانِ
نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِّنكُمْ إِنِّي أَرَىٰ مَا لَا
تَرَوْنَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ ۚ وَاللَّهُ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Somali
Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma
jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna
wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana
arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane.
|
Ayah 8:49 الأية
إِذْ يَقُولُ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَٰؤُلَاءِ
دِينُهُمْ ۗ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Somali
Markay dhahayeen Munaafiqiintu iyo kuwa Cudurku Qalbiga kaga jiro, waxaa Dhagray
Kuwaas Diintooda, Ciddii Eebe tala saarata Ilaahay waa Adkaade Falsan.
|
Ayah 8:50 الأية
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ يَتَوَفَّى الَّذِينَ كَفَرُوا ۙ الْمَلَائِكَةُ يَضْرِبُونَ
وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَارَهُمْ وَذُوقُوا عَذَابَ الْحَرِيقِ
Somali
Haddaad Aragto Markay Oofsan (Nafta ka qaadi) Malaa'igtu kuwii Gaaloobay oy ka
Garaaci Wajiyadooda iyo Gadaashooda iyagoo ku Dhihi Dhadhamiya Cadaabka Gubidda
(waxaad arki lahayd Arrin wayn).
|
Ayah 8:51 الأية
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيكُمْ وَأَنَّ اللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ
لِّلْعَبِيدِ
Somali
Arrintaasuna waa waxay hormarsatay Gacmihiinnu darteed Eebana ma Dulmiyo
Addoomada.
|
Ayah 8:52 الأية
كَدَأْبِ آلِ فِرْعَوْنَ ۙ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللَّهِ
فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Somali
Waaa Caadadii Fircoon Qomkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka Gaaloobay Aayaadkii
Eebe oo Eebe Qabtay Dambigooda Dartiis, Eebana waa Xoong badane Ciqaab daran.
|
Ayah 8:53 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّرًا نِّعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَىٰ قَوْمٍ
حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۙ وَأَنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Somali
Arrintaasna waa inaan Eebe doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka
Dooriyaan wax Naftooda ah, Eebana waa Maqla Og.
|
Ayah 8:54 الأية
كَدَأْبِ آلِ فِرْعَوْنَ ۙ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا بِآيَاتِ
رَبِّهِمْ فَأَهْلَكْنَاهُم بِذُنُوبِهِمْ وَأَغْرَقْنَا آلَ فِرْعَوْنَ ۚ وَكُلٌّ
كَانُوا ظَالِمِينَ
Somali
Waa Caadadii Fircoon Qoomkiisii iyo kuwii ka Horreeyey, waxay ka Gaaloobeen
Aayadkii Eebahood markaasuu Halaagay Dambigooda Dartiis waxayna Dhammaan
ahaayeen Daalimiin.
|
Ayah 8:55 الأية
إِنَّ شَرَّ الدَّوَابِّ عِندَ اللَّهِ الَّذِينَ كَفَرُوا فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Somali
Dhul Socde waxaa ugu Shar badan Eebe Agtiisa kuwa Gaaloobay oon Rumeynin.
|
Ayah 8:56 الأية
الَّذِينَ عَاهَدتَّ مِنْهُمْ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهْدَهُمْ فِي كُلِّ مَرَّةٍ
وَهُمْ لَا يَتَّقُونَ
Somali
ee ah Kuwaad la Ballantay markaas Buriya Ballankooda mar kasta, oon Dhawrsanayn.
|
Ayah 8:57 الأية
فَإِمَّا تَثْقَفَنَّهُمْ فِي الْحَرْبِ فَشَرِّدْ بِهِم مَّنْ خَلْفَهُمْ
لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ
Somali
Haddaad ku Libaanto (Adkaato) Dagaalka ku Eri (xanuuji) kuwa ka Dambeeya inay
Xusuustaan.
|
Ayah 8:58 الأية
وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوْمٍ خِيَانَةً فَانبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَىٰ سَوَاءٍ ۚ
إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ
Somali
Haddaad ka Cabsato Qoom Khayaanadii u Tuur (Ogaysii) Ballankii si siman, Illeen
Eebe ma Jeela Khaa'imiinta.
|
Ayah 8:59 الأية
وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَبَقُوا ۚ إِنَّهُمْ لَا يُعْجِزُونَ
Somali
Yeyna u malayn kuwii Gaaloobay inay Carari (Karaan) iyagu ma Daaliyaan (Eebe).
|
Ayah 8:60 الأية
وَأَعِدُّوا لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ
تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لَا
تَعْلَمُونَهُمُ اللَّهُ يَعْلَمُهُمْ ۚ وَمَا تُنفِقُوا مِن شَيْءٍ فِي سَبِيلِ
اللَّهِ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنتُمْ لَا تُظْلَمُونَ
Somali
Ugu Darbada waxaad kartaan oo Xooga, iyo Darbidda Fardaha inaad ku Cabsi
galisaan Colka Eebe iyo Colkiina (Galaada) iyo kuwa kale oo ka soo hadhay
(Munafiqiinta) ma ogidin Eebaase Og, waxaad ku Bixisaan Jidka Eebana waa laydiin
oofin (Dhammayn) idinkoon laydin Dulmiyeyn.
|
Ayah 8:61 الأية
وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ
هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Somali
Hadday u Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun
Maqla ognee.
|
Ayah 8:62 الأية
وَإِن يُرِيدُوا أَن يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ اللَّهُ ۚ هُوَ الَّذِي
أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِ وَبِالْمُؤْمِنِينَ
Somali
Hadday Doonaan inay ku Dhagraan waxaa Kaafiyahaaga ah Eebaha kugu Xoojiya
Gargaarkiisa iyo Mu'miniinta.
|
Ayah 8:63 الأية
وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَّا
أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُ
عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Somali
Isuna soo Dumay Quluubtooda, haddaad Bixiso waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan Maadan
isu Dunteen Quluubtooda, Eebaase isu Dumay Dhexdooda Illeen isagaa Adkaade
falsan ehe.
|
Ayah 8:64 الأية
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَسْبُكَ اللَّهُ وَمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Somali
Nabiyow waxaa kugu Filan Eebe Adi iyo inta ku Raacday ee Mu'miniinta ah.
|
Ayah 8:65 الأية
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ ۚ إِن يَكُن
مِّنكُمْ عِشْرُونَ صَابِرُونَ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم
مِّائَةٌ يَغْلِبُوا أَلْفًا مِّنَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا
يَفْقَهُونَ
Somali
Nabiyow ku boorri mu'miniinta Dagaalka hadday idinka Mid yihiin Labaatan Samra
(Adkaysta) Waxay ka adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Boqol waxay ka
Adkaan Kun ah kuwa Gaaloobay Illeen waa Qoomaan wax kasayne.
|
Ayah 8:66 الأية
الْآنَ خَفَّفَ اللَّهُ عَنكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا ۚ فَإِن يَكُن
مِّنكُم مِّائَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمْ أَلْفٌ
يَغْلِبُوا أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ
Somali
Hadda wuu idinka Fududeeyey Eebe wuxuuna ogyahay inaad tabar Yartihiin hadday
idinka Mid yihiin Boqol Samra (Adkaysta) waxay ka Adkaan Labo Boqol, Hadday
idinka Mid yihiin Kunna waxay ka Adkaan Labo Kun Idanka Eebe, ILaahayna wuxuu la
Jiraa kuwa samra.
|
Ayah 8:67 الأية
مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ ۚ
تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ
حَكِيمٌ
Somali
Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga Jilciyo Dhulka
Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro
Eebana waa Adkaade Falsan.
|
Ayah 8:68 الأية
لَّوْلَا كِتَابٌ مِّنَ اللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمْ فِيمَا أَخَذْتُمْ عَذَابٌ
عَظِيمٌ
Somali
Hadduusan Jirin Kitaab Eebe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad
qaadateen Darteed Cadaab wayn.
|
Ayah 8:69 الأية
فَكُلُوا مِمَّا غَنِمْتُمْ حَلَالًا طَيِّبًا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ
اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Somali
ee Cuna waxaad Qanimaysataan oo Xalaal Fiicana kana dhawrsada Eebe Illeen
Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee.
|
Ayah 8:70 الأية
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّمَن فِي أَيْدِيكُم مِّنَ الْأَسْرَىٰ إِن يَعْلَمِ
اللَّهُ فِي قُلُوبِكُمْ خَيْرًا يُؤْتِكُمْ خَيْرًا مِّمَّا أُخِذَ مِنكُمْ
وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Somali
Nabiyow ku Dheh kuwa la Qafaashay ee Gaemihiinna ku jira hadduu ku Ogyahay Eebe
Quluubtiina Khayr wuxuu idin siin mid ka Khayrroon wixii laydinka Qaaday wuuna
idiin Dhaafi, Eebana waa Dhaafe Naxariista.
|
Ayah 8:71 الأية
وَإِن يُرِيدُوا خِيَانَتَكَ فَقَدْ خَانُوا اللَّهَ مِن قَبْلُ فَأَمْكَنَ
مِنْهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali
Hadday Doonaan Khiyaamadaadana waxay Khayaameen Eebe mar hore markaasuu idin
Makaniyey Eebana waa Oge Falsan.
|
Ayah 8:72 الأية
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ
فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ آوَوا وَّنَصَرُوا أُولَٰئِكَ بَعْضُهُمْ
أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يُهَاجِرُوا مَا لَكُم مِّن
وَلَايَتِهِم مِّن شَيْءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا ۚ وَإِنِ اسْتَنصَرُوكُمْ فِي
الدِّينِ فَعَلَيْكُمُ النَّصْرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم
مِّيثَاقٌ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Somali
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda Jidka Eebe iyo
kuwa Dumay (soo Dhaweeyey) una Gargaaray kuwaasu Qaarkood waa Gargaaraha Qaar,
kuwa Rumeeyey oon hijroonin Gargaarkooda waxba idinkama Saarra intay ka
Hijrooni, haddayse idiinku Gargaar warsadaan Diinta korkiinna Gargaarbaa ah qaar
Dhexdiinna Ballan yahay mooyee, Eebana waxaad Falaysaan wuu Arkaa.
|
Ayah 8:73 الأية
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُن
فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ
Somali
Kuwa Gaaloobay Qaarkood Waa Sokeeyaha Qaar haddaydaan saas falinna (Ogaanna)
Fidmaa ahaan Dhulka iyo Fasaad wayn.
|
Ayah 8:74 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ
آوَوا وَّنَصَرُوا أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُم مَّغْفِرَةٌ
وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Somali
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Jidka Eebe iyo kuwa soo Dhaweeyey una
Gargaaray kuwaasu iyagaa Mu'miniina Dhaba ah, waxayna Mudan Dambi Dhaafid iyo
Rizqi Sharafle.
|
Ayah 8:75 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا مِن بَعْدُ وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا مَعَكُمْ فَأُولَٰئِكَ
مِنكُمْ ۚ وَأُولُو الْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ
ۗ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Somali
Kuwa Rumeeya Gadaal oo Hijrooda oo Jahaada la Jirkiinna kuwaasu waa idinka mid,
Qaraabadaana Qaarkeed Qaar ku Mudanyahay Xukunka Eebe Ilaahayna waxkasta waa
ogyahay.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|