Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii Dhumana wuxuu uun u Dhumay
Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana Cadaabno intaan uga soo Dirro
Rasuul.
Wuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan
Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni midkood ama Labaduba
ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican.
Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu dilo Gardarro waxaan u
yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa loo Gargaaraye.
Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la
jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu
fogeeyey.
Qaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn
(Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka).
ku duufso ciddaad karto oo ka mida codkaaga kuna soo Jiido fardahaaga iyo
lugtaada lana wadaag xoolaha iyo Carruurta una yabooh, mana yabooho shaydaan
waxaan dhagar ahayn (iyo Baadi).
dhabbaanu u sharrifnay Binii Aadamka waxaana ku xambaarray Barriga iyo Baddaba
waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo ka mida waxaan
Abuurray fadilaad.
ama ku ahaado Guri dahaba ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada
intaad noogaga soo dejisid kitaab aan Akhrino, waxaad dhahdaa Eebahaybaa
nasahane ma waxaan bashar (Dad) Rasuula ahayn baan ahay.
waxaan dhab u siinay (Nabi) Muuse sagaal Aayadood (Mucjiso) oo cad cad ee warso
Binii Israa'iil markuu u yimid oo ku yidhi Fircoon waxaan kuu malayn Muusow mid
la sixray.
waxaad dhahdaa rumeeya Quraanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga (kuwa
fiican) marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo Sujuudi,
waxaad dhahdaa ama ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku
baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican, ee ha la qaylyina Akhriskaaga (salaadda)
hana qarsan ee doon jid u dhexeeya Arrintaas «dhexdehexaad».