First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَلَهُ
الْحَمْدُ فِي الْآخِرَةِ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ
Somali
mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan,
mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba
oge).
|
Ayah 34:2 الأية
يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِي الْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ
السَّمَاءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۚ وَهُوَ الرَّحِيمُ الْغَفُورُ
Somali
wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada
iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah.
|
Ayah 34:3 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَأْتِينَا السَّاعَةُ ۖ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّي
لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَالِمِ الْغَيْبِ ۖ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِي
السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَلَا أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرُ
إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ
Somali
kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa
saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan
oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax
waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin.
|
Ayah 34:4 الأية
لِّيَجْزِيَ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُم
مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Somali
Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay
mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan.
|
Ayah 34:5 الأية
وَالَّذِينَ سَعَوْا فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن
رِّجْزٍ أَلِيمٌ
Somali
Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe)
kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun.
|
Ayah 34:6 الأية
وَيَرَى الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ الَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ
الْحَقَّ وَيَهْدِي إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ
Somali
Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey
xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo.
|
Ayah 34:7 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا
مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ
Somali
Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka
laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri.
|
Ayah 34:8 الأية
أَفْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِ جِنَّةٌ ۗ بَلِ الَّذِينَ لَا
يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ فِي الْعَذَابِ وَالضَّلَالِ الْبَعِيدِ
Somali
Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin
aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog.
|
Ayah 34:9 الأية
أَفَلَمْ يَرَوْا إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ السَّمَاءِ
وَالْأَرْضِ ۚ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ الْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ
كِسَفًا مِّنَ السَّمَاءِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Somali
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah
hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada
kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan.
|
Ayah 34:10 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ
وَالطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ
Somali
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi
buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,)
waxaana u jilcincy birta.
|
Ayah 34:11 الأية
أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي
بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Somali
Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna
fala, waxaad faleeysaana waan arkaa.
|
Ayah 34:12 الأية
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا
لَهُ عَيْنَ الْقِطْرِ ۖ وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ
رَبِّهِ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ
Somali
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil,
carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa
ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata
amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro.
|
Ayah 34:13 الأية
يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ
وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ
عِبَادِيَ الشَّكُورُ
Somali
Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo
xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka
Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan.
|
Ayah 34:14 الأية
فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا
دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ
أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ
Somali
Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon
ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey
waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed).
|
Ayah 34:15 الأية
لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِي مَسْكَنِهِمْ آيَةٌ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ
ۖ كُلُوا مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَاشْكُرُوا لَهُ ۚ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ
غَفُورٌ
Somali
Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo
xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa
balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane.
|
Ayah 34:16 الأية
فَأَعْرَضُوا فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ الْعَرِمِ وَبَدَّلْنَاهُم
بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَيْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَيْءٍ مِّن
سِدْرٍ قَلِيلٍ
Somali
Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii
beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah.
|
Ayah 34:17 الأية
ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُم بِمَا كَفَرُوا ۖ وَهَلْ نُجَازِي إِلَّا الْكَفُورَ
Somali
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal
marinaa kuwa gaalnimada badan.
|
Ayah 34:18 الأية
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ الْقُرَى الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا قُرًى
ظَاهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا السَّيْرَ ۖ سِيرُوا فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا
آمِنِينَ
Somali
Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus)
magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda
dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah.
|
Ayah 34:19 الأية
فَقَالُوا رَبَّنَا بَاعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ
فَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَاهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ
لَآيَاتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
Somali
Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana
ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan
calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan.
|
Ayah 34:20 الأية
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُ فَاتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا
مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ
Somali
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen
wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee.
|
Ayah 34:21 الأية
وَمَا كَانَ لَهُ عَلَيْهِم مِّن سُلْطَانٍ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يُؤْمِنُ
بِالْآخِرَةِ مِمَّنْ هُوَ مِنْهَا فِي شَكٍّ ۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ
حَفِيظٌ
Somali
Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala
muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba
waa ilaaliye.
|
Ayah 34:22 الأية
قُلِ ادْعُوا الَّذِينَ زَعَمْتُم مِّن دُونِ اللَّهِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ
ذَرَّةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِن شِرْكٍ
وَمَا لَهُ مِنْهُم مِّن ظَهِيرٍ
Somali
Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma
hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna»
kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga.
|
Ayah 34:23 الأية
وَلَا تَنفَعُ الشَّفَاعَةُ عِندَهُ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُ ۚ حَتَّىٰ إِذَا
فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا الْحَقَّ ۖ
وَهُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ
Somali
Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo
argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa
shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn.
|
Ayah 34:24 الأية
قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ قُلِ اللَّهُ ۖ وَإِنَّا
أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Somali
Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe,
anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan.
|
Ayah 34:25 الأية
قُل لَّا تُسْأَلُونَ عَمَّا أَجْرَمْنَا وَلَا نُسْأَلُ عَمَّا تَعْمَلُونَ
Somali
Waxaad dhahdaa laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado
waxaad camalfaleysaan.
|
Ayah 34:26 الأية
قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَهُوَ
الْفَتَّاحُ الْعَلِيمُ
Somali
Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah.
waana caadil wax walba og.
|
Ayah 34:27 الأية
قُلْ أَرُونِيَ الَّذِينَ أَلْحَقْتُم بِهِ شُرَكَاءَ ۖ كَلَّا ۚ بَلْ هُوَ اللَّهُ
الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Somali
waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago)
saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan.
|
Ayah 34:28 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَٰكِنَّ
أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Somali
Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta,
una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga.
|
Ayah 34:29 الأية
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Somali
Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan.
|
Ayah 34:30 الأية
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوْمٍ لَّا تَسْتَأْخِرُونَ عَنْهُ سَاعَةً وَلَا
تَسْتَقْدِمُونَ
Somali
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana
hor dhacaynin.
|
Ayah 34:31 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَن نُّؤْمِنَ بِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَلَا بِالَّذِي
بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ وَلَوْ تَرَىٰ إِذِ الظَّالِمُونَ مَوْقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمْ
يَرْجِعُ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ الْقَوْلَ يَقُولُ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا
لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لَوْلَا أَنتُمْ لَكُنَّا مُؤْمِنِينَ
Somali
Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey
midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo
qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii
madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin.
(waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo).
|
Ayah 34:32 الأية
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا أَنَحْنُ صَدَدْنَاكُمْ
عَنِ الْهُدَىٰ بَعْدَ إِذْ جَاءَكُم ۖ بَلْ كُنتُم مُّجْرِمِينَ
Somali
Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii)
ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa
danbiilayaal ahaa.
|
Ayah 34:33 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا بَلْ مَكْرُ اللَّيْلِ
وَالنَّهَارِ إِذْ تَأْمُرُونَنَا أَن نَّكْفُرَ بِاللَّهِ وَنَجْعَلَ لَهُ
أَندَادًا ۚ وَأَسَرُّوا النَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا الْعَذَابَ وَجَعَلْنَا
الْأَغْلَالَ فِي أَعْنَاقِ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا
كَانُوا يَعْمَلُونَ
Somali
Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii)
saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad
nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno
markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah.
Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee.
|
Ayah 34:34 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا
بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ
Somali
Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay
anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay.
|
Ayah 34:35 الأية
وَقَالُوا نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
Somali
Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo.
|
Ayah 34:36 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ وَيَقْدِرُ وَلَٰكِنَّ
أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku
cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga.
|
Ayah 34:37 الأية
وَمَا أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُم بِالَّتِي تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰ
إِلَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ جَزَاءُ الضِّعْفِ بِمَا
عَمِلُوا وَهُمْ فِي الْغُرُفَاتِ آمِنُونَ
Somali
Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii
rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin
labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno.
|
Ayah 34:38 الأية
وَالَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ فِي الْعَذَابِ
مُحْضَرُونَ
Somali
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa
lagu kulmin cadaab.
|
Ayah 34:39 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ
لَهُ ۚ وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ
الرَّازِقِينَ
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka
mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin
bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa.
|
Ayah 34:40 الأية
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَائِكَةِ أَهَٰؤُلَاءِ
إِيَّاكُمْ كَانُوا يَعْبُدُونَ
Somali
Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan
malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen.
|
Ayah 34:41 الأية
قَالُوا سُبْحَانَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِم ۖ بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ
الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ
Somali
Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay,
waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen.
|
Ayah 34:42 الأية
فَالْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَّفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ
لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذُوقُوا عَذَابَ النَّارِ الَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Somali
Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna.
waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad
beeninayseen.
|
Ayah 34:43 الأية
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا
رَجُلٌ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمْ عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُكُمْ وَقَالُوا مَا
هَٰذَا إِلَّا إِفْكٌ مُّفْتَرًى ۚ وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلْحَقِّ لَمَّا
جَاءَهُمْ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Somali
Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni
inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan
(quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay
Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha.
|
Ayah 34:44 الأية
وَمَا آتَيْنَاهُم مِّن كُتُبٍ يَدْرُسُونَهَا ۖ وَمَا أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمْ
قَبْلَكَ مِن نَّذِيرٍ
Somali
Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa
horreeyay (Carabta).
|
Ayah 34:45 الأية
وَكَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا بَلَغُوا مِعْشَارَ مَا آتَيْنَاهُمْ
فَكَذَّبُوا رُسُلِي ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
Somali
Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga
beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen
Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay).
|
Ayah 34:46 الأية
قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ
ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ
لَّكُم بَيْنَ يَدَيْ عَذَابٍ شَدِيدٍ
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe
laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed
ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay,
|
Ayah 34:47 الأية
قُلْ مَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى
اللَّهِ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin
warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan.
|
Ayah 34:48 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَّامُ الْغُيُوبِ
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax
maqan oge badane.
|
Ayah 34:49 الأية
قُلْ جَاءَ الْحَقُّ وَمَا يُبْدِئُ الْبَاطِلُ وَمَا يُعِيدُ
Somali
Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay,
|
Ayah 34:50 الأية
قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَا أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِي ۖ وَإِنِ اهْتَدَيْتُ فَبِمَا
يُوحِي إِلَيَّ رَبِّي ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ قَرِيبٌ
Somali
Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa
wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe.
|
Ayah 34:51 الأية
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ فَزِعُوا فَلَا فَوْتَ وَأُخِذُوا مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
Somali
Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin
oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn).
|
Ayah 34:52 الأية
وَقَالُوا آمَنَّا بِهِ وَأَنَّىٰ لَهُمُ التَّنَاوُشُ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ
Somali
Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku
qaataan (rumayn).
|
Ayah 34:53 الأية
وَقَدْ كَفَرُوا بِهِ مِن قَبْلُ ۖ وَيَقْذِفُونَ بِالْغَيْبِ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ
Somali
Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn
meel fog.
|
Ayah 34:54 الأية
وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِم مِّن
قَبْلُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا فِي شَكٍّ مُّرِيبٍ
Somali
Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka
ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|