Prev  

23. Surah Al-Mu'minûn سورة المؤمنون

  Next  



Ayah  23:1  الأية
    +/- -/+  
بِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Ayah  23:2  الأية
    +/- -/+  
الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ
Somali
 
Ah kuwa Salaaddooda ku Khushuuca.

Ayah  23:3  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُمْ عَنِ اللَّغْوِ مُعْرِضُونَ
Somali
 
Oo ah kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada.

Ayah  23:4  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَاةِ فَاعِلُونَ
Somali
 
Oo ah kuwa Fala Zakada «bixiya».

Ayah  23:5  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ
Somali
 
Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya.

Ayah  23:6  الأية
    +/- -/+  
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
Somali
 
Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas.

Ayah  23:7  الأية
    +/- -/+  
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ
Somali
 
Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal.

Ayah  23:8  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ
Somali
 
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra.

Ayah  23:9  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
Somali
 
waana kuwa Salaadda Ilaaliya.


Ayah  23:11  الأية
    +/- -/+  
الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Somali
 
oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari.

Ayah  23:12  الأية
    +/- -/+  
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن سُلَالَةٍ مِّن طِينٍ
Somali
 
Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo.

Ayah  23:13  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ
Somali
 
Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.

Ayah  23:14  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ
Somali
 
Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay.

Ayah  23:15  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ إِنَّكُم بَعْدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
Somali
 
Markaas Idinku Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan.

Ayah  23:16  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ تُبْعَثُونَ
Somali
 
Markaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin.

Ayah  23:17  الأية
    +/- -/+  
وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَائِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ الْخَلْقِ غَافِلِينَ
Somali
 
Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan.

Ayah  23:18  الأية
    +/- -/+  
وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّاهُ فِي الْأَرْضِ ۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍ بِهِ لَقَادِرُونَ
Somali
 
Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa.

Ayah  23:19  الأية
    +/- -/+  
فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِ جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ لَّكُمْ فِيهَا فَوَاكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Somali
 
Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan.

Ayah  23:20  الأية
    +/- -/+  
وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَاءَ تَنبُتُ بِالدُّهْنِ وَصِبْغٍ لِّلْآكِلِينَ
Somali
 
Iyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni.

Ayah  23:21  الأية
    +/- -/+  
وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Somali
 
Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka Cuntaan.

Ayah  23:22  الأية
    +/- -/+  
وَعَلَيْهَا وَعَلَى الْفُلْكِ تُحْمَلُونَ
Somali
 
Korkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa.

Ayah  23:23  الأية
    +/- -/+  
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
 
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn.

Ayah  23:24  الأية
    +/- -/+  
فَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَاءَ اللهُ لَأَنزَلَ مَلَائِكَةً مَّا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ
Somali
 
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey.

Ayah  23:25  الأية
    +/- -/+  
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ بِهِ جِنَّةٌ فَتَرَبَّصُوا بِهِ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali
 
Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida.

Ayah  23:26  الأية
    +/- -/+  
قَالَ رَبِّ انصُرْنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Somali
 
Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.

Ayah  23:27  الأية
    +/- -/+  
فَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ أَنِ اصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ ۙ فَاسْلُكْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ الْقَوْلُ مِنْهُمْ ۖ وَلَا تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ ظَلَمُوا ۖ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ
Somali
 
Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne.

Ayah  23:28  الأية
    +/- -/+  
فَإِذَا اسْتَوَيْتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى الْفُلْكِ فَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي نَجَّانَا مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
 
Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah.

Ayah  23:29  الأية
    +/- -/+  
وَقُل رَّبِّ أَنزِلْنِي مُنزَلًا مُّبَارَكًا وَأَنتَ خَيْرُ الْمُنزِلِينَ
Somali
 
Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee.

Ayah  23:30  الأية
    +/- -/+  
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ وَإِن كُنَّا لَمُبْتَلِينَ
Somali
 
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama.

Ayah  23:31  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قَرْنًا آخَرِينَ
Somali
 
Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale.

Ayah  23:32  الأية
    +/- -/+  
فَأَرْسَلْنَا فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ أَنِ اعْبُدُوا اللهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
 
Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn.

Ayah  23:33  الأية
    +/- -/+  
وَقَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِلِقَاءِ الْآخِرَةِ وَأَتْرَفْنَاهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يَأْكُلُ مِمَّا تَأْكُلُونَ مِنْهُ وَيَشْرَبُ مِمَّا تَشْرَبُونَ
Somali
 
waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan.

Ayah  23:34  الأية
    +/- -/+  
وَلَئِنْ أَطَعْتُم بَشَرًا مِّثْلَكُمْ إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ
Somali
 
Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen.

Ayah  23:35  الأية
    +/- -/+  
أَيَعِدُكُمْ أَنَّكُمْ إِذَا مِتُّمْ وَكُنتُمْ تُرَابًا وَعِظَامًا أَنَّكُم مُّخْرَجُونَ
Somali
 
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin soo Boxin.

Ayah  23:36  الأية
    +/- -/+  
هَيْهَاتَ هَيْهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
Somali
 
Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa laydinku Goodin.

Ayah  23:37  الأية
    +/- -/+  
إِنْ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا نَحْنُ بِمَبْعُوثِينَ
Somali
 
Ma aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin.

Ayah  23:38  الأية
    +/- -/+  
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ افْتَرَىٰ عَلَى اللهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُ بِمُؤْمِنِينَ
Somali
 
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn.

Ayah  23:39  الأية
    +/- -/+  
قَالَ رَبِّ انصُرْنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Somali
 
Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.

Ayah  23:40  الأية
    +/- -/+  
قَالَ عَمَّا قَلِيلٍ لَّيُصْبِحُنَّ نَادِمِينَ
Somali
 
Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda.

Ayah  23:41  الأية
    +/- -/+  
فَأَخَذَتْهُمُ الصَّيْحَةُ بِالْحَقِّ فَجَعَلْنَاهُمْ غُثَاءً ۚ فَبُعْدًا لِّلْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
 
Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta.

Ayah  23:42  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قُرُونًا آخَرِينَ
Somali
 
Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale.

Ayah  23:43  الأية
    +/- -/+  
مَا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ
Somali
 
Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto.

Ayah  23:44  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا تَتْرَىٰ ۖ كُلَّ مَا جَاءَ أُمَّةً رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُ ۚ فَأَتْبَعْنَا بَعْضَهُم بَعْضًا وَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ ۚ فَبُعْدًا لِّقَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ
Somali
 
Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn.

Ayah  23:45  الأية
    +/- -/+  
ثُمَّ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَارُونَ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
Somali
 
Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad.

Ayah  23:46  الأية
    +/- -/+  
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَاسْتَكْبَرُوا وَكَانُوا قَوْمًا عَالِينَ
Somali
 
Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya.

Ayah  23:47  الأية
    +/- -/+  
فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ
Somali
 
waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo.

Ayah  23:48  الأية
    +/- -/+  
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُوا مِنَ الْمُهْلَكِينَ
Somali
 
Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay.

Ayah  23:49  الأية
    +/- -/+  
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Somali
 
Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan.

Ayah  23:50  الأية
    +/- -/+  
وَجَعَلْنَا ابْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُ آيَةً وَآوَيْنَاهُمَا إِلَىٰ رَبْوَةٍ ذَاتِ قَرَارٍ وَمَعِينٍ
Somali
 
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh.

Ayah  23:51  الأية
    +/- -/+  
يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ
Somali
 
Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye.

Ayah  23:52  الأية
    +/- -/+  
وَإِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ
Somali
 
Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada.

Ayah  23:53  الأية
    +/- -/+  
فَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ زُبُرًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ
Somali
 
Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin.

Ayah  23:54  الأية
    +/- -/+  
فَذَرْهُمْ فِي غَمْرَتِهِمْ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali
 
ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo.

Ayah  23:55  الأية
    +/- -/+  
أَيَحْسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِ مِن مَّالٍ وَبَنِينَ
Somali
 
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah.

Ayah  23:56  الأية
    +/- -/+  
نُسَارِعُ لَهُمْ فِي الْخَيْرَاتِ ۚ بَل لَّا يَشْعُرُونَ
Somali
 
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga.

Ayah  23:57  الأية
    +/- -/+  
إِنَّ الَّذِينَ هُم مِّنْ خَشْيَةِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
Somali
 
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid.

Ayah  23:58  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُم بِآيَاتِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ
Somali
 
kuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya.

Ayah  23:59  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمْ لَا يُشْرِكُونَ
Somali
 
kuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin.

Ayah  23:60  الأية
    +/- -/+  
وَالَّذِينَ يُؤْتُونَ مَا آتَوا وَّقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَىٰ رَبِّهِمْ رَاجِعُونَ
Somali
 
kuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon.

Ayah  23:61  الأية
    +/- -/+  
أُولَٰئِكَ يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَهُمْ لَهَا سَابِقُونَ
Somali
 
Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay.

Ayah  23:62  الأية
    +/- -/+  
وَلَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَلَدَيْنَا كِتَابٌ يَنطِقُ بِالْحَقِّ ۚ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Somali
 
kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana.

Ayah  23:63  الأية
    +/- -/+  
بَلْ قُلُوبُهُمْ فِي غَمْرَةٍ مِّنْ هَٰذَا وَلَهُمْ أَعْمَالٌ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمْ لَهَا عَامِلُونَ
Somali
 
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali.

Ayah  23:64  الأية
    +/- -/+  
حَتَّىٰ إِذَا أَخَذْنَا مُتْرَفِيهِم بِالْعَذَابِ إِذَا هُمْ يَجْأَرُونَ
Somali
 
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan.

Ayah  23:65  الأية
    +/- -/+  
لَا تَجْأَرُوا الْيَوْمَ ۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
Somali
 
(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree.

Ayah  23:66  الأية
    +/- -/+  
قَدْ كَانَتْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُمْ عَلَىٰ أَعْقَابِكُمْ تَنكِصُونَ
Somali
 
Waxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida).

Ayah  23:67  الأية
    +/- -/+  
مُسْتَكْبِرِينَ بِهِ سَامِرًا تَهْجُرُونَ
Somali
 
Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal Xun.

Ayah  23:68  الأية
    +/- -/+  
أَفَلَمْ يَدَّبَّرُوا الْقَوْلَ أَمْ جَاءَهُم مَّا لَمْ يَأْتِ آبَاءَهُمُ الْأَوَّلِينَ
Somali
 
Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore.

Ayah  23:69  الأية
    +/- -/+  
أَمْ لَمْ يَعْرِفُوا رَسُولَهُمْ فَهُمْ لَهُ مُنكِرُونَ
Somali
 
Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi.

Ayah  23:70  الأية
    +/- -/+  
أَمْ يَقُولُونَ بِهِ جِنَّةٌ ۚ بَلْ جَاءَهُم بِالْحَقِّ وَأَكْثَرُهُمْ لِلْحَقِّ كَارِهُونَ
Somali
 
Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici.

Ayah  23:71  الأية
    +/- -/+  
وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءَهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ بَلْ أَتَيْنَاهُم بِذِكْرِهِمْ فَهُمْ عَن ذِكْرِهِم مُّعْرِضُونَ
Somali
 
Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka.

Ayah  23:72  الأية
    +/- -/+  
أَمْ تَسْأَلُهُمْ خَرْجًا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيْرٌ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ
Somali
 
Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe.

Ayah  23:73  الأية
    +/- -/+  
وَإِنَّكَ لَتَدْعُوهُمْ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Somali
 
Adiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan.

Ayah  23:74  الأية
    +/- -/+  
وَإِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ عَنِ الصِّرَاطِ لَنَاكِبُونَ
Somali
 
Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan.

Ayah  23:75  الأية
    +/- -/+  
وَلَوْ رَحِمْنَاهُمْ وَكَشَفْنَا مَا بِهِم مِّن ضُرٍّ لَّلَجُّوا فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ
Somali
 
Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la'.

Ayah  23:76  الأية
    +/- -/+  
وَلَقَدْ أَخَذْنَاهُم بِالْعَذَابِ فَمَا اسْتَكَانُوا لِرَبِّهِمْ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ
Somali
 
Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin.

Ayah  23:77  الأية
    +/- -/+  
حَتَّىٰ إِذَا فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا ذَا عَذَابٍ شَدِيدٍ إِذَا هُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ
Somali
 
Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan.

Ayah  23:78  الأية
    +/- -/+  
وَهُوَ الَّذِي أَنشَأَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Somali
 
Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe).

Ayah  23:79  الأية
    +/- -/+  
وَهُوَ الَّذِي ذَرَأَكُمْ فِي الْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Somali
 
Eebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina.

Ayah  23:80  الأية
    +/- -/+  
وَهُوَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ وَلَهُ اخْتِلَافُ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Somali
 
Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn.

Ayah  23:81  الأية
    +/- -/+  
بَلْ قَالُوا مِثْلَ مَا قَالَ الْأَوَّلُونَ
Somali
 
Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii).

Ayah  23:82  الأية
    +/- -/+  
قَالُوا أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
Somali
 
Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin.

Ayah  23:83  الأية
    +/- -/+  
لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا هَٰذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Somali
 
Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn.

Ayah  23:84  الأية
    +/- -/+  
قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
 
Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin.

Ayah  23:85  الأية
    +/- -/+  
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Somali
 
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn.

Ayah  23:86  الأية
    +/- -/+  
قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Somali
 
Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn.

Ayah  23:87  الأية
    +/- -/+  
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
 
Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn.

Ayah  23:88  الأية
    +/- -/+  
قُلْ مَن بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
 
Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin.

Ayah  23:89  الأية
    +/- -/+  
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ فَأَنَّىٰ تُسْحَرُونَ
Somali
 
Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri.

Ayah  23:90  الأية
    +/- -/+  
بَلْ أَتَيْنَاهُم بِالْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Somali
 
Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal.

Ayah  23:91  الأية
    +/- -/+  
مَا اتَّخَذَ اللهُ مِن وَلَدٍ وَمَا كَانَ مَعَهُ مِنْ إِلَٰهٍ ۚ إِذًا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهٍ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ سُبْحَانَ اللهِ عَمَّا يَصِفُونَ
Somali
 
Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami.

Ayah  23:92  الأية
    +/- -/+  
عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Somali
 
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin.

Ayah  23:93  الأية
    +/- -/+  
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ
Somali
 
Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay.

Ayah  23:94  الأية
    +/- -/+  
رَبِّ فَلَا تَجْعَلْنِي فِي الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
 
Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah.

Ayah  23:95  الأية
    +/- -/+  
وَإِنَّا عَلَىٰ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمْ لَقَادِرُونَ
Somali
 
Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa.

Ayah  23:96  الأية
    +/- -/+  
ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ السَّيِّئَةَ ۚ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَصِفُونَ
Somali
 
ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi).

Ayah  23:97  الأية
    +/- -/+  
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ هَمَزَاتِ الشَّيَاطِينِ
Somali
 
Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta.

Ayah  23:98  الأية
    +/- -/+  
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحْضُرُونِ
Somali
 
Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu.

Ayah  23:99  الأية
    +/- -/+  
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَهُمُ الْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ارْجِعُونِ
Somali
 
Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.

Ayah  23:100  الأية
    +/- -/+  
لَعَلِّي أَعْمَلُ صَالِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚ كَلَّا ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَائِلُهَا ۖ وَمِن وَرَائِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Somali
 
Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin.

Ayah  23:101  الأية
    +/- -/+  
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ فَلَا أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَاءَلُونَ
Somali
 
Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan.

Ayah  23:102  الأية
    +/- -/+  
فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Somali
 
Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.

Ayah  23:103  الأية
    +/- -/+  
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فِي جَهَنَّمَ خَالِدُونَ
Somali
 
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.

Ayah  23:104  الأية
    +/- -/+  
تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ النَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَالِحُونَ
Somali
 
Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran.

Ayah  23:105  الأية
    +/- -/+  
أَلَمْ تَكُنْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Somali
 
(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen.

Ayah  23:106  الأية
    +/- -/+  
قَالُوا رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَالِّينَ
Somali
 
Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar Dhunsan.

Ayah  23:107  الأية
    +/- -/+  
رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ
Somali
 
Eebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah.

Ayah  23:108  الأية
    +/- -/+  
قَالَ اخْسَئُوا فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ
Somali
 
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina.

Ayah  23:109  الأية
    +/- -/+  
إِنَّهُ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَا آمَنَّا فَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ الرَّاحِمِينَ
Somali
 
Waxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone.

Ayah  23:110  الأية
    +/- -/+  
فَاتَّخَذْتُمُوهُمْ سِخْرِيًّا حَتَّىٰ أَنسَوْكُمْ ذِكْرِي وَكُنتُم مِّنْهُمْ تَضْحَكُونَ
Somali
 
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna Qoslayseen.

Ayah  23:111  الأية
    +/- -/+  
إِنِّي جَزَيْتُهُمُ الْيَوْمَ بِمَا صَبَرُوا أَنَّهُمْ هُمُ الْفَائِزُونَ
Somali
 
Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay.

Ayah  23:112  الأية
    +/- -/+  
قَالَ كَمْ لَبِثْتُمْ فِي الْأَرْضِ عَدَدَ سِنِينَ
Somali
 
Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka.

Ayah  23:113  الأية
    +/- -/+  
قَالُوا لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ فَاسْأَلِ الْعَادِّينَ
Somali
 
Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya «Malaa'gta».

Ayah  23:114  الأية
    +/- -/+  
قَالَ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ لَّوْ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
 
Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin.

Ayah  23:115  الأية
    +/- -/+  
أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ
Somali
 
ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn.

Ayah  23:116  الأية
    +/- -/+  
فَتَعَالَى اللهُ الْمَلِكُ الْحَقُّ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْكَرِيمِ
Somali
 
Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh.

Ayah  23:117  الأية
    +/- -/+  
وَمَن يَدْعُ مَعَ اللهِ إِلَٰهًا آخَرَ لَا بُرْهَانَ لَهُ بِهِ فَإِنَّمَا حِسَابُهُ عِندَ رَبِّهِ ۚ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ
Somali
 
Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo.

Ayah  23:118  الأية
    +/- -/+  
وَقُل رَّبِّ اغْفِرْ وَارْحَمْ وَأَنتَ خَيْرُ الرَّاحِمِينَ
Somali
 
Waxaad Dhahdaa Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone.





© EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us