First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ
Somali
Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta.
|
Ayah 23:2 الأية
الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ
Somali
Ah kuwa Salaaddooda ku Khushuuca.
|
Ayah 23:3 الأية
وَالَّذِينَ هُمْ عَنِ اللَّغْوِ مُعْرِضُونَ
Somali
Oo ah kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada.
|
Ayah 23:4 الأية
وَالَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَاةِ فَاعِلُونَ
Somali
Oo ah kuwa Fala Zakada «bixiya».
|
Ayah 23:5 الأية
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ
Somali
Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya.
|
Ayah 23:6 الأية
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ
مَلُومِينَ
Somali
Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas.
|
Ayah 23:7 الأية
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ
Somali
Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal.
|
Ayah 23:8 الأية
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ
Somali
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra.
|
Ayah 23:9 الأية
وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
Somali
waana kuwa Salaadda Ilaaliya.
|
Ayah 23:10 الأية
أُولَٰئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ
Somali
Kuwaasu waa kuwa Dhaxli.
|
Ayah 23:11 الأية
الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Somali
oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari.
|
Ayah 23:12 الأية
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن سُلَالَةٍ مِّن طِينٍ
Somali
Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo.
|
Ayah 23:13 الأية
ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ
Somali
Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.
|
Ayah 23:14 الأية
ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً
فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ
أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ
Somali
Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana
Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay
Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay.
|
Ayah 23:15 الأية
ثُمَّ إِنَّكُم بَعْدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
Somali
Markaas Idinku Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan.
|
Ayah 23:16 الأية
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ تُبْعَثُونَ
Somali
Markaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin.
|
Ayah 23:17 الأية
وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَائِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ الْخَلْقِ
غَافِلِينَ
Somali
Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan.
|
Ayah 23:18 الأية
وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّاهُ فِي الْأَرْضِ ۖ
وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍ بِهِ لَقَادِرُونَ
Somali
Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la
Tagnana waan karraa.
|
Ayah 23:19 الأية
فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِ جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ لَّكُمْ فِيهَا
فَوَاكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Somali
Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani
ku sugantahay ood wax ka Cuntaan.
|
Ayah 23:20 الأية
وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَاءَ تَنبُتُ بِالدُّهْنِ وَصِبْغٍ
لِّلْآكِلِينَ
Somali
Iyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni.
|
Ayah 23:21 الأية
وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا
وَلَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Somali
Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa
Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka
Cuntaan.
|
Ayah 23:22 الأية
وَعَلَيْهَا وَعَلَى الْفُلْكِ تُحْمَلُونَ
Somali
Korkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa.
|
Ayah 23:23 الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ
مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe
idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn.
|
Ayah 23:24 الأية
فَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ
مِّثْلُكُمْ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَنزَلَ
مَلَائِكَةً مَّا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ
Somali
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin
la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu
soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey.
|
Ayah 23:25 الأية
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ بِهِ جِنَّةٌ فَتَرَبَّصُوا بِهِ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali
Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida.
|
Ayah 23:26 الأية
قَالَ رَبِّ انصُرْنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Somali
Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.
|
Ayah 23:27 الأية
فَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ أَنِ اصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا
جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ ۙ فَاسْلُكْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ
اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ الْقَوْلُ مِنْهُمْ ۖ وَلَا
تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ ظَلَمُوا ۖ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ
Somali
Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado
Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga
Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka)
kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne.
|
Ayah 23:28 الأية
فَإِذَا اسْتَوَيْتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى الْفُلْكِ فَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ
الَّذِي نَجَّانَا مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska
leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah.
|
Ayah 23:29 الأية
وَقُل رَّبِّ أَنزِلْنِي مُنزَلًا مُّبَارَكًا وَأَنتَ خَيْرُ الْمُنزِلِينَ
Somali
Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee.
|
Ayah 23:30 الأية
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ وَإِن كُنَّا لَمُبْتَلِينَ
Somali
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama.
|
Ayah 23:31 الأية
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قَرْنًا آخَرِينَ
Somali
Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale.
|
Ayah 23:32 الأية
فَأَرْسَلْنَا فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ
إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah
Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn.
|
Ayah 23:33 الأية
وَقَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِلِقَاءِ
الْآخِرَةِ وَأَتْرَفْنَاهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ
مِّثْلُكُمْ يَأْكُلُ مِمَّا تَأْكُلُونَ مِنْهُ وَيَشْرَبُ مِمَّا تَشْرَبُونَ
Somali
waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka
Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn
Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan.
|
Ayah 23:34 الأية
وَلَئِنْ أَطَعْتُم بَشَرًا مِّثْلَكُمْ إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ
Somali
Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen.
|
Ayah 23:35 الأية
أَيَعِدُكُمْ أَنَّكُمْ إِذَا مِتُّمْ وَكُنتُمْ تُرَابًا وَعِظَامًا أَنَّكُم
مُّخْرَجُونَ
Somali
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin
soo Boxin.
|
Ayah 23:36 الأية
هَيْهَاتَ هَيْهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
Somali
Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa laydinku Goodin.
|
Ayah 23:37 الأية
إِنْ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا نَحْنُ
بِمَبْعُوثِينَ
Somali
Ma aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan
(Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin.
|
Ayah 23:38 الأية
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُ
بِمُؤْمِنِينَ
Somali
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn.
|
Ayah 23:39 الأية
قَالَ رَبِّ انصُرْنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Somali
Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.
|
Ayah 23:40 الأية
قَالَ عَمَّا قَلِيلٍ لَّيُصْبِحُنَّ نَادِمِينَ
Somali
Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda.
|
Ayah 23:41 الأية
فَأَخَذَتْهُمُ الصَّيْحَةُ بِالْحَقِّ فَجَعَلْنَاهُمْ غُثَاءً ۚ فَبُعْدًا
لِّلْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw
Sugnaado Daaliminta.
|
Ayah 23:42 الأية
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قُرُونًا آخَرِينَ
Somali
Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale.
|
Ayah 23:43 الأية
مَا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ
Somali
Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto.
|
Ayah 23:44 الأية
ثُمَّ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا تَتْرَىٰ ۖ كُلَّ مَا جَاءَ أُمَّةً رَّسُولُهَا
كَذَّبُوهُ ۚ فَأَتْبَعْنَا بَعْضَهُم بَعْضًا وَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ ۚ
فَبُعْدًا لِّقَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ
Somali
Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo
Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka
yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn.
|
Ayah 23:45 الأية
ثُمَّ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَارُونَ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
Somali
Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo
Cad.
|
Ayah 23:46 الأية
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَاسْتَكْبَرُوا وَكَانُوا قَوْمًا عَالِينَ
Somali
Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna
ahaayeen Qoom is korraysiiya.
|
Ayah 23:47 الأية
فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ
Somali
waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga
na Caabudo.
|
Ayah 23:48 الأية
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُوا مِنَ الْمُهْلَكِينَ
Somali
Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay.
|
Ayah 23:49 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Somali
Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan.
|
Ayah 23:50 الأية
وَجَعَلْنَا ابْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُ آيَةً وَآوَيْنَاهُمَا إِلَىٰ رَبْوَةٍ ذَاتِ
قَرَارٍ وَمَعِينٍ
Somali
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare
oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh.
|
Ayah 23:51 الأية
يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي
بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ
Somali
Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye.
|
Ayah 23:52 الأية
وَإِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ
Somali
Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee
iga Dhawrsada.
|
Ayah 23:53 الأية
فَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ زُبُرًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ
فَرِحُونَ
Somali
Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah
yey ku Faraxsanyihiin.
|
Ayah 23:54 الأية
فَذَرْهُمْ فِي غَمْرَتِهِمْ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali
ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo.
|
Ayah 23:55 الأية
أَيَحْسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِ مِن مَّالٍ وَبَنِينَ
Somali
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah.
|
Ayah 23:56 الأية
نُسَارِعُ لَهُمْ فِي الْخَيْرَاتِ ۚ بَل لَّا يَشْعُرُونَ
Somali
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga.
|
Ayah 23:57 الأية
إِنَّ الَّذِينَ هُم مِّنْ خَشْيَةِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
Somali
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid.
|
Ayah 23:58 الأية
وَالَّذِينَ هُم بِآيَاتِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ
Somali
kuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya.
|
Ayah 23:59 الأية
وَالَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمْ لَا يُشْرِكُونَ
Somali
kuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin.
|
Ayah 23:60 الأية
وَالَّذِينَ يُؤْتُونَ مَا آتَوا وَّقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَىٰ
رَبِّهِمْ رَاجِعُونَ
Somali
kuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon.
|
Ayah 23:61 الأية
أُولَٰئِكَ يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَهُمْ لَهَا سَابِقُونَ
Somali
Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay.
|
Ayah 23:62 الأية
وَلَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَلَدَيْنَا كِتَابٌ يَنطِقُ
بِالْحَقِّ ۚ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Somali
kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq,
lamana Dulmiyo Iyagana.
|
Ayah 23:63 الأية
بَلْ قُلُوبُهُمْ فِي غَمْرَةٍ مِّنْ هَٰذَا وَلَهُمْ أَعْمَالٌ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ
هُمْ لَهَا عَامِلُونَ
Somali
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin
Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali.
|
Ayah 23:64 الأية
حَتَّىٰ إِذَا أَخَذْنَا مُتْرَفِيهِم بِالْعَذَابِ إِذَا هُمْ يَجْأَرُونَ
Somali
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan.
|
Ayah 23:65 الأية
لَا تَجْأَرُوا الْيَوْمَ ۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
Somali
(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree.
|
Ayah 23:66 الأية
قَدْ كَانَتْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُمْ عَلَىٰ أَعْقَابِكُمْ
تَنكِصُونَ
Somali
Waxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa
Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida).
|
Ayah 23:67 الأية
مُسْتَكْبِرِينَ بِهِ سَامِرًا تَهْجُرُونَ
Somali
Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal
Xun.
|
Ayah 23:68 الأية
أَفَلَمْ يَدَّبَّرُوا الْقَوْلَ أَمْ جَاءَهُم مَّا لَمْ يَأْتِ آبَاءَهُمُ
الْأَوَّلِينَ
Somali
Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii
hore.
|
Ayah 23:69 الأية
أَمْ لَمْ يَعْرِفُوا رَسُولَهُمْ فَهُمْ لَهُ مُنكِرُونَ
Somali
Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi.
|
Ayah 23:70 الأية
أَمْ يَقُولُونَ بِهِ جِنَّةٌ ۚ بَلْ جَاءَهُم بِالْحَقِّ وَأَكْثَرُهُمْ لِلْحَقِّ
كَارِهُونَ
Somali
Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici.
|
Ayah 23:71 الأية
وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءَهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ
وَمَن فِيهِنَّ ۚ بَلْ أَتَيْنَاهُم بِذِكْرِهِمْ فَهُمْ عَن ذِكْرِهِم
مُّعْرِضُونَ
Somali
Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u
Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka.
|
Ayah 23:72 الأية
أَمْ تَسْأَلُهُمْ خَرْجًا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيْرٌ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ
Somali
Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u
Khayr Badan Arzaaqe.
|
Ayah 23:73 الأية
وَإِنَّكَ لَتَدْعُوهُمْ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Somali
Adiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan.
|
Ayah 23:74 الأية
وَإِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ عَنِ الصِّرَاطِ لَنَاكِبُونَ
Somali
Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan.
|
Ayah 23:75 الأية
وَلَوْ رَحِمْنَاهُمْ وَكَشَفْنَا مَا بِهِم مِّن ضُرٍّ لَّلَجُّوا فِي
طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ
Somali
Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi
Xumaantooda iyagoo ku Indho la'.
|
Ayah 23:76 الأية
وَلَقَدْ أَخَذْنَاهُم بِالْعَذَابِ فَمَا اسْتَكَانُوا لِرَبِّهِمْ وَمَا
يَتَضَرَّعُونَ
Somali
Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana
Khushuucin.
|
Ayah 23:77 الأية
حَتَّىٰ إِذَا فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا ذَا عَذَابٍ شَدِيدٍ إِذَا هُمْ فِيهِ
مُبْلِسُونَ
Somali
Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan.
|
Ayah 23:78 الأية
وَهُوَ الَّذِي أَنشَأَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ
قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Somali
Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku
Shugriyeysaan (Eebe).
|
Ayah 23:79 الأية
وَهُوَ الَّذِي ذَرَأَكُمْ فِي الْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Somali
Eebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina.
|
Ayah 23:80 الأية
وَهُوَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ وَلَهُ اخْتِلَافُ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ ۚ
أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Somali
Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala
Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn.
|
Ayah 23:81 الأية
بَلْ قَالُوا مِثْلَ مَا قَالَ الْأَوَّلُونَ
Somali
Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii).
|
Ayah 23:82 الأية
قَالُوا أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
Somali
Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala
soo Bixin.
|
Ayah 23:83 الأية
لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا هَٰذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَا إِلَّا
أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Somali
Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan
warkii hore ahayn.
|
Ayah 23:84 الأية
قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin.
|
Ayah 23:85 الأية
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Somali
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn.
|
Ayah 23:86 الأية
قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Somali
Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn.
|
Ayah 23:87 الأية
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Somali
Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn.
|
Ayah 23:88 الأية
قُلْ مَن بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ
إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax
laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin.
|
Ayah 23:89 الأية
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ فَأَنَّىٰ تُسْحَرُونَ
Somali
Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri.
|
Ayah 23:90 الأية
بَلْ أَتَيْنَاهُم بِالْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Somali
Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal.
|
Ayah 23:91 الأية
مَا اتَّخَذَ اللَّهُ مِن وَلَدٍ وَمَا كَانَ مَعَهُ مِنْ إِلَٰهٍ ۚ إِذًا
لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهٍ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ
سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
Somali
Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi
lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa)
Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami.
|
Ayah 23:92 الأية
عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Somali
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin.
|
Ayah 23:93 الأية
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ
Somali
Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay.
|
Ayah 23:94 الأية
رَبِّ فَلَا تَجْعَلْنِي فِي الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Somali
Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah.
|
Ayah 23:95 الأية
وَإِنَّا عَلَىٰ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمْ لَقَادِرُونَ
Somali
Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa.
|
Ayah 23:96 الأية
ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ السَّيِّئَةَ ۚ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَصِفُونَ
Somali
ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi).
|
Ayah 23:97 الأية
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ هَمَزَاتِ الشَّيَاطِينِ
Somali
Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta.
|
Ayah 23:98 الأية
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحْضُرُونِ
Somali
Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu.
|
Ayah 23:99 الأية
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَهُمُ الْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ارْجِعُونِ
Somali
Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.
|
Ayah 23:100 الأية
لَعَلِّي أَعْمَلُ صَالِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚ كَلَّا ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ
قَائِلُهَا ۖ وَمِن وَرَائِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Somali
Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal
uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin.
|
Ayah 23:101 الأية
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ فَلَا أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا
يَتَسَاءَلُونَ
Somali
Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan.
|
Ayah 23:102 الأية
فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Somali
Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.
|
Ayah 23:103 الأية
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فِي
جَهَنَّمَ خَالِدُونَ
Somali
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda
Jahannamayna ku Waari.
|
Ayah 23:104 الأية
تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ النَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَالِحُونَ
Somali
Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran.
|
Ayah 23:105 الأية
أَلَمْ تَكُنْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Somali
(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood
Beenin Jirteen.
|
Ayah 23:106 الأية
قَالُوا رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَالِّينَ
Somali
Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar
Dhunsan.
|
Ayah 23:107 الأية
رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ
Somali
Eebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah.
|
Ayah 23:108 الأية
قَالَ اخْسَئُوا فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ
Somali
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina.
|
Ayah 23:109 الأية
إِنَّهُ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَا آمَنَّا فَاغْفِرْ لَنَا
وَارْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ الرَّاحِمِينَ
Somali
Waxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa
ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone.
|
Ayah 23:110 الأية
فَاتَّخَذْتُمُوهُمْ سِخْرِيًّا حَتَّىٰ أَنسَوْكُمْ ذِكْرِي وَكُنتُم مِّنْهُمْ
تَضْحَكُونَ
Somali
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna
Qoslayseen.
|
Ayah 23:111 الأية
إِنِّي جَزَيْتُهُمُ الْيَوْمَ بِمَا صَبَرُوا أَنَّهُمْ هُمُ الْفَائِزُونَ
Somali
Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay.
|
Ayah 23:112 الأية
قَالَ كَمْ لَبِثْتُمْ فِي الْأَرْضِ عَدَدَ سِنِينَ
Somali
Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka.
|
Ayah 23:113 الأية
قَالُوا لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ فَاسْأَلِ الْعَادِّينَ
Somali
Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax
tiriya «Malaa'gta».
|
Ayah 23:114 الأية
قَالَ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ لَّوْ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali
Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin.
|
Ayah 23:115 الأية
أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا
تُرْجَعُونَ
Somali
ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo
Celinayn.
|
Ayah 23:116 الأية
فَتَعَالَى اللَّهُ الْمَلِكُ الْحَقُّ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ الْعَرْشِ
الْكَرِيمِ
Somali
Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana
Eebaha Carshiga Sharafta leh.
|
Ayah 23:117 الأية
وَمَن يَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ لَا بُرْهَانَ لَهُ بِهِ فَإِنَّمَا
حِسَابُهُ عِندَ رَبِّهِ ۚ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ
Somali
Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun
Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo.
|
|