Kuwa (Zino) ku Gana (Sheega) Haweenka Dhawrsoon oon Afar Marag ah keenin Garaaca
Siddeetan Garaacood, hana ka Aqbalina Marag Waligood, kuwaasina waa uun
Faasiqiin.
Kuwa Qadfa (Zino ku Sheega) Haweenkooda oon Marag aan Naftooda ahayn Lahayn
midkood Maraggiisu waa inuu ku Marag Kaco Dhaarta Afar Dhaarood Eebe inuu Run
Sheegi
Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka Xun, kuwa Xunna waxay u
sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u sugnaadeen Kuwa Wanaagsan,
kuwaasna (Caa'isha iyo Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi,
waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno).
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam Warsataan
kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u Xusuusataan.
Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan
(Anfaco) idiinku Jirto, Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad
Qarinaysaan.
Waxaad ku Dhahdaa Mu'miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka
Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay
Sameyn.
Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu'minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen
Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana
ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo
Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo
Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin,
iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa
Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn
Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay
Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan
Mu'miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.
Kuwii Gaaloobay Camalkoodu wuxuu la Midyahay Dhalanteed Dhul Siman (Ka Muuqda)
oos u Malayn kan Oomani biyo Markuu Yimaadana uuna ka Helayn waxba, oo uu ka
heli Eebe (Abaal marintiisa) Agtiisa una Oofiyey Xisaabtiisa, Eebana way Deg
degtaa Xisaabtiisu.
Miyeydaan Arkayn in Eebe Kexeeyo Daruuro Markaas Isudumo Kana Yeelo Mid is
dulSaaran ood aragto Roobkoo ka Soo Bixi Dhexdiisa wuxuuna ka soo Dejiyaa (Eebe)
Samada Buuro Qabow ah (Thalaj) wuxuuna Gaadhsiiyaa Cidduu Doono, wuxuuna u
Dhawyahay Nuurka Hilaaciisu inuu la Tago Aragga.
Ma Saarra Indhoole Dhib, Lugoolana Dhib ma Saarra, Mid Bukana Dhib Ma Saarra,
Naftiinnana Dhib ma Saarra Inaad wax ka Cuntaan Guryihiinna ama Guryaha
Aabayaalkiin, ama Guryaha Hooyooyinkiin, ama Guryaha Walaalihiin, ama Guryaha
Walaashiin, ama Guryaha Adeeradiin, ama Guryaha Eeddooyinkiin, ama Guryaha
Abtiyadiin, ama Guryaha habaryarihiin, ama Guryahaad Hanataan Furihiisa, ama
Guryaha Saaxiibahiin, Dhibna Idinma Saarra Inaad wax Cuntaan Idinkoo Kooxa ah
ama kala Tagsan, markaad Gashaan Guryana Salaama Naftiinna, Salaan ka Ahaatay
Eebe Xagiisa oo la Barakeeyey oo Fiican, Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayaadka
Inaad wax kastaan.
Mu'miniintu Waa Uun kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, markay la Joogaan Amar
kulmiyey Dartiis aan Tagin intay ka Idan Warsadaan, kuwa Idan warsada kuwaasu
waa kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu Idan warsadaan Danahooda
Qaarkood u Idan Ciddaad Doonto oo ka Mid ah una Dambi Dhaafwarso Eebe, Ilaahay
waa Dambi Dhaafe Naxariistee.
Ha ka Yeelina u Yeedhidda Rasuulka sida U Yeedhidda Qaarkiin qaar, Eebe wuu
ogyahay kuwa Dusi iyagoo Gabban, (Fadhiga Nabiga) ha ka Digtoonaadeen kuwa
Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidmo (Masiibo) ama ku Dhoco Cadaab Daran.