First Ayah 1 الأية الأوليبِسْم ِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
يس
Somali
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
|
Ayah 36:2 الأية
وَالْقُرْآنِ الْحَكِيمِ
Somali
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
|
Ayah 36:3 الأية
إِنَّكَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ
Somali
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).
|
Ayah 36:4 الأية
عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Somali
Jid toosanna waad ku sugan tahay.
|
Ayah 36:5 الأية
تَنزِيلَ الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ
Somali
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,
|
Ayah 36:6 الأية
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّا أُنذِرَ آبَاؤُهُمْ فَهُمْ غَافِلُونَ
Somali
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.
|
Ayah 36:7 الأية
لَقَدْ حَقَّ الْقَوْلُ عَلَىٰ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Somali
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
|
Ayah 36:8 الأية
إِنَّا جَعَلْنَا فِي أَعْنَاقِهِمْ أَغْلَالًا فَهِيَ إِلَى الْأَذْقَانِ فَهُم
مُّقْمَحُونَ
Somali
Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi
(dhibaato darteed).
|
Ayah 36:9 الأية
وَجَعَلْنَا مِن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا
فَأَغْشَيْنَاهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ
Somali
Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma
arkaan.
|
Ayah 36:10 الأية
وَسَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Somali
waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan.
|
Ayah 36:11 الأية
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ اتَّبَعَ الذِّكْرَ وَخَشِيَ الرَّحْمَٰنَ بِالْغَيْبِ ۖ
فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ
Somali
Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba
isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan.
|
Ayah 36:12 الأية
إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا وَآثَارَهُمْ ۚ
وَكُلَّ شَيْءٍ أَحْصَيْنَاهُ فِي إِمَامٍ مُّبِينٍ
Somali
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo
raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.
|
Ayah 36:13 الأية
وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَابَ الْقَرْيَةِ إِذْ جَاءَهَا الْمُرْسَلُونَ
Somali
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo
diray).
|
Ayah 36:14 الأية
إِذْ أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمُ اثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ
فَقَالُوا إِنَّا إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ
Somali
Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid
saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
|
Ayah 36:15 الأية
قَالُوا مَا أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَا أَنزَلَ الرَّحْمَٰنُ مِن
شَيْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ
Somali
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah
ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn
masheegaysaan.
|
Ayah 36:16 الأية
قَالُوا رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّا إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ
Somali
waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray.
|
Ayah 36:17 الأية
وَمَا عَلَيْنَا إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ
Somali
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
|
Ayah 36:18 الأية
قَالُوا إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا لَنَرْجُمَنَّكُمْ
وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Somali
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin
dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran.
|
Ayah 36:19 الأية
قَالُوا طَائِرُكُم مَّعَكُمْ ۚ أَئِن ذُكِّرْتُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ
مُّسْرِفُونَ
Somali
Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo
(Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay,
|
Ayah 36:20 الأية
وَجَاءَ مِنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَا قَوْمِ اتَّبِعُوا
الْمُرْسَلِينَ
Somali
Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi
qoomkayow raaca rasuullada.
|
Ayah 36:21 الأية
اتَّبِعُوا مَن لَّا يَسْأَلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ
Somali
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.
|
Ayah 36:22 الأية
وَمَا لِيَ لَا أَعْبُدُ الَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Somali
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin.
|
Ayah 36:23 الأية
أَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِ آلِهَةً إِن يُرِدْنِ الرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ
عَنِّي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا وَلَا يُنقِذُونِ
Somali
Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila
doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn.
|
Ayah 36:24 الأية
إِنِّي إِذًا لَّفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Somali
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).
|
Ayah 36:25 الأية
إِنِّي آمَنتُ بِرَبِّكُمْ فَاسْمَعُونِ
Somali
Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla.
|
Ayah 36:26 الأية
قِيلَ ادْخُلِ الْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَا لَيْتَ قَوْمِي يَعْلَمُونَ
Somali
Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu
ogaado.
|
Ayah 36:27 الأية
بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُكْرَمِينَ
Somali
Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.
|
Ayah 36:28 الأية
وَمَا أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِ مِن بَعْدِهِ مِن جُندٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَمَا
كُنَّا مُنزِلِينَ
Somali
Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku
soo dajinin.
|
Ayah 36:29 الأية
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَامِدُونَ
Somali
Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen
(halaagsameen).
|
Ayah 36:30 الأية
يَا حَسْرَةً عَلَى الْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا بِهِ
يَسْتَهْزِئُونَ
Somali
Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan
kuwo ku jees jeesa.
|
Ayah 36:31 الأية
أَلَمْ يَرَوْا كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ الْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ
لَا يَرْجِعُونَ
Somali
Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn.
|
Ayah 36:32 الأية
وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ
Somali
Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.
|
Ayah 36:33 الأية
وَآيَةٌ لَّهُمُ الْأَرْضُ الْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَاهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا
حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ
Somali
Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho
ay wax ka cunaan.
|
Ayah 36:34 الأية
وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ
الْعُيُونِ
Somali
Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay
dhexdeeda ilo (Biyo ah).
|
Ayah 36:35 الأية
لِيَأْكُلُوا مِن ثَمَرِهِ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Somali
Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin
Eebe.
|
Ayah 36:36 الأية
سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ
أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ
Somali
Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo
dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.
|
Ayah 36:37 الأية
وَآيَةٌ لَّهُمُ اللَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ النَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ
Somali
Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay
mugdi galaan Dadkii.
|
Ayah 36:38 الأية
وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ
الْعَلِيمِ
Somali
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada
ee waxwalba og.
|
Ayah 36:39 الأية
وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ
Somali
Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan
gabowday oo kale.
|
Ayah 36:40 الأية
لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ
النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ
Somali
Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu
maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan.
|
Ayah 36:41 الأية
وَآيَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ
Somali
Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday.
|
Ayah 36:42 الأية
وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِ مَا يَرْكَبُونَ
Somali
Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan.
|
Ayah 36:43 الأية
وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ
Somali
Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo.
|
Ayah 36:44 الأية
إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَاعًا إِلَىٰ حِينٍ
Somali
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee.
|
Ayah 36:45 الأية
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّقُوا مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ
لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Somali
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah
waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).
|
Ayah 36:46 الأية
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ آيَةٍ مِّنْ آيَاتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا عَنْهَا
مُعْرِضِينَ
Somali
Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan.
|
Ayah 36:47 الأية
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ قَالَ الَّذِينَ
كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَاءُ اللَّهُ أَطْعَمَهُ إِنْ
أَنتُمْ إِلَّا فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Somali
Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan
kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu
quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.
|
Ayah 36:48 الأية
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Somali
Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run
sheegaysaan.
|
Ayah 36:49 الأية
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ
Somali
Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.
|
Ayah 36:50 الأية
فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَا إِلَىٰ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ
Somali
Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.
|
Ayah 36:51 الأية
وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ الْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ
Somali
Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi.
|
Ayah 36:52 الأية
قَالُوا يَا وَيْلَنَا مَن بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا ۜ ۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ
الرَّحْمَٰنُ وَصَدَقَ الْمُرْسَلُونَ
Somali
Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay
(qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run
sheegeen.
|
Ayah 36:53 الأية
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا
مُحْضَرُونَ
Somali
Waxaan qayki kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo
kulmin.
|
Ayah 36:54 الأية
فَالْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ
تَعْمَلُونَ
Somali
Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo
waxaad camal falayseen mooyeen.
|
Ayah 36:55 الأية
إِنَّ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ الْيَوْمَ فِي شُغُلٍ فَاكِهُونَ
Somali
Asaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax.
|
Ayah 36:56 الأية
هُمْ وَأَزْوَاجُهُمْ فِي ظِلَالٍ عَلَى الْأَرَائِكِ مُتَّكِئُونَ
Somali
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro
(sare).
|
Ayah 36:57 الأية
لَهُمْ فِيهَا فَاكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
Somali
Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.
|
Ayah 36:58 الأية
سَلَامٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ
Somali
salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli.
|
Ayah 36:59 الأية
وَامْتَازُوا الْيَوْمَ أَيُّهَا الْمُجْرِمُونَ
Somali
Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).
|
Ayah 36:60 الأية
أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آدَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ ۖ
إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Somali
Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col
muuqda yuu idiin yahay.
|
Ayah 36:61 الأية
وَأَنِ اعْبُدُونِي ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Somali
Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.
|
Ayah 36:62 الأية
وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا ۖ أَفَلَمْ تَكُونُوا تَعْقِلُونَ
Somali
Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax
kasaynin.
|
Ayah 36:63 الأية
هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي كُنتُمْ تُوعَدُونَ
Somali
Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.
|
Ayah 36:64 الأية
اصْلَوْهَا الْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Somali
Ee gala Maanta gaalimadinii darteed.
|
Ayah 36:65 الأية
الْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰ أَفْوَاهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَا أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ
أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ
Somali
Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag
furi lugahooda waxay kasban jireen.
|
Ayah 36:66 الأية
وَلَوْ نَشَاءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰ أَعْيُنِهِمْ فَاسْتَبَقُوا الصِّرَاطَ
فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ
Somali
Haddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u
arki.
|
Ayah 36:67 الأية
وَلَوْ نَشَاءُ لَمَسَخْنَاهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا اسْتَطَاعُوا مُضِيًّا
وَلَا يَرْجِعُونَ
Somali
Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna.
|
Ayah 36:68 الأية
وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِي الْخَلْقِ ۖ أَفَلَا يَعْقِلُونَ
Somali
Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee
miyaydaan wax kasayn.
|
Ayah 36:69 الأية
وَمَا عَلَّمْنَاهُ الشِّعْرَ وَمَا يَنبَغِي لَهُ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ
وَقُرْآنٌ مُّبِينٌ
Somali
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo
Quraan cad.
|
Ayah 36:70 الأية
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ الْقَوْلُ عَلَى الْكَافِرِينَ
Somali
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada.
|
Ayah 36:71 الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَا أَنْعَامًا
فَهُمْ لَهَا مَالِكُونَ
Somali
Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan.
|
Ayah 36:72 الأية
وَذَلَّلْنَاهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ
Somali
OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan.
|
Ayah 36:73 الأية
وَلَهُمْ فِيهَا مَنَافِعُ وَمَشَارِبُ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Somali
Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe.
|
Ayah 36:74 الأية
وَاتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ
Somali
Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.
|
Ayah 36:75 الأية
لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ
Somali
Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan.
|
Ayah 36:76 الأية
فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ
Somali
Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay
muujinbee.
|
Ayah 36:77 الأية
أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ
مُّبِينٌ
Somali
Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood
badane cad.
|
Ayah 36:78 الأية
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِيَ خَلْقَهُ ۖ قَالَ مَن يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ
رَمِيمٌ
Somali
Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn
lafo baaliyoobay.
|
Ayah 36:79 الأية
قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ
عَلِيمٌ
Somali
Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa
ogyahay.
|
Ayah 36:80 الأية
الَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ الشَّجَرِ الْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَا أَنتُم مِّنْهُ
تُوقِدُونَ
Somali
Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad bursataan.
|
Ayah 36:81 الأية
أَوَلَيْسَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن
يَخْلُقَ مِثْلَهُم ۚ بَلَىٰ وَهُوَ الْخَلَّاقُ الْعَلِيمُ
Somali
Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa
karaa, waana abuur badane ogaansho badan.
|
Ayah 36:82 الأية
إِنَّمَا أَمْرُهُ إِذَا أَرَادَ شَيْئًا أَن يَقُولَ لَهُ كُن فَيَكُونُ
Somali
Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu
ahaado.
|
Ayah 36:83 الأية
فَسُبْحَانَ الَّذِي بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Somali
Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta,
xaggiisana laydiinsoo celin.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|